Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Delegation From China Visit Somaliland for Airport Project Pics

Recommended Posts

Wafti Balaadhan oo ka socda dalka Shiinaha oo galabta dalka yimid daawo

Written by Qaran News

Mar 05, 2010 at 09:52 AM

Hargaysa,(Qaran News)- Waxa maanta galinkii danbe madaarka caalamiga ah ee Egal Intrenational Airport-ka soo degay wafti balaadhan oo ka socda dalka Shiinaha.

 

 

Waran81.jpg

 

Waran19.jpg

 

Waftigani oo ka koobnaa 14 toban xubnood, waxa ay ka koobanaayeen ganacsato waaweyn iyo qaar ka mid ah saxaafada ugu balaadhan ee ka hawl gasha dalkaasi Shiinaha qaarkood, waxa sidoo kale ka ku jiray xubnahani tiradaba dan xubin ka mid ah dawlada dalka Shiinaha, waxa sidoo kale waftigani socdaalkooda ku weheliyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Shiinaha mudane Axmed Xasan Cigaal

 

 

Waran80.jpg

 

Waxa waftigaasi iyana madaarka ku qaabilay wasiirka duulista iyo hawada mudane Cali Maxamed Warancadde oo uu ku weheliyo duqa caasimada Somaliland mudane Xuseen Maxamed Jiciir.

 

 

Wasiir Cali Warancadde oo qolka nasashada ee madaarka saxaafada kula hadlay ayaa soo dhaweeyay waftigani ka socda dalka Shiinaha, waxa aanu wasiirku sheegay in ay xukumad ahaan ka go'antahay soo dhawaynta cid alaale iyo cidii maalgashanaysa Somaliland isla markaasina ay, aad ugu faraxsanyihiin waftigani in ay dalka yimaadaan waxa aanu sheegay in ay wada gayn doonaan dalka oo dhan gaar ahaan meelaha ay xiisaynayaan oo u badan maalgashi, waxa aanu soo dhaweeyay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee Shiinaha iyo Somaliland oo maraaya heer wanaagsan

 

Waran87.jpg

 

Wakiilka Somaliland ee dalka Shiinaha mudane Axmed Xasan Cigaal oo isna hadal kooban ka soo jeediyay socdaalkooda ayaa aad iyo aad ugu mahad naqay xukumada Somaliland sida ay u soo dhawaysay waftiga, waxa aanu sheegay in ay waftigu yihiin kuwo dalka doonaaya in ay maal gashadaan iyo kuwo xaqiiqo raadis ah, isla markaasina ay waftiga xubin ka mid ahi uu ka socdo dalka shiinaha.

 

Waran86.jpg

 

Waran20.jpg

 

Dhanka kalena xubin ka mid ah waftiga oo la yidhaa Mr Qi, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaatinkiisa uu yimid Somaliland, waxana aanu u hambalyaynaynaa shicibka iyo xukumadaba waxa ay qabsadeen, waxa aananu u soconayaa maalgashi sidii dalka loogu samayn lahaa iyo sidii aanu u ogaan lahayn xaqiiqda dhabta ah ee Somaliland, waxa aananu ku rajo waynahay in wax waliba ay guul ku dhamaan doonaan..

 

 

Waran21.jpg

 

Sidoo kale waxa la filayaa dhawaan in ay shirkad laga leeyahay dalka Shiinahu ay bilowda dib u dhiska madaarka weyn ee magaalada Hargaysa, taasi oo ay shirkadaasi qandaraas ku qaadatay hirgalintiisa, hadaba ma aha markii u horayasay ee wafti ka socda dalka Shiinahu uu dalka yimaado hase ahaatee kani waa kii ugu balaadhnaa ee dalka yimaada, waftigani ayaa ka hor intii ayna dalka iman waxa ay soo mareen dalal badan oo caalmka ah, socdaalkoodaasi ay hada ku yimaadeen Somaliland lama sheegin inta uu qaadan doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha oo Xafiiskiisa Kulan Kula Yeeshay Wefdi Balaadhan oo ka socda Dalka Shiinaha, Daawo

Written by Qaran News

Mar 06, 2010 at 09:27 AM

Hargeysa (Qaran News)- Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin,Waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyadda kulan kulayeeshay Wafti balaadhan oo ka socda Dalka Shiinaha.

 

Waftigaasi oo isugu jira Ganacsato iyo Madax ka tirsan Shirkadaha Madaxa banaan ee Dalka Shiinaha oo Hogaaminayo "Mr. Ji shiaw shie oo ah Maalqabeen Madax u ah Shirkadaha Waaweyn ee Caanka ku ah Dalka Shiinaha, dhinaca Gacansiga iyo Farsamada Gacanta, Waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen Somaliland.

 

 

china%20iyo%20madaxweynaha1.jpg

 

china%20iyo%20madaxweynaha2.jpg

 

china%20iyo%20madaxweynaha.jpg

 

 

Madaxweynaha Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo Hadal kooban waftiga u jeediyey waxu marka hore uu ugu Mahadnaqay waftigaasi socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland oo ah wadankii 7aad ee Africa ee ay waftigu socdaal ku kala bixiyaan iyagoo soo maray Saraf aad u dheer.

 

Madaxweynuhu waxa uu waftiga u sheegay in Shacbiga Somaliland ay marwalba Xasuusan yihiin mashruuca Biyaha ay wali ka cabto Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ah Mashruuc Dhawlada Shiinuhu ay ku Caawisay Reer Somaliland

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu u sheegay waftiga Shiinaha in Somaliland ay tahay wadan Dihin marka ay noqoto dhinaca khayraadka Macdanta una baahan Maalgashi Wadamada Shisheeyaha ah.

 

Madaxweynuhu isaga oo arintaasi sii faah-faahinaya waxa uu yidhi "waxaan ka warqabnaa Shiinuhu in ay yihiin Wadamada Horu u maray ee Danaynaya in ay ka kaalmeeyaan Dalalka Africa arimo farabadan oo ku saabsan Dhinaca Horumarka , sidaa awgeedna waxa uu ka Codsaday waftigaasi Shiinaha in ay ka hawl galaan shirkadaha kalena ay u bandhigaan khayraadka Somaliland ay leedahay oo ay ka mid yihiin dhinaca macdanta Dhuxul dhagaxda Buuraha u dhaw Magalada Berbera oo lagu qadaray Malaayiin tan".

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ganacsato badani oo Reer Somaliland ahi ay la macamilaan alaabtoodana ka keensadaan Dalka Shiinaha waxana uu sheegay in labada geesoodba u sahli doonto hadii Ganacsatadda Shiinuhu ay Dakada Berbera ka hirgeliyaan Mandaqad xor ah dhinaca Ganaciga ama waxa loo yaqaano Free Zone.

 

Mr. Ji Shiaw Shie, oo isna kulan kaa Madaxweynuhu waftigiisa la yeeshay ka hadlay, waxa uu Sheegay in ay aad ugu hanwayn yihiin wax yaabaha Somaliland ay qabsatay iyada oo aan haysan Aqoonsi Caalamiya, kuwaas oo ay ugu wayn yihiin Nabada, Xasiiloonidda iyo Geedi Socodka Dimurqaadiyadda. Mr. Ji Shiaw shie, waxa uu balan qaaday in Shirkadaha Madaxa Banaan ee Shiinaha u u bandhigi doono waxyabaha ay ku soo arkeen Somaliland iyo Fursadaha Ganacsi ee ka jiraba Somaliland.

 

Waftigaasi inta inta ay joogaan Somaliland waxay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Wasiiro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Duulista iyo Hawadda, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiiro kaleba.

 

Kulankaa Waftiga Shiinuhu saaka Madaxweydnaha la yeesheen waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawadda Mudane Cali Warancade, Meeyarka Magalada Hargeysa Eng Husein Mahamuud Jiciir iyo Wakiilka Somaliland ee Dalka Shiinaha Mudane Ahmed Cigaal".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha oo Xafiiskiisa Kulan Kula Yeeshay Wefdi Balaadhan oo ka socda Dalka Shiinaha.

Warkii 06-Mar-2010 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu u qornaa sida tan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin,Waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyadda kulan kulayeeshay Wafti balaadhan oo ka socda Dalka Shiinaha.

 

 

Waftigaasi oo isugu jira Ganacsato iyo Madax ka tirsan Shirkadaha Madaxa banaan ee Dalka Shiinaha oo Hogaaminayo “Mr. Ji shiaw shie oo ah Maalqabeen Madax u ah Shirkadaha Waaweyn ee Caanka ku ah Dalka Shiinaha, dhinaca Gacansiga iyo Farsamada Gacanta, Waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen Somaliland.

 

Madaxweynaha Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo Hadal kooban waftiga u jeediyey waxu marka hore uu ugu Mahadnaqay waftigaasi socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland oo ah wadankii 7aad ee Africa ee ay waftigu socdaal ku kala bixiyaan iyagoo soo maray Saraf aad u dheer.

 

Madaxweynuhu waxa uu waftiga u sheegay in Shacbiga Somaliland ay marwalba Xasuusan yihiin mashruuca Biyaha ay wali ka cabto Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ah Mashruuc Dhawlada Shiinuhu ay ku Caawisay Reer Somaliland

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu u sheegay waftiga Shiinaha in Somaliland ay tahay wadan Dihin marka ay noqoto dhinaca khayraadka Macdanta una baahan Maalgashi Wadamada Shisheeyaha ah.

 

Madaxweynuhu isaga oo arintaasi sii faah-faahinaya waxa uu yidhi “waxaan ka warqabnaa Shiinuhu in ay yihiin Wadamada Horu u maray ee Danaynaya in ay ka kaalmeeyaan Dalalka Africa arimo farabadan oo ku saabsan Dhinaca Horumarka , sidaa awgeedna waxa uu ka Codsaday waftigaasi Shiinaha in ay ka hawl galaan shirkadaha kalena ay u bandhigaan khayraadka Somaliland ay leedahay oo ay ka mid yihiin dhinaca macdanta Dhuxul dhagaxda Buuraha u dhaw Magalada Berbera oo lagu qadaray Malaayiin tan”.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ganacsato badani oo Reer Somaliland ahi ay la macamilaan alaabtoodana ka keensadaan Dalka Shiinaha waxana uu sheegay in labada geesoodba u sahli doonto hadii Ganacsatadda Shiinuhu ay Dakada Berbera ka hirgeliyaan Mandaqad xor ah dhinaca Ganaciga ama waxa loo yaqaano Free Zone.

 

Mr. Ji Shiaw Shie, oo isna kulan kaa Madaxweynuhu waftigiisa la yeeshay ka hadlay, waxa uu Sheegay in ay aad ugu hanwayn yihiin wax yaabaha Somaliland ay qabsatay iyada oo aan haysan Aqoonsi Caalamiya, kuwaas oo ay ugu wayn yihiin Nabada, Xasiiloonidda iyo Geedi Socodka Dimurqaadiyadda. Mr. Ji Shiaw shie, waxa uu balan qaaday in Shirkadaha Madaxa Banaan ee Shiinaha u u bandhigi doono waxyabaha ay ku soo arkeen Somaliland iyo Fursadaha Ganacsi ee ka jiraba Somaliland.

 

Waftigaasi inta inta ay joogaan Somaliland waxay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Wasiiro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Duulista iyo Hawadda, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiiro kaleba.

 

Kulankaa Waftiga Shiinuhu saaka Madaxweydnaha la yeesheen waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawadda Mudane Cali Warancade, Meeyarka Magalada Hargeysa Eng Husein Mahamuud Jiciir iyo Wakiilka Somaliland ee Dalka Shiinaha Mudane Ahmed Cigaal.

 

Afnugaal News Desk

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by *ANWAR*:

I think they are tourists

Maybe, It's weird that so many of them have digital camera's on them. Plus we know China and their whole Taiwan issue, they would never recognize breakaway enclaves!

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

looool...its a lot more then you have achieved...look at hargaisa airport....look at the cargo carriers look at what we have developed. Yet after 18 years of murdering each other you have the audacity to speak to me about development in my state. Fix your own problems, before you spite the work of others. The chinese are different from other foreign power, they dont really care about international relations they just care about influence and profit. Is there a mutual interest yes, Ethiopia, the Red Sea and expanding influence in Africa politically and financially. Saxib wake up before you know it, the oromo's will be more developed then you. The bantu today look at you as refugees in Kenya?

 

yet you come online....the chinese..are they tourists....are the journalists...who cares.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Are you sure they are not clever Chinese tourists who pretend to be government officials loool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

GAAROODI saaxiib anigu kama xumi horumarka tuulo kasta oo Soomaaliya ka mid ah. Ayroboorkaan aad iska keen xijineysidna ogoow waa kii Soomaaliya dhisatay oo cid kale oo tarmac saartay maleh. Whoever they are it is good news and you have to know that Hargeysa is still officially part of Somalia regardless of what some think.

 

VIVA HARGEYSA IYO GOBOLLADA WAQOOYI EE SOOMAALIYA.

 

SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this