Sign in to follow this  
Liibaan

Open Secret: Puntland's Betrayal of SSC Mr. Double Agent A/samed Shire

Recommended Posts

Liibaan   

ta_3.jpg

 

 

FALALKII AY KU KACEEN MADAXDA PUNTLAND EE KA SOO JEEDA SSC, WARARKII UGU DANBEEYEY (Boocameonline.com)

 

Waxaa cadaatay in M/ku xigeenka Cabdi AliShire uu la xiriiray maleeshidii Waqooyi Galbeed ee ku sugnayd Koonfurta Laascaanood, kana codsaday inay hore u soo dhaqaaqaan, si ay u bur buriyaan shirka ka dhacaya Hol Hol qab qabtaana Issimada. Waxay horgalyaashii ugu jawaabeen inaysan haysan shidaal ku filan. Wuxuu u balan qaaday inuu usoo diri doono dhaqaalaha ay hawlahooda ku qabsan doonaan. Sidaas daraadeed wuxuu u diray W/xigeenka Abdi Qawdhan (halas) iyo Xildhibaan Cali Dhegacade oo uu adeer u yahay. Markii arintaas wax laga weydiiyeyna uu jawaab qancisa siin waayey Masuuliyiinta iyo Xildhibaanada ka soo jeeda SSC ee Maamul Goboleedka Puntland. Xildhibaanada iyo Wasiirad hortoodana ay ka qirteen Cabdi Halas iyo Cali Dhegacade, iyagoo weliba ugu jawaabay Masuuliyiintii kale si ka baxsan Masuuliyadnimo.

 

Waxaa la sugayaa meesha arintani ku danbayn doonto, bacdamaa ragii ugu sareeyey Maamulka Puntland ee ka soo jeedaa SSC, ayba yihiin Horgalyaasha Waqooyi Galbeed. Arintani waxay dhamaan kalsoonidoodii bedeshay beelaha SSC gudo iyo dibadba. Maamul ahaan waa Puntlandne uusanba sii jiri doonin, hadiiba madaxdii ugu saraysay sidaa wax ku maamulayaan. Mar aan maanta soo maray xarunta golaha baarlamaanka iyo Wasaaradaha waxaa hadalku u badnaa in si deg deg ah labada xubnood ee kala ah W/xigeenka Maaliyada Cabdi Qawdhan (Halas) iyo Xildhibaanka Cali Dhegacade xilka looga qaadi doono. Maxkamadna la soo taagi doono. Madaxweyne ku xigeenkana uu mudan yahay xil ka xayuubin“ impeachment”. Mar aan wax ka waydiiyey rag masuuliyiin ah arintana ay ii sheegeen in xalka geliya ee sharafta Puntland amaba jiritaanka Puntland uu yahay in Ragaasi si deg deg ah isku casilaan intaan sharafta laga qaadin.

 

 

 

Waxaanu si toos ah hadba idin la soo socodsiin doonaa hadba meesha arinku marayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Puntland's so-called vice-president A/samed Shire is another traitor, he use to work for Somalidiid a long-time, and he still secretly serves the Hargeisa militia. Currently, Mr. Shire works for both Puntland and Somali-diidland. Now it is open secret and obvious to all, that Mr. Shire and Mr. Haabsade are working very closely to spoil the conference of traditional leaders of SSC in Holhol and Buuro-Wadal. Few days ago Puntland transferred 2 SSC towns Holhol and Tukaraq to Somalidiid militia, to halt the meeting of Issims. Now when Issims moved the venue of their meeting to Buuro-Wadal, Mr Double Agent A/samed Shire and his Puntland militia went to Buuro-Wadal to dismantle the meeting of Issims. Shame on Puntland VP

 

Instead of Puntland supporting the struggle of SSC people to free their land, Puntland Admin and its double agents are doing everything possible to prevent any meeting of SSC leaders and confuse people of SSC

 

Aakhirkii waa la isbartay, huuhaadiina waa soo dhamaatay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Shirkii Khamiista Ee Golaha Wasiirada Puntland Oo Buuq Ka Dhacay, Iyo Dood Dhex Martay G.Jaamac G. Ismaaciil Iyo C/samad Cali Shire.

 

 

Shirkii Khamiista Ee Golaha Wasiirada Puntland Oo Buuq Ka Dhacay,

 

 

Shirkii todobaadlaha ahaa ee maalinkasta oo khamiis ah uu yeesho golaha wasiirada ee Puntland kaas oo hadba wixii cusub laysku weydaarsado xaalada Maamulka Puntland ayaa ahaa mid xaasaasiya oo ku saabsanaa arrimaha todobaadkan Puntland ka dhacay.

 

 

 

 

 

Kulankaas ayaa waxa uu ka cadhaysiiyey xubno ka tirsan golaha wasiirada ka dib markii ajandaha shirka aan lagu soo qaadin dhulkii todobaadan gudihiisa la qabsaday ee gobolka Sool, waxa kale oo aan lagu soo qaadin madax dhaqameedkii lagu hareereeyey deegaanka Holhol , iyada oo xubnahan ka cadhooday ajandaha ay shirka ka sheegeen waxa ay xukuumada Puntland uga indha qarsanayso arrimahan dhacay isla markaana looga hadli la yahay.

 

 

 

Arrintan ayaa waxa markiiba is hortaagay in laga hadlo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ,wasiirka hawlaha guud Daahir Xaaji Khaliif , wasiir ku xigeenka waxbarashada C/qani Diiriye Carab arrintan ayaa sababtay in wasiiradu gacmaha isku taagtaagaan, isu baxsadaan ,kulankan golaha wasiirada ee ka dhacay madaxtooyada Garoowe ayaa lagu kala kacay oo ku dhamaaday natiijo la,aan ka dib markii buuq dhacay, wasiiradan cadhooday ayaa ku cel celiyey in arimaha dhacaya wax laga qabto .

 

Dood Dhex Martay G.Jaamac G. Ismaaciil Iyo C/samad Cali Shire.

 

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Puntland C/samad Cali Shire ayaa safar gaaban ugu kicitimay dhinaca Buura wadal halkaas oo ay shir ku lahaayeen madax dhaqameedka SSC , isla markaan ay ku gorfeynayeen amuuraha SSC , iyo xaalado la xidhiidha go,aamadii ay ku soo gaadheen shirkii Holhol iyada oo uu halkaasi soo gaadhay maanta Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka soo kicitimat magaalada Saaxdheer.

 

 

 

Ka dib markuu halkaas kula kulmay madaxweyne ku xigeenku madax dhaqameedka SSC , wuxuuna u sheegay in uu ugu socday salaam iyo sidii ay mawqif midaysan uga soo saari lahaayeen kulankooda, waxaana la hadlay xubnihii uu hogaaminayey C/samad Cali Shire ee ka socday maamulka Puntland Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil wuxuuna u sheegay in aanu jiri doonin wax kulan ah oo dhexmaridoona madax dhaqameedka iyo xubnaha Puntland maadaama aadan xilligii ay ku haboonayd ee duulaanka nalagu soo qaaday nalaguna hareereeyey Holhol dawlada aad madaxda ka tahay waxba ka odhan.

 

 

 

Wuxuuna intaasi ku daray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil in isla xilligaas wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan xukuumadaadu kula kulmeen Tukaraq maamulka Hargeysa xilligii weerarku nagu socday , aannuna maqalay ayuu yidhi Garaad Jaamac in xataa lacag loo geeyey maamulka Hargeysa , taas oo aananu cadayn Karin hasa yeeshee aad loo hadal hayo meelo badana laga sheegay , waxaana laga joogaa dhacdooyinkaas ayuu yidhi Garaad Jaamac 72 saacadood waxay maamulkiinu ka qabteena ma jiro , wuxuuna intaas ku daray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil haddii aad ka hadli lahayd weerarkii lagu qaaday madax dhaqameedka , xubnihii Tukaraq kulanka ku galayna go,aan ka gaadhi lahayd wax uun bay ahaan lahayd , hasa yeeshee in xaalku sidan yahay waxaa la aaminayaa in aad adiguna la qabtay wixii dhacay iyo raggii ku talaabsadayba, wuxuuna sadex jeer ku celceliyey Garaad ku (Maxaad ka qabateen, maxaad ka qabatee, maxaad ka qabteen shirqoolkii madax dhaqameedka loo gaystay)wuxuuna Garaad Jaamac hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in aanu jiridoonin kulan madax dhaqameedka iyo maamulka Puntland dhex mari doona .

 

 

 

 

 

Waxaana hadalkii u baxay Wasiiru dawlaha Maamulwanaaga Maxmed Faarax Ciise Gaashaan oo ku afgobaadsaday idinka ayaanu idinla sugaynay go,aanka aanu gaadhi doono, wuxuuna Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ugu jawaabay annagu ma golihiina wasiiradaanu ka tirsanayn maxaad noola sugaysaan , madax dhaqameedka ayaa iyaguna sheegay in hadalka Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ay ugu dhantahay oo aanay waxba ku darayn hadlkaasi .

 

 

 

 

 

Wuxuuna goobtii kala soo noqday waji gabax madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xubnihii uu horkacayey , madax dhaqameedka ayaa shir albaabadu u xidhan yihiin haatan uga socdaa magaaada Buura wadal.

 

 

 

Dhinaca kale shacabka magaalada ayaa mudaharaad kala hor yimi xubnaha maamulka Puntland iyaga oo ku dhawaaqayey (Puntland doonimayno) iyaga oo shacabku muujinaya siday uga xun yihiin amuuraha ka dhacay Tukaraq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dalmar..This current fiasco separates the wheat from the chaff and the good people of SSC have three choices. Go with those bidding for the secessionists, go with ineffective and opportunistic bunch in Garowe, or with the young Garaad who has shown good leadership along with under-Garaads.

 

I hope people chose the last option if they want to see anything done. This will send message it is people that wants to stay within the union not cuz of their cousins but cuz they believe in one Somalia which so many of them have died for in the past.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Young garaad is trying imitate his father garaad cali but that era is over the time of garaadka guud lugu daba fayli jiray way dhamaatay. Garaad jamac can’t change anything on the ground he knows is it 2

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ adeer dunnidan in badan baan so joogay Siyasada waxa Buhoodle ka shiisheeysa na 30ki sannadood eeh ugu danbeyse wax baddan ba iska badalay. Berri bay Garaad cali Lugu daba fayli jiraylixdanadi. oo aan laga dabba hadli jireyn Maanta Garaad abshir salax aya dhinac Puntland ka amanaya Garadki nugaaleed garaad selebaan ba Isna Garowe Puntland iyo tolnimada ka duulinaya.

2 Garaaad oo laascanood iska dhex jooga oo aan kala jeclayn Somaliland iyo puntland. Garaadkan yar eeh garaad jamac adeerki. na isagu Intu marki hore snmta aha ayuu marki danbe na Puntland noqday.Dadku wa somaliland dalku wa somaliland garaadku wa garaadkayagi wa halki fuaad adan cade. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
BUKURR   

Originally posted by Che -Guevara:

GDwonder...You need to get acquainted with it a little. I might recommend this book. It is called "Somali Politics for Dummies" co-authored by Aw Xiin and Duq Oodka.

:D Honestly I would try to find one, but in the far future arriirow. haahah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this