Sign in to follow this  
General Duke

Fight in parliment: MP's and ministers injured: NO VOTE

Recommended Posts

The warlord news are reporting a 150 vote loss for the government proposal. However contradictory news is coming in of chaos and blood letting steming from confusion of the parallel proposal's.

 

Some news sites are reporting that no vote took place

 

Fadhigii Baarlamanka KMG ah ee Soomaalida oo ku dhamaadey Feer iyo Fara laab

 

Nairobi-17.March.2005 Kulankii ay ku lahaayeen Magaalada Nairobi Xildhibaanada Baarlamanka KMG ah ee Soomaalida ayaa wuxuu ku soo afjermey dagaal gacmaha la iskula tagey, ka dib markii Xildhibaanada kala aragtida duwan ay isku khilaafeen in cod loo qaado arinta Ciidamo ka socda Wadmmada Safka hore oo la keeno dalka iyo in kale.

 

Wariyaha Idaacada SBC ee Magaalada Nairobi Canab Mumtaaz ayaa soo sheegaysa in Xildhibaanada Baarlamanka uu ka dhex bilowdey dagaal gacmaha la iskula tagey ka dib markii Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku dhawaaqey in loo codeyn doono arinta Ciidamo keenista waxaana goobtii la soo dhigey Laba Sandhuuq oo ay ku kala qoran yihiin Haa iyo Maya waxaana intii aysan bilaabin codeyntu muran uu dhexmarey Xildhibaanada, iyadoo meeshii ay ka bilowdeen gacan ka hadal iyo feer si xun la iskula dhacey.

 

Tiro ka mid ah Xildhibaanada ayaa la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo waxaana haatan lagu daaweynayaa Isbitaalada Magaalada Nairobi, kulankiina sidaa ayaa lagu kala tegey.

 

Canab Mumtaaz

SBC Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi: Fadhigii Baarlamaanka oo lagu kala dareeray

- Thursday, March 17, 2005 at 16:59

 

Nairobi: Wararka hadda soo dhacay waxaa uu sheegayaa wariyahayaga Nairobi Iimaan Cali cabdi in fadhigii baarlamaanka la isku feeray.

 

Wariyuhu wuxuu sheegayaa in markii ay soo dhamaatay doodii xildhibaanadii saaka isu qoray inay aragtidooda ka dhiibtaan mooshinkii baarlamaanku u fariistay ee ahaa in dalka la keeno ciidamo Afrika iyo Carab ah oo dawladu soo hordhigtay baarlamaanka uu gudoomiyaha baarlamaanku Shariif Xasan Shiikh Aaden uu xildhabaanada u akhriyay warqad uu ugu sheegayo in waxa codka loo qaadayo ay tahay kaliya in ciidan ka socda wadamada safka hore dalka la keeno iyo in kale, tani oo uu ku sheegay inuu yahay mooshin kale oo ay jeediyeen xildhibaano tiradoodu tahay 70.

 

Markii uu intaas sheegay gudoomiyaha baarlamaanku waxaa kor u kacay sawaxan la isku waydiinayo waxa badalay mooshinkii saaka oo dhan laga doodayay.

 

Codaynta oo ahayd codka qorsoodiga ayna diyaar ahaayeen sanaatiiqtii codayntu ayaa markaas gudoomiyaha baarlamaanku sheegay in uu u badalay gacantaag iyadoo ay cirka isku sii shareertay buuqii.

 

Dagaal gacanta la isula tagay ayaa markaas hareeyay Hoolka shirka, dhowr qof ayaa dhaawacantay, wali mahayno magacyadooda.

 

Mardambe ayaa gudoomiyaha baarlamaanku sheegay in codayntii ay dhacday baarlamaankuna diiday in ciidamada wadamada safka hore dalka la keeno.

 

La soco faahfaahinta AllPuntland ALLE idankiis.

 

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Codbixintii Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ku dhamaaday weji aad u xun oo gacmaha la i sula tegay

Posted to the Web Mar 17, 17:50

 

 

Nairobi:-Waxaa hoolka sirarka ay ka socdeen oo loo codeynayey in ciidamo nabad ilaalina la keeno Soomaaliya iyo in kale ayaa ku dhamaaday gacan ka hadal, taas oo sababtay indhaawacyo soo kala gaaraan qaar ka mida mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliyeed.

 

Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliyeed ayaa waqtigan ay taariikhda ugashay inuu noqday baarlamaankii ugu karaamada daraa ee Soo mara umadda Soomaaliyeed, kaas oo ay u tahay markii labaad ee arintaasi ka shacdo iyadoo loo fadhiyo u codeynta doodaha baarlamaanka gudahiisa ah.

 

Gacan ka hadalkan ayaa bilowday kadib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed uu soo hordhigay xildhibaanada baarlamaanka in la gaaray waqtigii loo codeyn lahaa fikrada ah in ciidamo la keeno iyo in kale.arintaas ayey waxay sababtay inuu halkaasi uu ka dhaso buuq iyo sawaxan ilaa gacmaha la'isula tagay.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa halkaas ku xiray doodii galabta ka dhacaysay goobtaas waxaana loo qaaday xildhibaanada qaarkood oo halkasi ku soo gaaray dhaawacyo isbitaalada ku yaala magaalada Nairobi, wixii faah-faahin dheeriya gadaal ayaan idiinku soo gudbinaynaa.

 

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doodii Baarlamaanka oo lasoo gebo gabeeyey iyo Cod bixinta oo lagu wado in ay bilaabato

 

Nairobi :- Waxaa hada socota diyaar garowga codbixinta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo teer iyo saaka ka doodayey mooshinka dowlada Soomaaliya ay soo hordhigtay ee ciidamada shisheeye ee Somaliya la keenayo.

 

Dooda baarlamaanka oo ahayd mid ay ka hadleen xildhibaano kor u dhaafay 100 waxayna xildhibaanadaasi ku kala aragti duwanaayeen mooshinka ayadoo ay qaarna diideen in ciidamo ka socda IGAD gaar ahaan dalalka Safka hore iyo kuwo kale oo ayaguna wada taageeray in dalka Somaliya la geeyo ciidamo ka socda dalwalba oo Afrikaan ah.

 

Codbixinta iyo tirirnta cododka ayaa wakhti qaadan doonta ayadoo codbixintan ay tahay mid qarsoon oo ay xildhibaanada waraaq ku ridayaan sanduukh.

 

Qaabka codbixintan qarsoon ayey door bideen guddoonka Baarkamaanka oo sheegay in ay codbixintan tahay mid aad u muhiim ah.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doodii Baarlamaanka oo lasoo gebo gabeeyey iyo Cod bixinta oo lagu wado in ay bilaabato

 

Nairobi :- Waxaa hada socota diyaar garowga codbixinta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo teer iyo saaka ka doodayey mooshinka dowlada Soomaaliya ay soo hordhigtay ee ciidamada shisheeye ee Somaliya la keenayo.

 

codbixin_baarlamaan_Federaal.JPG

This is how the vote should have been done

 

Dooda baarlamaanka oo ahayd mid ay ka hadleen xildhibaano kor u dhaafay 100 waxayna xildhibaanadaasi ku kala aragti duwanaayeen mooshinka ayadoo ay qaarna diideen in ciidamo ka socda IGAD gaar ahaan dalalka Safka hore iyo kuwo kale oo ayaguna wada taageeray in dalka Somaliya la geeyo ciidamo ka socda dalwalba oo Afrikaan ah.

 

Codbixinta iyo tirirnta cododka ayaa wakhti qaadan doonta ayadoo codbixintan ay tahay mid qarsoon oo ay xildhibaanada waraaq ku ridayaan sanduukh.

 

Qaabka codbixintan qarsoon ayey door bideen guddoonka Baarkamaanka oo sheegay in ay codbixintan tahay mid aad u muhiim ah.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Codbixintii Baarlamaanka oo isku bedashay gacan ka hadal iyo rabshado ka dhex dhashay Baarlamaanka

 

Nairobi :- Rabshado gacanta la isula tagay ayaa ka dhashay kulankii Baarlamaanka ee galabta lagu soo gebo gabeyn lahaa doodii keenista ciidamada Shisheeye.

 

Buuq ayaa ka dhashay hoolkii shirarka wakhtigii ay doorashada dhici lahayd ayadoo halkaasi gacanta ay usula tageen laba kooxood oo kamid ah Xildhibaanada kuwaasi oo kala ra'yi duwanaa.

 

Macada illaa iyo hada qaabka ay doorashadu u dhacday ayadoo saxaafada loo diiday in ay galaan gudaha hoolka shirka qeybta codbixinta xildhibaanada.

 

Booliiska ku sugan Hotel Grand Regency ayaa soo dhexgalay xildhibaanada Soomaaliyeed oo qaarkood dhaawacyo soo gaareen.

 

Galabta ayaa lagu waday inuu Baarlamaanka codka u qaado qodobka sheegaya in ciidamo shisheeye dalka Soomaaliya la keeno, waxaana saacadihii ugu danbeeyey uu kalafadhigii isku bedalay goob dagaal oo aan waxna la isula harin.

 

Codbixintan oo la sheegay in looga qaado qaab qarsoon, ama Sandhuukh ayuu Guddoonka Baarlamaanka sheegay in codka loo qaadayo mooshinka dowlada ee qoraya in dalka Somaliya la keeno ciidamo nabadsugid ah oo ka socda Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta, codkana lagu kala shubayo labo sanduukh oo kala ah:

 

HAA

MAYA

 

Sida ay noosheegeen xog ogaal gudaha hoolka ku sugnaa murankan ayaa ka bilowday codbixinta oo la sheegay in loo qaadayo Mooshinkii ay dowlada Baarlamaanka u soo gudbisay halka ay xildhibaano kale sheegeen in codka marka hore loo qaado mooshin ka dhan ah dowlada oo kasoo horjeeda ciidamada Safka Hore ee IGAD.

 

Arrintan ayaa keentay in Guddoomiyaha Baarlamaanka shariif Xassan uu bedalo go'aankii hore ee codbixinta oo uu yiraaho, waxaa codka loo qaadayaa marka hore Mooshinkii danbe oo ay soo gudbiyeen 30 xildhibaanah.

 

Guddoomiyaha ayaa markaa sheegay in loo gacan taago Mooshinkii 2aad kadibna loo gudo galo mooshinkii 1aad ee Dowlada, taasi oo keentay in buuqii isu bedalo gacan ka hadal.

 

Illaa iyo hada lama xaqiijin cida gacan ka hadalkan bilwoday ayadoo Xildhibaano badan ay ka qeyb qaateen gacan ka hadalkaasi ka dhacay xaruntii lagu shirayey.

 

Gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa warbixin faah faahsan haduu alle idmo.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Nairobi, Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Gacan ka hadal ka dib ucodeeyay in aan Soomaaliya la keenin Ciidamada Safka Hore Waraysi Sh XasanSh Adan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Nairobi

 

Shirkii Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee maanta ka Furmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa soo gaba gaboobay iyadoo looga hadlayay Laba Arimood aa kalla ahayd in Soomaaliya la keeno Ciidamo ka Socda Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta oo isku jira,

 

 

Iyo Figarad kale oo ahayd inSoomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Wadamada Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta Balse aysan Ku Jirin Wadamada Safka Hore ee Soomaaliya Xuuuda lalleh,

 

 

Hadaba Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh XasanSh Adan ayaa isagu ku dhawaaqay natiijadii isagoo warkiisa ku bilaabay Sidan

 

 

156 Xidhibaan waxa ay ucodeeyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Wadamada Midoowga Afrika iyo Dalalka Carabta, laakiin aysan ku Jirin Wadamada Safka Hore,

 

 

55 Xidhibaan waxa ay ucodeeyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Midoowga Afrika iyo Wadamada Carabta oo aanlakalla Saarin

 

 

dhinaca kale 6 Xidhibaan ayaa iyagu ka aamusay Labada Figaradood kulanka Baarlamaanka ee Maanta waxaa Hareeyay Buuq gacan ka hadal dhaliyay

 

 

Ku noqo beejka

 

 

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)Axmeddheere65@hotmail.com

 

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Baarlamanka Soomaalida oo diidey ciidamada deriska

 

Cabdiraxman Yabarow

BBCSomali.Com

 

 

Galabta ayaa la filayaa in Baarlamanku u cudeeyo in ciidamo shisheeyey la geyn karo Soomaaliya iyo in kale

Markii ay dhammaatey dooddii saaka u bilaabmatey xildhibaanda Baarlamanka Soomaalida oo looga doodayey in la ogolaado in ciidamo ka socda waddamada Soomaaliya deriska la ah iyo in kale ayaa Guddoomiyaha Baarlamanku xildhibaanada u sharxey hubkii loo codeyn lahaa.

Xildhibaanada joogey madashey shirku ka dhacey waxa tiradoodu aheyd 217 xildhibaan. Xildhibaanaas 55 ka mid ah waxa ay u codeeyeen in Soomaaliya la geeyo ciidamo ka socda Afrika iyo Carabta oo aan la kala soocin. Laakiin 156 xildhibaan ayaa ka soo horjeestey in ciidamo ay ku jiraan waddamada Soomaaliya la deriska ah la geeyo waddanka Soomaaliya. Halka lix xildhibaanna ay ka aamuseen.

Markii codadkii la kala tirshey ayuu Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaalida, Sharif Xasan Shiikh Aden uu kub dhawaaqey in xildhibaanda intooda badan ay u codeeyeen ka soo horjeedaka ciidamo shisheeyey sidaasna lagu ansaxshey codeyntoodii.

 

Markii intaas ay dhacdey ayaa waxa madashii ka bilowdey dagaal aan horey loo arkin oo dhexmarety xildhibaanadii halkaas isla joogey oo qaar badan halkaas lagu dakhrey. Boolslka Kenya ayaa soo dhexgaley oo kala kexeeyey intii iskugu soo hartey madasha oo qaar badan dhiig ka da'yey.

 

Markii uu shirku saaka ka furmey Nairobi, qiyaastii 10:45 daqeeqo saacada Afrikada Bari, waxa is-qorey xildhibaano gaaraya boqol iyo dhowr iyo toban xildhibaan oo mid kasta uu doonayo inuu ka hadlo doodda ka horeysa u codeynta arinka loo qabtey shirkan oo ah in la ogolaado ama la diido in ciidamo shisheeyey Soomaaliya la geeyo.

 

Xildhibaanada ka hadley shirka ilaa iminka oo aad u badan waxa ka mid ah Ra'iisalwasaaraha dowlladda Federaalka ee KMG ah, Cali Maxamed Geedi oo xildhibanada kula talshey in qof walba si deggan oo akhyaarnimo ku kirto ra'yigiisa u dhiibto oo dhinac kasta oo codeyntu u dhacdaba aan hadhow bannaanka la isku qabqabsan oo saaxiibo la ahaado codeynta ka dib.

 

Wararka nooga imaanaya madasha uu ka socda shirka Baarlamanka Soomaalidu waxa ay sheegayaan in ilaa iminka xildhibaanada jooga madasha lagu shirayo ay tiradoodu gaareyso ilaa 220 xildhibaan.

 

Cabdullahi Yusuf iyo Geedi oo isku dhan ah xildhibaanno badan ayaa ka soo horjeeda

 

Waxa wararku intaas ku dareen in dooddii saaka bilaabmatey oo weli socota, ilaa iminka, xildhibaanda hadley ay u badan yihiin kuwa ka soo horjeeda in ciidamo ay ku jiraan waddamada Soomaaliya la deriska ah la geeyo Soomaaliya.

 

Balse, waxaiyaguna codkooda si xoogan u dhiibtey xildhibaanno ku baaqey in la xishoodo oo la ixtiraamo wadamad Soomaaliya la deriska ah ee qeybta weyn ka soo qaatey dib u heshiisiinta Soomaalida ee mudada badan soo socotey.

 

Habka loo codeenayo

 

Warar xogogaal ah oo BBC-du heshey ayaa sheegaya in cod dhiibashada xildhibaanadu ay u badan tahey iney noqoto cod qarsoodi ah oo waraaqo lagu dhiibanayo.

 

Waxa wararka ka imaanaya madasha shirku ka soco sheegayaan in halkaas loo deedey shicibka, iyadoo suxufiyiinta loo ogolaadey ay aad u koobnaayeen.

 

Wariyaha BBC-da uga soo waramaya Hoteelka la fadhiyo Cabdiraxman Koronto ayaa ku soo waramaya in si qeyra caadi ah ammaanka Hoteelka loo ilaalinayo maanta oo baabuurta soo galeysa iyo dadka si weyn loo baarayo.

 

Xildhibaanda xataa marka ay galyaan qolka shirarka waa la baarayaa oo xataa bakooradihii ay wateen ayaa laga reebey oo meel lagu xaseeyey.

 

Fadhigani, saaka ka bilaabanaya Hoteelka Grand Regency, waxaa uu ku soo beegmay iyada oo isla maanta ay Nairobi ku shireen wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD, oo ka tashanaya wixii ay ka yeeli lahaayeen taladii ay soo jeediyeen wasiirrada difaaca ee IGAD oo Kampala dhawaan ku shirey.

 

Yuweri Musevani

 

Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni, oo hadda haya jagada Guddomiyenimada meertada ah ee IGAD, ayaa isaga oo la hadlaya wasiirrada difaaca waxaa uu sheegay in hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya, hadday oggolaadaan iyo hadday diidaamba, ay IGAD ciidammo geyn doonto Soomaaliya.

 

Baarlamaanka Soomaalidu go'aanka uu gaaro, waxaa uu noqon doonaa mid saameyn weyn ku yeesha aayaha Soomaaliya.

 

Wararka ku saabsan shirka waxa aad si joogta ah ugala socon kartaan WWW.BBCSomali.Com oo marba halka ay wax marayaan aan si isadaba joog ah ugu daabici doonno.

 

 

Duke_Valantino, brother xaq ayaad u leedahay aragtidaada inaad ama waafaqdo ama ka hortimaadid go'aankan.....balse ogow Soomaalidu waxay ku maahmaadaa "Waa baryey sacab laguma dedi karo". Taas waxaan uga jeedaa ma waxaad rabtaa inaad inkirtid ood qarisid hawshu siday ku soo gebagebowday?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Oh no brother but the news makes no sense, I am trying to get my head round the whole thing.

 

One version is there is a fight and everything went AOL. The other is there was a vote with, 150, 153, 156 and various other numbers against the government motion. However the government motion was not even voted upon.

 

kulankii baarlamaanka ee maanta oo ku soo gabagaboobay qas,dil,fawdo iyo najiido la,aan

Posted to the Web Mar 17, 18:14

 

 

Nairobi:-Kulankii baarlamaanka ee maanta oo ku saabsanaa ka doodista barnaamijka dawladda ee ahaa dib u guuritaanka iyo keenitaanka ciidamo nabad ilaalineed dalka oo ka socda dalalka Midawga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu ku soo gabagaboobay 6:30 fiidnimo najiido la,aan ka dib markii la isku afgaran waayey hanaanka codbixintu u dhacayso,iyadoo markii dambe Xildhibaanadu gacanta isula tageen oo qaar ka mid ah lagu garaacay Hoolkii kulanka baarlamaanka ka socday.

 

Fawdada haraysay kulanka baarlamaanka ayaa waxay bilaabatay ka dib markii Xildhibaanadu ka doodeen keenitaanka dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee aysan dawladdu kala saarin iyo mooshin xubnaha baarlamaanka qaarkood soo jeediyeen oo ka dhan ahaa in ciidamadaas lagu soo daro Dawladaha safka hore,islamarkaasna dhinac walba soo bandhigay aragtidiisa uu ka qabo arrimahaas ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka go,aan ku gaaray in la keeno santuukhyadii codbixinta si loogu kala coddeeyo keenitaanka ciidamo aan la kala qaadin dalka iyo in laga reebo dalalka safka hore.

 

Markii la soo dhigay sanaadiikhdii codbixinta ayaa waxay Xidlhibaano u badnaa Wasiiro bilaabeen buuq iyo sawaxan,taasina waxay horseeday in Guddoomiyaha baarlamaanku u bedeli codbixintii qarsoodiga ahayd mid gacan taag ah,waxaana Xubnaha baarlamaanka ka dhex bilawday gacan ka hadal dhexmaray gudahooda,iyadoo meeshaas lagu garaacay Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere iyo XIldhibaan Macalin jiis oo labada soo gaareen dhaawacyo.

 

Xildhibaanada FKMG ah ayaa waxay halkaasi ku soo kala dareereen,iyadoo wax najiido ah ka soo bixin Kulankaas,islamarkaasna qoloba qololada ku tilmaamayso inay guuldaraysteen oo guushu dhinacooda raacday,waxayna arrintaani ku soo beegantay wakhti Wasiirada Arrimaha dibeda kulan uga furmay Nairobi ku saabsan sidii soomaaliya loogu taageeri lahaa ciidamo dalka hub ka dhigis ka sameeya.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Over what? :D One thing I know the government has not lost and will put its motion again to be voted on. What we have is a fictitious result created to hide the fact that they would never have had 139. "Lets put our hands up" :D:D

 

Juma how did the government lose when its motion was not even voted on?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku dhawaaqay in Baarlamaanku uu go'aamiyay in aan ciidamo ka socda dalalka safka hore la geynin Soomaaliya

 

_40937419_melee203ok.jpg

 

Khamiis, March 17, 2005 (HOL) 19:00GMT: Kulankii ay maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ka yeesheen in ciidamo shisheeye dalka Soomaaliya la geeyo ayaa gunaanadkiisii wuxuu ku soo af-jarmay in ay Xildhibaanadu gacanta isula tagaan, isla markaana ay dhiig iska daadiyaan, inkastoo si gacan taag ah ay Xildhibaanadu isugu raaceen in ciidamo ka socda dalalka safka hore aan Soomaaliya la geynin.

 

Xildhibaanada ayaa u kala jiray kuwo doonayay in ciidamo aan la kala soocin oo Afrikaan iyo Carab ah la geeyo Soomaaliya, halka kuwo kalena ay aad ugu dheganaayeen in ciidamo haddii loo baahdo la geeyo Soomaaliya balse aan lagu soo darin kuwa dalalka safka hore, waxaana kulankii saakay oo furmay abaarihii 10:30-kii subaxnimo isu diiwaangeliyay si ay doodda uga qeybgalaan 119 dhildhibaan, waxaana dooday 90 Mudane, kuwaasi oo fikradahooda ay u badnaayeen in ciidamada safka hore meesha laga saaro, waxaana xusid mudan in ay jireen Xildhibaano iska ilmeeyay intii dooda socotay, kuwaasi oo xildhibaanada ku boorinayay in ay alle ka baqaan oo markaasina aysan dhibaato u soo jiidin dalkooda iyo dadkooda, halka kuwo kale oo aad u daneynayay in ciidamo aan la kala soocin dalka la geeyo Soomaaliya ay maanta ka soo burqadeen hadallo ay horay u qarsanayeen oo ahaa in dhul, guryo iyo beero xoog looga heysto, sidaas darteedna ay daneynayaan in ciidamo xoog ugu soo celiya hantida ka maqan la helo.

 

Markii ay dhamaatay dooddii ayuu guddoomiyaha Baarlamaanka Md.Shariif Xasan u sheegay Xildhibaanada in loo kala codeynayo labo mooshin oo kala ah in ciidamo Afrikaan iyo Carab ah oo aan la kala soocin la geeyo Soomaaliya iyo in ciidamo aaney ku jirin kuwa safka hore la geeyo Soomaaliya, waxayna Xildhibaanada intooda badan u codeeyeen in aan ciidamo ka socda dalalka Soomaaliya la deriska ah aan la geynin dhulka Soomaaliyeed, taasina ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay iyadoo si gacan taag ah loo codeeyay kadib markii is-hortaag lagu sameeyay sanduuqyadii lagu codeyn lahaa, hayeeshee markii laga guuleystay kooxdii rabtay ciidamada dalalka safka hore ayaa waxaa ka bilowday Hotelkii uu shirka ka socday ee Grand Regency fowdo keentay in ay xildhibaanadu gacanta isula tagaan, isla markaana ay qaarkood dhaawacyo culus ah oo dhinaca madaxa ah soo gaaraan, waxaana kuwa magacyadooda ay na soo gaareen ka mid ah Xildhibaan C/llaahi Geedi Shadoor, Xildhibaan Cabdi Kaafi oo wasiir ku xigeenka Boostada ah iyo Xildhibaan kale oo magaciisa naloogu sheegay C/raxmaan Xaaji Ismaaciil.

 

Goobta shirka waxaa ku sugnaa Ra'iisul Wasaare Geedi oo isagu ka mid ahaa Xildhibaanada qabay in ciidamo aan la kala soocin la geeyo Soomaaliya. Prof. Geedi mar uu Xildhibaanada la hadlay markii ay dooddu bilaabaneysay ayaa wuxuu sheegay in si Dimoqraadi ah oo aan is-mucaaradid lahayn loo dhiibto fikradaha, iyadoo uu xusay in dhinacii laga guuleysto laga rabo in uu ku qanco in si dimoqraadi ah looga adkaaday, isla markaana marka Hotelka laga baxo aan wax cadaawad ah la isu qaadin, "Maanta waxay ahayd maalin madow oo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku hoggaamiyay Xildhibaanada markii labaad in ay is-dilaan"ayuuna yiri Prof. Geedi oo BBC-da wareysi siiyay cod bixintii gacan taaga ahayd kadib. Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxay labaduba sheegeen in kooxo aan tiro badneyn oo Qaran diid ah ay fowdada bilaabaan mar walba.

 

Sidoo kalena Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa isaguna goobtay shirka saakay yimid, inkastoo uu dib isaga laabtay markii taas ay soo jeediyeen Xildhibaanada qaarkood, inkastoo xubno ku dhow dhow madaxweynaha ay sheegeen in aanu arrinta doodda madaxweynaha shirka u tegin, balse uu Xildhibaanada soo salaamayay.

 

Doodda looga adkaaday Xildhibaanada qabay in ciidamo aan la kala soocin Soomaaliya la geeyo ayaa waxay timid iyadoo 19 Xildhibaan oo fikirkaas qabay ay maanta ku xayirmeen magaalada Baydhabo kadib markii diyaaraddii qaadi lahayd uu digniin u jeediyay Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade oo isagu si weyn uga soo horjeeday in ciidamada dalalka safka hore la geeyo Soomaaliya, inkastoo Xildhibaanadaas ay Nairobi ku laabteen iyadoo shirkii uu soo gebageboobay, kooxdoodiina laga adkaaday.

 

Hotelka Intercontinental ee isla magaalada Nairobi ayaa saakay waxay shir ku lahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka IGAD, kuwaasi oo ka arinsanayay Arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan, si gaar ahna waxay u daneynayeen arrinta ku saabsan in ciidamo ka socda dalalka IGAD la geeyo Soomaaliya, inkastoo kulankoodaas oo la sheegay in ay berri go'aano ka soo bixi doonaan ay Dowladda Mareykanka qoraal soo gaarsiisay kaasi oo qodobadiisa ay ka mid ahaayeen in aaney soo saarin go'aan ka hordhacaya midka baarlamaanka laga sugayo iyo in Soomaaliya ay saaran tahay cunaqabateyn dhinaca hubka ah, taasi oo mamnuuceysa in hub iyo ciidamo la geeyo Soomaaliya, iyadoo aanu UN-ku ogolaanin, taasina ay taxadar ka muujiyaan.

 

Sheekada maanta ka dhacday Hotelka Grand Regency ayaa waxay soo af-jartay codsigii madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ee ahaa in ay doonayaan in ciidamo aan saf hore iyo saf gadaale loo kal asoocin loo diro Soomaaliya iyo weliba hadalkii Madaxweyne Yoweri Museveni ee ahaa in ciidamo aan cidna lagala tashan oo ka socda dalalka IGAD la geynayo Soomaaliya, hadalkaasi oo ay si weyn Soomaalida badankeed uga caroodeen.

 

Waxaa xusid mudan in kulanka maanta uu yeeshay Baarlamaanka shalay ilaa xalay la isku dayayay in dib loo dhigo ilaa maalinta Sabtida ah, waxaana taasi aad ugu ololeynayay sida wararku nagu soo gaarayaan mas'uuliyiin ka socotay dowladda Kenya, si gaar ah waxaa loo xusay Safiirka Dowladda Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Danjire Maxamed Afey, kaasi oo xitaa ay Xildhibaano ay ka mid yihiin Cali Baashi Xaaji Maxamuud ay ku eedeeyeen in uu ugu hanjabay in howl laga qabanayo haddii ay cagahooda dhulka dhigi waayaan, haseyeeshe taasi wey suurtoobi weysay, waxayna guddoonka Baarlamaanka ku adkeysteen in kulanka uu dhaco, waana dhacay.

 

Midowga Afrika ayaa dhowaan wuxuu ka codsaday beesha caalamka lacag Nus Milyan Doollar ah, taasi oo loogu talagelayo howlgal ay ciidamo ka socda dalalka IGAD muddo 8 bilood ah ka fulinayaan gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo warar ka soo baxay Saraakiil sare oo IGAD ka tirsan-na ay sheegeen in 30-ka April la geynayo magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo Afar Batalyan oo Ciidamo IGAD ka socdo ah, halka labo asbuuc kadibna magaalooyinka Beledweyne iyo Gaalkacyo la geyn doono labo Batalyan.

 

Banaanbaxyo horay uga dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa looga soo horjeeday in ciidamo ka socda dalalka safka hore la geeyo Soomaaliya, iyadoo siyaasiyiin ka tirsan kuwa Muqdisho iyo mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga ahna ay si weyn uga soo horjeesteen in ciidamo shisheeye gebi ahaanba la geeyo Soomaaliya, haddii la geeyana ay la dagaalami doonaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

 

 

And Duke sxb this is from Hiraanonline. And setting aside the jibes between me and you, please accept my sincere sympathy regarding the injury incured by 'adeero' and I hope he gets better soon, Inshallah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this