Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: assasination of Cali Jamac Bixi sends shock waves

Recommended Posts

Magaalada Gaalkacyo ay maanta ka jirto xiisad ka dib markii saaka shirqool lagu dilay Cali Jaamac Biixi

Posted to the MOL July 9, 2008, 5:49 am

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa ka jira xiisad xasilooni daro ah ka dib markii dad ka xun shirqoolkii lagu dilay Cali Jaamac Biixi saaka ay mudaharaad rabshado wata ka dhigeen magaalada. Allaha u naxariistee Cali Jaamac Biixi ayaa saaka salaadii subax waxaa shirqool ku dilay niman bistoolado ku hubaysan kuwaasoo u baxsaday dhinaca koonfureed ee magaalada.

 

Wararka aan ka helayno saaka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in magaaladu kacsan tahay, dadkuna ay u muuqdaan kuwo quus ka taagan in ciidamada amnigu wax ka qabtaan shirqoolada abaabulan ee lagu laynayo waxgaradka magaalada gaalkacyo.

Aaskii marxuum Cali Jaamac Biixi ka dib ayaa waxaa soconaya shirar ay yeelanayaan odayaasha magaalada iyo maamulka Puntland oo uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse oo dhowkii cisho ee aan soo dhaafnay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.

 

 

Shirqoolka lagu dilay Cali Jaamac Biixi oo ahaa nin ganacsade ah oo magaalada aad looga yaqiinay ayaa noqonaya kii 10-aad oo kal dhaca magaalada Gaalkacyo dhow asbuuc gudahooda.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Mudaharaad Rabshado wata oo ka socda Magaalada Gaalkacyo.

9. juli 2008

 

A

Gaalkacyo(AllPuntland)- Markii Saakadii hore la dilay Mid ka mid ahaa Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo ,markaasna Maamule ka ahaa Shirkada Biyaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waqtigan Magaalada Gaalkacyo waxaa ka socda Mudaharaad rabshada wata.

 

Dad badan una Badan haween & caruur ayaa dhagxaan badan waxa ay ku soo xireen inta Badan goobaha ganacsiga ee Magaalada Gaalkacyo ,ayagoo ku dhawaaqaya hadalo looga soo horjeedo dadka geysanaya falalka dilalka ah.

 

Qaar ka mid ah dadkan waxa ay ku dhawaaqayaan hadalo umuuqda kicin ,oo ay kaga dalbanayaan dawladda Puntland & Waxgaradka gobalka in ay u istaagaan ka waxqabashada falalka amaan daro & dilalka loo geysanayo dadka aan waxba galabsan markaasna ka mid ah waxgaradka Magaalada Gaalkacyo.

 

Dad badan ayaa socod hada ku maraya wadooyinka waa weyn ee magaalada ,ayagoo socdaalkooda ka soo bilaabay Dhanka Garoonka Magaalada Gaalkacyo ,waxa ayna ku socdaan Wadooyin badan oo kuyaala Magaalada.

 

Waxa ay Mudaharaadayaashu sababeen in Wadooyinka waa weyn ee Magaaladu aysan cidna joogin waxa ayna adeegsanayaan dhagxaan xoog leh ,ayagoo ku tuuraya goobaha ay fadhiyaan dadku ,waxa ayna ku hadlayaan hadalo umuuqda kuwa ka soo horjeeda dilalka macno darada ah.

 

Mudaharaadkan horey cidna uma sheegin lamana ogeyn ,waxaana sabab u ahaa dilkii Salaadii Subax loo geystay Allaha unaxariistee marxuum Cali Jaamac Biixi oo siweyn looga yaqaaney gobalada Puntland ,gaar ahaana Magaalada Gaalkacyo.

 

Daqiiqadaha nagu soo socda waxaa lafilayaah in ay kulan deg deg ah yeeshaan Salaadiinta gobalka Mudug ,intooda hada ku sugan magaalada Gaalkacyo ,ayagoo ka wada xaajoonaya arimahan soo noqnoqday & talaabada ay sida deg deg ah ku qaadi karaan Dadka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo,falalkan aan horey looga aqoon Magaalada.

 

Dilkii xalay loo geystay Marxuum Cali Jaamac Biixi wuxuu ahaa noqonayaa dilkii 12 aad ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo todobaadyo gudahood loona geysto dad waxgarad ah oo siweyn looga yaqaano Magaalada Gaalkacyo ,markaasna aan la aqoon cidii ka dambeysa ama aan la soo qaban.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Blunder after blunder, you have been saying the samething. How long it does to acknowledge things are going the wrong the direction or you would be blaming external invisible forces like Uusay does everytime prominent person is murdered, and another town secedes to Hargeysa. Can anyone seriously expect Cadde's presence in Galkayo would make diffirence. The man is baffoon with no intellectual capicity to lead any governmental entity militarly or administratively. As if high inflation, general insecurity and loss of territory weren't enough to alarm him , the man deals with every emergency situation like it is nothing out of ordinary. It's time for the general public, the traditional leaders,and Culuma throw his admin under the bus.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer nothing greater than overcoming a struggle.

These assasinations are from who?, why now?

Its simple Galkacyu is being targeted, and easy targets mind you, a man going to a Mosque at dawn. A man walking in the market. These are not military targets and how is it a blunder from the admin, if we have crazed clan killers running around hiding ina huge city.

 

Yes steps will be taken to address this but we will not lose courage and we will not assasinate their clans men, we will not lose who we are saxib.

 

Also your whole stance is to destabalise the state, we know who is behind this and we will deal with them. No clan no admin and no man will be made a scapegoat for the actions of the clan killers.

 

We will continue in holding fast and you can make the same argument of "why does Puntland not kill itself and help Xasan dahir and his killers".

 

Not gonna happen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaharaad Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Galkacyo

 

Waxaa maanta ka dhacay Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Mudaharaad aad u xoogan oo ay dhigayeen Shacabweyne ka xanaaqsan dilalka ka dhacaya Magaalada Galkacyo oo ayna jirin ilaa hada cidloo soo qabtay dilalkaan,

 

Banaan baxaan oo ay dhigayeen shacabweynaha ku dhaqan Magaalada Galkacyo oo ay ka muuqatay caro aad u xoogan ayaa ku soo beegmaya xill Magaalada Saaka aroortii kooxo hubaysan oo ka mid ah kooxaha rabshadaha ka wada Magaalada Galkacyo Sida la,aaminsanyahay Ku tileen ALLE ha u naxariistee Marxuun Cali Jaamac Biixi oo ahaa Madaxa Mashruuca Biyaha Magaalada Galkacyo,

 

Dilka lagu la kacay Marxuunka ayaa waxaa uu ahaa Mas,uulkii ugu danbeeyay ee kooxaha hubasan ay ku dileen Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug iyadoona dadweynuhu ay aad uga xumaadeen arinkaan,

 

Marxuunka oo aad looga yaqaanay Magaalada Galkacyo ayaa dadweynaha ku dhaqan Magaalada Galkacyo markay Maqleen Geeridiisa ay dhamaantoodba Banaanbaxyo ka dhigeen Gudaha Magaalada,

 

Shacabka Magaalada Galkacyo ku dhaqan oo kooxaha hubaysan ay bartilmaameedsanayaan Nabadoonadooda iyo waxgaradkooda ayaa waxaa ay wacad ku mareen inay tilaabo adag ka qaadi doona kooxaha falalkaan foosha xun kula kaca dadka an waxba galabsan,

 

Dadweynaha Magaalada Galkacyo ayaa Maanta waxaa wajiyadooda ka muuqatay Murugo aad u xoogan oo qaarkood ku muujiyay Mudaharaadkii xooganaa ee ay Maanta ka dhegeen Magaalada iyagoona sheegay ina tilaabo adag ka qaadi doonan kooxaha rabshadaha ka wada Magaalada,

 

Guud ahaan Magaalada Galkacyo ayaa Maanta waxaa ay tahay mid aad u cakiran iyadoona gudaha Magaalada iyo daafaha raga maqlayo rasaas goos-goos ah iyadoona shacabka Magaalada ay tuurayaan dhag xaan,

 

Dhinaca kalayto Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland oo socdaal Maalmahaan ku joogay Magaalada Galkacyo ayaa waxaa shir deg deg ah la qaatay isimada Gobalka Mudug oo looga hadlayo Xaalada amaan ee Magaalada Galkacyo,

 

Shirkaan oo ahaa shir xasaasi ah isla oo isimada Gobalka Mudug la qaateen Madaxweynaha Puntland oo looga hadlayo dilalka iyo amaan darida ku soo baahaysa Magaalada Galkacyo ayaa loo diiday inay Saxaafadu ka soo qayb gasho,

 

Si kastaba ha ahaatee Shacabka Magaalada Galkacyo ayaa ka warsugaya shirkaan waxayaabaha ka soo baxa iyo go,aanada intaba iyagoona wacad ku maray ina tilaabo cad qaadi doonaan hadii go,aano deg deg ah arintaan laga qaadan,

 

Marxuunka ayaa waxaa kooxo hubaysan ku dileen meel an saas uga fogayn Masaajidka Salaama ee uu marxuunka salaada subax ku soo togaday iyagoona dilka ugu gaystay Inta u dhaxaysa Masaajidka iyo Xawaalada Dahabshiil,

 

Marxuunka ayaa waxaa lagu aasay Qabuuraha cir jiife ee ku yaala duleedka Magaalada Galkacyo iyadoona aaskiisa ay ka soo qayb qaateen shacabweyne ku manaan gaaraya iyo Madaxda Puntland oo uu ka midyahay Madaweynaha Puntland Cade Muuse,

 

Ilaah waxaan marxuunka uga baryaynaa inuu ilaah janadiisa Fardows ka waraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin aamiin aamiin,

 

Ciidamada Amaanka Magaalada Galkacyo ayaa haatan ah ku amaanka sugaya iyadoona maruu madaxweynaha Puntland Cade Muuse uu shalay ka hadlayay Saxaafada uu sheegay inuu Magaalada Galkacyo u soo gaaray Arimaha amaanka sidii waxlooga qabanlahaa haatana Ciidamada amaanka ay howlahooda sii wadanayaan,

 

Wixii ka soo kordha Galkacyo Kala Jaanqaad allmudug.org,Iyadoona haatan Magaalada Goobaha Ganacsugu Dhamaan ay wada xiranyihiin oo an lay nahay dad goobjoogayaala,

 

 

Xafiiska Warqabadka allmudug.org ee Dalka Malaysia Saciidnadaara@hotmail.com,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Who is Cali Jaamac Bixi?

 

By the way, my sources have it otherwise. A reliable source informs me that it was the evil-eyed Shiikh Major General Indhacadde.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Jamac Bixi was head of the civilan water project of Mudug which has given much neccessary water to the city of Galkacyu and region. he was a famous man from a large well respected family of Galkacyu & Mudug peacefull fellow, non political.

 

His loss is a tagedy and it shows how much he was loved by the reaction and anger of the locals.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Allah Yarhama. I know Biixi family and it is just sad that they have been targeted since way back when. My heart goes out to his family. My wife and I are friends to Biixis and marxuum's nephew hosted us in Dubai the other year. It is just sad to hear him go this way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is indeed sad. This is the second targeted assassination of humanitarian worker in as many days. Just the other day Cusman Cali Axmed with the UNDP was gunned down in Mogadishu. Who is behind these senseless killings?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

No body knows. Each faction suspects the other side. They are taking out the best and the brightest among them. Classical divide and conquer strategy perfected to the teeth. It's really sad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this