Sign in to follow this  
Cowke

Puntland MP Dies In Car Crash

Recommended Posts

Cowke   

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo shil gaari ku geeriyooday

 

 

Allaha u naxariistee Xildhibaan Qaasim Yuusuf Ismaaciil oo ka mid Ahaa golaha wakiilada puntland ayaa maanta gelinkii danbe ku Geeriyooday inta u dhaxaysa Magaalada Qardho iyo deegaanka Canbaar sare ka dib markii shil uu la galay gaari uu watay Marxuumkaas.

 

Shilkan gaari oo ka dhacay miyiga Geeljiid oo ka tirsan deegaanka Canbaar sare ee gobolka karkaar ayaa wax faahfaahin ah laga bixin Sababaha keenay in kastoo xildhibaan Cabdiqaadir Saciid Carshe uu U xaqiijiyay in shilkaas ay sidoo kale ku dhaawacmeen labo qof oo ay midi yahay xaaskiisa.

 

Wuxuu kaloo intaasi ku daray Xildhibaan Cabdiqaadir Saciid Carshe In marxuumkaasi uu ku sii jeeday Degmada Rako ee gobolka Karkaar xiliga uu shilka qabsaday uuna ka yimid magaalada Garoowe ee xarunta puntland.

 

Marxuumkaas ayaa ifka uga tagay afar xaas iyo todobo caruur Wuxuuna xildhibaanku ka mid ahaa aasaasayaashii Maamulka Puntland.

 

Marxuumkaasi ayaa isla caawa lagu aasay Magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar iyagoo ay aaskaasina ka soo qayb galeen Mas,uuliyiin ka tirsan puntland iyo dadweyne aad u fara badan.waxuuna xildhibaan Cabdiqaadir Saciid Carshe in isagoo ku hadlaya magaca golaha wakiilada iyo kan dowlada uu tacsi u dirayaa Dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuum Qaasim Yuusuf Ismaaciil samir eebe ka siiyo marxuumkaasna janadii fardowza Aamiin Aamiin.

 

Maxamed Cali Iimaan

SBC International Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Originally posted by Ducaysane:

may be you should also post good news ones in a while.

I do post good news. Check this out.

 

Nice video presentation done by etn tv of puntland being beautiful state with various environments but shows how PEACE reign supreme in this part of somalia.

 

Watch here

 

Ps: I am suprised how galkayo is doing pretty well. Watch at 2.42-2.46 mark. Plus Suprised at the greenery!!! With that sort of farmland we can be self-sufficient in puntland im suprised why they even bother buying agricultural products from the hamar!!!

 

Overall I found the ETN.TV special very nice.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Ina Lillahi Wa Ina Illeyhi Rajicuun

 

Allah u Naxaristo dhaman ehelediisa samir iyo iman Allah ka siiyo...amiin!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this