Sign in to follow this  
Che -Guevara

Mujahid Riyaale

Recommended Posts

What a title!!

 

 

Xuskii 17 Okt Iyo Fagaaraha Beerta Xorriyadda 'Mujaahidiinta Iyo Saraakiisha Cusub Waxa Ugu Horreeya Daahir Riyaale Kaahin,' Tallaabo

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 18 October, 2007

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Munaasibado loo sameeyey xuska maalinta Shuhadadii SNM ee 17 Okt. ayaa xalay iyo shalay lagu qabtay meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ah.

 

Xafladda rasmiga ah ee xuska maalinta Shuhadada SNM oo shalay lagu qabtay Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa ayaa wasiirrada xukuumaddu si ballaadhan uga soo qaybgaleen, isla markaana ay si dhiirran uga hadleen arrinta gobolka Sool iyo guulaha ciidanka qaranku ka soo hooyey dagaalkii Laascaanood iyo hareeraheeda ku dhexmaray toddobaadkan ciidamada maamul goboleedka Puntland.

 

Munaasibaddaas oo uu soo qabanqaabiyey ururka Jamciyadda Mujaahidiinta Sooyaal, waxa aan ka muuqan hoggaamiyayaashii milateri iyo kuwii siyaasadeed ee ururkii SNM, marka laga reebo Guddoomaha ku-meel-gaadhka ah ee SNM, Muj. Xasan Ciise Jaamac.

 

Wasiirkuxigeenka Caddaaladda, mudane Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo) oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM ayaa isagu ka warramay taariikhda maalinta 17 Oktoober ee lagu KULMIYEy xuska dhammaan halyeeyadii SNM ee ku shahiidey halgankii ururkii SNM la galay taliskii cadaadiska ee Siyaad Barre, iyada oo xuskaas lagu suntay dagaal ka dhacay Burca-duurrey 17 Okt 1988, kaas oo uu ku shahiidey Alle ha u naxastee Marxuum Maxamed Xaashi (Lixle) oo hoggaaminayey ciidankii Sayid Cali oo ahaa ciidankii u horreeyey ee SNM loo tababaro.

 

Mudane Tallaabo, waxa uu ka warramay marxaladihii SNM soo martay iyo maalinba halkii uu taagnaa halganku, waxana uu xusay marxaladdii ku dhawaaqista ururka iyo raggii ku dhawaaqay oo uu ka mid ahaayeen Muj. Xasan Ciise Jaamac oo xafladdaa fadhiyey iyo Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo muddo saddex bilood ku dhow ku jira Jeelka Mandheera.

 

Mudane Tallaabo waxa uu sheegay in halgankii SNM ee ka soo bilaabmay kooxdii u horreysey ee ku dhawaaqday uu ilaa iyo hadda socdo, marxalado badanna uu soo maray oo ay ka mid yihiin dagaalkii Buuraha, gudagalkii magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ee May 1988, qabsashadii Somaliland, nabadayntii Beelaha iyo dhismaha maamulka dowladda iyo weliba tallaabada hadda ciidanka Somaliland ku gaadheen magaalada Laascaanood.

 

"Taariikhdu intaa way is qoraysaa, mujaahidiin cusub iyo taariikh cusub ayaa soo gelaysa. Kuwo cusub oo markii hore aan waxba ku lahaynina halkaas bay ka soo gelayaan, " ayuu yidhi Tallaabo.

 

"Maanta Mujaahidiinta cusub iyo Saraakiisha waxa u horreeya Daahir Riyaale Kaahin, " ayuu raaciyey.

 

Muj. Xasan Xiise Jaamac oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururka SNM oo isaguna xafladdaas ka hadlay ayaa ku baaqay in xabsiga laga siidaayo siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran oo uu ka mid yahay Inj. Maxamed Xaashi Cilmi, isaga oo ku waaniyey xukuumadda inay u dhaqanto si masuuliyad iyo waayeeltinimo ah.

 

Muj. Xasan Ciise, waxa uu ku hambalyeeyey ciidamada Qaranka iyo Xukuumaddaba guusha ay ka gaadheen gobolka Sool, halkaas oo maamulka Somaliland uu la wareegey, Isniintii, kadib dagaal dhexmaray ciidanka Somaliland iyo kuwa maamulgoboleedka Soomaaliya ee Puntland. Waxana uu sheegay in laba arrimood oo uu badiyaa ka hadli jirey munaasibadaha noocan ah aanu soo qaadayn munaasibaddan, isagoo sababta sharraxayana waxa uu yidhi, "Maantana waa Bacaluul is qaadey [xukuumadda] oo dheg la qabtoba malaha, "

 

Xasan Ciise wuxuu had iyo goor munaasibaddan oo kale ka hadli jirey daryeelka Mujaahidiinta iyo sidii qaranka loo midayn lahaa, meelna loogaga soo wadajeedsan lahaa gaadhsiinta dalka iyo dadka himilooyinkii loo soo dagaalamay, isaga oo taas dhalliilo kulul ugu soo jeedin jirey xukuumadda, balse, waxa uu sheegay munaasibaddaa shalay in aanu arrimahaa soo qaadayn, maadaama xukuumaddu dagaal ku jirto, isla markaana ay waxoogaa guul ah sheeganayso.

 

Waxase uu uga digey xukuumadda in la dago ciidanka Somaliland.

 

"Dhawr goor oo hore ayaa la dagay ciidanka Somaliland, yaan la idin dagin, " ayuu yidhi.

 

Xasan Ciise, waxa uu xusay in xusaska noocan oo kale ah ee SNM xukuumaddu ay u soo diri jirtey hal wasiir, waxana uu sheegay in sababta wasiirrada tirada badani uga soo qaybgaleen xuskii shalay ay tahay iyada oo haya ayuu yidhi wax ay dadka la hor yimaaddaan, taas oo uu uga jeedey gaadhitaanka Laascaanood.

 

Munaasibaddaas waxa kale oo ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Hawlaha Guud, mudane Siciid Sulub iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, mudane Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo ka socdey xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxayna dhammaantood si dhiirran uga hadleen xaaladda Laascaanood, iyaga oo isla markaana digniin iyo jawaabo kulkulul ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay maamulka Puntland, gaar ahaan eedaynta ku saabsan in Somaliland ay xidhiidh la leedahay maxaakiimtii Islaamiga ee Muqdisho iyo dowladda Erateriya.

 

Munaasibad kale oo lagu soo bandhigay sawirro iyo taariikh laga ururiyey halgamayaashii SNM ayaa iyana xalay lagu qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa.

 

Xafladdaas waxaa ka qaybgalay, hadalona ka jeediyey guddoomiyayaasha labada xisbi ee Mucaaridka ah, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa hoggaamiyihii muddadii ugu dheerayd hoggaaminayey ururkii SNM iyo Faysal Cali Waraabe, qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii milateri ee SNM, qaar ka mid ah aasaasayaashii ururka, wasiirro, aqoonyahanno, culima-udiin iyo marti sharaf kale. Waxaana si ballaadhan looga hadlay halgankii SNM, taariikhda laga hayo iyo midhaha ka dhashay oo ah Somaliland.

 

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

 

E-mail: dubad@Somaliland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

loool@Mujaahid. It reminds me Mujaahid Caydiid :D . The real Mujaahidiin are those who fight agains Ethiopian/TFG aggression wherever they are.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

LOL @ Mujahid. Is this another Riyaale, 'cause the one that use to work for Siad Bare would never be called Mujahid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Guys dont worry Mujahiid has a different meaning in the Somali vocab just like 'terrorist' has in the American English vocab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
LANDER   

utter non-sense, Riiyaale should not be mentioned in the same light as any past Mujahids. Seems the word is thrown around these days

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

"Maanta Mujaahidiinta cusub iyo Saraakiisha waxa u horreeya Daahir Riyaale Kaahin,"

SOL SNM Mujahids ma ku jiraan kuwa cusub mise waxba looma oga?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this