Sign in to follow this  
Juje

Breaking News......Derow Murdered.!

Recommended Posts

Juje   

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

 

 

CabdallaDeerowIsaaq.JPG

Cabdalla Deerow ...Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka

 

News just coming in from Baydhabo state that the former Parliament Speaker in TNG era and currently a member of Parliament Derow was shot and killed by uknown assailant as he came out of the Mosque after Friday prayers.

 

Will bring further news as they develop...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

War Deg Deg ah : Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla Deerow ***** oo Wax yar kahor ku geeriyooday Magaalada Baydhabo kadib markii rasaas uu ku furay Maleeshiyo aan lagaran Xilli uu kasoo baxay Masjid uu ku tukaday Salaadda Jimcaha, waxaana Meydkiisa Iminka laga bixiya Isbitalka Daaru Shifaa ee Magaalada Baydhabo. Allaha u Naxariito C/llaahi Deerow, Faah Faahin lasoco Dhowaan.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Ilaahay ha u naxariisto, Mashallah, waaba qof Jimcaha soo tukaday, falacalla inuu ilaahay u dambi dhaafayba. May Allah forgive him and have mercy on him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Innaa Lilaahi wa innaa Illeyhi raajicuun. Allah yarxama marxuumka ehelkii uu ka tagayna Allah samir iyo iimaan ha ka siiyo.

 

That's it!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Wasiirkii dastuurka iyo arrimaha fedaraalka C/lla Deerow Isxaaq oo maanta lagu dilay magaalada Baydhabo

 

Baydhabo:-Wasiirka dastuurka iyo arrimaha fedaraalka Cabdalla Deerow ***** ayaa maanta lagu dilay magaalada Baydhabo, kadib markii dabley hubeysan ay rasaas ooda uga qaadeen wasiirka oo ka soo baxay masjid ku yaalla magaalada Baydhabo oo uu ku soo tukaday salaadii jimcaha.

 

Lama garanayo sababaha rasmiga ah ee loo dilay wasiirka hayeeshee wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in nin da'diisa lagu qiyaasay 20 jir ah, kuna hubeysnaa bastoolad oo xirnaa dareeska ciidamada booliska uu toogtay wasiirka oo ka soo baxay masjid ku yaalla kasoo horjeedka hoyga uu ka degan yahay magaalada Baydhabo , ayadoo xiliga la toogtay wasiirka ay goobtu ahayd mid ciriiri ah oo dadka ay ka soo baxeen masjidka.

 

Cabdalla Deerow ayaa loo la cararay cusbitalka Daaru Shifaa ee magaalada Baydhabo, hayeeshee wasiirka waxa uu ku geeriyooday cusbitalka maadaama rasaastu ay kaga dhacday laabta.

 

Xiisad iyo jahwareer ayaa ka taagan magaalada Baydhabo waxaana lagu soo warramayaa in jawiga magaalada uu kacsan yahay, ayadoo xildhibaanada baarlamanka iyo masuuliyiinta dawladda ee aan ka soo jeedin beelaha D&M ay ka baqayaan dibada in ay u soo baxaan sababo dhinaca amniga ah, waxaana ku sugan hoyga Cabdalla Deerow xildhibaano ay ka mid yihiin Xuseen Afaraale, C/llaahi Black iyo Kiish Buur.

 

Ciidamada booliska ayaa heegan buuxa la galiyay, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamo aad u fara badan la soo dhigay hoyga uu deganaan jiray wasiirka oo maydkiisa la dhigay kadib markii maydkiisa laga soo saaray cusbitalka Daaru Shifaa.

 

Habeen hore ayay ahayd markii guddoomiyaha guddiga dastuurka baarlamanka xildhibaan Axmed Ibrahim lagu dhaawacay magaalada Baydhabo, taasi oo keentay in dhaawaciisa loo qaado magaalada Nairobi kadib markii dhaawac culus uu ka soo gaaray tacshiiradii la huwiyay.

 

Cabdalla Deerow oo ka tirsanaa labada gole ee dawladda ayaa guddoomiye baarlamaan ka soo noqday dawladdii lagu soo dhisay dalka Djabouti ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad Xasan, waxa uuna ka mid ahaa Deerow raga ku dhaw dhaw madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo door weyn ka ciyaaray soo afjarida isku dhacyadii goballada Bay iyo Bakool ku dhex maray maleeshiyaadka beelaha Digil iyo Mirifle iyo ciidamada madaxtooyada.

 

Halgan.net

C/Qaadir Osman

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Laha u naxariisto maskiinka bal maxay u dileen nin salaadiisii soo dukaday oo danahiisa watay, maskiin ilaahay ha u naxariisto....Aamiin...

 

 

Way dhicikartaa inay dilayn amxaaro, we shall see who did it....

 

 

Go fiure:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

^^^ Iyo

Originally posted by Alle-ubaahne:

Malaga yaabaa iney dileen Amxaaradii joogtay Baydhabo?

Fadlan reer ICU xaq dhowra asluubta hadalka, ninkan wuxuu dhintey sacado ka hor (Allah uu naxariste), waxaa idin banan oo keliya qashuuc iyo tacsiyeen. Intaas wixii dher wa fidno iyo qalalas. Ukadsha halke u horbodeysan, mise idinka aya wax isku og.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I think this sort of killing has the imprints of A/Y brutalities as well as the warlords he harbored in Baydhabo, like Qeybdiid and Qanyare.

 

Who else could go and do such things with sane mind?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this