Sign in to follow this  
Suldaanka

VP in ERIGAVO, SILAANYO ADHICADEYE, FAISAL IN BORAMA

Recommended Posts

548_M.Xigeeen.jpg

 

Maandeeq Newspaper

Madaxweyne Ku xigeenka oo Fagaare kala hadlay Dadweynaha Ceerigaabo

 

Ceerigaabo (Maan)- Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefdigii uu hogaaminayay ee socdaalka shaqo ku jooga gobolka Sanaag ayaa shalay fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaalada Ceerigaabo kala hadlay Dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasi.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Waxa uu fagaarahaasi ka sheegay in socdaalkiisu uu la xidhiidho xog ogaal u noqoshada xaalada dhabta ah ee Bulshada iyo qiimaynta Adeegyada Bulshada ee gobolada dalka, waxana uu dadweynaha magaalada Ceerigaabo uu gaadhsiiyay hambalyo uu uga siday Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa khudbadii uu fagaarahaasi ka jeediyay uu ku bilaabay ‘’Walaalayaal waxa sharaf ah in aan idinka hadlo fagaarahan Beerta Xorriyada oo hadda la dayac tiray oo aan doonayo inaan ku hambalyeeyo Dayactirka Fagaarahan golaha deegaanka degmada Ceerigaabo, Marka horse waxa aan idin soo gaadhsiinaynaa solaan aan idinka sido Madaxweynaha Md Daahir Rayaale Kaahin.

Waxa aan doonayaa inaan idiinka mahad naqo soo dhaweyntii qiimaha lahayd ee aad Aniga iyo wefdigayga aad noogu soo dhaweyseen idinka iyo maamulka gobolka iyo kan degmaduba.

 

Socdaalakaygu wuxuu la xidhiidhaa dhawr Arrimood oo aan idinku imid goboladana aan ku soo mari doono sacdaalkaygu wuxuu la xidhiidhaa Xog ogaal u noqoshada dadka iyo dalka si loo ururiyo xogo badan oo saldhig u noqon kara Barnaamuj horumarineed ee sanadaha soo socda si loola jaan qaado Dhaqaale sanadeedka 2006.

Waxa kale oo socdaalkayagu salka ku hayaa sidii shacbiga Somaliland loogu wacyi gelin lahaa Ahmiyada doorashada wakiilada u leedahay qaranka ee dalka ay ka dhacaysa 29-ka Bishan aynu ku jirno ee September.

 

Walaalayaal waxa aan jecel nahay in aan dib u jaleecno Marxaladihii kala duwanaa ee dalkeenu soo maray , xukuumada Somaliland waxa a dar dar gelinaysaa siyaasada dhaqan dhaqaale oo uu saldhig u yahay Suuqa Xorta ahi, iyadoo diyaarisay shuruucdii Maal galineed ee loo baahnaa ee dhiiri gelinaya Maalgashiga Shisheeye iyo kan wadaniga ahba.

 

Dhiiri gelinta hanaanka Dimuqraadiyada oo ay ugu soo horeyso doorashada Golaha wakiilada, sanad ka dibna ay ku xigto doorashadii Golaha Guurtida Somaliland, Adkaynta Nabad gelyada, Fidinta Maamulka iyo sugida Xuduudaha Somaliland sidii ay horeba xukuumada Somaliland ugu hawlnayd.

Xukuumadu waxay dar dar gelinaysaa qadiyadii Ictiraaf raadinta iyadoo rajo weyna ka qabta hanashadeeda , iyadoo xukuumadu dhawraysa dhawrista iyo shuruucda ka farcamaysa cidna uga hamran mayso wixii waxyeelaynaya Nabad gelyada, xasiloonida dalka iyo jiritaanka Somaliland.

Xukuumada Somaliland waxa ysii xoojinaysaa hawlgalka ku wajahan guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaana dadalka aynu jaarka Nahay ee la xidhiidha Dhinacyada Nabad gelyada iyo xoojinta dhaqan dhaqaale, xukuumadu iyadoo caalamka la bar bar taagan iskaashiga Ka hortaga Argagaxisada guud ahaan sida dastuurka qaranku dhigayo iyadoo maantana ay Maxkamada ka socoto dacwadii Eedaysanayaashii geystay falalkii Argagaxiso, sidoo kale xukuumada Somaliland waxay sii wadaysaa dagaalkeedii ku saabsanaa la dagaalanka Cudurka Dilaaga ah ee HIV/AIDS iyo cudurada kale ee Faafa iyadoo soo bandhigaysa Barnaamuj ku saabsan cudurada Faafa Abuurtayna guddi u gaar ah oo hoostaga Madaxtooyada.

Xukuumada Somaliland waxay sii wadaysaa shaqo u abuurida Da’yarta iyo Mujaahidiinta iyo cududaha kale ee shaqo geli karta, waxana ay Asxaabta qaranka ay ugu baaqaysaa inay si hufnaan ah u galaan Doorashada wakiilada oo ay ilaaliyaan Nabad gelyada dalka, shacbigana waxa aanu ugu baaqaynaa inay Nabad gelyada ilaaliyaan si jawi Nabad gelyo ah ay doorashadu inoogu qabsoonto’’ ayuu Yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

Waxa kale oo fagaaraha Beerta Xorriyada ee Ceerigaabo ka hadlay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md C/laahi Maxamed Ducaale ,Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in ay jiraan dad cadow ah oo isku deyaya inay khal khalgeliyaan Nabad gelyada Somaliland, waxana uu wasiirku shacbiga ku booriyay inay xukuumad aka gacan siiyaan adkaynta Nabad gelyada dalka.

Sida uu ku soo waramayo Weriyahayaga gobolka, Sanaag Saraaf Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, Duqa Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur iyo wasiir ku xigeenka Caddaalada Md Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo).

 

Dhinaca Kalena wefdiga Madaxweyne ku xigeenku waxa ay isla shalay xarunta gobolka Sanaag kula shiray saddexda Xisbi qaran iyo Komishanka doorashooyinka ee gobolka waxana uu Asxaabta ku booriyay inay diirada saaraan sidii loo ilaalin lahaa Amaanka

Share this post


Link to post
Share on other sites

siilanyo_eia.jpg

 

Source: Ogaal Newspaper

 

Siilanyo Oo 17 Magaalo Oo U Dhexeeya Burco Iyo Laas-caanood Khudbado Ka Jeediyey Maanta

 

Xisbiga mucaarada ah ee KULMIYE ayaa saaka waaberigii qaaday kaambaynkiisii ugu cuslaa dhinaca gobolada Togdheer iyo Sool, kadib markii uu saaka magaalada Burco ka amba baxay wefdi aad u culus oo KULMIYE ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga Axmed Maxamed Siilaanyo ayna ka mid ahaayeen C/Raxmaan Aw Cali Faarax (Tolwaa), Maxamed Kaahin Axmed, C/lla Faarax Xarbi, Cismaan Abokor, Cali Maxamed Cabdille (Biikolo), Mudane Maxamed Jaamac, Xildhibaan C/Waaxid C/Qaadir, Musharax Ibrahim Axmed Raygal iyo masuuliyiin kale oo fara badan.

 

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa khudbado ku aadan doorashada Baarlmaanka ka jeediyey 17ka magaalo ee u dhexeeya Burco iyo Laascaanood ee kala ah Yiroowe, Beer, Unuunley, Ina Dhakool, Ina Afmadoobe, Qoryaale, Gaatama, Kiridh, Wadaama-goo, Caynaba, Ceel-dhaab, Oog, Guumays, Yagoori, Tuulo Samakaab, Adhi-Caddeeye iyo Taliska ciidanka Qaranka ee Siixawle.

17 kaas gobood oo si la yaab leh loogu soo dhaweeyey wefdiga KULMIYE iyo guddoomiyahooda Siilaanyo ayaa ahaa kaambaynkii ugu cuslaa ee taariikhda Somaliland uu qaado xisbi siyaasi ahi.

 

"Weligay maan arag soo dhoweyn sidaa u baaxad weyn oo aan magaalona, magaalo ka dhicin, waxase aannu siinnay koobkii soo dhoweynta Magaalada Adhi-caddeeye oo 20KM u jirta Laascaanood, halkaas oo naloogu dabbaal degay fardihii nugaaleed ee caanka ahaa, magaaladana laga wada taagay calanka KULMIYE, dadkuna madaxa ku wada xidhay calanka KULMIYE, sidoo kale Caynaba, Qoryaale, Oog, Wadaama-goo iyo Yagoorina lagama sheekayn karo dammaashaadkii maanta ka dhacay" Sidaa waxa weriyayaasha u sheegay Cismaan Abokor oo caawa fiidkii shir jaraaid oo uu kaga war bixinayo socdaalkoodii iyo ololohoodii maanta ku qabtay magaalada Burco.

 

Wefdigan oo dadweynaha ku dhaqan gobolada Togdheer iyo Sool ku guubaabinayey in ay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE ayaa khudbadahoodii ku kasbaday taageero laxaad leh, kaddib markii ay dadka farta u saareen dhaliilaha iyo tabashooyinka jira, isla markaana ay u sameeyeen ballan qaadyo la taaban karo. Waxa kale oo wefdigu ku guulaystay in degaan kasta ay si gaar ah ula kulmaan madaxda iyo odayaasha dhaqanka. Tusaale ahaan Imaamka masaajidka Qoryaale ayaa ka mid ahaa dadka ku wacdiyey dadweynahooda in ay doortaan KULMIYE oo danta dalku ku jirto.

 

Mudane Siilaanyo ayaa 17 kaas goobood ee uu maanta kala hadlay dadweynaha Togdheer iyo Sool u sheegayey hal farriin oo ahayd in ay tijaabiyaan Xisbiga KULMIYE oo ay codkooda siiyaan, maaddama ay ku hungoobeen xisbigii talada hayey ee Udub, in ay nabad gelyo ku codeeyaan oo la ilaaliyo anshaxa iyo nidaamka doorashada iyo in Xisbigiisa KULMIYE Jamhuuriyadda Somaliland u horseedi doono haddii la doorto nolol iyo barwaaqo.

 

Wefdigii KULMIYE waxa ay isla caawa u baqooleen gobolka Sanaag iyaga oo berri subaxna khudbado ka jeedin doona degmada Gar-adag.

 

Axmed Maxamed

Burco, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

faysal%20olole.jpg

 

Source: Awdalnews.com

Muxuu kala kulmay Guddoomiyaha UCID magaalada Boorama?

 

Hashim Goth, ANN=

 

BOORAMA, 08 Sept. 2005--Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa maanta Khamiistii wuxu soo gaadhay Caasimada G/Awdal ee Boorama, halkaas oo uu kala kulmay soo dhaweyntii ugu weynayd ilaa intii uu safar ama wefti ku iman jiray gobolka.

 

Marka uu marayo Kaantaroolka Magaalada oo u jira 7km ayuu la kulmay dadwene safan wadada hareeraheeda oo sacab iyo caleemo qoyan lulaya, ka dibna wuxu yimid khayriyada Boorama halkaas oo usha cirka loo tuuraa aanay dhulka ku soo dhacayn, waxa tubnaa taageerayaasha xisbiga UCID oo ay horkacayaan Ololeeyayaasha musharixiinta Xisbiga UCID uga sharaxan Awdal.

 

Markii uu fagaaraha soo galay waxa la bilaabay sacab iyo mashxarad, ka dibna waxa hadalo soo dhaweyn ah sameeyay Musharax Axmed Madar iyo Musharaxa Axmed Cabdi SACIID oo ahaa K/ xigeenka Faysal, wuxuna makarafoonka ku soo dhaweeyay Faysal oo dadku sugayay hadalkiisa, ereyo mahadnaq iyo duco iskugu jirta ka dib wuxu yidhi:

 

" Walaalayaal way hadashay Borama maanta waxayna tidhi waxaan rabnaa waxqabad iyo horumar, walaalayaal marka hore waxaan leehay Imbiijmanku ha dhaco iyo kuwa hadal hayaaba, UCID waxaas ma doonayso ee waxay rabtaa in waxa la haysto ee inoo qabsoomay aan dhamaystirno, dib loo arki maayo Wasiir Hayadaha idiin keeni waaya oo idinka rara, dib loo arki maayo mid Cashuurtiina wax ka dhista, mid Jiingada Iskuulada Cuna iyo Mid Kiniinka Bukaanka ka cuna.

 

"Waan xakamaynaynaa oo waan toosinaynaa Booliska iyo Ciidankeenu waxay qaadan Mushahar Fiican oo ku filan." Waxa u dhacay sacab farabadan iyo mashxarad.

 

Wuxu intaa raaciyey in aan 40 sano wax Boorama u kordhay aanay jiraan oo aan ahayn Daaraha dadku dhistay iyo biyo gelinta loo sameeyay.

 

"Walaalayaal nagu garab gala doorashada oo samayn doonta isbedel badan iyo mustaqbalka dadweynaha Somaliland, shaqo la'aanta waan la dagaalamaynaa, wadooyin waa la samayn doonaa intaas 30km ah ee xukuumadu qaban la'adahay waanu u horaysiin.

 

"Xuduudaha wax weyn maaha waa sidii lixdankii cidna la siin maayo dhul ayna lahayn, Doorashada ayay dad ku xumaynayaan dhicise mayso waa mustaqbalkii Somalalnd. dhulkuna waa Somaliland ee ma tegayo meel kale, waan wanaajin doonaa Jaararka Djibuuti iyo Ethoipia. Qabyaalada ayaan la dagaalami doona cidna qabiil kuma aanaan soo xulan ee Qabiilka Uf dhaha horumar ayaan gaadhaynaa insha alaah walaalayaal," ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali.

 

Wuxu joogi doona 2 maalmood. wuxuna kulamo la yeelan doonaa musharixiinta maamulka xisbiga ee heer Gobol iyo Taageerayaashooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

VP visits Laascaanood area

 

---

Ahmedyuusuf7.jpg

 

Madaxweyne ku xigeenka JSL Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefdigii uu hogaaminayay ee Beryahanba booqashada ku joogay Gobolka Sanaag ayaa saaka kormee hawleed ku soo maray fadhiisimaha Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sool, halkaas oo uu Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasin oo ku labisnaa dirayska ciidanka qaranka uu salaan kaga qaaday ciidamada qaranka ee Jiida hore.

 

ciidanka017.jpg

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu hadal uu halkaa ciidanka qaranka ee jiida hore ku sugan uga jeediyay ku sheegay in ay ilaaliyaan nabadgelyada Somaliland, isla markaana cid kasta oo isku dayda in ay khal khalgeliso doorashada golaha wakiilada talaabo adag ka qaadaan.

 

Wefdiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay socdaal kiisa ku wehliyaan wasiirka wasaaradda warfaafinta Md. C/laahi Maxamed Ducaale, Wasiirul dawlaha arrimaha gudaha Aadan Maxamed Miire (Waqaf) iyo wasiir ku xigeenka Wasaarada Caddaalada Md. yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo), ayaa halkaa waxa ku soo dhoweeyay dadweynihii ku dhaqnaa halkaa.

 

Ahmedyuusuf7.jpg

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu weli ku guda jiraa kormeerr hawleed oo uu baryahanba ku marayay gobolada bariga Somaliland. isla markaana la filayo in uu ugu dambaynta magaalada Hargeyska kaga yimaado dhinaca xeebta Saylac.

ciidanka021.jpg

 

Abdifatah Hassan

Share this post


Link to post
Share on other sites

President visits Odweine

 

-------

ood9.jpg

Madaxweyne Riyaale oo si Layaaba luugu soo dhaweyaay Degamada Odwayne

 

Wafti uu hogaaminayo madaxweynaha somaliland mudane Dahir Rayale Kahin ayna kamid yihiin raxan wasiiro ah iyo guutooyin UDUB ah ayaa saaka waabarigii kadhex toosay degmada ODWAYNE ee gobolka togdheer. madaxweynaha oo hamuum gaar ah u qabay in uu mar uun cagaha galiyo degmada ODWAYNE tan iyo intii uu xukunka qabtay ayaa saaka si aan hore loo arag oo aan taariikhda ODWAYNE uga dhicin dad intaas tiro leeg loogu soo dhaweeyey meel 30km xaga waqooyoi galbeed kaxigta degmada ODWAYNE.

ood6.jpg

 

Dadweynaha ayaa taxnaa inta badan wadada isku xidha Odwayne ilaa hargaysa kadib markii ay shalay kawar heleen booqasshadiisa. madaxweynaha ayaa loosii galbiyay ilaa iyo dagmadii oodwayne oo ay dadku taxnaayeen. waxaana soo dhawayntiisa kaqayb qaatay raxan fardo ah' boqolaal baabuur ah iyo dadweyne aan hore loogu arag degmada odwayne baaxadooda oo kala kala yimid guud ahaanba gobolka togdheer. isla markiiba waxa madaxweynaha daboolka looga qaaday foostoyin caano ah iyadoo afka loosaaray hadhuub caano ah oo diiran.

ood4.jpg

Madaxwynaha ayaa kamahad naqay soo dhawayntan, waxaanu kutilmaamay reer odwayne kuwo wadankan naftooda usoo huran haatana kala garanaya kuwo awkooda ku kacsanaya iyo hadh iyo habeenba heeganka u ah horumarka dakooda. waxaana lafiyaa in uu madaxwaynuhu sheegay in uu wixii khudbad ah dib udhiganayo hadase uu mahad naqa soo horaysiinayo.

ood11.jpg

Wax aad aragtaa madaxweyne Rayaale oo dul taagan Foosto caano geel ah, isla markaasna dhamaaya, dhiilka ku xigana wax loo wadaa Ismaciil Adan wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo aad aragto in uu garab taaganyahay madaxweyne Rayaale.

ood3.jpg

Madaxweyne Rayaale ayaa lagu qaabilay caano geel isaga iyo waftigiisii uu horkacaayayba wararka oo faah faahsan waan soo wadnaa ee kala soco qarannews24.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Has Somaliland turned into a mini-Middle East?

I don't understand what you meant by that.

 

These armed security personale could be from the SPU (Special Protection Unit) which was introduced after the killings of foreign nationals in Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland's deputy chairman of the Parliament Mr. A/Qadir Jirdeh visits his electorate.

 

-------

normal_soo%20dhawayn1.jpg

Cabdiqaadir Jirde: Farxad ayuu la damaashaaday markuu arkay sida Reer Baligubadle u qaabileen

 

 

Baligubadle(HRG)- Boqolaal oo qof oo ka mid ah dadweynaha ku nool Degmada Baligubadle ee Koonfurta gobolka Hargeysa, ayaa Sabtidii doraad isu soo bax ballaadhan ku qaabilay Murashax Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid ah Murashixiinta xisbiga UDUB uga sharaxan gobolka Hargeysa, doorashada golaha Wakiilada Somaliland, halkaas oo uu ku tagay socdaal la xidhiidha ololihiisa doorashada.

Murashax Cabdiqadir Jirde, oo ay galbinayeen Kolonyo Baabuur ahi ayaa taageerayaashiisa Reer Baligubadle waxa ay kaga horyimaadeen meesha la yidhaahdo Idhanka oo qiyaas 5km Waqooyi ka xigta degmada Baligubadle, halkaas oo ay ka sii galbiyeen iyaga oo sitay Caleemo qoyan iyo Boodhadh uu ka lushay Sawirkiisa iyo Astaantiisu

 

Murashax Cabdiqadir Jirde oo Markii uu gaadhay Magaalada Baligubadle maal fagaare ah kala hadlay taageerayaashiisa, ayaa uga mahadnaqay soo dhawayntiisa, isaga oo sheegay in soo dhawayntani ay tahay mid uu rajaynayay.

 

Cabdiqaadir Jirde, waxa uu dadweynaha uga waramay Ahmiyadda ay doorashadu u leedahay Somaliland, isaga oo doorashada ku macneeyay inay horseed u noqon doonto Ictiraaf Somaliland ka hesho Beesha Caalamka, “Sidaas darted†ayuu yidhi, “Waxaan idiinku baaqayaa inaad si hagar la’aan ah ugu soo dareertaan doorashada Baarlamaanka, dhammaantiin codeeya oo u soo dareera doorashada†ayuu yidhi Murashax Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

 

 

Cabdiqaadir Jirde, oo ka hadlayay Toban Murashax oo u dhashay deegaankaas oo ka kala sharaxan saddexda xisbi Qaran, waxa uu ugu baaqay inay dhammantood soo dhaweeyaan, balse waxa uu ka codsaday guud ahaan dadweynaha deegaankaas inay codkooda siiyaan Murashixinta deegaankaas ee ka sharaxan xisbiga UDUB, “Waayo†ayuu yidhi, “Mucaaradku mar buu wax keeni karaa, laakin Calalaheeda xilliga aynu gaadhno†ayuu raaciyay Murashax Cabdiqaadir Jirde.

Cabdiqaadir Jirde, waxa uu sheegay inuu Golaha Wakiilada ku jiray Siddeed Sanno, waxaanu yidhi, “Anigu waxaan xilka hayay Siddeed Sannadood oo maaha xil ii cusub. Reerku marka uu guurayo Ubadka iyo Maqash Awrka Hayinka ah ayaa la saaraa, Reer Baligubadloow anigu Siddeed Sannadood ayaan gaadiid qaaday, Mudadaasna aad ayaan u qabasho bartay. Sidaas awgeed Murashaxa cusub ee Maanta la dooranayo anigu waan ka duwanahay oo waxaan noqday Gaadiid qaadâ€

Jirde, waxa uu sheegay in mudadii uu ku jiray Golaha Wakiilada oo ahayd Siddeed Sannadood aanu u hiilin shakhsi iyo cid gaar ah toona, waxaanu yidhi “Anigu Alle ha u Naxariiste Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal, umaan hiilin jirin Daahir Rayaalena uma hiiliyo waxaanse u hiiliyaa Qaranimada Somaliland oo aan gaadh ka hayo.â€.

Waxa uu dadweynaha u sharaxay Astaantiisa gaarka ah oo ah Saacad, isaga oo u qaybiyay Waraaqo ay Saacadi ku sawirantahay.

 

Waxa uu ugu dambayn ugu baaqay dadweynaha Deegaanka Baligubadle inay ku codeeyaan Nabadgelyo, doorashadana u soo dareeraan.

Murashax Jirde, oo qadar Saacado ah ku sugnaa Baligubadle, ayaa waxa intii uu joogay degmada ka socday Botor iyo Ciyaar lagu soo dhawaynayay.

Waxa kale oo uu Murashax Jirde, hadalo ka jeediyay Magaalooyinka Gumburaha, Gumar, Habaas weyn oo dhammaantood ka tirsan degmada Baligubadle, halkaas oo ay ugu soo baxeen dadweyne tiro badani, isaga oo mar walba ugu baaqayay inay soo dhaweeyaan Murashixiinta ka sharaxan xisbiyada Mucaaradka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

normal_khadaraaa.jpg

 

Taageerayasha UCID shalay umay kala hadhin isu soo bixii Beerta Xorriaydda

 

Hargeysa(HR)- Kumanyaal qof oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ah ee UCID ayaa shalay maalintii labaad ee ololahooda doorashada Dhoolatus ballaadhan ku soo bandhigay fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaalaada Hargaysa.

Kumanyaalkaas Taageerayaasha ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Hargaysa, sitayna Calamo iyo Boodhadh ay ku sharaxanyihiin Murashixiita Doorashada Baarlamaanka Xisbiga UCID uga sharaxan gobolka Hargeysa waxa iyaga oo saaran boqolaal Baabuur ay kolanyo usoo galeen Beerta xoriyadda. Halkaas oo ay ku soo bandhigeen taageeradooda ku wajahan musharixiinta ay codkooda siinayaan.

 

Taageerayaashaas xisbiga UCID, oo aad u tiro badnaa waxa ay Fagaaraha Beerta Xorriyadda ku dhex qabsadeen Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, taas oo sababtay in guddoomiyaha UCID jeedin kari waayo khudbadiisii uu ugu tallo galay dad badni awgeed. Hase yeeshe waxa uu hadalkii uu Fagaaraha Beerta Xorriyadda ugu tallo galay ka jeediyay Xafiiska xisbiga UCID, waxaanu ugu horayn aad ugu mahadnaqay dadweynaha taageerayasha u ah xisbiga, “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Taageerayasha UCID ee sharafta badan ee Muujiyay taageeradooda lagama maarmaanka ah aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqayaa†ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

 

Waxa uu Faysal Cali Waraabe, ka hadlay Marxaladda dalku marayo, isaga oo sheegay in xukunkii iyo kala dambayntii xukuumadu ay burburtay, “Wasiiradii ma wada socdaan, Wasiirkii Madaxweynihii kama baqayo oo Sharcigii ayuu gacanta ku qaatay, Maxkamadihii siday doonaan ayay u shaqaynayaan†ayuu yidhi Faysal, waxana uu intaas ku daray Eedayn kulul oo uu u jeediyay Ciidamada Nabadgelyada Madaarada dalka oo uu sheegay inaanay Kaantaroolin dadka Madaarada ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya.

 

Mar uu ka hadlayay dhinaca dhaqaalaha dalka, waxa uu yidhi, “Waxa isweydiin leh Saddex Sanno ka hor iyo Maanta keebaa dadkeenu Taajirsanyahay? Waxa cad in dadkeenu Taajirsanaa saddex sanno ka hor oo ahayd intii aanu Rayaale qaban tallada dalka.â€, waxaanu intaas ku daray, “Waad aragtaan oo meelo ka mid ah dalkeena waxa ka socota lacagtii Siyaad Barre iyo lacag cusub oo uu soo samaystay Maamulka Puntland.â€

 

Faysal Cali Waraabe, waxa uu Madaxweynaha ku eedeeyay inaanu fulin dhawr ballan qaad oo uu hore ugu dhawaaqay, kuwaas oo ay ka mid yihiin inuu keeno Idaacad dalka wada gaadha, inuu Ciidamada dalka u sameeyo darajooyin iyo qodob kale.

 

Mar uu ka hadlayay dhinaca Siyaasadda dibadda, waxa uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Edna Aden Ismaaciil ay qabatay hawlo badan oo dhinaca dibadda ah, “Balse†ayuu yidhi, “Qof qudhi ma shaqayn karo oo dibadaha kuma lihin Wakiilo adag, sababta ay Edna sidaas[Wakiilo adag] u samayn weydayna waxa weeye waxaan la siin dhaqaale ay ku dhiso Wasaaradda Arrimaha dibadda. Edna aad ayay u dedaalaysaa oo hadda cagahaa bararay siday kolba diyaarad u raacaysay. Mar haddii aanay jirin siyaasad guud oo la wadaa Inanta dedaalkeedii wuxuu ku dhammaanayaa natiijo la’aan.â€

 

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Barnaamijka siyaasadeed ee xisbigiisu yahay mid lagu horumarinayo guud ahaan dhinacyada kala duwan ee baahiyaha dalka ka jira, isaga oo xusay in Murashixinta xisbiga ee doorashadan ay ku jireen ganacsato, si ay u ilaaliyaan dhaqaalaha iyo Horumarka dalka..

Waxa uu xusay in Barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga ay ku jirto in si deg deg ah loo xalliyo khilaafka ka dhex taagan xukuumadda Somaliland iyo Beesha gobolka Sool, si Somaliland xadkeeda ugu gaadho nabadgelyo, “Annagu haddii aanu doorashada Baarlamaanka ku guulaysano ma doonayno inaanu ridno dawladda hadda taagan, balse waxaanu doonaynaa inaanu adkayno. Waayo, waxaana noo muuqata in Madaxweyne Rayaale qudhiisu uu yahay la haysto waxaanan jecelnahay inaanu xorayno si uu u helo Baarlamaan wanaagsan oo aan gacanta hoos dhigan kuna soo duwa Wadada saxda ah oo ka toosiya Hurdada iyo shaqo la’aanta iyo si uu u samaysto dawlad tayo leh oo kooban†ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu ka waramay socdaal uu dhawaan ku tagay Xarunta Awdal ee Boorama, isaga oo sheegay in Reer Boorama u soo dhiibeen fariin waxaanu yidhi, “Reer Boorama waxay noo soo dhiibeen fariin waxaanay sheegeen inay doonayaan isbedel, Waddo, Horumar, Ictiraaf iyo Midnimo Somaliland, waxaanan u sheegnay inaanu ka gaadhsiin doono farriintaas dadka Reer Hargeysaâ€, ayuu yidhi Faysal.

 

Mar uu ka hadlayay Muranka ka taagan Xuduudaha Waqooyiga Hargeysa waxa uu sheegay in fikirkiisu yahay in la raaco Maamkii Lixdankii, “Dhulkaas Maamam ayaa jira waxaana la raacayaa Maamkii Lixdankii. . Waxaan leeyahay dadka Maaha in la iska horkeeno oo Saxaafaddu maaha inay fidno abuurto gaar ahaan Wargeyska Haatuf. Haddii Reer walba samaysto Jariirad uu dadka ku caayo waa dhibaato. Daydaygu gaadhi ha fuulo ama qori ha qaate waa Day-day ayaan leeyahay.â€

 

Ugu dambayn, waxa uu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay ku codeeyaan si nabadgelyo ah, waxaanu si gaar ah ugu baaqay xisbiyada KULMIYE iyo UDUB inay nabadgelyada ilaaliyaan, isaga oo xusay in dhawaan uu isku dhac iyo Shiid dhex maray qaar ka tirsan taageerayaasha KULMIYE iyo UDUB ee ku kala dhaqan Hargeysa iyo Boorama.

 

Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo,

Share this post


Link to post
Share on other sites

A high level UK delegation is on its way to Hargeisa.

 

 

-------

 

Wefti Ingiriis ah oo maanta dalka imanaya

 

Waxaa maanta dalka imanaya wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Ingiriiska ,Weftigan waxa hogaaminaaya Safiirka Ingiriiska u fadhiya Ethiopia Mr: Bob Dewar, waxaana ka mid ah xubnihiisa u qaybsanaha arrimaha Siyaasadda ee safaaradaasi Mr: Daniel Drake, u qeybsanaha arrimaha ciidamada David Chartes , iyo xoghayaha koowaad ee safaarada Ingiriiska ee ahna komishinarka sare ee Ingiriiska ee safaaradda Nairobi Mr: David Bell.

 

Wali shaaca lagama qaadin ujeedada socdaalka weftiga, waxase la filaayaa inay u socdaan arrimaha doorashada, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen, waxayna isla maanta la kulmayaan seddexda xisbi qaran iyo komishanka Doorashooyinka, ugu dambeyntana waxay cagta sii marin doonaan Madaxweyne Daahir Rayaale kaahin.

 

Somalilandfuture online

-------------

 

Mission Statement of the British Embassy in Ethiopia

 

 

We believe that Britain’s single biggest interest in Ethiopia, and in the region, is that countries in the Horn of Africa be successful and stable, peaceful and prosperous. We will encourage, support and develop strong partnerships between Britain and Ethiopia, Djibouti
and Somaliland
, particularly those which contribute to positive change, stability, conflict prevention and to reducing poverty. We will in particular seek to strengthen pluralism, accountability and rights.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gelle   

Offcours You will find Soldeirs and Gawaari Tekniko ah Illen meesha waxaa socdo Wasiiro!

Just look at Bush, when he`s traveling!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D

 

But the way the President has over acted on his security is very uncommon and not required.

 

Days before the President arrived in Odweine the whole district was secured with armed vehicles cutting off all roads that lead to Odweine. And before the President arrived 3 armed vehicles secured the streets carrying more then 25 full armed men. And behind the president more soldiers came...

 

The people of Odweine bewildered by this over the top security operation, joked the president by giving him a symbolic "stick". "Mr. President you don't need all these armory when you come here, all you need is this simple stick" an odweine elder remarked :D

 

 

--------

Reer Oodweyne Oo Riyaale Gudoonsiiyay Dhangad Galool ah

 

"Madaxweyne Meeshu Laas.caanood maahee waxan oo ciidan ah Iska Reeb oo dhangadaa Qudha ku kaalaya Oodweyne ee meeshaad doontaba "

 

 

Badhtamihii Todobaadkan ayaa waxa socaal ku tagay degmada Oodweyne ee Gobolka togdheer madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Mudane: Daahir Riyaale Kaahin ,

 

Hadaba waxa aan qormadan ku eegaynaa wax yaabihii uu kala kulmaya madaxweyne Riyaale iyo Hadyadihii ay reer Oodweyne Gudoonsiiyeen ,

 

Guud ahaanba waa barigii subaxdii la soo dhaweynaayay madaxweynaha waxa ay boqolaal gaadhi isugu tageen Tuulada Hara sheekh oo galbeed ka xigta madaalada Oodweyne ,

 

Waxana halkaasi isa sii tubay dad aad u tiro badan oo aya ka dhex muuqdaan musharixiin faro badan oo ka mid ah musharixiinta hada xisbiga UDUB uga sharaxan gobolka togdheer ,

 

 

Waxa kale oo meesha ka muuqday Wasiirka hawlaha Guud iyo Gaadiidka somaliland Siciid Yare , oo isagu lahaa Qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyne Riyaale Kaahinka Somaliland ,

 

Hadaba markii aya dadka iyo gaadiidka soo dhaweynta madaxweyne Riyaale aya iska soo buuxiyeen meel galbeed ka xigta Tuulada Hara sheekh ee Degmada Oodweyne , Dhul kuna uu yahay Dhul Barwaaqo ,

 

Ayaa waxa dadka lagu war galiyay In madaxweynuhu uu hada soo dhaw yahay ,

 

Ka dib dadku waxa ay galeen safaf dhaadheer waxa dadka ooo dhami aya wada eegee dhanka galbeed oo aya naga xigtay wadada la filaayo in uu ka soo galo madaxweyne Riyaale ,

 

Waxana ay isla markiiba indhaha dadka Soo dhaweeyayaashu aya qabatay laba Gaadhi oo aha Nooca gaashaaman ee Tikikada ah , oo i badan ka soo horeeyay madaxweyne Riyaale ,

 

Waxa kale oo hadana ka daba yimid mid kale oo isna uu saaran yahay Qoriga nooca loo yaqaano BT, Sadexda gaadhi ee tiknikada ah ee ugu soo horeeyay Weftiga Madaxweyne Riyaale waxa saarnaa askar lagu qiyaasaayo ilaa 25 askari oo ku labisa dirays Qurux badan kuna jeena qaaran Sil siladaha Qoryaha BKM ka Iyo RBD,

 

wax yara ka dib waxa meeshii soo gaadhay weftigii madaxweyne Riyaale oo aya ugu horeeyaan sadex gaadhi oo kale oo iyagu na tikiko ah ,

 

Waxana mushraxad iyo sacab si diiran ugu soo dhaweeyay dadkii isugu yimid madasha lagu soo dhaweynaayay madaxweynaha oo aya ku soo darsameen dad aad u badan oo iyana ka soo baxay tuulada Hara sheekh lafteeda,

 

Baabuurtii way istaagtay waxana ka so odagay Gaadhi Cad oo aha nooca loo yaqaano Calawiyada Madaxweyne Riyaale oo ku labisan Suudh midabkiisu yahay Kaaki ,

 

waxana ay soo dhex lugeeyeen dad aad u tiro badan , meel ilaa u jirta 5 ML tuulada Hara Sheekh Madaxweyne Riyaale Salaan ayuu dadka gacan u ruxaayay waxana Garabsocaday wasiirada : Maaliyada , Madaxtooyada , arimaha gudaha , Hawlaha guud , Macdanta iyo Biyaha , Iyo Gudoomiyaha UDUB ee togdheer ,

 

Waxana garab socday Ku dhawaad 100 askari oo si layaab ah u hubaysan , Waxana madaxweynaha la geeyay Geed weyn hoostii oo ku yaala Baliga Tuulada Hara sheekh , oo loo sii agaasimada waxana halkii lagu siiyay Cano iyo Biyo qaboow,

 

Hadaba waxa aya aad ugu qaadan waayeen dadka ku dhaqn deegaamadaasi Ciidamada Faraha badan ee garab yaacaaya madaxweyne Riyaale,

 

Qudbado dhaadheer ka Dib ayaa waxa mid ka mid ah Cuqaasha Reer Oodweyne lagu soo dhaweeyey Anburafaayarka , waxana uu nijnkaasi Odayga ahin , Madaxweynaha Siiyay Dhangad Galool ah , waxana uu ku yidhi

 

" Madaxweyne Marka aad noo imanayso Dhangadaas soo qaado , lakiin Waxan oo ciidan ah iska kala yaree ilay waxa aad imanaysaa dhulkaasii iyo dadkaagii e "

 

Ciidamada iyo gaadiidka ay wateen ee ilaalinaayay madaxweyuhu waxa ay ku dhawaanayaneen gaadiidka ay wataan weftigu , Hasa ahaatee Riiyaale uu gar waaqsaday in Oodweyne Tahays meel amaan ah ka dib markii uu galinkii danbe lug ku tagay dugsiga weyne ee Oodweyne

 

Sidoo kale waxa amaanka loo adkeeyay magaalada oo dhan waxana la dhigaua afar kaantaroo oo anay hore u lahaan jirin Oodweyne

 

Habeenimadkii ka horeysay intii aanu madaxweyne Riyaale imana ayaa wxaa aan tuuulooyinka CEEL XUME CEEL BILCILE ku soo dhaafay min labaga gaadhi oo tikniko aha oo la dhigaya , Hasa ahaatee waxa lay sheegay in aya u dhaafi doonaan ,magaala Oodweyne ,

 

Oodweyne News

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

normal_faysal%20iyo%20beegsi%20Berbera.j

[uCID Berbera candidate Mr. Beegsi with UCID chairman Mr. Faisal]

 

UCID IYO BERBERA: ILYARTAA XALAY IS QABATAY

 

Berbera(Jam)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyey degaanada Dacar-budhuq,Abdaal,Dara-godle iyo tuulada Laasa- dacawo oo dhammaantood ka tirsan gobolka Saaxil.

 

Boqolaal taageerayaasha xisbiga UCID ah ayaa isugu soo baxay soo dhawayntay weftigaas iyaga oo lulaya caleemo qoyan, calanka xisbiga UCID, calaamadaha murashaxiinta xisbiga ee ka sharaxan deegaanada Dacar budhuq iyo Abdaal.

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo dadkaa hadal u jeediyey ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa; “Walaalayaal dib u xoreynta dalkeena waxaa ku naf-waaayey malaayiin rag iyo dumar ah,waxa loo huray dad iyo duunyo badan, waxay ahayd in la helo madaxbannaanida dhisme qaran oo ku dhisan wada tashi, dimuqaraadiyad, daacadnimo iyo horumar, balse looma fadhi iyo lama filaan ayaa dhacday, dib u xoreyntii qiimaha weyn noogu fadhiday waxa laga door biday in 40 nin oo Gafanayaal ku noqday dhiiggeenii iyo dheecaankeenii ay ka faa’iidaysteen kaligood, isla markaana ay Bustaalayaal u Faaliya dhigtaan xafiisyada.

 

Dadka intii kalena shaqo la’aan, cunto la’aan, biyo iyo waxbarasho la’aan badaan sidaasi miyey ina anfacdaaâ€. Faysal Cali Waraabe oo la hadlayey taageerayaashiisa tuulada Abdaal ayaa intaa raaciyey; “Walaalayaal, Axmed Yuusuf Yaasiin (madaxweyne ku-xigeenka) Guri weyn oo Ganjeel leh ayuu dhistay oo Masaajidna ka dhistay, Fooxa ayaa Dabka lagu ridaa inta maalin iyo habeen Marfashkiisa lagu cuno ayaa Abdaal u dhisi lahayd Dugsi dhexe iyo goob caafimaad, maalinta labaadna Dugsi sare ayey Dacar budhuq u dhisi lahayd, mudadaa uu xilka hayey Irbad Dun uma gelin Saaxil iyo Qarankaba. ILLAAHAY BAAN IDINKU DHAARIYEY, marka uu idiin yimaado ee uu yidhaahdo codka UDUB siiya waydiiya oo ku dhaha ‘maxaad noo qabatayâ€.

 

Ugu dambayn Faysal Cali Waraabe, waxa uu tageerayaasha murashaxiinta xisbiga UCID ee gobolka Saaxil u sheegay, In murashaxiinta UCID ee gobolka Saaxil yihiin kuwo xul ah, isaga oo Farta ku fiiqaya musharaxa da’da yar ee UCID, Mr. Beegsi ee uu yidhi; “Daacadnimo, karti, aqoon ayuu ku sifoobay waa in aad codkooda siisaan si ay dalka iyo dadkaba uga badbaadiyaan burbur iyo horumar la’aanâ€. Waxaa isna ka hadlay madasha musharax Beegsi oo yidhi; “Guddooomiye taageerayaashan horteena taagan, islamarkaana Dacar-budhuq aynu ku soo aragnay, waa kuwo iskood u go’aansaday inay codkooda siiyaan Xisbiga UCID, kadib markii ay labadii doorasho ee hore u coddeeyeen xisbiga UDUB, balse ay shaki la’aan isku qanciyeen inay gacmo madhan iyo tacab khasaar ka joogaan codkoodii, ayey u badheedheen inay codkooda iyo taageeradoodaba siiyaan xisbiga UCIDâ€. Mr.Beegsi waxa uu ku soo geba-gebeeyey hadalkiisa in ay taageerayaasha musharixiinta xisbiga UCID ay yihiin kuwo iminka xor ah oo ka xoroobay xisbigii UDUB ee ay u xaraysnaayeen, isla markaana ay ka go’antahay inay codkooda siiyaan xisbiga UCID.

 

Dhinaca kale isu soo baxan ay sameeyeen taageerayaasha xisbiga UCID ayaa dadka qaarkii ugu muuqday inay ahayd dhoolatuskii ugu ballaadhnaa, taas oo dhaxalsiisay in si aan hore loo arag ay uga raali noqdeen madaxdii sare ee xisbiga UCID. Waxa waftiga UCID ka mid ahaa ku-simaha Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID ahna musharax uga sharaxan gobolka Saaxil, xisbiga Mr. Cabdiraxmaan Ciro. Waftiga UCID waxay meel fagaare ah kala hadli doonaan dadwaynaha reer Berbera.

 

Source: Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this