Sign in to follow this  
wacdaraha_aduunka

''Waryaa Caanaha cab haddii kale Al Shabaab ayaan kuugu yeerayaa”

Recommended Posts

“Waryaa Caanaha cab haddii kale Al Shabaab ayaan kuugu yeerayaa”!!! (Dhacdo la yaab iyo qosol leh)

 

Mogadishu Friday 24 July 2009 SMC

 

Waxay aheyd qiso la yaab iyo afkala heys igu noqotay markii nin aan walaalo nahay oo degan magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya, aan ka maqlay erayo la yaab leh kuwaasoo marna iga qosliyay marna iga yaabiyay.

 

Wiilkan walaalkey ah oo sababo ammaan dartiis aanan dooneyn inaan magaciisa u shaaciyo degana xaafad ka tirsan Nairobi ayaa xilli habeen ah oo aanu gurigiisa wada joognay, u yeertay Xaaskiisa, taasoo u sheegtay inuu diiday wiil yar oo ay dhaleen Caanihii, isla markaana uu bal u indho-gaduudiyo si uu u cabo Caanaha.

 

Aabihii isma waaline wiilkii yaraa oo da’iidu aheyd 4 sano jir ayuu inta u tegay ku yiri “Waryaa Caanaha cab haddii kale Al Shabaab ayaan kuugu yeerayaa”!!!. :D:D

 

Wiilkii yaraa ayaa si deg deg ah u qabsaday Koobkii Caanaha lagu siinayay isagoo durba qurquriyay, markii uu labo Cantuugo ku dhiftay kadib ayuu yiri “Aabo ha ii sheegin waan cabayaaye, waan ku baryaa aabo ha ii sheegin waan abayaaye”!!!. :D:D

 

Arrintan ayaa igu noqotay la yaab iyo qaadan waa, waxaanse su’aal ku celiyay wiilkii aan walaalaha aheyn ee dhalay cunuga yar, isagoo ii sheegay in Al Shabaab halkan (Nairobi) ay caan ka yihiin, isla markaana looga bartay falalka Gacan, goynta, Qoor-goynta, dilka, weerarada, iyo soo bandhigida waxyaalaha la xiriira dagaalada.

 

Sidoo kale, arrin kale oo caqabad xoogan igu noqotay ayaa aheyd markii caruurtaasi yar yar ee aan adeerka u ahay ay diideen inay I salaamaan aniga iyo koox dhalinyaro ah oo markaasi ka yimid Xamar, iyagoo noo sheegay in Xamar dadka ka yimaada oo dhan ay yihiin Al Shabaab isla markaana ay ka cabsadaan, taasoo caqabad iyo sasabid badan kadib aan ka dhaadhiciyay inaan aheyn Al Shabaab.

 

Dhacdooyinka ayaa ka mid ah dhacdooyinka la socda isbedelka xilli xumaadka lagu jiro, maadaama dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalalka Dibeddaha amaba ku dhasha dalalka Qurbaha ay ka fakir iyo wacyi duwan yihiin kuwa ku dhaqan Somalia oo iyagu ay ka dhamaatay wax ay la yaabaan marka loo koco dhanka Waxyaalaha Xunxun, oo dadka reer Muqdisho waxaaba la yiraahdaa, uma harsana wax la yaab lagu sheego oo adduunka ka jira, maadaama ay 20 sano ku soo dhex jireen xaaladba xaaladda ka sii xun.

 

Maxamed Xuseen Ugaas

 

ugaasyare@gmail.com

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiilkii yaraa ayaa si deg deg ah u qabsaday Koobkii Caanaha lagu siinayay isagoo durba
qurquriyay

Qurquris. Waa hore igu dambeysay ereygaas aan maqlo ama arko.

 

Dhalinta wax ciyaal lagu cabsiiyo wey istaahilaan; waa dadqalatada cusub. Soomaaliya dadqalato inay ku noolyihiin lagu sheegi jiray, laakiin wey caddaatay uultimo dad dadqalato inay joogaan dalkeena, waliba si muuqaal iskaga duubaayo iyagoo wax qalaayo ama gowracaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Waxba ma ogidiinee iska aamusa, afka qabsada, habeen hore waxyaalaha la iiga sheegay by someone who came from Kenya ayaan dhaweed waad yaabeesaan,

 

 

qofka ii warramayay wuxuu ii sheegay sida cabsida weyn looga qabo nimankan ALshabaab guud ahaan wadanka Kenya, tusaale wuxuu u soo qaatey Nayrobi iyo Gaarissa iyo magaalooyinka waaweeyn ee xuduuda la leh Soomaaliya,

 

wuxuu yiri ninka ii wadey sheekada

 

"waxaad arkeysaa Gaarisa gudaheeda dumarkii Kenyaatiga ahaa oo tolanayo jalaabiib ay gashtaan cabsi laga qabo Alshabaab awgeed, waa kuwii gaalada ahaa ee kenyaatiga, Soomaali warkeeda iskaba daa oo markoodi horeba jalaabiibka wey xiranayeen in Gaarisa kuwii aan xiran jirina wey bilaabeen"

 

 

"suuqii bacadlayaasha ee jalaabiibyada iyo xijaabka lagu iibinayey ayaa cirkaa isku shareeray oo qiimahoodi kor u kacey kadib Kenyaatigii wadaniga ahaa ee gaalada bilaabeen iney iibsadaan oy gashtaan jalaabiibka ama xijaabka madaxa"

 

 

"nimankiina sarwaalada ayey gaabsadeen, cimaamadana gashteen waa nimanka keenyaatiga ah ee gaalada ahaa cabsi laga qabo ALshabaab awgeed, xamaasada xun ayaa ka jiro oo ah in ALshabaab ay wadanka soo gali karto anytime xukun sharci dagdag ahna ku qaadi karto tana waa feejignaan abaabul loo sii diyaar garoobayo hadii ay taasi dhacdo"

 

 

"magaalooyinka Kenya xuduuda la leh Soomaaliya sida Libooya, Mandera, iyo kuwa ugu dhaw sida Wajeer dhammaantood waxaa ka hir galay xirashada xijaabka ee madaxa iyo kan la isku dado ee jalbaabka weyn ee macal wajiga, Nayroobina xaalada ka jirto wey adagtahay nabad galyo fiican baa ka jirto oo sidii hore dhacii iyo tuugnimadiina wey yaraadeen sidaa awgeed kuwii wax laaluushi jirey ama xadi jirey ama dadka af duubi jirey in nayroobi wey yaraadeen soomaalidiina si xor leh ayey ku damaashaadayaan nayroobi ayagoo taleefanadooda mobileka wato habeen iyo maalin, cabsidaasna waxaa ka danbeesay iney Alshabaab ka shaqeeso Nayroobi gudaheeda ayna gacmaha iyo lugaha ka jari cidii fal xatooya ama sharci darro ku dhaqaaqdo"

 

 

"baabuurtii hay'adaha ee dhaca loo geesan jirey ee lagala fakan jirey wajeer iyo mandeera oo dhankaa soomaaliya lala aadi jirey wey yaraadeen gabi ahaanba falkaas waa istaagey kadib markii dhowr nin ay hay'ad ka soo xadeen dhowr baabuur, nimankiina ay Alshabaab soo qabteen baabuurtiina loo celiyey hay'adihii Kenya ka hawlgali jirey ee caawin jirey magaalooyinka xuduuda la leh Kenya, ahy'adihii aad ayey u soo dhaweeyeen sida wanaagsan ay ALshabaab ula macaamiishey iyo gawaaridina loogu soo celiyey"

 

 

"sheekada ah in dadkii reer Gaariisa iyo Nayroobi isku dhax yaaceen oo cabsida laga qabo ALshabaab ay saa'idey waxey gaartey baarlamaanka Kenya halkaas oo uu ka hadlay nin wasiirka gaashaandhiga Kenya kaa soo dhalasho ahaan ka soo jeedo Soomaalida Kenya, wuxuu yiri wasiirka: "waxba yaan laga cabsan ALshabaab kenyana ma soo gali karto ee hala is dajiyo xamaasada iyo wareerkana hala joojiyo""

 

 

Sheekadaas waxaa ii sheegay nin ka yimaadey Kenya mar dhaw oo safar ku soo marey Ceelbarde Waajid Baydhabo Luuq Mandhera wajeer Gaarisa Nayrobi

 

mida kale ninkan ii warramayey wuxuu igu yiri in kastuuna asaga Xamar soo marin laakin wuxuu yiri nabad galyada Xamar waxaan ka aheyn hal degmo oo kaliya intooda kale nabad galyo ayaaa ku soo badatey waayo Alshabaab ayaa sharciyo madani ah ka bilaabey oo xasilooni ku soo korortey,

 

hadalkaas danbe ee Xamar waa iga dhaadhici waayey aniga :D ,

 

 

saaxiibkeyna waa ninka ka yimaadey hada safarkee wuxuu ii sheegay in uusan kooxna taageersaneen walaa dowlad ku sheeg walaa Alshabaab laakinse uu taageeri doono qoladii nabad keento waayo Soomaali waxaa xukumi karo ayuu yiri nin bir gacmaha ku wato oo si xoog ula macaamilo si nabad galyo u imaato durbaba,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this