Sign in to follow this  
Xargaga

Somaliland electoral commision dispute comes to an end

Recommended Posts

Xargaga   

Madaxweyne Rayaale oo Shaqada ka Joojiyey Labadii Xubnood Komishanka ee Lagu Muransaa

 

Hargeysa (Jam)- Kulan albaabadu u xidhnaayeen oo ay shalay isku soo horfadhiisteen xubnaha Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo ergo dhexdhexaadineed oo iskood isugu xilqaamay xallinta khilaafyada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Aqalka Wakiillada iyo Madaxweyne Rayaale.

 

Kulankaas dhexdhexaadineed oo ahaa mid aad loo adkeeyey, isla markaana aan saxaafadda loo oggolayn, ayaa muddadii uu socday waxay labada dhinac isku weydaarsadeen dodo iyo wax-istusaalayn ku saabsan arrimaha xuddunta u ah murannada u dhexeeya Golaha Wakiillada iyo Madaxtooyada iyo sida ugu sahlan loo kala furdaamin karo arrimahaas.

 

Kulanka shalay oo qaatay muddo dhawr saacadood ah, ayaa siday Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah uu u dhuun-daloola kulanku tibaaxeen, in kadib aqbalaadda ergada dhexdhexaadinta iyo ayidaadda xubnaha Shirguddoonka, waxa labada dhinac iskula soo qaadeen arrimaha kala ah muranka miisaaniyadda dawladda ee 2007 iyo labada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka.

 

Ugu horreyn, waxa ergada oo tiradoodu ahayd 9 xubnood ay ku wargeliyeen Shirguddoonka Golaha Wakiillada waxyaabihii ay kala soo kulmeen kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Rayaale, kuwaas oo ay ka mid yihiin inuu Madaxweynuhu aqbalay dhexdhexaadintooda, isla markaana u ballanqaaday inuu ku kalsoon yahay ergadooda. Waxa kale oo wararku sheegeen in ay xubnaha ergadu ka codsadeen Shirguddoonka inay dib u dhigaan kulankii aan caadiga ahayn ee ee goluhu maanta yeelan lahaa, sidaana ay ku wargeliyeen ergadu Madaxweynaha.

 

Dhinaca kale, Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo ay kulanka uga qaybgaleen Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo ku-xigeenka 1aad Md. Cabdi Casiis Maxamed Samaale, ayaa iyaguna geestooda ka aqbalay hawsha ergada iyo go’aankooda, waxaynu wararku tibaaxeen in xubnaha Shirguddoonku ay hadalkooda si qotodheer si weyn ugu soo qaadeen dhammaan arrimihii ay ka tabanayeen Madaxweynaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin muddo-kordhintii Golaha Guurtida, go’aan-ka-gaadhista talada dalka iyo heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu gashay. Waxa kale oo ay dooddooda ku soo qaadeen laba go’aan oo Madaxweyne Rayaale is-daba-dhigay, kuna saabsan fadhiga degdegga ah ee Golaha Wakiillada iyo hawlgelinta shanta xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee aan la dhaarin iyo labada xubnood ee ansixintooda Wakiilladu horjoogsadeen.

 

Gebagebadii kulankaa ayaa la sheegay in Shirguddoonka Golaha Wakiilladu soo jeediyeen in marka hore Madaxweynuhu shaqada ka joojiyo xubnaha Komishanka ee aan la ansixin, shanta xubnood ee la ansixiyeyna loo gudbiyo maxkamadda si loo dhaariyo. Waxaanay wararku xaqiijiyeen inay xubnaha ergadu ay dalabka Shirguddoonka u arkeen mid macquul ah, una gudbiyeen Madaxweynaha, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale dhinaciisa ka oggolaaday, sidaa darteedna uu shaqadii ka joojiyey labada xubnood ee aan la ansixin. Haseyeeshee, ma cadda in Madaxweynuhu shanta xubnood ee kale u diray maxkadda si loo dhaariyo.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Guddida Dhexdhexaadinta oo Caawa ku dhawaaqay Go'aamo ay ka gaadheen khilaafaadka taagan

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 20 August, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Ergadii dhexdhexaadinta khilaafaadka Golayaasha iyo kuwa siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa caawa goor dhoweyd ku dhawaaqday go'aamo ay ka gaadheen arrimihii khilaafku ka taagnaa.

 

Guddidu waxay soo saareen go'aamo saddex qodob ah iyo soo jeedimo ay caawa kaga dhawaaqeen kulan lagu qabtay Madaxtooyada.

 

Go'aamadaasi, waxay kala yihiin:

 

In Golaha Wakiillada mar labaad la horgeeyo labadii xubnood ee Guurtidu Komishanka u soo magacawday oo loo codeeyo.

In Miisaaniyadda loogu dhaqmo sidii Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen.

iyo In saddexdii siyaasi ee la xidhay la sii daayo, xorriyadoodii siyaasadeedna la siiyo, arrinka ay ku doodayaanna lala eego, iyagoo debedda jooga. Waxaa iyagana laga rabaa in aanay gelin abaabul nabadgelyada wax yeela.

 

 

 

 

Guddidu waxa kale oo ay soo jeediyeen arrimahan:

 

Waa in xukuumaddu horgeeyo Golaha Wakiillada heshiisyada ay waddamada iyo sharkadaha caalamiga ah la gasho.

Xukuumaddu waa inay xisaab-xidhka wakhtigiisa u soo gudbiso Golaha Wakiillada.

Xukuumaddu waa inay Golaha Wakiillada u soo gudbiso barnaamujkeeda siyaasadeed wakhtiga ku haboon.

Madaxweynuhu waa in uu Golaha ka akhriyo qudbadda Distooriga ah ee sannadka.

Qofkii la xidhayo waa in loo maro sifo sharci ah.

Guud ahaanba waa in cid walba lagu ixtiraamo awoodda Dastuurku siiyey.

 

 

 

 

Magacyada xubnaha Guddida:

 

 

 

 

 

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre

Sheekh Yuusuf Aadan Maxamed

Maxamed Siciid Gees

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed

Dr. Aadan Yuusuf Abokor

Siciid Axmed Maxamuud

 

 

 

 

Go'aanadan waxa uu guddidu soo saaray kadib markii ay dhegeysteen dood fool-ka-fool ah oo maanta ay arrimahaas ka yeesheen Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, Shirguddoonada labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Madaxweyne Riyaale, kulankaas oo ka dambeeyey kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen dhinacyada oo dhan.

 

 

Sidee loo aqbalay Go'aamadaas:

 

 

Guddida dhexdhexaadinta oo hawshooda bilowday horraantii bishan, waxay dhinacyada oo dhami siiyeen kalsooni buuxda inay aqbalayaan wixii ay soo saaraan.

 

Isla markaana, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo xafladdii caawa lagaga dhawaaqay go'aamada ka hadlay ayaa sheegay in dhinacyada oo dhami ay aqbaleen go'aanka, laguna guuleystey dhexdhexaadintii. Waxana uu sheegay in go'aamadaas intii aan la shaacin ka hor caawa la soo dhexdhigay dhinacyada oo dhan, si buuxdana ay isula qaateen.

 

"Dhinacyadii kale ee aanu dhexdhexaadinayney inay si raganimo leh, isku kalsooni ku jirto, daacadnimo ku jirto inay go'aamadii nooga aqbaleen, " ayuu yidhi Hadraawi.

 

"In la is wada salaamay oo si kal iyo laab ah oo loo wada aqbalay, turxaan badan oo jirtey ay baxday laga bilaabo caawa oo is afgarad, wada shaqayn iyo wada ilaalin danta guud ee dalka iyo dadka in sidaa lagu heshiiyey uun baan doonaynaa inaan caawa idiin sheegno, " ayuu raaciyey Hadraawi.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Gudidii Dhex Dhexaadinta Khilaafaadka Golayaasha Qaranka Somaliland Oo Caawa Daboolka Ka Qaaday inay Soo Af-jareen Muranka Dhinacyadii Is-hayey

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

()

hadhwanaag 2007-08-20 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Gudidii Dhex-dhexaadinta khilaafaadka Golayaasha Qaranka Somaliland,oo ka koobnaa gaar ahaan dhinacyadii is hayay [Xukuumada,iyo Golaha Wakiilada] ayaa caawa si rasmi ah daboolka ugu qaaday in ay ku guulaysteen soo afjarida Khilaafadkii mudooyinkii u danbeeyay ka dhex aloosnaa Golayaasha Qaranka Somaliland. Isla markaana waxa ay Gudigu go’aamiyeen in ay Xukuumadu miisaaniyada ugu dhaqanto sidii Golaha Wakiiladu ku ansixiyay, taa badalkeedana Golaha Wakiilada laga rabo in ay marlabaad cod u qaadan labadii xubnood ee guurtidu, komishanka u soo magacawday.

 

Sidaa waxa ay Gudidu kaga dhawaaqeen shir jaraa’id oo ay Caawa ku qabteen Qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo ay goob-joog ka ahaayeen Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ee Kulmiye iyo Ucid, Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo],Eng: Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtida Sh. Axmed Nuux Furre.

 

Gudidu waxa kale oo ay kulankaa Caawa kaga dhawaaqeen Go’aamo iyo soo jeedin, oo uu halkaas ka akhriyay Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre. Gudoomiyaha Gudidaa isu xilsaartay Dhex-dhexaadinta khilaafaadka Golayaasha Qaranka Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo Ka hor intii aan la shaacin go’aamadii ay gudidu gaadhay ayaa sheegay in ay soo afjareen khilaafaadkii u dhaxeeyay dhinacyada is haya “Waanu og-nahay in ay dhagtu taagan tahay, waxaana la idiin akhriyayaa go’aamadii caawa la saxeexay ee la isla aqbalay, laakiin sida ay yihiin ayaanu idinka baryaynaa (Saxaafada) in aad dadka ugaadhsiisaan” ayuu yidhi abwaan Hadraawi.

 

“Dhex-dhexaadintii waanu ku guulaysanay, si qurux badan in ay dhinacyadii aanu dhex-dhexaadinaynay si ragganimo leh, isku kalsooni ku jirto, daacadnimo ku jirto, go’aamadii nooga aqbaleen, oo ay iswada salaameen, si kal iyo laab ahna ay nooga aqbaleen ayaanu idiin sheegaynaa” ayuu yidhi Maxamed Warsame

 

Gudidii Dhex-dhexaadinta khilaafaadka Golayasha Qaranka Somaliland [Xukuumada, Wakiilada Guurtida] ee Caawa qodobada Soo Saartay oo ka koobnayd sagaal xubnood, isla markaana isugu jirtay Abwaano, Culima’udiin iyo Aqoon yahano. muddo kow iyo toban Cisho ahna ku hawlanaa sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyaydii ishayey, waxay u dhignaayeen sidan:-

 

“Kadib markii aanu la kulanay Madaxweynaha Somaliland iyo Ku-xigeenkiisa, Shir-gudoonka Golaha Guurtida, Shir-gudoonka Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee UCID.

 

Kadib markii aanu dhageysanay aragtida dhinac kasta ee ku aadaan arrimaha la isku khilaafay iyo xalkooda.

 

Markii aanu si wada-jir ah meel isugu keenay ee aanu aragtidooda markale dhageysanay.

 

Markii aanu aad u eegnay aslaaxa iyo sida ay wax ku hagaagayaan

 

Markii aanu darisnay marxalada uu dalku marayo iyo duruufaha ku gedaaman.

 

Markii aanu eegnay Maslaxada Guud ee dalka iyo Dadka:

 

Waxaanu soo saarnay Go’aamadan hoos ku xusan.

 

1. In Golaha Wakiillada marlabaad la horgeeyo labadii Xubnood ee Guurtidu, komiishanka u soo magacowday oo loo Codeeyo.

2. In Miisaaniada loogu dhaqmo sidii Golaha Wakiiladu ku ansixiyeen

3. in saddexdii siyaasi ee la xidhay la sii daayo, xorriyadoodii siyaasadeedna la siiyo, arrinka ay ku doodayaana lala eego, iyagoo debeda jooga. Waxaa iyagana lagga rabaa inanay gelin abaabul nabadgelyada wax yeela.

 

Soo jeedin.

 

• Waa in xukuumadu horgeyso Golaha Wakiilada heshiisyada ay wadamada iyo shirkadaha caalamiga ah la gasho.

• Xukuumadu waa inay xisaab-xidhka wakhtigiisa u soo gudbiso Golaha Wakiilada

• Xukuumadu waa in Golaha Wakiilada u soo gudbisaa barnaamijkeeda siyaasadeed wakhtiga ku haboon

• Madaxweynaha waa in uu Golaha ka akhriyo qudbada distooriga ah ee sannadka

• Qofkii la xidhayo waa in loo maro sifo sharci ah.

• Guud ahaanba waa in cid walba lagu ixtiraamo awooda distoorku siiyay”

 

1. Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

2. Sheekh Maxamed Cumar Dirir

3. Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)

4. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg)

5. Sheekh Yuusuf Aadan Maxamed

6. Maxamed Siciid Gees

7. Prof. Saleebaan Axmed Guuleed

8. Dr. Aadan Yuusuf Aboker

9. Siciid Axmed Maxamuud

 

 

Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]

Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa

E-mail, janaale94@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudigii Dhex-dhexaadinta Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Soo Afjareen Khilaafaadkii Golayaasha Qaranka Go’aamana Soo Saaray

 

 

Hargeysa(Qaran)- Guddidii dhexdhexaadinta Khilaafaadka Golayaasha Qaranka ee madaxa banaan ayaa caawa soo saaray Go’aamo ay ku sheegeen in ay ku soo afjareen khilaafaadkii Golayaasha Somaliland gaar ahaan Xukuumada Iyo Golaha Wakiilada,oo si weyn isugu maandhaafsanaa Labadii Xubnood ee Komishinka Doorashooyinka ee Wakiiladu diideen Ansixintooda iyo Miisaaniyad Sanadeedkii2007.

 

Gudidan dhexdhexaadinta oo ka koobnaa Abwaano,Culimo,iyo Aqoonyahano ayaa Shir Jaraa’id oo ay caawa ku qabteen Qariga madaxtooyada kaga dhawaaqay qodobo iyo Go’aamo ay ka soo saareen Khilaafkii mugdiga geliyay wada shaqeynta golyaasha Qaranka

 

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame[Hadraawi] oo shirkaas Saxaafadeed hadal kooban ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in dhinacyadii khilaafku u dhaxeeyay ee Golayaasha Qaranka [Xukuumada Iyo Wakiiladu] ay si geesinimo leh uga aqbalaan ergadii gudidaas iskood iskugu xilqaamay xal u helida khilaafka.

 

Gudiga dhex-dhexaadintu waxa ay go’aamiyeen in Miisaaniyad sanadeedkia 2007 ee xukuumada dhexe iyo dekada berbera loogu camal-falo sidii Aqalka Wakiiladu ku ansixiyeen,iyadoo labada xubnood ee Komishinka doorashooyinka Qaranka ee Golaha Wakiiladu diideena mar labaad la horgeyn doono Golahaas.

 

Qodobada kale ee Guddigaasi soo saareen waxa ka mid ahaa in xukuumadu sii dayso masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka sharciyadiisa muranku ka taagan yahay ee Qaran isla markaana loo ogolaado xoriyadooda siyaasadeed oo wixii ay ku doodayaan la eego iyagoo dibada jooga,iyaguna aanay samayn wax Olale Siyaasadeed ah.

 

Waxa kale oo go’aamadaas ka mid ahaa in Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin uu Golaha u jeediyo khudbadaha sanadlaha ah ee dastuuriga ah iyo in Xukuumadu ay horgeyso Golaha Wakiilada Heshiisyada caalamiga ah ee ay la gasho shirkadaha Iyo Wadamada Caalamka iyo Xisaab-xidhada Miisaaniyadaha.

 

Gudidaasi waxa ay soo jeediyeen in cid walba masuuliyadeeda iyo Xilka ay ummada u hayso lagu ixtiraamo.

 

Dhinaca kale waxa shirkaasi Jaraa’id goob joog ka ahaa Shigudoonada Golayaasha Baarlamaanka [Wakiilada Iyo Guurtida],Iyo Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE Iyo UCID.

 

Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddida Dhexdhexaadinta oo Caawa ku dhawaaqay Go'aamo ay ka gaadheen khilaafaadka taagan

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 20 August, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Ergadii dhexdhexaadinta khilaafaadka Golayaasha iyo kuwa siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa caawa goor dhoweyd ku dhawaaqday go'aamo ay ka gaadheen arrimihii khilaafku ka taagnaa.

 

Guddidu waxay soo saareen go'aamo saddex qodob ah iyo soo jeedimo ay caawa kaga dhawaaqeen kulan lagu qabtay Madaxtooyada.

 

Go'aamadaasi, waxay kala yihiin:

 

In Golaha Wakiillada mar labaad la horgeeyo labadii xubnood ee Guurtidu Komishanka u soo magacawday oo loo codeeyo.

In Miisaaniyadda loogu dhaqmo sidii Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen.

iyo In saddexdii siyaasi ee la xidhay la sii daayo, xorriyadoodii siyaasadeedna la siiyo, arrinka ay ku doodayaanna lala eego, iyagoo debedda jooga. Waxaa iyagana laga rabaa in aanay gelin abaabul nabadgelyada wax yeela.

 

 

 

 

Guddidu waxa kale oo ay soo jeediyeen arrimahan:

 

Waa in xukuumaddu horgeeyo Golaha Wakiillada heshiisyada ay waddamada iyo sharkadaha caalamiga ah la gasho.

Xukuumaddu waa inay xisaab-xidhka wakhtigiisa u soo gudbiso Golaha Wakiillada.

Xukuumaddu waa inay Golaha Wakiillada u soo gudbiso barnaamujkeeda siyaasadeed wakhtiga ku haboon.

Madaxweynuhu waa in uu Golaha ka akhriyo qudbadda Distooriga ah ee sannadka.

Qofkii la xidhayo waa in loo maro sifo sharci ah.

Guud ahaanba waa in cid walba lagu ixtiraamo awoodda Dastuurku siiyey.

 

 

 

 

Magacyada xubnaha Guddida:

 

 

 

 

 

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre

Sheekh Yuusuf Aadan Maxamed

Maxamed Siciid Gees

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed

Dr. Aadan Yuusuf Abokor

Siciid Axmed Maxamuud

 

 

 

 

Go'aanadan waxa uu guddidu soo saaray kadib markii ay dhegeysteen dood fool-ka-fool ah oo maanta ay arrimahaas ka yeesheen Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah, Shirguddoonada labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Madaxweyne Riyaale, kulankaas oo ka dambeeyey kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen dhinacyada oo dhan.

 

 

Sidee loo aqbalay Go'aamadaas:

 

 

Guddida dhexdhexaadinta oo hawshooda bilowday horraantii bishan, waxay dhinacyada oo dhami siiyeen kalsooni buuxda inay aqbalayaan wixii ay soo saaraan.

 

Isla markaana, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo xafladdii caawa lagaga dhawaaqay go'aamada ka hadlay ayaa sheegay in dhinacyada oo dhami ay aqbaleen go'aanka, laguna guuleystey dhexdhexaadintii. Waxana uu sheegay in go'aamadaas intii aan la shaacin ka hor caawa la soo dhexdhigay dhinacyada oo dhan, si buuxdana ay isula qaateen.

 

"Dhinacyadii kale ee aanu dhexdhexaadinayney inay si raganimo leh, isku kalsooni ku jirto, daacadnimo ku jirto inay go'aamadii nooga aqbaleen, " ayuu yidhi Hadraawi.

 

"In la is wada salaamay oo si kal iyo laab ah oo loo wada aqbalay, turxaan badan oo jirtey ay baxday laga bilaabo caawa oo is afgarad, wada shaqayn iyo wada ilaalin danta guud ee dalka iyo dadka in sidaa lagu heshiiyey uun baan doonaynaa inaan caawa idiin sheegno, " ayuu raaciyey Hadraawi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Suprised to see Hadraawi in their i must say but i guess a man with his integrity and honour is always in a situation like this.

 

In general i am very pleased to see that this dispute is going the right way to being resolved.

 

Hope this gets resolved soon and the elections proceed smoothly and peacefully whatever the result.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I call this house of cards . It is soon going to fall apart. The Somalis people are tired of lies and nonsense political and tribal quagmire. This state’s official name is going to be DAAMI FEDERAL STATE OF SOMALIA and His Excellence President Yusuf must appoint a transitional governor for it as per federal charter which came as the result of international encouragement and financial help. icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this