Sign in to follow this  
money

Shabaab's plot to blow up Guri-Eal Mosque foiled

Recommended Posts

money   

Accoding to Dalkanews Al-Shabaab Terrorist were planning to blow up by remote control the whole Masjid and its congregation (run and administered their sworn nemesis Ahlu-Sunna-Wa-Jama'a ). I am not sure if this site is credible or not but this is scary and shows how dangerous these Shabaab fanatics are! May Allah save Somalia...

 

Dadka Reer Guriceel oo weli la Fajacsan fal shalay fashilmay oo lagu doonayey in miinooyin lagu qarxiyo Masjidka weyn ee Guriceel, si loogu xasuuqo dadka ku ciibaadeysanaya.

 

(03-08-2009)Waa markii ugu horeysey oo dadka reer guriceel yaqiinsadaan in xitaa beytulaahi dhexdiisa aan lagu dhaafeynin oo lagu xasuuqi karo cadowtooyo loo qabo awgeed, kadib markii uu fashilmay fal xambaarsan Jahli diin la,aan, & cadaawad, oo lagu doonayey in cardaadiqaha laga dhigo Masjidka ugu weyn degmada Guriceel iyo Addoomada Ilaahey ee ku cibaadeysta.

 

 

Qaar kamida Wadaaddada Ahlusuna Waljamaaca ayaa saxaafadda u sheegay in ay ka war heleen in Masjika lagu xidh-xidhay miinooyin ah kuwa loo adeegsado Rimuut korntaroolka oo lagu doonayey in la qarxiyo marka ay masaajidka soo wada xaadiraan Culimada iyo dadweynaha Salaadda ku ooga, si loo geysto khasaaraha ugu badan.

 

Ahlusuna waxay sheegeen in ay durbadiiba galeen Masaajidka oo ay furfureen Miinooyinkii, kadibna baaris ay sameeyeen ay ku soo qabqabteen dad gaaraya 3-ruux oo lagu tuhmayo in ay iyagu ka dambeeyeen falkaan aan fulin balse aad loola yaabay.

 

Ahlusuna waxay falkaas dhicisoobey ku eedeeyeen ururka kale ee gowraca dhega-dhaafka ah uu kala dhexeeyo ee Alshabab, hase yeeshee Ahlusuna sooma bandhigin wax caddeyn ah ee ku saabsan ku lug lahaasha Alshabab.

 

Sidoo kale Ahlusuna faahfaahin waafi ah kama bixin dadka ay sheegeen in ay u hayaan dembigaan fooshaxun ee ku-dhaqanka diinta Islaamka aad uga fog, waxaana la ogeyn cidda dhab ahaan falkaani uga dambeysa, waxaase leysku raacsan yahay inuu yahay fal-dembiyeed ay maleegeen duul sheydaanka ku weel ah oo aan Alle raxmadiis iyo Aakhiro aan rajo ka lahayn.

 

Si kastaba; dadka reer guriceel iyo guudahaan Galgaduud ayaa dhaqankaani wuxuu xusuusiyey dhacdooyin diiwaanka galay oo hore uga dhacay Muqdisho iyo Sh/hoose, waaxey arrintaan u arkaan "ISLAAM LA DIRIR".

 

Dalkanews.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saddiiq   

If they've never done such actions before, ask yourself why they would start now. Or could it be ummm...hmmmm.. a lie.

 

kind of like their claim on bbc that shabaab was digging up graves and selling human remains in the black market.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this