Sign in to follow this  
General Duke

Puntland laughs of secessionist claims..

Recommended Posts

Boosaaso: Madaxwaynaha Puntland oo digniin u diray Somaliland oo sheeganaysa gobollo Puntland katirsan.

13. april 2007

 

 

Boosaaso(AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta ka hadlay xiisadaha kataagan gobollada Sool iyo Sanaag.

 

Madaxwaynaha oo saxaafadda la hadlayay intii uusan ka duulin magaalada Boosaaso oo uu uga dhoofay dalka Imaaraadka ayuu sheegay in Somaliland iyo Puntland ay daris wanaag kusoo noolaayeen, aanna loo baahnayn in dagaallo iyo rabshado dhex maraan.

 

Cadde Wuxuu sheegay in gobollada Puntland ay kamid yihiin degmooyinka ay sheeganayaan maamulka Somaliland, waxaana arintasi ku tilmaamay mid aan suurto gal ahay.

 

Madaxwaynuhu wuxuu ka dhawaajiyay in dadka daga dhulka ay Somaliland sheeganayso inay ay Somaliland xataa og yihiin dadka ay kadhasheen iyo dhulka ay yihiin, aanna loo baahnayn falalka xiisadda keeni kara in lagu dhaqaaqo.

 

Wuxuu digniin u jeediyay Cadde Muuse Cid walba oo ku hammiyaysa inay sheegato ama isku magacawdo dhulka Puntland inaysan u hir gali doonin.

 

Wuxuu kaloo digniin u jeediyay dadka uu sheegay in gobolladii ay u dhasheen loo soo adeegsanayo,asagoo ugu baaqay inay arimahaasi ka waantoobaan.

 

" Shacabka gobollada Sool iyo Sanaag ma matalaan dadka yarka ah ee doonaya inay magaalooyinka qaar gacanta u galiyaan Somaliland" ayuu yiri Cadde.

 

Waa markii ugu horaysay ee madaxwayne Cadde ka hadlo arinta gobollada Sool iyo Sanaag iyo sheegashada Somaliland, waxayna u muuqataa in madaxwaynuhu si dib lumaasiyadasan uga hadlay arintan.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ururada bulshada rayidka ah ee Sanaag oo soo saaray baaq ka dhan ah Somaliland

 

 

Qaarka ka mid ah ururada ka jira kana howl gala gobolka Sanaag ayaa waxay soo saareen baaq ka dhan ah faragelinta Somaliland ku hayso meelo ka mid ah gobolka Sanaag.

 

 

 

Ururrada SEDO, KEPO, iyo SYC ayaa baaq wada jir ah ka soo saaray arrinta gobolka Sanaag gaar ahaan fara gelin ay sheegeen in uu maamulka la baxay Somaliland ku hayo gobolka Sanaag.

 

 

 

Baaqan oo ka koobnaa dhawr qodod ayaa waxaa kamid ahaa.

 

 

 

In gebi ahaanba la joojiyo colaadda ka jirta gobolka Sanaag.

In si shuruud la’aan ah ay Somaliland uga baxdo gobolka Sanaag.

In la tix geliyo shacabka u dhaqan gobolka Sanaag.

iyo In maamulka Puntland uu wax ka qabto arrimaha uu shacabku tabanyo.

 

 

Ururadan ayaa sidoo kale ugu dambayntii ku baaqay in shir weyne ay ka qayb galaan, siyaasiyiinta, culimaa’udiinka, dhallinyarada, haweenka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay isugu yimaaddaan kaas oo lagu lafa gurayo xaalada gobolka Sanaag.

 

 

 

Jaamac Yuusuf Jaamac

 

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

ali_jama_farah.jpg

 

Puntland oo waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya inay dhahar la wareegeen Ciidamada Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay iyagu hada ka arimiyaan deegaanka Dhahar kadib markii halkaasi ay isaga bexeen ciidamada Puntland hadaba waxaa arintaasi waraysi ka bixiyay Wasiirka Madaxtooyada Puntland iyadoo waraysiga ay ka qaaday shabakada dhahar.com,W/Madaxtoyada DGP Cali Jamac Faarax oo ka hadlay cida dhahar gacanta ku haysa

 

audio

Share this post


Link to post
Share on other sites

BOOSAASO : Cadde Muuse " dalkayaga waan daafacanaynaa waa iska hadal xuduudahan tagaynaa"

Posted to the Web Apr 13, 17:39

 

 

Boosaaso:-Cadde Muuse Xirsi M.wayanaha Puntland oo maanta ka duulayay gagida diyaaradaha ee Boosaaso , ayaa mar uu saxaafada la hadlay ayuu yiri "dalka waan daafacaynaa hadalada ka soo yeeraya S/land waa iska hadal wax-xuduuda oo ay tagi karaana ma ay jiraan".

 

Wuxuu sheegay in ay marnaba suurgal ahayn in waxyaalaha uu ku taahayo maamulka S/land in ay gaaraan , balse loo baahan yahay in dadwaynaha Puntland ay ka shaqeeyaan ammaanka dalka iyo horumarintisa.

 

M.wayne Cadde Muuse ayaa sida hadalkiisa ka muuqatay aan wax-wayn ka soo qaadin faragalinta ay S/land ku hayso Puntland.

 

Iyadoo dhawaan magaalada dhahar ee gobolka Sanaag-bari uu dagaal ku dhexmaray labada Ciidan ee Puntland iyo S/land , iminkana ay magaalada dhahar ay ku sugan yihiin masuuliyiin sarsare oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan S/land hase ahaatee deegaanka ka soo jeeda deegaanka.

 

Cadde Muuse oo ay wahliyaan qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa u duulay dalka Imaaraadka , wuxuuna sheegay M.waynuhu in uu maqnaan doono muddo todobaad ah heshiisyo muhiimana uu halkaasi ku soo saxiixi doono , walow uusan heshiisyadaasi uusan faafaahin nooca ay yihiin iyo cidda uu la galayo.

 

Axmed C/salaam

Garoowe , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

General Duke, inta Ciidankii Daraawiishta Puntland loo diray Xamar ayaa maanta magaalooyinkii marba mid la qabsanayaa. Cade Muusena wuxuu u baxsaday Dubay ayaa la sheegay.

 

Askarta Xamar la geeyay ha la soo celiyo, magaalooyinkoodii ha difaacdeene.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Me

 

in order for to be saved first you need an admision of your needs duke hasnt even come to the truth, he still claims puntland control ceerigabo let alone dhahar which is stone throw from bossaso..

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ME, I think you are falling for the propoganda, they can not capture anything and Cade is gone on a business trip the rest of the governemnt led by Dahir Afqurac is home, this is a miscalculation on their part.

 

If claims could come true, Yusuf Garad's would have in terms of Mogadishu.

 

Puntland will only get stronger. insha Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qudhac, you are coming back to life but even you must admit you are making a meal out of nothing.

SSC will never come to you guys they are Somali's who belong to Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^Business trip while the state is under attack? What kind of a leader is that. Calooshiis u shaqayste waaxid!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^That tells me the situation may not be as desperate as some portals reported!

 

Or it might be that the Ethiopian mukhaabaraats gave assurances to the General :D !

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No these types of issues are not a big deal, the state is not under attack its just a political game, which should be played without much emotive actions. We are used to such things, such claims.

 

The trip is important and it highlights how this is not a serious issue.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

Well - little clarity except that there is high tension and possiblity of war. But the rainy season is coming. Trouble makers hopefully will get bogged down.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this