Sign in to follow this  
Suldaanka

Vehicle belonging to the Head of PL Daraawish melitia crosses to Somaliland

Recommended Posts

puntlandpost.com

 

GAROOWE : Gaarigii khaaska u ahaa ee Taliyaha Ciidanka Daraawiishta puntland oo S/Land loola galay

 

Garoowe: - Gaarigii uu sida gaarka ah u lahaa Taliyaha Ciidanka Daraawisihta Puntland Cali Baadiye ayaa xalay Wiilashii waday ay ula galeen S/land.

 

Gaarigan oo ahaa nooca loo yaqaan Langurusar ayaa wiilashii waday ay xalay la galeen magaalada Lascaanood oo ay imika ka arimayaan S/land.

 

Dadwaynaha ku dhaqan Caasumadda Garoowe ayaa si wayn u hadalhaya la ******ada gaarigan waxayna u arkaan arin wajigabax ku ah madaxda maamulka Puntland.

 

Dhawaan ayay ahay markii ay sidan oo kale ay wiilashii watay ay u galeen Gaari takniko ah oo uu lahaa Taliyaha Canshuuraha gobolka Mudug.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaarigii Taliyaha Daraawiishta Puntland iyo ilaaladiisii oo u galay Somaliland+ Madaxweyne ku xigeen Axmed Yasin oo Laascaano+Madaxdii *********** oo Garowe isaga baxay.

 

source

 

Gaarigii qaaska ahaa ee taliyaha Ciidamadda Daraawiishta Puntland Korneyl Cali Baadiye oo ay la socdaan ilaaladiisii gaarka ahayd ayaa markii ugu horeysay lagu arkay gudaha Magaaladda Laascaano isagoo gaaf wareegaya.

 

Gaarigga oo nuuciisu yahay Land Cruiser iyo labo qori oo nuuca daba jeexa loo yaqaan ayaa lagu wareejiyay Madaxda Nabadsugida Somaliland.

 

Gaariga Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta Puntland waxaa Somaliland la soo galay darawalkiisii iyo sedex ka mida ilaaladiisa oo la sheegay inuu dhamaan adeer u yahay

 

Inkastoo ragga la soo goostay gaarigga Taliyaha ay isku yihiin juffo hoosaad ka mida Beesha ********** hadana waxay warar hoose sheegayaan inay la soo baxsadeen dukumiintiyo muhiima.

 

Gaarigga Korneyl Cali Baadiye oo ka dhigan midkii labaad ee rag ku heyba Madaxweyne Yusuf kala soo goostaan Puntland ayaa ku beegan xilli Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yusuf Yaasiin uu socdaal kedisa ku booqanayo Magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaano.

 

Sida uu ku waramayo Weriyaha Waagacusub ee Laascaano waxaa soo dhaweynta Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo wafdiga la socdo loo diyaariyay boqolaal fardo ah,sidoo kalana waxaa la filayaa inuu khudbado xamaasad leh u jeediyo dadweynaha Magaaladaas oo isugu soo baxay Wadooyinka si ay soo dhaweyn ugu sameeyaan.

 

Inkastoo Axmed Yusuf Yaasiin yahay masuulkii ugu sareeyay Xukumadda Somaliland ee booqda Laascaano tan iyo markii ay gacan ku heynteeda kala wareegeen Puntland hadana wuxuu socdaalkiisa ku beegan yahay xilli Madaxda beesha *********** ee hore uga tirsanaa Puntland ku shirayaan Boocane oo la filayo inay kaga dhawaaqaan isbedelkooda siyaasadeed ee ay ku shaacinayaan inay guud ahaan isaga baxeen Maamul goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo Cadde Muusse boqor.

 

 

 

Salaadiinta iyo Garaadyadda *********** ee Boocane ku shirsan waxaa la soo weriyay inay ku wajahan yihiin Magaalada Hargeysa sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo lagu kalsoon yahay.

 

Amar seefla boodnimaa oo ka soo baxay Madaxtooyada Garowe ayaa qaab hanjabaada loogu amray Madaxda *********** inay ka baxaan Magaaladaas waloow aan la ogayn waxa uu kala socda Madaxweyne Cadde Muusse oo socdaal shaqo ugu maqan Itoobiya.

 

Sida laga helayo ila wareedyo lagu kalsoon yahay todobaadkaan ayaa loo badaniyaa inay garabyada beesha *********** si cad u shaaciyaan qadiyadooda ka mid ahaanshaha Somaliland,waxaana Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Sheekh Axmed Yusuf Yaasiin uu socdaalkiisa Sool ku booqanayaa Magaalada Xadaariga ee Ceerigaabo,sida ay Waagacusub ugu xog warameen Saraakiil sare oo ka tirsan wafdiga la socda.

 

Waagacusub Media Group

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Im not too sure what significance the capture of one vehicle has in the long term but it is evident that more and more signs are surfacing which indicate that the Puntland militia is on its last legs which is good news for the people of East Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland wala kala qebsaday niman maffia ah aya ku shaqeysta Cadde muuse iyo kooxdiisa cabdilahi yusuf laftigiisa na awrkiisa ayuu ku kicsada

 

Marka wa qassab inay puntland isku qebiiso konfuur iyo in Wadanka Somaliland uu gasha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by A.J.:

Im not too sure what significance the capture of one vehicle has in the long term but it is evident that more and more signs are surfacing which indicate that the Puntland militia is on its last legs which is good news for the people of East Somaliland.

Previously, the people who used to cross cars and teknical vehicles were the locals of Laaska but in the last couple of events that was not the case.

 

These men hail from Col. Yey's very own subclan. It is something new which hasn't happened before.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa soo galay gaadhigii uu gaarka u lahaa Taliyaha Ciidamada Darawiishta Puntland ee Somalia gaadhigan oo ay wateen dhalinyaro kamid ahayd istaafka khaaska ah ee Taliyaha ayaa habeenimadii xalay waxay isu soo dhiibeen ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool.

 

Dhalinyarada wadatay gaadhigan ayaa waxa ay habeenimadii xalay lasoo galeen gaadhi noociisu yahay Layla calaawi xilli uu Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Coll: Cali Baadiye uu ka maqan yahay Dalka uuna ku maqan yahay Dalka Ethiopia oo uu Cadde Muuse horay usii raacay.

 

Gaadhigan ay lasoo goosteen saddex kamid ah dhalinyaradii istaafka u ahayd Taliyaha ayaan la ogayn sababta dhabta ah ee ka danbaysay inay gaadhiga uu gaarka ulahaa Taliyuhu ay ula soo goostaan dhanka maamulka Somaliland iyadoo la og yahay darajada uu Coll: Baadiye uu ka hayo Puntland.

 

Kadib markii ay lasoo galeen baabuurka taliyaha ciidamada Puntland dhalinyaradu ayaa waxaa la wareegay saraakiisha ciidamada Somaliland iyadoo aan xog dhab ah aan laga ogayn waxa ay ay ku heshiiyeen iyo inay lacag ahaan ugu badali doonaan baabuurka ay lasoo goosteen.

 

Hadaba arintan noocan oo kala ah ee lasoo goosashada baabuuurta ayaa waxa ay caadi ka noqotay guud ahaan maamulka Puntland iyadoo markii ay muddo joogaan ay dhalinyarada ciidanka ka ah Puntland ay lasoo goostaan gaadhi ay iibsadaan iyadoo gaadhigan kii ka horeeyay uu ahaa baabuur tikniko ah oo kamid ahaa ilaalada madaxtooyada Puntland.

 

 

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this