Sign in to follow this  
General Duke

Shiekh Xasan Dahir Aways blesses the Hotel Muna massacre: Audio

Recommended Posts

Hogaamiyaha Ururka Xisbul-islam Sh Xasan Daahir Aweys oo barakeeyey Qaraxii Hotel Muna.(Dhagayso)

Posted to the Web Aug 24, 15:36

 

 

Muqdisho:-Hogaamiyaha ururka Xisbul-islaam Sh Xassan Daahir Aweys ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu qaaday Hotel Muna mid qeyb ka ah dagaalka ay kula jiraan DFKM iyo ciidamada AMISOM.

 

Sh Xassan Daahir Aweys oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da ayaa cadeeyey in cadowgooda ay u dilayaan sida ugu haboon oo ay ugu suurto gasho tabar toodana ay tahay in ay is qarxiyaan si gumeysiga ay isaga dulqaadaan.

 

Sh Xassan ayaa dadka rayidka ah ee ku dhintay Hotel Muna ku tilmaamay in ay la mid yihiin shacabka ay xasuuqaan ciidanka AMISOM ee madaafiicada ka soo rida xarumaha DFKM.

 

Sh Xassan Daahir Aweys ayaa mar la weydiiyey culumada diidan dagaalada ka socda Muqdisho sida Shiikh Cumar Faaruuq wuxuuna sheegay in hal nin aanu ka turjumeyn diinta Islaamka isaga oo sheegay in culumada waaqica ay ka dhacsan yihiin maadaama ay dalka dibadda ka joogaan.

 

Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa uu dagaal kula jiraa DFKM iyo kuwa AMISOM iyaga oo guulo ka sheegatay dagaalada ka socda Muqdisho.

Wareysiga Xassan Daahir Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Xisbul Islaam oo soo dhaweeyey Weerarkii Hotel Muna.

24. august 2010

 

APL

 

Muqdisho:(Allpuntland)-Ururka Xisbul Islaam oo kamid ah Ururo Diimeedyada kadagaalama Magaalada Muqdisho & Qeybo kamid ah Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa soodhaweeyey Weerarkii maanta lagu qaaday Hotelka Muna oo dhibaatooyin & Waxyeelo soo gaarsiiyey Dad badan oo ay Xildhibaano & Saraakiil ciidan kujiraan.

 

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xassan Daahir Aweys oo mardhaweyd Warbaahinta lahadlay ayaa sheegey in Ururkiisu uu weerarkaas soo dhaweynayo,waxaana uu sheegey in Dhaqdhaaqaaqa Alshabaab uu ugu hanbalyeynayo Weerarkaas oo uu kutilmaamay mid geesinimo ah.

 

Xassan Daahir Aweys wuxuu sheegey in Weerarkani uu kamidyahay Weerarada caadiga ah ee lagu qaado koox uu ugu yeeray Cadowga Diinta Islaamka,Waxaana uu intaas kudaray in ay sameyn doonaan Waxkasta oo suurtagal ah si ay ula dagaalamaan Ciidamada dawlada & Kuwo Amisom.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this