Sign in to follow this  
Sky

governor of mudug, mayor of gaalkacyo n security chiefs in mudug should be sacked!!!!

Recommended Posts

Sky   

these screwups failed in their jobs. they are responsible for the ugly incident that happened in gaalkacyo. where the war between two subclans that live in baraxley, south gaalkacyo escalated to the centre of the city wich is under PL authority. not only these guys but also gaagaab should be kicked out for finding the balls to say that: " gaalkacyo waa nabad!". gaalkacyo is the dump of puntland, it scores low in every department compared to other PL cities. governor of mudug=warsame yare cant guarantee security but prohibits ppl to take matters in their own hands. mayor of gaalkacyo=jaamac yabaq thinks he can turn gaalkacyo into paris. the only thing he does is complain that all the taxes go to garoowe n boasting about how he cleaned the cit from plastic bags.

 

 

dont get me wrong, i didnt forget about reer baraxley. they are the evildoers in this case. even the freaking president and prime minister came to mediate and cadde muuse has sent peace delegations and financed the peace talks between these folks. they are number 1 responsible for the ugly incident that happened in gaalkacyo.

 

 

magaalada_gaalkacyo_dusha1.JPG

dont let this peaceful part of gaalkacyo become a mini-muqdisho.

 

 

Galkacyo waa Baylah e, ha is Casilaan Madaxdeeda, Maamulkeeda & Taliska Ciidamadeedu

- Tuesday, April 12, 2005 at 14:33

 

Galkacyo - Waxaa maanta barqadii ay ku salaleen dadka deggan magaalada Galkacyo habaas uffo cirka isku shareertay, diryaan ka dhashay tacshiirad ay isku baacsanayeen kooxo dablay ah oo hubaysan mid ka mid suuqyada magaalada oo keenay dhiig ku qubta bartamaha magaalada, taas oo aan u kala aaba yeelin carruur iyo cirroole, iyo sawaxanka rasaas aanay u fadhiyin dadka ku nool Galkacyo.

 

 

 

Dagaalka ayaa ahaa mid beeleed oo ay isaga hor yimaadeen laba beelood oo ka tirsan beesha ********* ee bilihii la soo dhaafay dagaalo ku dhexmareen deegaano ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud.

 

 

 

Waxaa halkaas ku naf waayey, inkasta oo aan weli la xaqiijin, dhawr iyo toban qof, halka soddomeeyo kale dhaawacyo soo gaareen oo ay ku jireen dhallaan yar yar iyo dumar aan waxba galabsan. Waxaa khasaare lixaad lihi soo gaaray hantida maguurtada ah oo isugu dhafan mid guud iyo mid gaar ah.

 

 

 

Waxaa isna halkaas ku naf waayey mid ka mid ah booliska saldhiga dhexe ee magaalada, halka saddex kalena ay dhaawacyo soo gaareen. Booliska ayaa gurmad ahaan ku tegay halka dagaalku ka dhacay si ay u kala dhexgalaan dablayda, ayna u qaboojiyaan dagaalka, nasiib darose la kulmay dablay aan aqoonba waxa dawrka boolisku yahay.

 

 

 

Waxaa iyana xusid mudan in badi dadka dhibaatooyinku ay soo gaareen maanta ay ahaayeen dad rayad ah oo aan haba yaraatee wax lug ah ku lahayn dagaalka.

 

 

 

Taasi ma tahay wax loo dul qaadan karo?

 

 

 

Galkacyo oo ah magaalo ganacsi oo lagu qiyaaso in ay ku nool yihiin in ka badan laba-boqol iyo konton kun (250, 000) oo qof, ahna kaabe isku xira ganacsiga isaga goosha gobollada Somaliya ayaa ah magaalo ay ku nool yihiin dadyow fara badan oo ka kala yimid dhammaan gobollada Somaliya. Sidoo kale Galkacyo waxaa lagu tiriyaa mid ka mid magaalooyinka Puntland ee xaga nidaamka iyo maamulka aadka u liita marka la barbardhigo Garowe iyo Bosaaso, taasina ay keento in aalaaba ay ka dhacaan dhacdooyin khalkhal gelin kara aminga sida dhul laysku qabsado, iyo hubka fudud sida bistooladaha oo magaalada lala dhexmaro.

 

 

 

Iyada oo dadka ku nool Galkacyo ay taas ka dharagsan yihiin ayaa waxaa amakaag iyo anfariir ku noqotay sida ay dhacdadii maanta u iftiimisay karti darada, farsamo xumida iyo awood darida maamulka gobolka iyo madaxda degmada. Marka masiibo dhacdo waxaa lama huraan ah in madaxda Ummaddu ay qaabilaan bulshada, la hadlaan dadka, ugana xog waramaan khasaaraha dhacay inta uu le'eg yahay, isla markaana rajo gelin iyo dhiirigelin la wadaaga bulshada rayadka ah. Taasi haba joogtee, waxaan maanta indhaha laga qaadin madaxdii degmada, gobolka iyo taliyayaasha ciidamada. Saxaafadda maxaliga ah oo isku dayday in la xiriirto madaxda iyo taliyayaasha ciidanka ayaanay u suurto gelin - jaan iyo ciribba meel ay dhigeen, bal adba.

 

 

 

Falka maanta ka dhacay Galkacyo waxaa uu ka turjumaysaa sida ay magaaladu uga aradan tahay maamul iyo madax dhan kasta ah.

 

 

 

Waxaa mudan in la is weydiiyo: Sidee ku dhacday in dharaar cad weerar hubaysan loogu soo qaado goobaha ganacsiga ee magaalada? Sidee ku dhacday in dablay kubaysani ay tacshiirad isku weydaarsadaan bartamaha magaalada, galaaftaanna dhallaan iyo dumar? Mee booliskii magaaladu? Meeye madaxdii degmada iyo gobolku? Kaba darane, meeye Ciidankii Daraawiishtu? Yaa ka mas'uul ah illaalinta iyo sugidda aminga magaalada iyo gobolka? Ma laysku halayn karaa Booliska, Daraawiishta, iyo Madaxda degmada iyo gobolka?

 

 

 

Ganacsadaha deggan Galkacyo ma ku kalsoonaan karaa hay'adaha amniga iyo madaxda gobolka? Hooyada suuqa wax ku gadata ee u kalahda in ay kasbato nolol maalmeedkeedu kalsooni intee le'eg ayay ku qabi kartaa hay'adaha amniga iyo madaxda gobolka? Aabaha u jarmaada in uu mustaqal iyo nolol ka samaysto Galkacyo ma isku halayn karaa hay'adaha amniga iyo madaxda gobolka? Ardayda u kalaha iskuulada iyo madarasaadka Galkacyo ma sawiran karaa mustaqbal nololeed oo juhdi iyo dadaal loo galo? Xaq ma loogu leeyahay dadka ku nool Galkacyo in laga qaado canshuur noocay doobtaba ha ahaatee? Adeegyo bulsho oo ay helaan haba joogtee, yaa ay tahay in ay sugaan amniga dadka rayadka ah ee ku nool Galkacyo?

 

 

 

Haddii aynu dib u milicsano dhacadadii maanta, jawaabtu waa MAYA!

 

 

 

Sidaa darteed, waxaa la gudboon madaxda degmada, gobolka, saraakiisha ciidamada booliska iyo daraawiishta ee loo xilsaaray in ay sugaan aminga iyo xasiloonida gobolku in ay iscasilaan, xilkana iska wareejiyaan. Ilayn waa ay gabeen shacabkii ay ahayd in ay u adeegaane!

 

 

 

Duqa degmada Galkacyo, Md Xuseen Jaamac Yabaq oo isaga aad moodo in uu ka dhoohan yahay, moogna yahay ahmiyadda iyo baaxadda xilka loo igmaday ayaan marna laga raja qabin in uu fahmo qaayaha xilka uu hayo, ama hanto hoggaanka Ummadda, sidaa darteed waxaa la gudboon in uu xilka wareejiyo.

 

 

 

Guddoomiyaha Gobolka, Md. Maxamed Warsame Jabhad oo aad moodo in uu fasax walanbaysi ah uga yimid Australia, aadna loogu hanweynaa kal hore, hadase rajogabay, waxaa la gudboon in uu xilka iska tiriyo.

 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Col. Adan Nuur Qaal oo aan garawsanayn manfaca iyo qiimaha amnigu u leeyahay koboca dhaqaale, nololeed iyo bulsho waxaa isna la gudboon in uu dirayska iyo xilkaba wareejiyo.

 

 

 

Taliyaha Ciidanka Daraawiishka ee Gobollada Mudug Col. Maxamed Muuse Ilkadheere oo sida la xaqiijiyey ku sugnaa aagga Godad markii Galkacyo dhexdeeda dhallaanka iyo dumarka lagu laayey waxaa la gudboon in uu tuutaha bartiisa ku siibo.

 

 

 

Waxaa xusid mudan in marka maamul uu ku fashilmo in uu sugo aminga madaniga ah ee laf dhabarka u ah jiritaanka iyo horumarka bulsho in aanu mudnayn in loogu yeero maamul. Sidoo kale ayaa ay dhab tahay in maka madaxada maamulkaasi ay gabaan in ay ka soo dhalaalaan hawlaha loo igmaday aanay mudnayn in loo tixgeliyo madax ahaan. Maamulka iyo madaxda degmada Galkacyo iyo gobolka Mudug-na sidaas ayay ku sifoobeen, sidaa darteena ay ku xujoobeen, ayna la gudboon tahay

 

 

in ay is casilaan. Waxaan ku talin lahaa in macaan-dheregta maanta gacanta ku haysa maamulka degmada, gobolka iyo taliska ciidamada la ruqseeyaa, maamulkana loo igmadaa dad mudan, fahmi kara ahmiyadda iyo muhiimadda ay leedahay mas'uuliyadda lagu aaminay.

 

 

 

Maxamed A Cali

 

gorayocawl@yahoo.com

 

[ April 16, 2005, 02:38 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyu will survive this incident as it did the other more tragic episodes of the war. Lets be calm and not lose sight of the goal which is the creation of a prosporous and peaceful city that welcomes all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ That's the same Mr. Wind.talker who ask Landers to rise up against Riyaale. Very fishy I say. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

 

Rise up? I like neither Riyaale nor his politics. But I never asked anyone to "rise up" against his rule. I mean, after all, the guy won in a democratic election - and defeated (I say cheated) the SNM's best leader. You gotta respect that..

 

JUMA -

 

I'm not sure I got your comment. Should I put on my primitive eyeware to understand you..?

Share this post


Link to post
Share on other sites

I didn't even bother to read beyond the first two statements before I sensed arrogance in the title. Ignorance usually ensues arrogance.

I read and understood clanish fighting in the region in the news. But I am astonished to hear authoritative language, one described by the TITLE. To be honest, It is silly for one to engage betty politics. People like you who do not rely on facts but emotion have destroyed Somalia as we knew it. I would suggest you ackowledge wrongs of clannish wars without disregarding the reality on the ground.

Clans or subclans are fueding over land, and water rights. There is no authority to intervene. at least no legitimate authority capable to stop the fighting. The president have issued no strong indignation against so far. Both Somali intellectuals and Elders of the fighting groups have been void thus far.

 

 

Please stop misleading inattentive people about Somali affairs.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by wind.talker:

JUMA -I'm not sure I got your comment. Should I put on my primitive eyeware to understand you..?

No, but you could probably consider enhancing your capability to comprehend....and..em..that may take you some light years to comprehend it..

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this