Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf flies out from Galkacyu: PICS

Recommended Posts

Xafladii Maalinta Haweenka oo ay ka qeybgaleen Madaxweynayaasha Somaliya iyo Puntland (Daawo Sawirada)

 

Last Updated::2007-03-08 14:17:12

 

Gaalkacyo:- Xaflada balaaran oo lagu xusayey munaasabada

8 Maarso ayaa maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

 

Waxaa ka qaybgalay munaasabadan Madaxweynaha Somaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Md.Maxamuud Muuse Xirsi oo ay weheliyaan masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirka Qorshaynta Somalia Md.Xuseen Ceelaabe Faahiye, Xildibaan C/rashiid Maxamed Cabdi, Wasiirka Maaliyada Puntland Maxamed Cali Yuusuf, Wasiirka Arimaha gudaha puntland Axmed Cabdi Xaabsade, Wwasiirka Arimaha Qoyska iyo Haweenka Caasho Ceele Diiriye, Wasiirka dhalinyarada, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Kaluumeysiga iyo xildhibaano ka tisan Golaha Wakiilda Puntland.

 

Sidoo waxaa munaasabadan ku sugnaa saraakiisha ciidamada oo uu ku jiro Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland C/laahi Cali Mire, Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska dowlada Somaaliya Gen.Bashhir Goobe iyo masuuliyiinta maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo iyo martisharaf kala dowan iyo qaybaha bulshada ee kala dowan.

Xaflada oo ka dhacday xarun cusub oo loo furaya gabdhuhu in ay waxkubartaan islamrkaasna isugu jirta jiif iyo fasalo waxbarasho oo ku taal magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa hadal kajeedisay Wasiirka Qoyska iyo Haweenka Puntland Mrw.Caasho Geele Diiriye.

 

Waxayna ka warantay maalinta 8 Maarso iyo dhisitaankii xarunta cusub ee ay dhistay xarunta waxbarashada nabadda iyo hurumarinta gaalkacyo.

 

Waxana hadal kooban oo ku aadan doorkii ay haweenka Puntland ka qaateen difaacii dalka ka jeedshey Madaxweynaha Puntland Md.Maxamud Muuse Xirsi.

 

Kadibna waxaa uu kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo si weyn uga waramay dowrkii haweenku kasoo qaateen halgankii gobanimada Soomaaliya iyo in loo baahanyahay in lasiiyo haweenka kalinta ay dalka kuleeyahiin.

 

Munaasabadan kadib ayuu Wafdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ay ka dhoofeen Airporka Gaalkacyo ayagoo kusii jeeda magaalada Baydhabo oo ay gaareen saacad kadib.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DFKMG iyo Wafdigiisa oo ka dhoofay Gaalkacyo (Daawo Sawirada)

Last Updated::2007-03-08 19:40:04

 

Gaalkacyo:- Madaxweynaha DKM ah iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta duhurkii ka dhoofay gegida diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug.

 

Madaxweynaha DKM iyo weftigiisa ayaa waxa sii sagootiyey Madaxweynaha DGPL iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee DGPL,golaha wasiirada,xildhibaanada puntland,maamulka Gobolka iyo kan degmada,iyo dadweynaha Degmada Gaalkacyo.

 

Madaxweynaha DKM ah iyo weftigiisa ayaa intii aanay tegin waxa uu ka qaybgaleen xafladdii 8da maarso oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska,xafladdaan ayaa waxa ay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay kana soo qayb galeen ururada haweenka ee Gobolka Mudug,waxgarad,aqoon yahano,isimo,iyo madaxda sare sare ee puntland.

 

Madaxweynaha DKM ah ayaa intii uu joogay waxa uu kulamo la yeeshay Maamulka puntland,isimada iyo saraakiisha ciidamada puntland.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^You've laboring extra-hard of late. Any hint of a place for you in the junior ranks of the TFG as yet? If you do secure a place, make sure to stay within the compounds of Villa Somalia; Mogadishu's very own Baghdad style "green zone".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this