Sign in to follow this  
General Duke

TFG warns the bullets start, Jowhar, Kismayu Mogadishu wont be safe..

Recommended Posts

Inj. Xuseen Caydiid oo ka jawaabay hadalkii Indhacadde

 

Wasiirka arimaga gudaha ahna riselwasaare kuxigeenka xuseen maxamed caydiid

ayaa ka hadlay hadalkii maxaakiimta oo ahaa in todobaad , gudahooda ayku

soo weerarayaan magaalada baydhabo.

 

Xuseen Caydiid ayaa sheegay in markan kadib aanan loo dulqaadan doonin daadaansiga maxkamada ay kawadaan goobaha ay daganyihiin dowlada federaalka hadii ay dhacdo in ay soo weeraraaan baydhabo xabada ayka wada bilaabaney so, magaalooyinka muqdisho,kismaayo jowhar, balad weyne iyo gobolada mudug markaliya.

 

Xuseen caydiid ayaa cadeeyey in wax kama jiraan tahay hadalkii yuusif indho cade oo ahaa in ciidamo itoobiyaan sodon iyo shan kun ay ka joogaan gudaha dalka , xuseen ayaa yiri ciidama itoobiyaan oo gudah dalka jooga ma jiraan, ee waa mar marsiyo lagu doonayaa in lagu soo weeraro xarimaha dowlada ay daganyihin taasi oo dowladu ay diyaar u tahay in ay goobaheeda difaacato.

 

 

Olol News

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yusuf::: Wuu Xirmay Albaabkii Nabada iyo wadahaladii lala galayey Maxaakiimta

Posted to the Web Dec 15, 14:51

 

 

Baydhabo:- Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa maanta oo Jimce ah wareysi uu bixiyey ku sheegay in ay isu diyaarinayaan Dagaal balaaran.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada maanta suxufiyiin caalami ah gaar ahaan wariyaayl ka socda wakaalada wararka ee AP, ayaa shaaca ka qaaday in uu soo xirmay waan waantii nabadeed ee laga dhexwaday Dowlada Soomaaliya iyo Maxaakiimta Muqdisho.

 

Madaxweyne C/laahi ayaa sheegay in Dowlada ay ku dadaashay in jidka nabada loo maro xalinta khilaafaadka ka jira dalka Soomaaliya.Wuxuuse sheegay in Maxaakiimta ay xireen dhabooyinkii loo mari lahaa Nabada, isla markaana albaabkii nabada uu xirmay kadib markii ay Maxaakiimta ku dhawaaqeen in ay Jihaad la galayaan Dowladiisa.

 

[...Markii ay ku dhawaaqeen in ay dagaal kusoo qaadayaan ama Jihaad la galayaan Dowlada Soomaaliyeed, markaas ayuu xirmay albaabkii NABADA waxaana eedeeda leh Maxaakiimta...] ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Saladii Jimce maanta ku tukaday xarunta Madaxtooyada Baydhabo.

 

[...Dagaalka xili walba ayuu bilaaban karaa, balse waxaan idiin sheegayaa in dowlda aysan noqon doonin mida Xabada bilowda...] ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG oo sheegay in ay ayagu difaac ku jiraan.

 

Hadalada Madaxweynaha ayaa kusoo aaday xili ay soo baxayeen in laga yaabo in C/laahi Yusuf Ahmed uu safar ugu baxo dalka Yemen, si uu halkaasi ulla soo kulmo wafdi ka socda Maxaakiimta oo dalkaasi uu ku casumay Madaxweyne Cali Cabdallah Saalax.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka gaabsaday inuu saxaafada la hadlo, ayaa dib u dhigay safaro uu ku tagi lahaa dalka Ingiriiska iyo Kenya.

 

Hadalka C/laahi Yusuf ayaa soo baxaya wakhti ay Maxaakiimta Islaamiga ah ay sheegeen in ay 7 maalmood u qabteen Ciidamada Dowlada Itoobiya in ay isaga baxaan dalka Soomaaliya, hadii kale ay jihaad ku qaadi doonaan dowlada Itoobiya.

 

C/laahi Yusuf Ahmed oo la hadlay saxaafada maanta ku booqatay Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in Maxaakiimta ay yihiin kuwo xiriir toos ah la leh ururka Al Qaida.

 

[...Kooxda Al Qaida hada waxay rabaan in ay xafiis cusub ka furtaan Somaliya, waxaadna ka dareemaysaa hab dhaqanka Kuwa isku magacaabay Maxaakiimta...] ayuu yiri Madaxweynaha DFKMG asagoo intaasi ku daray in aysan dowladiisa raali ka ahayn in dalka Soomaaliya laga dhigo xarun loo adeegsado abaabulka dagaalo shisheeye.

 

Wareysiga Madaxweynaha ayaa kusoo aaday saacado kadib markii ay dowlada Maraykanka sheegtay in Maxaakiimta ragga hogaanka u haya ay yihiin kuwo Argagaxiso ah, ayadoo ay hadaladaasi si caro leh uga jawaabeen Maxaakiimta Muqdisho.

 

Dalka Soomaaliya ayaa u muuqada inuu madaxa la galay xaalad colaad oo khatarteeda leh, ayadoo ay labada dhinac ee Dowlada Federaalka iyo Maxaakiimta ay wadaan abaabul ciidan oo xoogleh, taasi oo meesha ka saareysa dadaalkii iyo waan waantii nabada oo ay beesha Caalamka gaar ahaan Jaamacada Carabta waday.

 

Shirkii Khartuum ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Khartuum ayey Jaamacada Carabtu sheegtay in ay dib u dhigtay illaa iyo 20ka bishan, ayadoo aan rajo weyn laga qabin in labada dhinac ay shirkaasi u diraan wax wafuud ah.

 

Hussein Farah

HorseedNet/Puntlandpost

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this