Sign in to follow this  
Garyaqaan2

The battle Has started Inside Laaska Shacabka Vs Riyaale's militia

Recommended Posts

Generale thanks sxb for the update

 

Shacabka Sool oo dar dar geliyay kacdoonka ka dhanka ah maamulka Hargeysa

Last Updated::2007-10-31 18:02:48

 

Laascaanood(HRNet):-Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa ku

warramaya in shacabka magaalada Laascaanood ay sii xoojiyeen kacdoonkoodi ay ku diidanayeen maleeshiyada taageersan maamulka la baxay Somaliland ee gacanta ku haysa magaalada.

 

Waxaa hirtii waaberi ee saaka samada magaalada isku xiray qiiq iyo holoca taayirada dabka lagu qabad siiyay bar tamaha magaalada iyada oo ay taas bar bar socdaan dhagaxaanta iyo baaburta iskaraabka ah ee lagu gooyay wadada, iyada oo ay shacabku magaalada ay il dheer u leeyihiin xubnaha ka tirsan maamulka Hargeysa ee isku dayaya in ay magaalada soo galaan.

 

Waxa wararku intaa ku darayaan in xubnaha ka tirsan maamulka Hargeysa iyo shacabku ay magaalada kaga kala sugan yihiin laba dhinac iyada oo shacabku ay ku adkaysanayaan in aysan wax hadal ah ama wada shaqaynba la yeelanay xubnaha hormoodka ah duulanka laga soo abaabulay magaalada Hargeysa.

 

Waxana xiran meheradahii ganacsi iyada oo ay magaalada ka guureen ganacsatada intoodi badnayd

 

Waxana warar hoose ay sheegayaan in maamulka Hargeysa uu isla meel dhigay inaan wax talaabo ah shacabka laga qaadin ilaa iyo inta ay ciidamada Puntland ku kala bixi doonan dagaalka la filayo inuu ka dhex qarxo labada dhinac

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Abshir Oo Digniin Culus Siiyay Maamulka Labaxay Somaliland

 

(Laascaanood}31.10-7

Xasan Abshir Oo Digniin Culus Siiyay Maamulka Labaxay Somaliland Xasan Abshir Faarax "war raggaas soo duulayoow dhiiga dadka kala celiya oo isaga taga hadaad naftiina rabtaan laascaanood waa talo aan soo jeedinay oo aan wada qabno Puntland ilaa madax weynaha ayaa qaba federaalka"....................

 

Gen. Cade Muuse ayaa maanta furay kal fadhigii 19 ee golaha wakiilada barlamaamka puntland waxana ka soo qeyb galay xildhibaano badan oo ka tisran golaha wakiilada iyo kuwa wasiirada iyo saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Daraawiishta

 

waxaana sidoo kale soo xaadiray madasha shirka xubno ka tirsan Baarlamaadka Somalia .

 

Kal fadhiga 19 ee Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa loogu magac daray “ difaaca dalka iyo ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2008” waxaana lagu dhawaaqay halku dhiga kal fadhiga hal mar is qabsaday sawaxan iyo sacab lagu taageersan yahay kal fadhiga iyo magacsiisa .

 

Madasha kal fadhiga ayaa waxaa ka halday xildhibaano badan kuwaas oo dhamanatood soo hadal qaaday xaalada gobolka sool gaar ahaan magaalada laascaanooda waxana ay shegeen in difaaca iyo iyo dhulka gobalka sool ay yihiin mid muqadas ah ayna ka xigaan dagaal wixii ku soo gar ******a waxana ay sidoo kale sheegeen in ay tahay in maamulka la magac baxay Somaliland ee kaashanaya xoogaga argagixisada ah kana soo hor jeeda qaraminada iyo wada jirka soomaliya dagaalkana ku haya Dowlada Somalia waa sida hadalka u dhigeene.

 

Sidoo kale waxaa madasha ka hadalay gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Puntaland Axmed Cali Xaashi waxana uu shegay mar uu ka hadlayay kal fadhiga iyo sababta loogu soo beegay xiligan in ay tahay xaalada is difaacis iyo in laga wada hadlaa xaalada ka so korodhay Gobalka Sool waxana uu yidhi mar uu ka hadalayay sida lo furay ka fadhiga iyo ajandaha looga hadlayo

 

“xaflada furtitaaka kal fadhiga 19 ee golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland ayaa loogu magac daray: “difaaca dalka iyo ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2008” waxaana aad aragtaan sida wanaagsan ee ay u soo wada xaadireen dhamaan wakiiladu waxana sidoo kale jirta in ay nala joogaan xubno matalaya Dowlada somalia oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka federalka ku meel gaadhka ah kal fadhigan waxaana uu kuwii hore uga badalan yahay magaca uu wato iyo arimaha looga hadlayo”.

 

Dhanka kale waxaan madasha kal fadhiga hadal ka soo jeediyay wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee Dowlada somalia Xasan Abshir Faarax ayaa ugu horayn sheegay in uu aad ugu faraxan yahay ka soo qeyb galka ay ka soo qeyb galeen isaga xildhibaano baarlamanka federaalka ah kal fadhiga 19 ee golaha wakiilada ee Puntland kal fahigana uu yahay mid taariikhi u ah labada dhinac ee mamul gobaleedka puntaland iyo Dowlada Somalia waa sida uu hadalka u dhigaye

 

Xasan Abshir ayaa soo hadal qaaday xiisada ka dhex taagan labada maamul ee Somaliland iyo Puntland iyo gacan ku heynta magaalada laascaanood waxana u yidhi mar uu ka hadalyay xur gufta ka dhex taagan labada maamul “ maanta waxaa ay ka duwan tahay kal fadhiyadii kale saaxiibayaal maxaa yeelay waxaa la haystaa magaalo madax ka mid ah goboladeena o lagu soo duulay anigu waxaan dhihi karaa kal fadhigii furanaye wa in golaha wakiiladu uu qof walbaa dhanakiisa abaabulka ha ka soo galo waxaan leeyahay dadkaa aan dariska nahay ee ku soo duulay gobola sool magaalo madaxdisii qabsaday war raggaas soo duulayoow dhiiga dadka kala celiya oo isaga taga waa talo aan soo jeedinay oo aan wada qabno Puntland ilaa madax weynaha ayaa qaba federaalka ayaa qaba

 

runtii puntland lagama qabsan laascaanood ee Puntland waxaa ay ka mid tahay federaalka

 

” wuxuuna intaa ku daray waxaan maqlayay oo ana hadda ogaaday in dagaalka ay wadaan qaar ka mid ah maxkamadihii xamar iyo kuwa jooga asmara waxana arkaa in ay tahay in ay ka waantoobaan dadka dagaalka soo wada dadka ay ku laynayaan shacabka “

 

Hadalka Xasan abshir ayaa ku soo beegmaya xili oo safar ku marayay qaar ka mid ah gobolada puntland i waxaana uu kulamo kula soo qaatay magaalada Gaalkacayo qaar ka mid ah odayaasha gobalkaas iyo xubnaha maamulka puntland ee ku suganaa Gaalkacayo waxaana dadka la socda siyaasada Dowlada Somalia ay sheegayan in safarka xasan Abshir oo ka qeyb yahay abaabul uu in dhawaan ahba ka waday gobalda Puntaland.

 

Isku soo wada duuboo waaxaa ay dad badan oo is weydiinayaan waxa ka soo bixi kara dabayaaqada kal fadhiga 19 ee golaha wakiilada maamul goboleedka Puntland iyo waxa ay ka soo saaran dhamaadka kal fadhigooda iyo waxs isku raacaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen. Cadde Muuse Oo Khudbad U Jeediyay Kumanaan Ciidamda Daraawiishta Ah

 

(Laascaanood}31.10-7

Madaxweynaha maamulka Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa booqasho ku tegay jiidda hore ee ciidamadu ku sugan yihiin ee agagaarka Tuulada Tukaraq, kuwaas oo isu diyaarinaya in ay dib u weeraraan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

 

Khudbad gaaban oo uu Gen. Cadde Muuse u jeediyay saraakiisha iyo ciidamadaa ayaa waxa uu si weyn carabka ugu adkeeyay waajibka ka saaran ciidamada Puntland difaaca dadka iyo dalka, isla markaana ay ka hortagaan shirqoolada ay maleegayaan kooxaha isu bahaystay duminta Puntland.

 

Waxa uu Gen. Cadde Muuse ciidamada ku booriyay in ay u diyaar garoobaan howlgal milateri oo ay suuragal tahay waqti kasta in uu bilowdo kaas oo dib loogu xoreynayo sida uu yidhi magaalada Laascaanood, isagoo xusay in dhowaan ciidamada Puntland ku laabadan doonaan magaalada Laascaanood.

 

Ilaa 7 kun oo ciidamo ah ayaa la sheegay in maamulka Puntland uu isugu geeyay goobo kala duwan oo ku dhow dhow magaalada Laascaanood, inkastoo weli ay jiraan diyaargarow ay ciidamadaasi ka wadaan aaggaasi.

 

Widhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this