Sign in to follow this  
XOG-ogaal

[B]Eric Laroche Dowladda KMG ayaa Diidan Shixnado gargaar ah Oo aan U Wadnay Kumana

Recommended Posts

GENEVA (Soomaalinews) - Xiriiriyaha Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa u qaabilsan gargaarka Somalia Dr. Eric Laroche, ayaa ku eedeeyey Dowladda KMG in ay u diiday Hay'adaha samafalka Q.M. in ay Shixnado kaalmo ah gaarsiiyaan Kumanaanka qoys ee ka barakacay Dagaalada lagu hoobtay ee ka oogan Caasimadda Somalia ee Muqdisho.

 

 

"Shixnado gargaar oo u socda kumanyaal dad bara kacay ah ayaa waxaa hor taagan ciidammada Dowladda KMG oo diiddan in ay gaarto dadka tabaaleysan" ayuu yiri Dr. Eric Laroche.

 

 

Eric Laroche, waxa uu sheegay in Dayaarad ay leedahay Qaramada midoobay la rasaaseeyey "Meydku wuxuu daadsan yahay Wadooyinka caasimadda, daacuun ama shuban-biyoodna waa uu dillaacay, waxaana la filayaa daad dhowaan ku dhufta" ayuu sii raaciyey.

 

 

Xiriiriyaha Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa u qaabilsan gargaarka Somalia Dr. Eric Laroche, waxaa uu sheegay in maalinta Isniinta ay magaalada Baydhabo kula kulmayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda, si looga hadlo arrintan xanibaada gar-gaarka ah.

 

 

Hase ahaatee waxa uu tilmaamay in aysan jirin ilaa iyo hadda wax isku day ah oo ay Dowladda KMG-ka ku taageerayso dadaalka aadminnimo ee QM ay ka wado Somalia.

 

 

Eric Laroche waxaa uu sheegay in ciidammada Dowladdu ay joojiyeen ilaa 40 Gaari xamuul ah oo cunto kaalmo ah u siday 14 kun oo qof oo ku sugan meel u dhow Magaalada Muqdisho oo ay ku barakaceen, isagoona qiray in Ciidamadu ay gaadiidkaasi u diideen in ay raashinka gar-gaarka ah u qeybiyaan qoysaska qaxay.

 

 

Shaqaalaha Qaramada midoobay ee Soomaalida ah, oo kaalin weyn ku leh hawsha QM ee Soomaaliya, Eric Larooche, wuxuu sheegay in xarig iyo meel ka dhac lagula dhaqmo meelaha jidgooyiinka ay yaalaan, islamarkaana la baarto.

 

 

"ilaa Saddex gantaal ayaa lagu riday dayaaraddii ugu dambeysay ee gargaar qaadda xilli ay maraysay mareysa meel u dhow Muqdisho" ayuu yiri Eric Laroche oo intaasi sii raaciyey " inkasta oo aan in badan isku daynay in aan la xiriirno mas'uuliyiinta Ethiopia, marnaba wax jawaab ah kama helin".

 

 

Sidoo kale Xiriirayaha QM waxa uu ka hadlay cududka daacuun oo ka dillaacay Somalia, waxaana uu sheegay in In ka badan laba iyo 10,000 oo ruux ay la il daran yihiin Shuban calooceedkaasi

 

 

ilaa 414- qof ayaa sida uu sheegay ilaa iyo hadda la xaqiijinayaa in ay u geeriyoodeen Cudurka Daacuunka, isagoona walaac daran ka muujiyey dawo la'aanta haysata dadka qaba Cudurka iyo Shaqaalaha QM oo aan gaari karin maadaama loo diiday.

 

 

Xafiiska Wararka Soomaalinews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this