Sign in to follow this  
Maaddeey

The Awdal Uprising 'The true story'

Recommended Posts

Maaddeey   

Saddex Qof oo ku dhaawacantay Mudaaharaad ka Dhacay Boorama

 

Dhaawaca saddexda qof ayaa yimid ka dib markii ciidamada ammaanku ay rasaas ku fureen dad mudaaharaad ka sameynayay magaalada Boorama.

 

VOA Somali | Washington DC. Jimco, 17 September 2010

Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku dhaawacantay rasaas ay ciidamada ammaanku ku fureen dad mudaaharaad ka sameynayay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

 

Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Boorama kuwaasoo la sheegay inay ka gadoodsan yihiin maxaabiis loo xirxiray inay gawaari ku daabuleen xoogag ka tirsan jabhadda ONLF oo la sheegay in laga soo dejiyay xeebaha Soomaaliland.

 

Dadka ayaa dhagxaan bilaabay ka dib markii gaari Surf ah lagu dhuftay gaari bileysku wateen oo waday maxaabiis la eedeeyay.

 

Waxaana la sheegay in dadkii mudaaharaadka sameynayay ay la baxsadeen mid ka mid ah raggii maxaabiista ahaa.

Rasaastii boolisku fureen waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan saddex qof oo isugu jiray rag iyo dumar.

 

Dadka mudaaharaadka sameynayay waxay ku cabanayeen in la damacsan yahay in ragga xiran la doonayo in ciidamada Itoobiya loo gacan geliyo. Balse taliyaha ciidamada gobolka Maxamed Cabdi ayaa VOA-da u sheegay inaanay waxba ka jirin warkaasi sheegaya in ciidamada Itoobiya loo dhiibayo maxaabiista ay hayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka mudaaharaadka sameynayay waxay ku cabanayeen in la damacsan yahay in ragga xiran la doonayo in ciidamada Itoobiya loo gacan geliyo. Balse taliyaha ciidamada gobolka Maxamed Cabdi ayaa VOA-da u sheegay inaanay waxba ka jirin warkaasi sheegaya in ciidamada Itoobiya loo dhiibayo maxaabiista ay hayaan.

:D:D ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Taliyaha Saldhigga nin been badan yaqaanna maaha, wareysiga C/salaam Hereri dhegeyso!.

 

Maxaa kulmiyey Wefdiga Xabashida & Nimanka laga bixiyey Saldhigga?.

 

Mar wuxuu yiri: 'Xabsiga Boorama ayaa loo soo waday' marna 'Kan Hargeysa'... JB'yow see wax u jiraan?.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Maaddeey,

 

Sida aad sheegtay wuu kala hadlay taliyuhu. Shacabku arin iska cad bey ka hor tageen. Boorame waxaa ku sugan. Madaxa Liyuu Police-ka ee Awbarre oo ka tirsan Deegaanka jigjiga. Arinta ah in nimanka xaga jigjiga loo soo waday baa xaqiiqada aad ugu dhow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waryaa Jacayl in onlf ta la hareereeyo (waaba haddii lagu gaara e :D ) waa laysku ogaa, laakiin maxay tahay local guryaha kasoo baxay oo mudaaharaadayya ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

NGONGE,

 

I don't think you understand how Ethiopia's demands from Somaliland are easily provided. A father and daughter is what you want to have in your mind when you think of Ethiopia and Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Xamaasad title ka muuqata? heh!. Bal dhegeyso wareysiga!. Taliyuhu wuxuu yiri markii su'aashii ugu horreysay la weydiiyey: 'mar kale moogiye, hadda su'aal kale kama jawaabi karo.....100 wax ka badan baa nagu soo yaacay... nin maxaabiista ka mid ah bay kaxeysteen..' :D (If thats not uprising, I don't know what uprising is).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

waryaa Jacayl in onlf ta la hareereeyo (waaba haddii lagu gaara e
:D
) waa laysku ogaa, laakiin maxay tahay local guryaha kasoo baxay oo mudaaharaadayya ?

Waa family gii ay nimanka xidhani ka dhasheen oo maqlay xabashi baa loo dhiibayaa ,,,, gaadhiga la jiidhsiiyay police ka waxa waday mid ka mid ah maxaabiista walaalkii ,,,,,,,,

 

Fahamta wala la'a ? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this