Sign in to follow this  
General Duke

Eid Mubarak to all the Muslims....Somali Eid news

Recommended Posts

Eid Mubarak everyone..

 

Kumanaan qof oo Soomaaliyeed ayaa maanta kutukadey salaada Ciidul-Fitriga garoonka weyn ee Stadium Mogadishu.

 

November 03, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Kumanaan qof oo Soomaaliyeed ayaa maanta kutukadey salaada Ciidul-Fitriga garoonka weyn ee Stadium Mogadishu.

 

Garoonka Stadium Mogadishu oo la dhihi karo waa meeshii ugu balaarneyd ee maanta lagu tukadey salaadii Ciidul Fitriga, ayaa waxaa kasoo qeyb galey dadweyne ay tiradoodu gaareyso kumanaan qof, oo iyagu udabaal dagayey munaasabadda Ciidul Fitriga, oo la dhihi karo waa munaasabadii la isku raacey iney tahay maalin aan khilaaf ka jirin.

 

Halkaasi waxaa yimid soona qaban qaabiyey munaasabadaasi Ciidul Fitriga Dalada culumaa’udiinka Soomaaliyeed, oo ay horkacayaan guddoomiye kuxigeenka daladaasi Sheekh Nuur Baaruud “Gurxan†iyo dadweyne aad u fara badan, oo isugu jira rag, haween iyo caruur markaasi u dabaal dagayey Ciidul-Fitriga.

 

Dhinaca isgaarsiinta maanta waxaa ka qeyb qaadanayey barnaamijyada shirkaddaha ay kamid yihiin Somali Energy Company iyo Hormuud Telecom, sidoo kale waxaa meeshaasi iyaguna dadkii isgaarsiinta ka qeyb qaadanayey kamid ahaa shirkadda Telecom.

 

Iddaacada HornAfrik ayaa xaley ilaa iyo maanta waxa ay ku daba jirtey dhalashada bisha Shawaal, oo iyadu suurta galisay iney meel isugu keento culumaa’udiinkii ugu waa weynaa magaalada Muqdsiho iyo wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta dowalda FKMG ah Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Finish†oo iyagu suurta galiyey in si mideysan ay uga raadiyaan gobolada dalka dhalashada bishaasi, iyagoo go’aankii kama danbeysta ahaana siiyey xaley dadweynaha kunool qaaradaha adduunka, gobolada dalka iyo guud ahaan magaalada Muqdisho iney maanta tahay maalin Ciida, isla markaana aysan wax khilaaf ka jirin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabaddii ciiddal Fidriga oo maanta si weyn looga oogey magaalada Boosaaso

 

Boosaaso - 03.November.2005 Kumaanaan iyo kumanaan qof oo isugu jira bulshada qaybeheeda kala duwan, ayaa saaka garoonka kubadda Cagta ee magaalada Boosaaso ku tukadey salaaaddii Ciiddal Fidriga, iyagoo guud ahaan waddanka Soomaaliya iyo dunidai Muslimkaba si weyn maanta looga dabaal degayo munaasabadda weyn ee Ciidda.

 

Munaasabaddii Ciidda ee saaka ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin sa-rsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Puntland, culimaa’udiin si weyn looga yaqaan gobollada Puntland.

 

Waxaa kale mas’uuliyiintii munaasabaddan hadalka ka jeedisey ka mid ahaa; Wasiirka diinta iyo awqaafta, Barkhad Cali Saalax oo sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay munaasabaddan ay ku kulmeen shacabka iyo mas’uuliyiinta Puntland., isaga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha Puntland, waxaa farriin ku aadan hambalyada ciidda u diray shacabweynaha Puntland.

 

Sidoo kale, wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare ayaa isna munaasabadda Ciidda ka hadlay waxana uu xoojiyey hadalkii mas’uuliyiinta iyo culimaa’udiinka Puntland ee ku saabsanaa sugidda amniga.

 

Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa isna ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabaddaas, wuxuna warbixino ku saabsan xaaladda madaxweynaha Puntland u jeediyey shacabkii garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso ku tukanayey salaaddii Ciidda.

Guddoomiyaha gobolka Bari waxaa kale oo uu sheegay in qaxootiga Itoobiyaanka ah magaalada Boosaaso looga samaynayo shan xero oo lagu quudiyo halkaas oo lagu siinayo raashinkii ay cuni la’aayeen iyo nidaam ay u noolaadaan, barmaamijkan oo ay iska kaashanayaan xukuumadda Puntland iyo hay’adaha gargaarka.

 

Duqa degmada Boosaaso, Khadar Cabdi Xaji oo munaasabadda Ciida ka hadlay isla markaasna si weyn ugu nuux-nuuxsaday sugidda amniga magaalada Boosaaso iyo guud ahaan deegaannada Puntland.

 

Khadar Cabdi Xaaji Mire Waxaa uu sheegay in dadka ku yimid sida masaafuriska ah la siin doono magangelyo, iyadoo hay’adaha loo weydiinayo gacan siin.

 

Culimaa’udiinkii ka hadlay munaasabaddii ciidda ayaa waxaa kamid ah Shiikh C/risaaq Xuseen Ciise, Shiikh Yuusuf Axmed Heeryo, Shiikh Cismaan iyo Shiikh.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eid Mubarak General Duke and to all the friendly faces here on somaliaonaline.

 

 

I see Stadium Mogadishu is still being used that is great.

 

Waryaa Like the President Quote your used for your signture he only has a few steps left the civil war is going to come to an end once in for all god willing.

 

Once again EID MUBARAK!!!!!!!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this