Castro

Happy Birthday Somalia!

Recommended Posts

Jumatatu   

Munaasabada 1 July oo London laga xusay iyadoo ay kasoo qayb galeen Mudanayaal..

Waxaa xaley Magaaladda London ee dalka Britain laga xusey munaasabadda 1da July ee ah markii ay xoriyadda heleen goboladda Koonfureed isla mar ahaantaana ay midoobeen goboladii woqooyiga iyo koonfurta, oo ay kala gumaysanayeen Talyaaniga iyo Ingiriiska.Waxaana haatan laga joogaa Munaasabadan guud ahaan laga xusayo Sooomaaliya iyo meelo badan oo caalamka kamid ah sanad guuradii 45aad.

Munaasabaddan oo ka dhacde Hool weyn oo ku yaala xaafadda Camden ee London, ayaa waxaa si weyn uga qeyb galey xalay dadweyne badan oo Soomaaliyeed, oo ku nool magaaladdan London iyo goboladda dalkan, iyo fanaaniin qaadayey heesaha wadaniga ah oo ay munaasabadaasi ugu tala galeen.

Waxaa kaloo munaasabadan xaley ka soo qeybgaley oo ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan labadda golle ee dawladda federaalka Soomaaliya, oo ay kamid ahaayeen wasiir ku xigeenka caafimaadka Prof. Cusmaan Dufle, iyo xildhibaanadda kala ah Jaamac Cali Jaamac iyo Cabdi Cabdulle Jinni Boqor, waxaa isna joogay Cismaan Jaamac Kaluun iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo guddaha iyo dibadda ka yimid.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Somali Concern Group waxaa ay mas’uuliyiintaasi si koo kooban uga hadleen xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya.

Jaamac Cali Jaamac waxaa uu sheegay in wadanku uu marayo xaalad addag la iskuna hayo dastuurka oo mas’uuliyiinta qaarkood ay ku xad gudbayaan, waxaa kaloo isna ka hadley Jinni Boqor oo isna sheegey in dhibaatadu ay ka taagan tahay dastuurka oo aan la ilaalineyn.

 

Kulankaasi kadib ayaa waxaa HornAfrik u waramey xoghayaha Guud ee Ururka Cabdulaahi Cabdi Maxamed Taleefan, oo u sheegay in munaasabadaasi ay si wayn u soo qaban qaabiyeen , waxaana dadkii hadley kamid ahaa Guddoomiyaha Ururkaasi C/Raxmaan Cumar Cusmaan " Eng. Yariisoow", oo sheegay in ururkoodu uu u taagan yahay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen in wax laga qabto dhibaatadda ka taagan Soomaaliya, isla mar ahaantaan waxaa uu xusay muhiimadda ay leedahay.

Munaasabaddan waxaa kaloo xaley laga xusay qaar kamid ah wadamada Iskanadanevianka ee qaaradda Yurub oo Soomaalidu ay ku noolyihiin, oo guud ahaan si wayn looga qeyb qaatey si lamid ah munaasabadaha ka dhacey Soomaaliya. Mudane Xirsi X. Jaamac ayaa isna goobta ka hadlay isagoo yiri in Soomaalida halkii ay iska taakuleyn lahaayeen oo kooda tabardaran loo arxan lahaa waxaa la marayaa marxalad aan keena tabarta daran ku dilno kana dhaqaaqno. Munaasabaddan ayaa calankii lagu saaray iyadoo madadaalo, heeso, cajaladdo la daawado iyo gabayo lagu soo bandhigay

Dhinaca kale waxaa halkaas ku suganaa Shabakadaha kala ha Dayniile ,Onkod, Hon Africa iyo kuwa kaloo fara badan

 

jini.jpg

 

swa.jpg

 

naag.jpg

 

sawir.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Warbixin ku saabsan qaabkii looga xusay gobolada dalka munaasabada 1-da Luuliyo xalay

 

Luuliyo7.gif

 

Munaasabado lagu maamuusayey maalintii ay xoroobeen gobolada Koonfureed ee Soomaaliya & Is-raacii gobolada Waqooyi iyo Koofur oo ku beegneyd 1-dii Luuliyo 1960-kii oo ay ka soo wareegatay 45 sano ayaa lagu qabtay gobolada dalka Soomaaliya, waxaana xalay magaalooyinka Soomaaliya ka dhacay munaasabado loogu damaashaadayey munaasabadaasi.

waxaana goobihii lagu kala qabtay ka mid ahaa Ex. Xaruntii XHKS oo xalay 6 saac lagu saaray calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana munaasabadaasi goob joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka & xubno isugu jira labada gole ee dowladda & dadweyne aad u fara badan, waxaana xubnihii dowladda ee halkaasi ku sugnaa ay salaan sharaf ka qaateen ciidamada milateriga oo uu hor-kacayey Jen. Max’ed Nuur Galaal.

 

Luuliyo8.gif

 

Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo xalay ka hadlayey xaflad ka dhacday hoyga Nabadda ee degmada H/wadaag ayaa sheegay in xornimadii ay heshay ummadda Soomaaliyeed 1960-kii ay kuwa badan u geeriyoodeen, taasoo ku timid is-xilqaan & wadaninimo ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed.

Kalsooni darro ayaa maanta na haysatee ILLAAHEY aan u towbad keeno†ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka oo kulan casho ahaa oo ka dhacay guriga Nabadda, wuxuuna intaasi ku daray in la isku haysto Muqdisho laguma shaqeyn karo & waa lagu shaqeyn karaa, wuxuuna xusay in caalamka uu ka codsaday in la nabadeeyo Muqdisho si dowladdu ay dhammaan ugu soo wada guurto, wuxuuna ka codsaday shacabka ku dhaqan Muqdisho in howlaha horyaala ay si geesinimo leh u dhammeystiraan

Shariif Xasan wuxuu sheegay in ay muqadas tahay in la qaado isbaarooyinka teedsan Muqdisho & hareeraheeda inta dhiman haddii taasi hirgashana ay Muqdisho noqon doonto magaalo Soomaaliyeed oo dadkii ka maqnaa ay ku soo laabtaan.

 

 

Luuliyo9.gif

 

Luuluyo.gif

 

Luuluyo3.gif

 

Luuluyo2.gif

 

Luuluyo6.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Xaflad lagu maamuusaayay sanadguuradii 45 aad ee ka soo wareegatay munaasabadda 1-da July ayaa caawa lagu qabtay magaalada Kuwalamapur

 

luulyoo1.gif

 

 

Cismaan Cabdi Xasan “Black†HornAfrik.

Kuala Lampur, Malaysia.

 

Xaflad lagu maamuusaayay sanadguuradii 45 aad ee ka soo wareegatay munaasabadda 1July oo mideysa madaxbanaanida gobalada koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii waqooyiga iyo koonfur ayaa caawa lagu qabtay magaalada Kuwalamapur.

 

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda wax ku barata dalka Malaysia ayaa bilaabatay caawa lixdii fiidnimo xilliga magaalada Kuwalampur iyadoo ay soo gabagabowday caawa saacadu markii ay aheyd 12kii saq dhexe.

 

Xafladan ayey ka soo qeybgaleen ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barata dalka Malaysia, ajaanib lagu martiqaaday xafladda iyo marti sharaf kale.

 

Munaasadda oo lagu qabtay mid ka mid ah theater-da jaamacadda IIUM( International Islamic University Malaysia) ayey ardayda Soomalaiyeed ku soo bandhigeen banraamij masraxeed ay kaga hadlayeen dhibaatada uu gumeystaha u geystay dalka Soomalaiya

 

Ugu dambeyntii xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen marti sharaf badan oo ay ka mid ahaayeen Dr. Maxamed Cabaas, Dr. Xasan Sheekh Nuur Imaam iyo Eng. Shariif Yuusuf Geedi ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay Mr. Faarax C/qaadir oo ka mid ah mas'uuliyiinta heyadda waxbarashada FPENS iyo maamulka machadka SIMAD isagoo ardaydii isugu timid munaasbadaas kula dardaarmay inay dhibka halganka loo soo maray aysan iloowin

Share this post


Link to post
Share on other sites

What happy birthday?? I find people that were celebrating first of July pathetic. I wonder what they were celebrating ...15 years of being a refugee!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

What happy birthday?? I find people that were celebrating first of July pathetic. I wonder what they were celebrating ...15 years of being a refugee!!!

Being a refugee is nothing to be ashamed of. Almost all countries (and their citizens) celebrate a day when their country is liberated from a colonizer, defeated an invader or declared independence. In Somalia's case, July 1 is such a date. Canada's July 1st and the US July 4th celebrations do not make Canadians or Americans pathetic. Unless you believe being pathetic is exclusive to Somalis who celebrate their independence day on July 1?

 

I'm just trying to figure out what you're trying to convey since what you said didn't make much sense.

 

Ofleh

Share this post


Link to post
Share on other sites

All I'm saying is that I don't see much point in celebrating independence when we are actually prisoners to warlords. So, in my opinion to actually celebrate our independence we have to free ourselves.

 

Plus the same damn warlords that are hold a nation prisoners have the audacity to talk about first July, sickness.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

All I'm saying is that I don't see much point in celebrating independence when we are actually prisoners to warlords. So, in my opinion to actually celebrate our independence we have to free ourselves.

I agree with you on the war-thugs point. In fact, I recently spewed my hatred to warlords here: http://www.somaliaonline.com/cgi-bin/ubb/ultimatebb.cgi?ubb=get_topic;f=9;t=004101;p=2

 

To add the word "lord" to "war" is disgusting to me. In the case of Somalia it has proven to be deadly. However, celebrating what was once a great moment is ok. Regardless of what occured since. Time will pass. These war-thugs will get killed or die of old age. Somalia and Somalis will endure. And so will July 1, 1960.

 

Ofleh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.