Sign in to follow this  
General Duke

Burco: Turns rebel town against Riyaale?

Recommended Posts

Wefti Culus Oo Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Burco

March 9th, 2009

 

Burco (Somaliland.org)- Wefti ballaadhan oo ka kooban masuuliyiinta, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada xisbiga KULMIYE ayaa maanta soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Weftigan oo saaka ka soo ambabaxay magaalada Hargaysa, waxa ku soo dhaweeyey duleedka magaalada Burco oo gelbis ku geeyay Hoteeladii ay degeen qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Cuqaasha muxtarimka ah ee Gobolka Togdheer.

Weftigan Xisbiga KULMIYE ee maanta soo gaadhay magaalada Burco oo ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo dhawaan heshiis iskaashi siyaasadeed la saxeexday xisbiga KULMIYE, Xildhibaano ka tirsan Xisbiga KULMIYE, Qurba joog iyo xubno aqoonyahano ah, ayaa socdaalkooda lagu tilmaamay in uu la xidhiidho bilawga kulan lagu lafo gurayo ka midho dhalinta geediga hayaanka isbedel doonka, kulankaasi oo la filayo in uu maalmaha soo socda uga furmo magaalada Burco Beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco iyo Bulshada rayidka ah, iyada oo wararku ay intaa ku dareen in lagu marti qaaday Weftigan culus ka qayb galka shirkaasi.

Kulankan oo ay isugu imanayaan Beelaha waawayn ee Gobolka Togdheer ayaa sidoo klae la sheegay in lagaga wada xaajoon doono xaalada dalka wixii ka dambeeya 6-da bisha April ee sannadkan oo ku beegan dhamaadka wakhtiga xukuumadda Madaxwayne Riyaale.

Dhinaca kale dadwaynaha magaalada Burco ayaa cadho xoogan ka muujiyay natiijadii tirada dadka iska diwaan geliyay gobolada dalka ee khamiistii uu warbaahinta ku shaaciyay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, taas oo ay ku tilmaameen mid salka ku haysa musuqmaasuq. Taas oo ay sheegeen in gobolada dalka qaarna codad laga jaray gobol gaar ahna codad dheeraad ah loogu daray, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda magaalada Burco lagu qabto banaan baxyo arrintaasi lagu cambaaraynayo.

Foosi Saleebaan Aw Biindhe, Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka Wargeyska OGAAL:Burco: Shir wada-tashi ah oo beelaha Bariga iyo Galbeedka Arbacada u furmaya

March 9th, 2009

 

Burco (Ogaal) – Shir la sheegay inay ku kulmayaan ergay ka soo kala jeeda beelaha Bariga iyo Galbeedka Burco oo ay qayb ka yihiin, Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo wax garad kale ayaa la filayaa inuu Arbacada ka furmi doono magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Sida ay sheegeen xogo laga soo xigtey Ilo lagu kalsoon-yahay shirkaas waxa gogoshiisa dhigey Salaadiin ka soo jeeda beesha Bariga Burco, kuwaasoo ay ka mid yihiin sida xogahaasi tibaaxeen Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali iyo Suldaan Maxamuud Guuleed Mire. Iyadoo dhanka kalena la sheegay in Salaadiinta ka qayb galaysa ay ka mid yihiin Suldaan Cusmaan Suldaan Cali iyo Suldaan Barre. Xoguhu waxay intaa ku dareen, in siyaasiyiinta ka qayb-galaysa kulankaas ay yihiin isku dhaf mucaarad ah oo ka soo jeeda labadaa beelood. Islamarkaana waxa la filayaa in wufuuda ka qayb galeysa shirkaas ay qaybo ka mid ahi saaka ka anba baxayaan magaalada Hargeysa,

 

Ma jiro war si rasmi ah uga soo baxay dhinacyadan shirkaa ka qayb-galaya, hase ahaatee, sida uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay Ilo lagu kalsoon yahay, waxa la saadaalinayaa in kulankaa ay ka qayb galayaan in ku dhaw 100 qof. Islamarkaana waxa xoguhu tibaaxeen in ujeedada ugu weyn ee shirkaasi ay tahay wada-tashi la xidhiidha xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii wada jir loogu waajihi lahaa hagaajinta mustaqbalka siyaasadeed ee doorashooyinka soo socda.

 

Shirkan hanaanka beeleed iyo Siyaasadeed isugu dhafan waxa tibaaxaha laga helay abaabulkiisu muujinayaan in uu socon doono ilaa laba maalmood.

 

 

 

“Guddoomiyaha Komishanku wuxuu u muuqdaa inuu Afhayeen u yahay UDUB”

 

“Waxaan leeyahay (Xukuumadda) tani Afrika

 

maahee waa Somaliland oo laguma kala adka”

 

Cabdiraxmaan Cabdiqaadi………..shir jaraa’id

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa, Mar 08 - Xisbiga Kulmiye oo ku adkaysanaya in aanay aqbali doonin xilliga doorashada oo mar kale dib loo dhigo.

 

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir Faarax ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabay xafiiska Kulmiye ee Hargeysa ku sheegay in mawqifka xisbiga ee dib u dhigista doorashooyinka aanay waxba iska bedalin, aanay aqbali doonin in doorashada dib loo dhigo.

 

Waxaa uu intaas ku daray in ka xisbi ahaan ay ka sugayaan golayaasha Guurtida & Wakiiladu in ay ka arrimiyaan, kana talo bixiyaan cidda gaarsiin doonta ummadda xilliga doorashada.

 

Md. Faarax ayaa sheegay in xilliga xukuumada M/weyne Riyaale uu ku eg yahay 6-da bisha Abriil, wixii ka dambeeya bisha 6-deedana aanay caqli gal ahayn in xukuumada Riyaale ay dalka ka sii arimiso, sidaa darteedna loo baahan yahay in golayaasha sharcigu ay go'aan ka gaaraan ciddii si ku meel gaar ah dalka u gaarsiin lahayd doorashooyinka.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in xilligii 5-ta sano ee xukuumada M/weyne Riyaale la doortay uu ku ekaa bishii 4-aad ee kal hore, dabadeedna 1 sano loogu daray si mudadaas ay xukuumadu ku hirgaliso doorashooyinka, balse taasi aanay dhicin.

 

Halka sano ee loogu daray xukuumada Riyaale ayaa ku eg 6-da bisha Abriil, muran xoogani uu ka dhashay in doorashooyinka dib loo dhigo muddo 90 casho ah sida oo uu talo ahaan ku bixiyey guddoonka doorashooyinka Somaliland.

 

Doorashada ayaa hore loogu qoondeeyey in ay dhacdo 29-ka bisha Maarso, waxaase muuqata in aanay taasi suurtagal ahayn.

 

Kulmiye oo ah xisbiga ugu taageero badan Somaliland, doorashooyinkii horena si xaal-mastuur ah looga fara-maroojiyey hoggaanka, ayaa saluugay soo jeedinta guddoonka doorashooyinka , kuna adkaysanaya in doorashooyinku ay dhacaan xilligii hore loogu qoondeeyey.

 

Labada xisbi ee Udub iyo Ucid ayaa iyagu sheegay in ay door bidayaan in doorashada dib loo dhigo muddo 90 maalmood ah.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

An interesting attempt by Dukey to start a Kulmiye/Udub flame war on SOL to distract from the losses of the last three years (for the "Yey cheerleaders" as they've been labeled on this forum).

 

So far, no takers on the Somaliland side. I guess everyone sees the curve ball before it's even thrown ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Again the Duke is not the news lads, nor do I care for Udub whats their name against Kulmiye..

 

Shirqool Dhagaraysan Oo Wasiiro Xukuumadda Ka Tirsani Soo Maleegeen Oo Burco Ku Fashilmay

March 12th, 2009

 

Hargaysa (Somaliland.org)- Qaar ka mid ah Cuqaasha, Odayaasha iyo waxgaradka beelaha galbeedka magaalada Burco ayaa ku eedeeyay xukuumadda Somaliland in ay magaalada Burco ka wado olole ay dib ugu soo noolaynayso colaado iyo aanooyin u dhexeeyay beelahah bariga iyo galbeedka Burco.

Garyaqaan Mukhtaar Cabdillaahi iyo Caaqil Maxamuud Maxamed Warsame oo ka mid ah madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beelaha Galbeedka magaalada Burco ayaa noo xaqiijiyay in masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsigu ay maalmahan ugu dambeeyay ku hawlanaayeen sidii ay dib ugu soo noolayn lahaayeen aano dhawaan dhex martay labada beelood ee bariga iyo galbeedka Burco, waxanay sheegeen in magaalada Burco gudaheeda laga abaabulay koox dhalinyaro ah oo la hubeeyay oo ay isku hayb yihiin reerkii dhawaan dhibaatadu gaadhay ee Galbeedka Burco, si ay u aarsadaan, taasi oo looga golleeyahay bay yidhaahdeen si uu u fashilmo shirka Burco uga socda beelaha bariga iyo galbeedka Burco, shirkaasi oo xukuumaddu ku hawlanayd sidii ay u fashilin lahayd.

garyaqaan Mukhtaar Cabdillaahi iyo Caaqil Maxamuud Maxamed Warsame waxa kale oo ay sheegeen in ay ka hortageen dhalinyarada hubka loo dhiibay, isla markaana ay hubkii ka qaadeen, dhawaana ay warbaahinta hor keeni doonaan si dhalinyaradu ummada ugu caddeeyaan in masuuliyiinta xukuumaddu ay hubka u dhiibeen.

Dhinaca kale masuuliyiinta xukuumadda oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu arrintaasi wax uga waydiino ayaan noo suuro gelin.

 

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)

E-mail:

Somaliland.org, Hargaysa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burco: Ammaanka oo ka sii daraya iyo hub gacameedka oo kusoo batay magaalada

 

Ammaanka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland ayaa la sheegayaa in uu ka sii daray, kaddib sii liidasho indhawayd isasoo taraysay.

 

Nabad gelyo darrada oo badiyaa ku beegan xilliyadii habeenkii ah ayaa ay qayb mug leh ka yihiin dhalinyaro si aan waabasho lahayn ugu kacaya falalka isbaarada ah kuwaas oo bartilmaameedsada dadka taleefoonnada gacanta lagu qaato isticmaala, iyo lacagta.

 

In ka badan 15 qof oo ay dhaawacyo ka soo gaadheen falalkaasi dhaca ah ayaa la dhigay cusbitalka magaaladaas.

 

Ciidamada ammaanka oo isku dayaya in ay arrintan wax muuqda ka qabtaan ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen tiro badan oo ah dadka ku kaca falalka isbaarada ah. Sarkaal u hadlay booliskuna waxa uu sheegey in dhalin badan oo falalkan loo hayo ay badiyaa yihiin dad u dhashay magaaladaas, waxana uu intaa ku daray in ay dadkan ku jiraan kuwo ka soo jeeda gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

 

Dhanka kale waxaa kor u kacay sicirka la kala siisto hubka fudfudud, kuwaas oo kor uga kacay qiimaha laga siiyo suuqa hubka ee magaaladaas labaatan boqolkiiba.

 

Dad badan oo magaaladaas ku dhaqan gaar ahaanna ragga ayaa u isticmaala hubkan in ay isku ilaaliyaan khaasatan baastooladaha oo ay qaataan marka ay habeenkii magaalada ku dhex socdaalayaan iyo qoryaha oo noqday kuwo la dhigto meherada ganacsiga iyo qaar guryaha.

 

Adam Shardi Axmed

Radio Daljir

 

************************************************** ***

 

Hey Yo, Duke:

 

Did't believe it at first, but I'm beginning to think a monkey fight of troglodytic proportion is gettin ready to brew up in Marfishland.

 

Maanta Riyaale, sheeka baalaleydii uu u akhrinjiray habraha shankaroon, jiq ayee ku noqon rabtaa. Laakin anigu baryahaan, odayga Riyaale heshiis ayaan la ahay, ee eebow habraha, Burco ku tafa xaadanaya, Alloo ka fuji...Amiin! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

All these ying yangs talking about my home town! There shall be no fighting, magaalad haa naag caawyirina please. Yahoo.

 

Acudubililah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I dont know how they can stop Riyaale either the man is on a mission to keep the loot.

 

PS: People read no one is talking about war in Burco, just that the clan is getting upset with old Dhahir. secessionist seem allergic to this news, why?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this