Sign in to follow this  
Jacpher

Dayniile: Barre Hiiraale oo markab hub ah la soo dagaya

Recommended Posts

Jacpher   

Maxaa ka jira warar-ka sheegaya in dekadda Kismaayo uu ku soo fool leeyahay markab hub u sida Barre Hiiraale, kadibna uu qorsheynayo weerar..?

 

Kismaayo

 

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegaya in dekadda magaalada Kismaayo uu ku soo fool leeyahay markab hub u sida wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta ahna guddoomiyaha isbaheysiga dooxadda Jubba Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale).

 

 

Xiriir qadka Isgaarsiinta ku dhexmaray madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf & Wasiirka dib u dhiska & dib u dejinta Barre Hiiraale ayey kaga wadahadleen arrimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee uu dalka ku sugan yahay, & qaabka ay mowqif mideysan uga qaadan karaan arrimo door ah, waxeyna labada nin oo in muddo ah isku khilaafsanaa gacan ku haynta magaalada Kismaayo ay isla meel dhigeen in ay meel uga soo wada-jeestaan meelmarinta qorshaha dowladda federaalka, waxaana laga soo xigtay saraakiil ku dhow dhow Barre Hiiraale in uu soconayo abaabul dagaal oo uu doonayo Barre Hiiraale in uu ku soo kiciyo gobolka Sh/hoose, iyadoo qorshahaasina uu garab ku siinayo madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

 

Dhinaca kale, waxaa Muqdisho ku sugan xubno ka tirsan mas’uuliyiinta Isbaheysiga dooxadda Jubba ayna ka mid yihiin Jen. Axmed Warsame & Xildhibaan Seeraar oo ka mid ah mas’uuliyiinta sar-sare ee Isbaheysiga dooxadda Jubba, waxaana soo baxaya warar sheegaya in dhinaca Muqdisho uu ka soconayo abaabul ka dhan ah Barre Hiiraale oo xubnaha wada uu ku jiro Jen.Morgan.

 

 

Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini)Dayniile,Muqdisho

 

Diinicadde@hotmail.com

 

Source: Dayniile

 

Barre Huuraale & Beerlaawe ma dirir sokeeye ayey doonayaan iney dab u holciyaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this