Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Nur Cade can Travel but Yey Cannot --- loool

Recommended Posts

Ra'iisul wasaare Nuur Cadde ayaa soo dhaweeyay safarka magaalada Muqdisho uu ku yimid gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed xili uu galabta ka soo dagay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho dibna uu ugu duulay dalka Jabuuti.

 

Ra'iiusl wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka soo dagay garoonka caalamiga ee Aadaan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.

 

Ra'iisul wasaaraha oo ka soo kicitimay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,ayaa waxaa uu hadalo kooban saxaafadda ku siiyay gudaha garoonka isagoona sheegay in ay muqdisho ku yimaadeen safar islamarkaana ay u kicitimayaan isaga iyo Wafuuda la socota magaalada Jabuuti ee jamhuuriyadda dalka Jabuuti halkaasi oo uu sheegay in ay shirar kuleeyihiin.

 

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ay garoonka ku soo dhaweeyeen qaar ka mid ah wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada KMG iyo maamulka gobolka Banaadir oo uu wahliyo taliska ciidanka Boliiska ayaa mar la weydiiyay Ra'iisul wasaare Nuur Cadde imaanshiyaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Muqdisho waxa uu ku sheegay in ay taasi tahay arin lagu farxo islamarkaana sheikh Shariif uu hormar gaarsiiyay arimihii dib u heshiisiintii lagu gaaray dalka Jabuuti isagoona sheegay in sheikh Shariif iyo wafdigiisa ay ku kulmayaan dalka Jabuuti.

 

Ra'iisul wasaare xukuumadda dowlada KMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa daqiiqado yar kadib ka duulay gagida diyaaradaha Aadan Cadde Airport isaga iyo xubnihii la socday kuwaasi oo u dhaqaaqay dhanka dalka Jabuuti.

 

Imaanshiyaha Ra'iisul wasaaraha dowlada KMG ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalintii shalay aheeyd ay Barlamanka KMG ansixiyeen qodobadii lagu heshiiyay shirkii Jabuuti isgoo sidoo kale ku soo aadaya imaanshiyaha Nuur Cadde xili Madaxweyne Yuusuf uu Ra'iisul wasaare u magacaabay Max’ed Max’uud Guuleed-(Gacmadheere) iyadoona jiro qilaaf muuqda oo aad u xoogan islamarkaana u dhaxeeya Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Nuur Cadde,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: PM Nur Adde travels to Djibouti

 

 

MOGADISHU, Somalia Dec 18 (Garowe Online) - The disputed Prime Minister of Somalia, Nur "Adde" Hassan Hussein, has traveled to the neighboring Republic of Djibouti to strengthen a recent peace pact he signed with an opposition faction, Radio Garowe reports.

 

Nur Adde, who was boosted by last week's vote of confidence, flew from the southwestern town of Baidoa where parliament approved his new Cabinet.

 

His plane made a brief stop in Mogadishu, the national capital, where a number of Cabinet ministers joined him on the trip to Djibouti.

 

"We are going to Djibouti to reinforce the Djibouti Agreement," Nur Adde told journalists at Mogadishu's Aden Adde International Airport.

 

He held a brief meeting with members of Mogadishu's local government and the national police command, the Prime Minister's aides said.

 

Nur Adde expressed optimism and support for the ongoing visit to Mogadishu by Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, chairman of a divided opposition coalition known as the Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS).

 

Somali President Abdullahi Yusuf has rejected the Djibouti Agreement, which was reached between Nur Adde and Sheikh Sharif following UN-brokered talks.

 

Yusuf, who refuses to recognize Nur Adde's premiership, appointed Mohamed Mohamud "Gamodheere" as Somalia's new Prime Minister two days ago.

 

But Nur Adde did not mention the ongoing dispute with Yusuf during brief comments to the media at Mogadishu airport, telling reporters that he had "no time" for questions.

 

The widening split between Yusuf and Nur Adde threatens to destroy the UN-recognized interim government and plunge Somalia deeper into chaos.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Perhaps it is only advisable not to laugh at the joke just yet.

 

Madaxweynah DFKM C/llaahi Yusuf Axmed oo ku sii jeeda dalka Jabuuti

Posted to the Web Dec 19, 12:42

 

 

Baydhabo:-Madaxweynah DFKM C/llaahi Yusuf Axmed ayaa warar soo baxay ay sheegayaan in uu ku sii jeeda Magaalada Jabuuti iyadoo dalka Jabuuti ay saaka wada gaareen Ra´iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoraynta garabka Jabuuti Sheikh Shariif Sheikh Axmed iaydoo la filayo 3 masuul in dowlada Jabuuti ay kulan siin doonto.

 

 

Madaxweynaha Jabuuti Ismail Cumar Gelle ayaa qorshaynaya in saaca daha soo socda uu Madaxweyne Yuusuf u soo *** doono diyaarada khaas ah oo ka qaadi doonta Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

 

 

Ilaa hadda lama garanayo in Ururka IGAD uu meel dhexe iskugu keeni doono madaxda TFI oo khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalay,dhinaca kale wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ra´iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabay C/llaahi Yuusuf Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheere ) uu ku howlan yahay siddii uu u magacaabi lahaa Gole Wasiiro ah ,waxaa muuqata in aan weli wax xal ah ah loo hellin khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee DFKM iyo weliba xubnaha Golaha Baarlamaankaba

 

 

Ilaa hadda lama yaqaano xubaha ku wehelin doona safarka Madaxweynaha DFKM C/llaahi Yuusuf Axmed oo la filayo in uu gaaro dalka Jabuuti saacadaha ama maalmaha food nagu soo haya.

 

A/cawaale

Halgan.net

I was telling Thiery just 2 nights ago that the President of Djibouti and the Shariif should play the role of peace-makers between the estranged TFG leaders. I'm glad it's happening this way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Sax.

 

It is not in the interest of the Somali people to start over again. Waa in la heshiisiya madaxda.

 

Qaran before ambition(what is ambition in somali?,Himilo?)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 20-Desember-08

 

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka dhoofay magaalada Baydhabo, wuxuuna gaaray magaalada Nayroobi sida ay ku waramayaan warar hoose oo ka soo baxaya magaalada Baydhabo.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa casumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya, wuxuuna ka hadli doonaa xiriirka labada wadan iyo war dhawaan ka soo baxay Wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya, kaasoo ku aadanaa in Kenya ey madaxweynaha Soomaaliya ku soo rogtay cunaqabateyn xaga socdaalka iyo dhaqaalaha ah.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa sidoo kale kula kulmi doona magaalada Nayroobi masuuliyiin ka socda Beesha Caalamka oo uu kala hadlayo xaaladaha amaanka iyo siyaasada dalka Soomaaliya, waxaana lasheegayaa in ay Nayroobi booqasho ku imaan doonaan madax ka tirsan dawladda Mareykanka.

 

Sikastaba ha haateee Socdaalka uu madaxweyne Yuusuf ku aaday Nayroobi ayaa daaqada ka saaraya jiritaanka warkii uu todobaadkii hore ku dhawaaqay wasiirka arimaha dibada Kenya, ee uu ku sheegay in ay cunaqabateyn Kenya ku soo rogtay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed.

 

C/laahi Xasan Baliil

Baliilkhan10@Hotmail.Com

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

Sabti 20. 12. 2008

 

Somalia - Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa magaalada Nairobi si diiran ay oogusoo dhaweeyeen Masuuliyiin iyo Madax katirsan Dowlada Kenya, kuuwaaso ahaa Qaar ka mid ah Wasiirada iyo Mudanayaal ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dalka Kenya.

 

Madaxweyne C/laahu Yuusuf ayaa mar dhaw la yeelen doona Kulan fool ka fool ah Madaxweynaha Dalka Kenya Mwia Kibeki, waxeeyna wadahalkooda diirada ku saari doonaan arimaha Somalia xiligaan ka taagan iyo sii xoojinta xiriirka labada dal, Madaxweyne Kibeki ayaa horey khadka Talefonka ugu sheegay Madax weynaha Somalia in ay ka xunyihiin Dowlada Kenya Hadalka kasoo yeeray wasiirkiisa Arimaha dibada Moses Wtangula.

 

 

 

Madaxwynaha Somalia ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kulamo la qaato Diblamaasiyiin ku sugan Dalka Kenya, sidoo kale Safaarada Mareykanka iyo Urur Goboleedka IGAD.

 

wixii kasoo kordha Safarka Madaxweeynaha Kala Soco Allidamaale.com

 

 

 

Allidamaale Siciid Nairobi

 

 

 

 

 

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

 

Allidamaale@hotmail.com

 

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

 

Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweyne Yuusuf ayaa sidoo kale kula kulmi doona magaalada Nayroobi masuuliyiin ka socda Beesha Caalamka oo uu kala hadlayo xaaladaha amaanka iyo siyaasada dalka Soomaaliya, waxaana lasheegayaa in ay Nayroobi booqasho ku imaan doonaan madax ka tirsan dawladda Mareykanka.

 

Sikastaba ha haateee Socdaalka uu madaxweyne Yuusuf ku aaday Nayroobi ayaa daaqada ka saaraya jiritaanka warkii uu todobaadkii hore ku dhawaaqay wasiirka arimaha dibada Kenya, ee uu ku sheegay in ay cunaqabateyn Kenya ku soo rogtay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed.

 

ayu.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this