Sign in to follow this  
Suldaanka

Hargeisa's iconic hotel opens its doors

Recommended Posts

Built in the 1950s, the Oriental Hotel was one of the first Hotels that were established in Hargeisa. In fact it was the first hotel that opened its doors to public.

 

The hotel was badly damaged in the Hargeisa airial bombardments of 1988.

 

The owning family, one of Hargeisa's most well known families, was a very well off family (Somali standard) and they also owned several other family businesses. But like most other families who lost everything, the family became refugees in late 1980s.

 

Afther the father died, the son took the responsibility of re-opening the well known hotel. Years of hardwork paid off and now Oriental Hotel is once again back in business.

 

------

Scan7.jpg

[Oriental Hotel photo taken 1960s)

 

 

Orienth2.jpg

[New Oriental hotel opened this week]

---------

 

Oriental Hotel: Huteelka Ugu Fagaca Iyo Magaca Weyn Somaliland

Oo Dib Loogu Furay Xaflad La isku Arkay

 

Hargeysa, September 4, 2005 (Haatuf) – Oriental Hotel oo ka mid ah Hoteelada ugu faca iyo magaca weyn Somaliland, gaar ahaan Hargeysa ayaa Habeen Hore si rasmi ah loo furay, ka dib markii dib u dhis iyo dib u habeyn casri ah lagu sameeyey.

 

Xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayey Furitaanka oo Habeen hore ka dhacday Oriental Hotel, taasi oo ay ka qayb galeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, siyaasiyiin, abwaano, ganacsato iyo marti sharaf kale oo badan, kuwaasi casho sharaf la isku arkay loogu sameeyey.

Maayarka Caasimada Hargeysa, Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo isagu xadhiga ka jaray Huteelka ayaa munaasibadaasi ka jeediyey khudbad uu kaga waramyo Taariikhda Hoteelkaasi “Caawa waa Habeen aad u qiimo badan oo Oriental Hotel dib loo furayo, Taariikhda Hoteelkani wuxuu ahaa mid ay Somalida oo dhami ay taqaano isaga oo ahaa Huteelkii ugu horeeyey ee la seexdo Somaliland.

 

Markaa markii Huteelkan Hargeysa laga furay way la yaabeen dadku maadaama aanay hore u aqoon. Runtii waa Taariikh oo qoyskii aasaasay waad aragtaa, waxaana aasaasay illaahay ha u naxariistee Muxumed Aw Cabdi oo dhisay, haatana waxa dib u dhisay oo habeeyey C/raxmaan Maxamuud Aw Cabdi. Sidaas darteed waxaan dadweynaha reer Somaliland ogeysiinayaa in Oriental Hotel Hargeysa dib loo furay ee ku soo dhowaada, Abaal iyo Ajarna illaahay ha idinka siiyo sida quruxda badan ee aad u maal-geliseenâ€.

 

Sidaa waxa yidhi Maayarka Caasimada oo ka hadlayey furitaanka Oriental Hotel.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Badhasaabka gobolka Hargeysa C/laahi Ismaaciil Shabeel (Cirro), waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waa Hoteelkii ugu horeeyey ee la seexdo ee laga furo Hargeysa, waxaanu leeyahay magac aad u weyn. Runtiina wuxuu ka mid ahaa meelihii aadka u burburay burburkii dalka ku dhacay, ilaa intii dalka la soo galayna C/raxmaan wuu la rafanayey, markaa waa illaahay mahadii hawshaa uu maanta ka qabtay, waanan ku bogaadinayaaâ€.

 

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay C/raxmaan Muxumed Aw Cabdi oo ka mid ah qoyska Mulki ahaan leh Hotelkaasi, isla markaana dib u dhiska ku sameeyey Hotelka, isaga oo ka waramay Taariikhda Hoteelkan oo la dhisay 1953-kii oo haatan laga joogo muddo 52 sannadood ah “Maah-maah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Nin iyo xoolihii ma kala hadhaan, waxay ila tahay maahmaahdaasi inay beenowday, waayo dad badan ayaa xoolihii Aabahood uga dhintay wax ka qabtay, waxaana dadkaasi ka mid ah Ilma Abusite, Ilma Faarax Xarbi iyo Ilmo Baarjeex, markaa taasi halkaasay ku beenowday. Dib u dhiska Hoteelka beri dhexe ayaan isku dayey inaan wax ka qabto, laakiin way ii suurtoobi weyday oo dagaalo sokeeye ayaa dalka ka dhacay, laakiin nasiib wanaag maanta ayey noo suurto gashay in aanu ku guulaysano oo aanu dib u furno†ayuu yidhi C/raxmaan.

 

Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa kale oo dadkii ka hadlay ka mid ahaa Abwaanka caanka ah ee Cabdi Qays oo heeso iyo gabayaba ka tiriyey, Sidoo kale, Fanaanka weyn ee Axmed Cali Dararamle iyo Fanaaniin kale ayaa halkaasi heeso ku soo bandhigay, iyaga oo xusay Taariikhda weyn ee Hoteelkani leeyahay.

 

Hoteelkan 52 jirka ah oo u dhisan qaab-farshaxan sare ah ayaanad moodin inuu mudadaasi jiray, isaga oo ka qurux badan dhismayaasha casriga ah ee hadda la dhiso intooda badan, waxaana hoteelku haatan ka kooban yahay Cunto iyo Hurdaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Orienth1.jpg

 

Wise of the son to maintain the old look in a new jacket, instead of transforming it. The hotel can use its history as a unique selling point to enhance competitive advantage against the new hotels.

 

Hope the famous hotels in Mogadishu will revive like the Oriental Hotel, Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
uchi   

Another great success story from Hargeisa, once again great job guys, we are proud of Somaliland. Its upmost important young Somali's remember thier history and this hotel will be an icon for future people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Very nice indeed. Makes one deeply glad to see these kind of investments in our motherland. This is however not making a greater impact in the short run and may even more likely get into a longlasting setback since most people are unemployed and can't enjoy these kind of facilities (except as employees). Whit this I do not wish to disregard this man's work, I'll rather light him up as a man that settled one of the first bricks towards a booming economy in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa ma kolba hotel ayunba laga furi?

I also think it's time the people invest in sectors that could benefit the greater populus. Lobbying the governement for privatising parts of the water and sewage system would be an idea{ the electricity was back in the 90's when I was there totally private}.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^LOL

If there is still the need, why not?

 

Here is other projects that are going on elsewhere in Somaliland...

 

 

--------

400_shaqale3.jpg

Wariye A-Aziiz oo booqasho ku tagay Magaalada Burco "Magaaladda Burco waxa Laga Dhisayaa laba Warshadood Oo aad U waaweyn oo ay ka Shaqeyn Karaan ilaa Toban Kun oo qof dedkeeduna waxaan ka arkey.....?"

 

Burco-(HWN)-Magaaladda Burco oo aan Dhawaan Booqasho ku Tagay waxa aan kala Kulmay Soo Dhaweyn Balaadhan oo ay ii Sameeyeen qaar Badan oo ka mida Saaxiibaday iyo Kuwa aanu ku Saaxiibnay Hawadda ..Magaaladda Burco waxa aan ku Arkay horumar weyn oo ay Ku talaabsadeen Dadka Reer Burco Gaar ahaan Xagga warshadaha waxa Burco laga Dhisay Warshad Sameysa Saabuunta iyo Ta Hargaha Iyo Saamaha, oo ah Labada Warshadood Ee Ugu Waaweyn Dalka ,

 

Dadweynaha Reer Burco oo aan Wax ka waydiiyay Sida Ay u arkaan Warshadaha Waaweeyn ee Laga Dhisayo Magaaladooda? ayaa Ku Macneeyay In iskaashiga Dhalinyaradda Reer Burco uu ka Dhigi Karo Gobolka Ka Ugu qanisan Somaliland iyo Somaliyaba waxa Noo kacay ayey Yidhaahdeen Kumanaan Dhalinyaro ah oo waxbartay oo Gobolka U Dhashay Kuwaas oo ku fikiraya Horumarka Magaaladooda.

 

Reer Burco waxa La Odhan Karaa waxa ay noqodeen Dad Shuraakoobay oo Maal-galiyay Magaaladoodii Camirayna Doonayana In Burco Noqoto Hoy ay u Soo SHaqo Tagaan Umadda Somaliyeed meel ay jooganba.

 

 

400_Shaqaale1.jpg

[Chinese engineers installing factory equipment]

 

Maamulaha Warshadda Saabuunta Mr Nuur ayaa ii Sheegay in Bisha 10 aad La Furi Doono Warshadda oo ay Shaqadeedii Bilaaban Doonto Mid ka Mida Xubnaha Saamiga ku leh Warshadda Saabuunta Mr Khaliila Abdillahi ayaa ii Sheegay in lacag Dhan $3 Million oo Dollars ay ku baxeen Warshadda Lacagtaasi oo laga Soo Kala Ururiyay Dadweynaha Reer Somaliland Ee ku Kala Nool Dibada Iyo gudaha.

 

Dhinaca Kale waxa aan la Kulmay Maamulaha Warshadda Hargaha iyo Saamaha Mudane Abdirizaq Xaaji Hussein waxaanu ii Sheegay In warshaddu ay Shaqdeedii Bilowda waxanu ii Sheegay in I.5 Million Dollar ay Warshadu ku Kacday ..waxaanu ii Sheegay In Warshaddu Suuq weyn ka Haysato wadamada Reer Galbeedka Si kastaba Ha ahaatee Warshada Hargaha iyo Saamaha Waxa La Furay Share Cusub oo iiba oo Dhawaan xidhmaya Waa bishan Sept ilaa bisha tobnaad Bilowgeeda

 

Dadweynaha Reer Burco waxa ay u Tafa Xayteen Horumarka Deegaankooga Reer Burco Waxa ay Tartan kula Jiraan Reer Mogdisho iyo Hargeysa oo ay hubaal Tahay in ay Mar uun Kaga Hormari Doonan Dhisamaha Wax Soo saarka iyo wixii la mida

 

Abdiaziz Ahmed Musa Burco Gobolka Togdheer .

Hadhwanaagnews Reporter

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this