Sign in to follow this  
dhulQarnayn

Kala japkii ururkii biliiliqada ee la magac baxay Al-shabab

Recommended Posts

It seems everyone is reporting this a$$ whooping the shabab munaafiqiin are getting....lol

 

*************************************************

 

Balcad: Ciidamada Al- Shabaab & Maxkamadaha oo dagaal toos ah ka dhex bilowday.

 

Balcad(AllPuntland)- War deg deg ah oo AllPuntland ka soo gaaraya degmada Balcad ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray goor dhaw oo uu hada ka dhex socdo dhinacyada ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna dagaalkaasi ka socdaa degmada Balcad.

 

Ururka Al- Shabaab ayaa lasheegay in ay saakadii hore dhaqdhaqaaqyo ciidan ku bilaabeen degmada Balcad ayna talaabadaasi ka biyo diideen Maxkamadaha ayaguna la dagaalama dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayagoo ay dagaaladaasi geysteen khasaare dhimasho & dhaawacba oo kala gaaray dhinacyada ay dagaaladu udhaxeeyeen.

 

Hadal hayeen uhadlay ururka Al- Shabaab ayaa sheegay in dagaalka lugu soo qaaday dhinacooda ayna iska difaaceen dagaaladaasi, wuxuuna sheegay in ay ururkoodu mudo badan ka gaabgaabsanayeen dagaalada & hadalada qalafsan ee uga imaanayay dhinaca Maxkamadaha.

 

Afhayeenkam wuxuu sheegay in uu hada dagaalkaasi meel xun marayo, wuxuuna sheegay in aysan ayagu marna raali ka aheyn dagaalada lugu soo qaado ururkooda, wuxuuna sheegay in ay mudo dheer ka soo horjeesteen dagaalo ka dhex bilowda dhinacyada ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Warar faahfaahsan oo ku saabsan dagaaladan goor dhaw ka filo www.AllPuntland.com

 

*************************************************

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

Power to the people! :D

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

 

************************************************

 

Shabaabiyiinta oo laga mamnuucay guud ahana gobalka Hiiraan.

 

 

Wax-gaaradka beesha Xawaadle oo ka mida beelaha ugu waaweyn ee dega gobalka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan gobalka aan lagu arki Karin cid ka tirsan maliishiyada shabaabiyiinta taas oo ay sheegeen in ay qeyb ka tahay adkeynta amaanka dadka deegaanka

 

Wax garad kasoo jeeda beesha oo kulan ku yeeshay magaalada Beledweyn ayaa sheegay in ay go’aan ku gaadheen gobalka in laga dhowro maliishiyada shabaabiyiinta oo hubeysan waxaana ay sheegen in iyagoo rayid ah ay gobalka joogi karaan hadii ay doonaan laakin aan loo ogleyn wax hub ah in ay qaataan.

 

Shabaabiyiinta ayaa lagu eedeeyay in ay masuul ka ahaayeen dilal dad badan oo wax gal ahaa loogu geystay gobalka Hiraan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Nabad Doon dacar Xersi iyo masuulkii ugu sareeyay xarunta wada tashiga iyo cilmibaarista ee gobalka Hiiraan.

 

Warka kasoo baxay odayaasha ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa kadib markii la helay cadeymo muujinaya in ay shabaabiyiintu ka dambeeyeen dilkii dacar Xersi iyadoo sidoo kalana la helay liis ay ku tixan yihiin rag muhiim ah ay shabaabiyiintu dil ku xukumeen sida Col Cumar xaashi Aadan iyo xildhibaan cali cabduilaahi cosoble.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A prominent sheikh admits the shabab deviants are a single clan-based entity!

 

************************************************

 

Sh Cabdiraxmaan Janaqow “sababtii maxkamadaha bur burisay waxaa ay ahayd iyadoo ay isku koobeen Ha'wiye oo keliya”.

 

Sh cabdiraxmaan maxamuud Faarax janaqow oo guddoomiye ku xigeenka koobaad ka ah ururka maxkamadaha ayaa markii ugu horeysa shaaca ka qaaday waxyaabihii horseedka u ahaa burburkii ururka maxkamadaha oo ay ugu weyneyd in ay beehsa Ha'wiye oo keliya isku koobtay. Halkan ka Dhageyso

 

Sh cabdiraxmaan maxamuud Faarax janaqow oo guddoomiye ku xigeenka koobaad ka ah ururka maxkamadaha ayaa markii ugu horeysa shaaca ka qaaday waxyaabihii horseedka u ahaa burburkii ururka maxkamadaha oo ay ugu weyneyd in ay beehsa Ha'wiye oo keliya isku koobtay.

 

“Sababtii ugu weyneyd ee keentay burburka maxkahadaha waxaa ay ahayd iyadoo ay beesha ha'wiye oo keliya isku koobtay arrintaasna goor dambe ayaan kusoo baraarugnay,hadii Alle idmana dib dambe noogumasoo laaban doonto”ayuu yidhi Sh Janaqow oo ka hadlayay dalka Sweden oo uu ka dhacay kulan looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

 

Sh janaqow ayaa sheegay in haatan ay meel aad u wanagsan marayaan wada hadalada dib u hehsiinta ee u dhexeeya dowladda iyo ururka mucaaradka waxaana uu ku baaqay in si weyn loo wada taageero hanaanka dib u heshiisiinta dalka.

 

*************************************************

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

A Somalis IS as Somali DOES--LOL, Abuu Munaafiq implies that he prefers the foreign troops leave his hometown instead of Xamar:

 

***********************************************

Roobow Abuu Mansuur “Marka ay ka baxayaan Warshada Xeyle Bariise may ka baxaan warshadda Xasey”.

 

Afhayeenka maliishiyada Al Shabaab Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo dadka Soomaaliyeed ay horay ugu xaman jireen in uu yahay nin ay qabyaaladu ka tan badisay ayaa maanta is heyn kari waayay waxaana uu si cad ugu hadaaqay hadalo muujinaya sida ay qabyaaladu u madax martay.

 

Afhayeenka maliishiyada Al Shabaab Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo dadka Soomaaliyeed ay horay ugu xaman jireen in uu yahay nin ay qabyaaladu ka tan badisay ayaa maanta is heyn kari waayay waxaana uu si cad ugu hadaaqay hadalo muujinaya sida ay qabyaaladu u madax martay.

 

Mar uu ka hadlayay mid ka Mida qodobadii shalay lagula heshiiyay kulankii jabuuti oo ahaa in ciidamada Itoobiyaanku ay ka baxayaan goobaha xaafadaha dhxedooda ah sida warshadii xeyle bariise ayaa waxaa uu yidhi “Marka ay ka baxayaan Warshada Xeyle Bariise may ka baxaan warshadda Xasey”.

 

Dad badan ayaa is weydiinaya waxa uu yahay Xasey laakin hadii aan sharaxaad ka bixino waa nin Abuukaate Sooaaliyeed ah oo ay isku heyb yihiin Abuu Roobow kaas oo dhisme warshad uu horay ugu lahaan jiray oo ku yaala magaalada Baydhabo ay haatan dagan yihiin ciidamada Itoobiyaanka.

 

Abuu Roobow ayaa is heyn kari waayay waxaana qabyaalada madax martay ay muujineysaa in uu soo kala dhaweysanayo warshada xeyle bariise iyo warshada xasey maadaama uu Xasey yahay nin heybtiisa ah waxaana dadka Soomaaliyeed ee horay ugu qaldanaa in ninkani uu yahay Islaam dhab ah ay haatan dareemi karayaan sida ay qabyaaladu u madax martay.

 

***********************************************

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

These sukahs need to quit talking sh*t day in and day out like a bunch of sissies-- They should slug it out like real men...Maxay ukala baqayaan? :D

 

*************************************************

 

Sh.C/qaadir Cali Cumar " Cawaaqib xumada ka timaada gurbaanka colaadeed ee uu Indhacade Tumayo waxaa Qaadi doono Xasan Dahir"

 

C/qaadir Cali Cumar oo ah Ninka ku xiga Sh.Shariif Sh.Axmed una qaabishan arimaha gudaha aya si kulul uga jaawabay hadal ka soo yeeray shalay Yuusuf Indhacade oo ahaa in Sh.shariif ee uu ridoobay oo uu diinta ka baxay , waxaana C/Qaadir Cali Cumar oo arintaa ku sheegay mid lagu baaqayo daagal Maleeshiyada Maxaakimta dhaxdeeda ah oo la isku dhamaado qofna aysan mahdin doonin Cawaaqib xumada ka timaada.

 

"Sh.Shariif waxaa taagersan rag hub wata oo ka badan kuwa Indhacade hadii u ka deyn waayo dacaayadaha raqiista ah waxay ahaan doontaa in aan lakala waaban wixii imaadana waxaan aaminsanaahy in uu qaadi doono Xasan Dahir maadama uu isaga dhegta wax ugu sheego" Ayu si kulu u yiri C/Qaadir Cali Cumar oo saaka la hadlayey mid ka mid ah idaacaaha Muqdisho.

 

C/qaadir Cali cumar oo heyb ahaan ay isku heyb yihiin Indhaacde ayaa Saldhig Milatari waxa uu ku leeyahay Magaalooyinka jowhar , BuuloBurde, Cadaado iyo Matabaan , waxaana dad badan hadalkiisa goodinta ah ku sheegeen in uu soo dadajin karaa dagaal isaga iyo Maleeshiyada Indhacade dhex mara.

 

Shalay ayuu Yuusuf Indhacade waxaa uu hadal ku weeraray C/Qaadir Cali Cumar oo uu ku sheegay Nin sharifka u shaqeeya oo dhinac walbaa ku fashilmay.

 

Lama sii saadaalin karo sida xaaladu ahaan kartaa , laakin waxaa ay u muuqataa dagaal dhexdooda ah , waxaana G/Sh/Dhexe iyo Hiiraan ka socda aababul ka dhan ah Kooxda Muqdisho joogta

 

*************************************************

 

dhulQarnayn

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alla jecliyaa jabka munaafiqiinta cimaamada beenta ah xirta...

 

*******************************************

 

Maliishiyada Jaale indhacade oo jab xun loogu geystay dagaal ay maanta shabeelaha hoose kula galeen kuwa Islaam-leyska ee shabaabiyiinta.{Labadii xaq darro ku heshiisa xaq bay ku dirirtaa}.

 

Dhowr deegaan oo ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose ayaa maanta waxaa dagaalo aad u qaraari ay ku dhex mareen maliishiyada shabaabiyiinta iyo kuwa Jaale Indhacadde waxaana dagaalkaas oo faraha looga gubtay uu khasaare xoogani kasoo gaadhey labada dhinac inkastoo jabkii ugu xumaa maanta loo geystay maliishiyada Jaale Indhacade.

 

Dagaalka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaanahanba uu sii xoogeysanayay khilaafka u dhexeeya Jaale Indhacade iyo shabaabiyiinta.

Dagaalka ayaa markii hore ka bilaabmay qoryooley iyo deegaano kale waxaana uu kadib ku faafay dhul aad u balaadhan iyadoo haatan duleedka degmada marka ay labada dhinac ku dagaalamayaan, kadib markii maliishiyada jaale indhacade lagasoo sifeeyay inta badan meelihii ay gacanta ku hayeen.

 

Soomaalidu waxaa ay tiraahdaa "Labadii xaq darro ku heshiisa xaq bay ku diriraan", waxaana maanta la dareemi karayaa sida uu xaqu isugu diray labadan dhinac oo horay ugu heshiiyay leynta aqoonyahanada, saraakiisha, saxafiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka ee usoo gurmaday in ay shacbaka Soomaaliyeed ee tabaaleytsan wax taraan.

 

Dagaalada oo haatan ka soconaya inta u dhexeysa ceel Jacel iyo marka oo wax badan isu jirin wixii kusoo kordha goor kasta waxaa uu-- dhulQarnayn-- balanqaadeyaa aqristeyaasha-- SOL-- in uu usoo gudbin doono. :D

 

*************************************************

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

For those not terrified by reality, more good news about the conflict between the munaafiqiin... :D

 

************************************************** *****

Maliishiyada ururka maxkamadaha iyo kuwa Jaale Indhacade oo ku dagaalamay Deegaanka Ceelasha biyaha.

 

Ugu yaraantii 4 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badana waa ay ku dhaawacmeen dagaal galabta deegaanka ceelasha biyaha ku dhex marray maliishiyada ururka maxkamadaha iyo kuwii Jaale Indhacade ee lagasoo ceriyay degmada Marka.

 

Dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintayba waxaa sida la xaqiijiyay ay ka tirsanaayeen maliishiyadii Jaale Indhacade,walina si dhab ah looma ogaanin sababta keentay dagaalka dhex maray labadan dhinac.

 

Deegaanka Ceelasha biyaha ayaa haatan waxaa ka jirta xaalad kacsanaan leh waxaana laga baqo qabaa in saacad kasta oo inasoo aadan labada maliishiyo uu mar kale dagaal dhex maro.

 

Iska hor imaadkan ayaa intii uu socday waxaa uu saameyn ku yeeshay isusocodka dadweynaha iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga ee deegaankan.

 

*************************************************

******

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites

u can cry how much u want...but as a guy...u gotta stop sobbing like gal! take it like a man, tfg is history.

 

no more whos my uncle...time for really ppl to stand up! asta la vista homie... ceya and the amxaar in hell.looooooool.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

This guy must not have listened to the latest news.

 

Even the leader of the stooge government anounce that his lil puppet regime is dismantle due to the onslaught of the resistance.

 

Rants on the internet is only the life line you have left. lool

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Then you have NOTHING to worry about my good old deviant-supporter buddy, is there? I know you're more inclined to believe a source unless of course the source is coming from a deviant mouthpiece, then you assume it's a lie. Gotcha. What else is new? :D

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Are you denying that the stooges are loosing the war against Alshabaab iyo UIC?

 

 

According to your sources, they pointing out non existing war between Alshabab forces and UIC. loool

 

I know you wish that were the case, but sorry my dear friend; the resistance is focused on the bigger picture here which is the Ethiopian invasion forces and their internal puppets.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What war? The only conflict I'm aware of is between the deviant children of the devil, Al-Shabab. Now, are you refusing the beef between them?

 

dhulQarnayn :cool:

Republic Of California

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Yep!

 

I stand corrected when I accused you to be out of touch with the reality. Continue your imaginary conflict between the resistance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this