Sign in to follow this  
QabiilDiid

Ethiopia Oo Sheegtay In Marka Ay Ku Guulaysato Somalia Ay U Keeni Doonto Cabdilaahi Y

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-04-29 (Hadhwanaagnews) Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Ethiopia Ato Gebide Haile oo khamiistii todobaadkii hore weraysi dheer siiyey Telefishanka maraykanka ah ee FOXNEWS ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopianka ee gacanta militery siinaya Maamulka Embigathi ee Cabdilaahi Yuusuf.

 

Marka ay ka soo faraxashaan hawl-gallada militery ee magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ay markaasi bilaabi doonaan inay Cabdilaahi Yuusuf laftigiisa keenaan magaalada Hargeysa si u ula bilaabo Xukuumadda Somaliland wada hadalo siyaasadeed.

 

Ato Gebide Haile wuxuu sheegay in Dalka Ethiopia uu beesha caalamka ka hellay taageero buuxda oo dhinac siyaasadeed ah in hawl galladdani oo u ku tilmaamay rajo soo celintii Soomaaliya 16 sannadood ka dib ay Ethiopia ka go'antahay in Taliska lagu soo dhisay Embigathi ee Cabdilaahi Yuusuf ay ku fadhiisiso wuxuu ku tilmaamay kursi awood badan oo ka taliya dhammaanba gobolada Soomaaliya.

 

Afhayeenka oo wax laga weydiiyey siduu u arko Somaliland oo sheegtay inaanay aqoonsanayn Maamulka Cabdilaahi Yuusuf maadama aanay iyaguba aqoonsanayn Somaliland wuxuu sheegay in dhibaato badan oo dhinaca diblomaasiyadda ah iyo dhinaca isfahamka ahi ay soomaalida ku dhex jirtay 16 sannadood ee ugu danbeeyey wuxuuna sheegay in ay Ethiopia hadda doonayso inay taasi meesha ka saarto, wuxuu yidhi "Somaliland waxaanu la leenahay xidhiidh wanaagsan oo salka ku haya iskaashi dhinaca ammaanka iyo weliba isku socodka xuduudka ah, waxaa naga dhexeeya ganacsi badan waxaanu isticmaala Dekedda Berbera, madaxdayada labada dhinacna waxay tagaan labada dhinac ee kale, imikana waxaa dantu ku jirta sidii mandaqadda looga ilaalin lahaa argagixisada iyo xasilooni darrada in wax weliba lagu dhameeyo miiska dushiisa" ayuu yidhi Ato Gebide Haile afhayeenkaasi.

 

Mar wax laga weydiiyey sida ay iskugu keenayaan Madaxda Somaliland iyo Maamulka Cabdilaahi Yuusuf iyo halka la iskugu imanaayo ee wada hadaladaasi lagu qabanaayo wuxuu ku jawaabay "Ethiopia waa dal xuduudka ugu dheer afrikada beri la wadaagta Soomaaliya waxaa degen Ethiopia 2 malyuun oo soomaali ah, halkaasi waxaa kaaga cad in dadka Ethiopia iyo soomaalida uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer, aniguna ku odhan maayo xalka soomaalidu gacantayada ayuu ku jira balse haddii loo baahdo waxaanu samayn doona inaanu Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf keeno Hargeysa si markaasi xal siyaasadeed oo waara loo gaadho"

 

Mar wax laga weydiiyey in Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka madax banaantahay Soomaaliya inteeda kale taasi inay Ethiopia la qabto wuxuu sheegay inaanay Ethiopia Somaliland u aqoonsanayn dal madax bannaan balse ay u aqoonsanyahiin gobol degen oo gaadhay xasilooni uu kaga duwanyahay ayuu yidhi soomaaliya ineeda kale laakiin ayuu yidhi annagu waxba kama qabno haddi ay soomaalidu isku af garato madax bannaani ay somaliland hesho.

 

Mar wax laga weydiiyey warbixin ay dhawaan soo saartay Haayadda Xuquuqda Aadamaha Ee Amnesty oo ku tilmaantay in Dawladda Ethiopia ay ka fulisay gudaha dalka Soomaaliya xad gudubyo ka dhan ah bini'aadminimada iyadoo dad rayid ah ku dishay isla markaana goobo rayidku degenyahay magaalada Muqdisho u adeegsatay hub culus wuxuu ku jawaabay "Ciidamada Ethiopia waxay la dagaalamayaan waa argagixiso caalami ah oo khatar ku ah mandaqadda waxaan qabaa waxay adeegsanayaan haayadahaasi waa hadalada aan sal iyo aad toona lahayn ee ay ku sheekeyaan argagixisada laftigeedu, ciidamadayadu waa yaqaaniin cidday la dagaalamayaan, goobaha rayidku joogo ciidamadayadu waa ka fogyahiin markastana waxaanu qaadana tallaabo aanu ku dabar goynayno argagixisada annagoo ka fogaana goobaha dadka rayidka ah, hawl gallada aanu qaadnay waa kuwo loo fuliyey si taxadar leh iyadoo weliba weeraro habeen iyo maalinba ah ay argagixisagu nagu soo qaado" ayuu yidhi afhayeenku.

 

waa markii ugu horaysay ee Xukuumadda Ethiopia ay shaaca ka qaado inay doonayso wada hadal siyaasadeed oo dhex mara Somaliland iyo Maamulka Embigathi waxaana ay weliba shaaca ka qaadeen inay Cadilaahi Yuusuf keeni doonaan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, balse weli wax arrintaasi ku saabsan kama ay soo bixin dhinaca Xukuumadda Somaliland waxaana dhawaan dhex maray Somaliland iyo Maamulka Embigathi kelmado la isku mariyey warbaahinta iyadoo ra'isal wasaaraha Embigathi Cali Geedi uu sheegay in gudaha somaliland lagu tababaro wuxuu ku tilmaamay argagixiso xidhiidh la leh kooxaha la dagaalamaya kuwaasi oo ay tababarka siiso ayuu yidhi Dawladda Eriteria, balse taasi waxaa si weyn u beeniyey Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo ku tilmaamay wax laga yaxyaxo oo laga yakh yakhsiyoodo wuxuuna sheegay in somaliland iyo argagixisadu ay isku yahiin jiir iyo bisad isagoo tusaale usoo qaatay in kooxo argagixiso ah oo hadda falalkaasi loo xukumay oo ay isku hayb ka soo jeedaan Cabdilaahi Yuusuf iyo Cali Geedi ay Somaliland gacanta ku hayso.

 

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Harowo.com, Hargeisa, Somaliland

Email: diridhaba@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

In short, the article is saying then that Yeey is gonna ask the break away Republic of Somali-land to hand over their weapons NEXT???? wow!! aint that too soon???

Share this post


Link to post
Share on other sites

TFG has no say on bring in weapons. Somaliland as been well on its own with government, police force and army, and know this bunch is talking about turning in weapons dont make me laugh, even the EU, AU and the United States and there buddy ethiopia wont back them up on this for the simple fact somaliland is not Xmar. Ethiopia had fear of Xmar and went in, for the case of somaliland they have no such worries what ever the reasons good or bad. Second point is the TFG cant even get Puntland to disarm. TFG is only making more enemies then friends within somali soceity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^This is not TFG policy and I might add this whole article might be baseless.

 

If this interview was aired on FOX, then there must be an English transcript.

 

PS: Those *** remaining outside Puntland state arm will be taken away. There is only one policy for everyone.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oo Sheegtay In Marka Ay Ku Guulaysato Somalia Ay U Keeni Doonto Cabdilaahi Yuusuf Hargeysa Wada Hadal Siyaasadeed

Last Updated::2007-04-29 10:12:28

 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda Ethiopia Ato Gebide Haile oo khamiistii todobaadkii hore weraysi dheer siiyey Telefishanka maraykanka ah ee FOXNEWS ayaa sheegay in--

Ciidamada Ethiopianka ee gacanta militery siinaya DFKMS Marka ay ka soo faraxashaan hawl-gallada militery ee magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ay markaasi bilaabi doonaan inay Cabdilaahi Yuusuf laftigiisa keenaan magaalada Hargeysa si u ula bilaabo Xukuumadda Somaliland wada hadalo siyaasadeed.

 

Ato Gebide Haile wuxuu sheegay in Dalka Ethiopia uu beesha caalamka ka hellay taageero buuxda oo dhinac siyaasadeed ah in hawl galladdani oo u ku tilmaamay rajo soo celintii Soomaaliya 16 sannadood ka dib ay Ethiopia ka go'antahay in AY DFKMS ee Cabdilaahi Yuusuf ay ku fadhiisiso wuxuu ku tilmaamay kursi awood badan oo ka taliya dhammaanba gobolada Soomaaliya.

 

Afhayeenka oo wax laga weydiiyey siduu u arko Somaliland oo sheegtay inaanay aqoonsanayn Maamulka Cabdilaahi Yuusuf maadama aanay iyaguba aqoonsanayn Somaliland wuxuu sheegay in dhibaato badan oo dhinaca diblomaasiyadda ah iyo dhinaca isfahamka ahi ay soomaalida ku dhex jirtay 16 sannadood ee ugu danbeeyey wuxuuna sheegay in ay Ethiopia hadda doonayso inay taasi meesha ka saarto, wuxuu yidhi "Somaliland waxaanu la leenahay xidhiidh wanaagsan oo salka ku haya

 

iskaashi dhinaca ammaanka iyo weliba isku socodka xuduudka ah, waxaa naga dhexeeya ganacsi badan waxaanu isticmaala Dekedda Berbera, madaxdayada labada dhinacna waxay tagaan labada dhinac ee kale, imikana waxaa dantu ku jirta sidii mandaqadda looga ilaalin lahaa argagixisada iyo xasilooni darrada in wax weliba lagu dhameeyo miiska dushiisa" ayuu yidhi Ato Gebide Haile afhayeenkaasi.

 

Mar wax laga weydiiyey sida ay iskugu keenayaan Madaxda Somaliland iyo Maamulka Cabdilaahi Yuusuf iyo halka la iskugu imanaayo ee wada hadaladaasi lagu qabanaayo wuxuu ku jawaabay "Ethiopia waa dal xuduudka ugu dheer afrikada beri la wadaagta Soomaaliya waxaa degen Ethiopia 2 malyuun oo soomaali ah, halkaasi

 

Waxaa kaaga cad in dadka Ethiopia iyo soomaalida uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer, aniguna ku odhan maayo xalka soomaalidu gacantayada ayuu ku jira balse haddii loo baahdo waxaanu samayn doona inaanu Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf keeno Hargeysa si markaasi xal siyaasadeed oo waara loo gaadho"

 

Mar wax laga weydiiyey in Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka madax banaantahay Soomaaliya inteeda kale taasi inay Ethiopia la qabto wuxuu sheegay inaanay Ethiopia Somaliland u aqoonsanayn dal madax bannaan balse ay u aqoonsanyahiin gobol degen oo gaadhay xasilooni uu kaga duwanyahay ayuu yidhi soomaaliya ineeda kale laakiin ayuu yidhi annagu waxba kama qabno haddi ay soomaalidu isku af garato madax bannaani ay somaliland hesho.

 

Mar wax laga weydiiyey warbixin ay dhawaan soo saartay Haayadda Xuquuqda Aadamaha Ee Amnesty oo ku tilmaantay in Dawladda Ethiopia ay ka fulisay gudaha dalka Soomaaliya xad gudubyo ka dhan ah bini'aadminimada iyadoo dad rayid ah ku dishay isla markaana goobo rayidku degenyahay magaalada Muqdisho u adeegsatay hub culus wuxuu ku jawaabay "Ciidamada Ethiopia waxay la dagaalamayaan waa argagixiso caalami ah oo khatar ku ah mandaqadda waxaan qabaa waxay

 

Adeegsanayaan haayadahaasi waa hadalada aan sal iyo aad toona lahayn ee ay ku sheekeyaan argagixisada laftigeedu, ciidamadayadu waa yaqaaniin cidday la dagaalamayaan, goobaha rayidku joogo ciidamadayadu waa ka fogyahiin

 

markastana waxaanu qaadana tallaabo aanu ku dabar goynayno argagixisada annagoo ka fogaana goobaha dadka rayidka ah, hawl gallada aanu qaadnay waa kuwo loo fuliyey si taxadar leh iyadoo weliba weeraro habeen iyo maalinba ah ay argagixisagu nagu soo qaado" ayuu yidhi afhayeenku.

 

Waa markii ugu horaysay ee Xukuumadda Ethiopia ay shaaca ka qaado inay doonayso wada hadal siyaasadeed oo dhex mara Somaliland iyo Maamulka Embigathi waxaana ay weliba shaaca ka qaadeen inay Cadilaahi Yuusuf keeni doonaan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, balse weli wax arrintaasi ku saabsan kama ay soo bixin dhinaca Xukuumadda Somaliland waxaana dhawaan dhex maray Somaliland iyo Maamulka Embigathi kelmado la isku mariyey warbaahinta iyadoo ra'isal wasaaraha Embigathi Cali Geedi uu sheegay in gudaha somaliland lagu tababaro wuxuu ku tilmaamay argagixiso xidhiidh la leh kooxaha la dagaalamaya kuwaasi oo ay tababarka siiso ayuu

 

yidhi Dawladda Eriteria, balse taasi waxaa si weyn u beeniyey Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo ku tilmaamay wax laga yaxyaxo oo laga yakh yakhsiyoodo wuxuuna sheegay in somaliland iyo argagixisadu ay isku yahiin jiir iyo bisad

 

Xigasho Hadhwanaag

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

DUKE you talk about federal system as key well if that region says no, and it is doing well not harming no one then i say the TFG has no choice but to walk away with this crazy policy of theres

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalithinker, the only issue between us is SSC if Somaliland walks away from confrontation then there will be no problem.

 

For Hargaysa, Burco and other areas there is no need for conflict. Dialogue is the key.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this