Sign in to follow this  
General Duke

Yaaq Bari weyne: Lower Shabbele admin welcomed PICS

Recommended Posts

Agaasimaha Horumarinta iyo Reer Miyiga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Maamulka tuulada Yaaq Bari weyne ku dhawaaqay

 

Mugadisho, Isniin, Julaay 16, 2007 SMC

 

Waxaa shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay maamulka cusub ee ay yeelaneyso Tuulada Yaaq bari weyne oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose, kaas oo ay soo doorteen dadka ku dhaqan Tuuladaas.

 

Agaasimaha Horumarinta reer Miyiga iyo Deegaanka wasaarada arrimaha gudaha Dr. Maxamed Macaawiye Xuseen oo isagu wakiil ka ahaa wasiirka arrimaha arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay goob fagaare ah oo isla Tuuladaas ah, waxaan halkaas laga aqriyay wareegatada lagu magacaabay gudoomiyaha tuuladaas oo magiisa lagu magacaabo Axmed Xaaji Xasan, iyadoo wareegatadaas uu halkaas ka aqariyay Agaasimaha Horumarinta reer Miyiga iyo Deegaanka wasaarada arrimaha gudaha Dr. Maxamed Macaawiye Xuseen.

 

Waxaa halkaas ka hadlay taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee wadada isku xirta Wanla Weyn ilaa Yaaq bariweyne Col. Yuusuf Maxamed Xuseen [Ku dal dal] oo isagu sheegay in loo baahan yahay inay maamul yeelato tuulada yaaq bari weyne, wuxuuna carabka ku dhuftay in maamulkooda ay ka shaqeyn doonaan sidii deegaankaas ay nabadiisa u sugi lahaayeen.

 

Intaas kadib waxaa isna halkaas ka hadlay gudoomiyaha Tuuladaas Axmad xaaji Xasan oo sheegay in dadka deegaanka ay si buuxda raali uga yihiin xilkaas cusub ee loo magacaabay, wuxuuna sheegay inuu ku dadaali doono sidii uu cadaalad ugu hogaamin lahaa dadka Yaaq Bariweyne.

 

Sidoo kale munaasabadaas waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha Degmada ********* oo sheegay isna inuu maamulkaas la shaqeyn doono, islamarkaasna dadka Tuuladaas looga baahan yahay inay is garab taagaan Maamulkaas cusub.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Temujin   

Wallahi I used to live there for several years. Wooow.......Yaaq Bariweyne is a cool place. We had two houses there; I wonder if they are still standing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Damn I used to go there with my family and neighbours for the summer. It had a lake of some sort and there were deer on sale. Thats about as much as I remmeber.

 

Beutiful place.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this