Sign in to follow this  
AYOUB

Hambalyo 26 ka Juun

Recommended Posts

AYOUB   

Kaana sib kanna SAAR

 

 

Hambalyo 26 ka Juun.

 

 

Anaga oo ku hadlayna magacyadayada iyo kan Jaaliyadda Reer Somaliland ee

Carrigan Norway waxaan hambalyo iyo boogaadin ku aaddan munaasibada 26ka

Juun oo ah maalintii JSL madaxbanaanideedii ka qaadatay Boqotooyadii

Ingiriiska, u diraynaa dhammaan ummadda reer Somaliland meel kaste oo ay

joogaanba. Waxaan leenahay ciid wanaagsan, qaranimadiina iyo karaamadiina u

midooba. Eebbe ha inagu simo sanadka sanakiisa inagoo helnay waxa inaga

dhiman een tabayno. AAAMIIIIIN.

 

 

Ahmed Abdullahi Obsiye

 

Sh. Mohamoud Abdillahi Isse.

ahmed-ob@online.no

 

 

Oslo, Norway

 

 

HAMBALYO KALE OO TAAS LA MID AH WAXA NA SOO GAADHSIIYAY....

 

 

Hambalyada 26 June

 

 

Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka Kuwait waxay hambalyo diirran u dirayaan dhamaan shacabka Somaliland xuska 26 June awgeed. Xuska 46 naad ee kasoo wareegay xorriyaddii aynu ka qaadanay boqortooyadii Britain waa maalin aad inoogu weyn.Shacabka Somaliland oo mudadaa 46 sanadood ah soo maray marxalado kala gadisan oo ay ka mid yihiin waqtiyaddii inoogu adkaa oo ay adkeysi,iyo dhabar adayg,iyo sabir badni kagasoo gudbeen.

 

 

Waxan kale oo aan ummadda Somaliland ugu hambalyeynayaa oo kale, fashillinta ay fashiliyeen kuwa Somaliland u shirqoola ee qorsahoodu yahay godkii madoobaa ee ay kasoo baxeen in dib loogu dhaco.

 

Shacabka Somaliland waxan kale oo aan xasuusinayaa in aynu ku fara adeygno, oo Eebaheen ugu mahad celino guushaa inoosoo noqotay ee inta badan inaga maqneyd.

 

 

Eebow Allow goor iyo ayaan u gargaar Somaliland.

 

AAMIIN!!AAMIIN!!

 

 

Waxa qorey

 

Soleiman Haaji Mohamed Firdhiye

 

Somaliland Welfare Society

 

 

Forwarded by;

 

Ali Aw Hussein

omeralihs@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Xalay iyo Xafladii Madaxtooyada ee Xuska 26 June

Hargeysa(Qarannews) Xafalad Balaadhan oo lagu xusayay 46 guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland Gobanimadeeda ka qaadatay Boqortooyada ingiriiska 26 june 1960kii ayaa habeenkii xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Jsl ee Hargeysa, Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Daahir Rayaalle Kaahin,Madaxweyne Ku xigeenka Md Axmed Yuusuf Yasiin, Shirgudoonada Labada Gole baarlaman[Guurtida iyo Wakiilada],

 

 

Hargeysa

 

 

 

 

 

Sideebaa Gabi Ahaan Looga Xusey Malinta 26Jun Jamhuriyadda Somaliland

 

HARGEYSA SOMALILAND

 

Munaasibada Xuska 26 June oo ku beegan maalinti Jamhuuriyada Somaliland Xornimada ka qaadatay Mustacmarkii Ingiriiska aya waxa maanta Xafalad weyn lugu Qabtay Fagaaraha Kheyriyada Burco.

 

Xafaldan oo ay ka soo qayba Galeen Duqa Magaalda Burco Maxamuud Xasan Dhagalaab xildhibaano ka tirsan Golaha Degaanka Burco Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Togdheer Guuled Daahir Samatar iyo Fananiin Caan ah oo ay kamid Yihiin Axmed Saleeban Bide, Kinsi Xaaji Aadan iyo Fanaanin kale Munasibadan oo aad loo so agasimay waxa ka soo qayab galay iyan Dadweyne aad u tiro badanFuritaanki Xafalda ay waxa ka hadalay Duqa Magalaada Burco Maxamuud Xasan Dhagalaab oo ka waramay taariikhda Maalinta 26 Juune iyo siday Somaliland uga Luntay Xornimadii curdinka ahayed.

 

Mr Maxamuud oo ka hadalayaay Taarikhda Maalinta 26 June ayaa waxa uu yidhi:- "ta waa maliinti aynu Xornimadeena ka qaadanay Gumaystihii Ingriska 4 maalmood kadiban waxaynu Xornimadeeni si indho la'aan ah u geynay Koonfur.

 

Marar Badan ay laysku Dayay in dib loo so ceshod xornimadeeni marar badan ayaay Guuldaraysteen Lakiin 18 may ayaynu ku guulaysanay Mar Sarakiil Dhalinyaro ah oo waxa ku soo baraty Ingriiska ay Damcay inay Inqilaab ku qabsadan Dalka lakiin umay suurtoobin Mar kalen Waqooyigi waxa uu lah 33 Xildhibaan iyo Labo wasiir waxay Dhamaantod ku shireen Afgoye waxayna goosten si Sadkooda loo siyo inay is wada casilaan waxan Balantii kaga baxay oo fashiliya Labo Nin oo Reer Waqooyi ahaa 18 May ayaynu Dib u helnay Xornimadeeni inag Luntay

Maraka waxan Idunku boorinaya inaad Xornimadiina iyo Nabdegalyada Ilashataan Waxa isna Halkaa ka hadalay Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Togdheer Guleed Daahir samatar oo isna ka hadaly Taarikhda 26 juune .

 

Dhanka kale waxa iyan halka Heeso iyo Madadaalo ku soo ban dhigay Koox Fanaanin ah oo ay horkacayeen Axmed Saleeban Bide iyo Kinsi Xaaji Aadan

Fanaaniinta oo Dadku aad ula dhecen Heesahay halka ku soo ban dhigeen .

 

dhinaca kale Xaflad Balaadhan oo lagu xusayay munaasibada 26 June 1960 ayaa shalay lagu

qabtay fagaaraha Beerta xorriyada ee Magaalada Ceerigaabo.

 

Munaasibadaasi waxa ka soo qayb galay wasiirka Caafimaadka Cismaan Qaasim Qodax ,Masuuliyiinta gobolka, degmada iyo Boqolaal dadweyne ah.Wasiirka Caafimaadka Md Cismaan Qaasim Qodax oo xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay qaabkii iyo hanaankii aynu xornimadeena kaga qaadanay Ingiriiska 26-kii Juen 1960.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in xornimadii inaga

luntay uu ilaahay mar kale gacanteena dib inoogu soo celiyay waxa isagoo arrintaasi ka hadlaya uu yidhi Waa ilaahay mahadii xornimadeednii

dawladnimadeenii aynu haysano waxa kaliya ee inaga maqani waa aqoonsi caalamiya, kaasna waxa aynu rajaynayaa in caalamku dhawaan ina aqoonsan doono’’.

Md Cismaan Qaasim Qodax waxa uu si kulul u

dhaliilay shacbiga gobolka Sanaag o uu carabka ku dhuftay inay aanu iskaashigoodu adkayn.

 

Duqa Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur oo xafladaasi ka hadlay ayaa bulshada ku dhaqan Ceerigaabo ku booriyay inay cashuuraha Bixiyaan si loogu qabto adeegyada Bulshada.

 

Sidoo kale waxa Munaasibadaasi ka hadlay Badhasaab ku xigeenka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid.Dhinaca kale Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay 46 guurada ka soo wareegtay 26 June

1960 ayaa xalay lagu qabtay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

 

Xafladaasi lagu xusay 26 June waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta gobolka Saaxil, Madaxda laamaha dawlada iyo kumanaan qof oo ka mida Bulshada ku dhaqan magaalada Berbera.

 

Waxa halkaasi ka hadlay masuuliyiinta magaalada Berbera iyo maamulka gobolka oo si balaadhan uga hdlay qiimaha ay ku fadhido maalintii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadi Ingiriiska halgan qadhaadh ka dib.

 

Waxa munaasibadii xalay lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameedyo suugaan ku wajahan iyo sidii ay ku timid xornimada iyo madax banaanida Somaliland.

Xariir waxa xafladaasi ahayd tii ugu balaadhnayd ee lagu xuso Munaasibada 26 June.

 

Riyad

Tvsleurope Hargeysa 26 June

Share this post


Link to post
Share on other sites

26ka June waa maalin taariikhi ah. Its a great day in our history. It marks the day we earned our hard won independence. The great jubilation in Hargeisa's freedom garden will never be forgotten by those who witnessed it.

 

But what saddens many of the post independence generation specially the younger ones is the fact that after 46 years we had to once again be fighting for our soveriegnty and statehood.

 

However bitterness we feel about the ease with which we volunteerly lost our old soveriegnty, still we do not forget the fact that it was done will good heart and intentions.

 

But As Hadraawi said, sida loogu Dabar go'ay Dadnimo ayaa ka Dhalatay. We can be proud today that we know what being a Somaliland nationalist is all about. And that is a good thing.

 

 

This is a song written, composed and sang on the eve of independence in Beerta Xorriyadda. Enjoy it.

 

Hees

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ an importnat day lets not distort what it means for all Somali's. Secesionist like ti re writte history.

 

It was the day that beautiful blue flag flew over an independent Somali area..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AYOUB_SHEIKH:

Kaana sib kanna SAAR

 

 

Hambalyo 26 ka Juun.

 

 

Anaga oo ku hadlayna magacyadayada iyo kan Jaaliyadda Reer Somaliland ...

Why can't you say rather, "anaga oo ku hadleyna magaceena iyo kan beesha dagta Gobolka Waqooyi Galbeed, waxaan u dabaal dageynaa maalinta qabiilkeena uu xornimada aanan wali qaadan oo baadigoobkeeda ku jirno....."

 

That would confess the truth in full precision, but you really confussed yourself as well as others.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Originally posted by Alle-ubaahne:

Why can't you say rather, "anaga oo ku hadleyna magaceena iyo kan beesha dagta Gobolka Waqooyi Galbeed, waxaan u dabaal dageynaa maalinta qabiilkeena uu xornimada aanan wali qaadan oo baadigoobkeeda ku jirno....."

 

That would confess the truth in full precision, but you really confussed yourself as well as others.

Utter gibberish..!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Alle-ubaahne:

Why can't you say rather, "anaga oo ku hadleyna magaceena iyo kan beesha dagta Gobolka Waqooyi Galbeed, waxaan u dabaal dageynaa maalinta qabiilkeena uu xornimada aanan wali qaadan oo baadigoobkeeda ku jirno....."

 

That would confess the truth in full precision, but you really confussed yourself as well as others.

You are one confused fella, but I have nothing - none whatsoever - to do with your confusion.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Havent been around in a while.....

 

Alle U Baahne...Sh Aweys wants to know why you havent reported to your new post in Xamar as the new Chief Kostume baadhe????

 

Good to be back

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Sakhar

U use xishood one more time Alle U Baahne ayaa lagu meherin doonaa

 

TYhanx Ayoub maxaa i dhafey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Idaa lam tastaxii, ifcal maa shee'ta! Awalba loo yiri. Hadaadan xishoonaynin, waxaad rabtid ku camal.

 

Nin bi'laa akhlaaq iyo xishood baad tahay, oo edbin uubaahan, ciyaalsuuq waaxid!

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

:D ^ ouchy!

 

Gediid

Well, you missed your old buddy Baashi's Jihaad-preachin for start smile.gif . What about a certain warlord-cheerleader supporting the Islamic Courts and then turning against them without an explaination..

 

Anyways, when are going to share your travel diaries.. you can leave out the spicy bits. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this