Sign in to follow this  
Maaddeey

Fu'aad Shongole injured.

Recommended Posts

Kashafa   

Originally posted by Meiji:

This sad new chapter had been opened by the religious warlords of Alshabab.

 

Not long ago, they attacked a mosque in Basra (M.Shabelle) and killed 7 people who were inside the mosque praying. According to Al Shabab, it was a 'suffi mosque, where people were committing shirk''.

 

 

Illahay ah u naxaristo to the innocent.

Ash'hadu anaka ka'thaab-un-ashir. But naked lies are only to be expected from a graduate of the School of Moor.yaan'nimo, with a specialization in Dhil, Dhac, & Kufsi studies.

 

AllAfrica is a news aggregator, not a news site...do you know what that means, yaa ahbal ? It collects anything africa-related and publishes it, no matter how bogus. The more web traffic it can draw, the more advertising dollars it earns. They probably pulled this fictitious story from waagacusub or Mushrikeen-News.com.

 

But you're kinda like Johnny-come-lately to the shameless lies game, waxaa kaaga horeeyay the sell-out Murji'ah scholars sitting in Garowe who remain silent and haven't issued any fatwa on the Bakaaro massacre. Apparently, these 'Holy Scholars' only have a green light to issue a fatwa when it's in the interest of Ethiopia and against the Mujahideen; as for worshippers being massacred in a mosque...nah, no biggie. It's just another day in the fitnah caused by the khawaarij. Qashin'kaas aa markaas sheeganaayo theological legitimacy, oh how very nice smile.gif

 

So I'm not suprised. Naked lies are the tools of defeated, discredited men, be they sell-out scholars or secular-nationalists.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Kashafa, Itaqqillaah yaa Rajul!, culimada faraha ka qaad, 2 bayaan ayay ka soo saareen, midna Ictisaam midna Culimada Garowe, Jihaad & Dacwa iyagaa billaabay, waa soo noqon doonaan IA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Kaadida waad iska dhowrtay maanta yaa kaa fiican. Boowe addoomada Alle waxaa ugu cabsi badan culumada.

 

As for fu'ad, the chickens come home to roost.

 

Muslinka meesha ku dhamaaday Ilaahey ha u naxariisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Shaykh Maaddeey, aan kala bixino qadiyadah:

 

- Dood ma ka qabtaa rag'ga ku shiraayay Garowe, Mr. Bashiir Salaad iyo asxaabtiisa, inay caqeedatul Ir'jaa wataan ? Hadaba taas ma ahan wax aa aniga iska-dahay ee waa hadal-kii Shaykh Jaamac Cabisalaam, oo asaga iyo Shaykh Boqol-soon(AUN) rag'gii tasxeexul towxeed'ka qayb libaax ka qaatay 80's-kii iyo 90's-kii

Sheykh Fu’aad Mux’med Khalaf wuxuu Bayaankii Ictisaam ku tilmaamay mid shar ah oo ay soo saareen kuwa ka leexday Manhajka toosan wuxuuna ka faaleeyay Acmaasha kooxda labaxday Ictisaam iyo Mugdiga ay Umadda Muslimka ah lamaaganyihiin.

 

Markii uu in mudda ah hadlayay Sheykh Fu’aad waxaa is hayn karin waayay Sheykh Jaamac C/salaam oo kamid ah culimada Soomaaliyeed islamarkaana xubin ka ah Kooxda Ictisaam ee Sheykh Fu’aad ceebahooda oo dhan Masjidka ka sheegay

Ugu dambayntii Sheykh Jaamac C/salaam wuxuu sheegay in Wadaadada ku shiray Garowe aysan aaminsanayn Caqiidada Ahlusuna islamarkaana ay yihiin Murji’o, Ururka Ictisaam ayaa ka mid ah Ururada sida weyn u hagar daameeyay Jihaadka ka socda Somaliya islamarkaana maamulada reer galbeedka usoo dhisaan Soomaaliya u Fatwooda si ay shacabka Soomaaliyeed ugu jiha wareeraan

Sheykhu wuxuu cadeeyay in isagu uu kamid ahaa Hay’addii culimada Musaalaxada xiligii ay jirtay guddigii loo saaray in uu shabaab lasoo xaajoodo dood dheer kadibna ay Shabaabku soo bandhigeen Manhajkooda ka dibna uu ogaaday in Shabaabku ay sax sanyihiin oo ay Caqiidada Ahlusuna haystaan halka Ictisaamna ay Irjaa’yihiin, dhibka jirana uu yahay Culimadii oo Adduunyo doortay oo xaqqa ka leexday islamarkaana aduunyo jaceylku ku riixayo in ay Fatwo ka soo saaraan wax walba oo dantoodu ku jirto.

Taa waa qodob.

 

Tan kale oo bayaanka, maanan arkin, laakin marka aad hada ee sheegtay inay bayaan soo saareen waan akhriyay, waana bayaan runtii ka daran bayaan-kii hore ay soo sareen. They implied that the Mujahideen were indirectly responsible for the massacre in the Bakaro market. They stated this in a clever way that would give them plausible deniability if they were ever challenged(example: kooxaha isku hayo somaliya). They laid the blame of the massacre, as well as the situation in Somalia, collectively on the "warring parties". That means the foriegn-led, foriegn-financed TFG Frankestein and the Mushrikeen(they are too cowardly to call them mushrikeen) are on the same level and footing as the Mujahideen....in the warped illogical logic of the Garowe Murji'ah.

 

An ignorant bayaan coming from men who are wholly ignorant of fiqh-ul-waaqic.

 

And you want me to respect these men ? Because they can speak (broken) arabic(have u the seen bashiir salaad jazeera interview ?) Because of the good work they did in the past ? taasi waa mid ayaga uu taalo, maanta'se saf'ka waxay ku jiraan oo gacan uu noqdeen cadow-ga Umada Soomaliyeed, ilaa ay ka soo towbad-keenaan saf-kaas ayaa ku tirinaynaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Jacfar, hadalkaaga iga deyso yarka.

 

Akhi Kashafa, Fu'aad & Jamac C/salaam kama akhrisanaayo Culimada Ictisaam baa Murji'ah ah, waagii Culimadan kutubul Caqeedah 'caqiidatu Ahlisunnah wal jamaacah' akhrinayeen Fu'aad cunug yar buu ahaa!, Culimadan waxay diidanyihiin in laga talo boodo, oon lala tashan, xoogaa yasitaan ay Shabaabka yasayaan oo qar ka tuuri kartana waa ku jiraan sidaan is leeyahay, Sharaf & Maal-na dhib waa u keeni karaa (refer to xadiith-ka Tirmidhi ee Ibn Rajab sharxay: maa di'baani jaaicaan..) lakin principally Shabaabka waxba kuma diiddana aakhirkiina they'll come to their senses sida Abshir Bacadle oo kale.

 

Ps. waan arkay qodobka 2aad ee bayaanka Sh. cali Warsame ku saxiixanyahay waana ka xumahay, kan Culimada PL maxaa qalad ah oo ku jira?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Your qarxis friends are gonna accuse you of murtadnimo for criticizing fu'ad. PL culumo=xabashinimo=maadeey? Careful there. That's a no no. A big no on.

 

I am impressed though. You're actually using your mind to reason and question your loyalty. A good start my friend.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

Maddey wa runta. I don't believe those ulema are murjiah, since some of them signed the fatawa against Abdullahi Yusuf and his use of Ethiopian troops in 2006. To me, it seems, some of them are driven by an extreme xizbiyah towards shababs, xubu dunya and a desire to preserve the "dawah" against 30 yeards olds, whom they see as disrespectful and arrogant. I think the best way for shab and xi to debate with them is to write letters and hold public lectures. This is what Muhammad Abulwahab and the likes of him did with their opponents who called the same names(ie.takfiri, khawariji, killer of civilians and so forth). Insulting them and calling them names, is a win-win situation for them.

 

good night.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Karl, Shukran.

 

Jacfar, Af Soomaaliga sow ma taqaanid?, la hadalkaaga damiinnimaaan ka qaadayaa ee i daa! (I'm serious).

 

FYI, Sh. Fu'aad waxaan ku jeclahay geesinimada, tawaaduca & dacwada uu wado (ma ogtahay maanta isla masjidkii shalay lagu qarxiyey inuu ka istaagay oo kalmad ka jeediyey?), lakin wixii qaldan waa la sheegayaa!, as for Culimada PL, ra'yigeyga ku aaddan ka soo fiiri threadka Xiin, General Duke & kii magacyada badnaa! iney hadda Faroole la yaabaan his hospitality Maxamed Abshirna ku jihaadaan waa min cajaa'ib al dahr!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Shaykh Maaddeey wa Barafasoor Karl Al-Polyaani,

 

After a 2nd and 3rd reading, I consider the statement of Ictisaam to be criminal because:

 

- it surreptitiously explains away the massacre of Cabdalla Shidaaye Masjid in a almost arrogant I-told-you-so tone.

 

- it provides aid & comfort to the perpetrators (This happened because of the fitnah. Nobody's at fault! It's the fitnah's fault! How do we end the fitnah ? Be like us! Surrender! Obey the ruler! Zen ze fitnah will stop! Otherwise, we told you so!)

 

- it equates between the occupying African Union troops who routinely rain death and destruction on neigborhoods and the men and women fighting day and night to liberate Somalia. In Ictisaam's maangaab view, they are all all "kooxaha isku hayo Soomaliya" and they are all equally guilty. In Ictisaam's maangaab view: Amisom mercenary raping and killing = Somali-Muslim man defending his Deen, his Dal, and his Dad.

 

This is the inane madness that ensues when people are ignorant of fiqh-ul-waaqic. Waxay simaayaan Cadow isticmaari ah and a Mujahid. Rag'gaas maa talo ka sugee ?

 

No call to hunt down the perpetrators. No call for the occupation to end. Nope. Just a good ol' "listen-to-us-(and obey the rulers)-because-we-are-Holy-Scholars-and-if-you-don't-listen-to-us-this-is-what-happens-we-told-you- so" sermon.

 

 

Other Somalis give their reaction to the Ictisaam bayaan(qaybtaan sii fiican oo aqriya):

 

Waxaan u malaynayaa Bashiir Salaad waa basaas. Waxay u muuqataa inuu wadadii Axmed Madoobe hayo. Ictisaam waxay la mid noqotay kuwaan isugu yeera Salaf Jadiid.

 

Waxaan maqli jirey “MADMADOOBE ALLAA KU YAAL”. Masaajidkaan ay weerareen gaalo iyo daba******keed buu wuxuu farta ku godayaa “is gaalaysiin” baa keentay. Bal ha noo sheego Muslimiinta kale ee algu xasuuqayo wadamada Islaamkana ma is-gaalaysiin baa ka danbaysa?

waar nimankan ictisaamka ahi yaanay dadka lug goyn ee waa kuwii jihaadka bilaabay, ee haddii ay iyagu bilaabeen maanta ma markay ganacsiyo yeesheen ayey joojinayaan, markaa jihaadka ma iyagaa gacanta ku haysta,
adeerayaaloow somaliland iyo puntland iskaga hoos noolaada dheh waa la soo socdaaye
, markaa cidi waxba idiin dirsan maysee idaacadaha iyo masaajidda ayeydun tafsiirka ka soo jeedine

waxaad moodaa in ictisaam ay marmarsiyo uraadinayaan qaraxi wuxushnimada ahaa ee lala eegtay beytka alah
,, waa arin murugo leh rag culimo sheeganaayo hadda waxaas ku hadlaayo allow na sug shacabka muslimka ah waxay rajaynayaan waa mujaahidinta sida qoriga una jihaadayaa hergalinta shareecada islaamka ..
icstisaamka marka la guuleesto bay dhihi donaan .. waan inla jirnay ,, inna kunna macakum
looba joogee

bayaanku kii hore ayauu lamid yahay wuxuuna edaynayaa dadkii dhibbanaha ahaa
laakiin waxaa layaab leh nimankan markay dhalinyarada ahaayeen waxay na oranjieen dawladii kacaanka halagu jihaado,waxaad dareemysaa qofku haduu weynaado naf jeclaysiga ,aduun jacaylka ,baqdinta ayaa ku badata.hadna qoraalkooda waxaad ka dareemaysaa colaad ay garoowe la fadhiyaan

waxaan doonayaa in aan cambaarayn u soojeediyo, ururkaictisaam (x al itixaad) waxaana ku cambaaraynayaa, in ay uxuubsiibteen ashahaado ladirir cusub waxaana kamid ah in ay dheheen mushrikiinta Galguduud joogo iyo shariif sheikh axmed oo murtad ah labaduba waa walaalaheen,
waxaana oogubaaqayaa nimankaas kushiraayo magaalada GAROOWE, ALLAH utoobadkeen waxaa gabi ahaamba dhulka galay sumcadii aykulahaayeen umada muslimka ee somaaliyeed waxaana loo aqoonsaday niman kaganacsado dhiiga dhalinyarada somaliyeed
waxay dheheen c/laahi yusuuf halala iyo xabashidiisii halala jihaado hadana waxay dheheen shariifka iyo gaalada amisoom haladaayo oo dagaalkoodu waa fidno waxaan kusookoobayaa wadaadadu ha xishoodaan waa lagatagayaa aduunka

bashiir salaad sooma wacna inuu is waydiiyo yaa qaraxan fuliyay ma al shabaab mise cadaw kale , cajiib wuxuu la soo orday hadal duraya al shabaab sooma fiicnaan lahayn inuu runta sheego oo qaraxa cidda ka danbeesa ku eedeeyo , subxaanallah waa cajiib caamadii waxay garatay miyuu caalim garan waaye mise wax kalaa jira

 

ilaahay waxaan ka baryayaa in hayadan culumada somaliyeed isku magacowday inuu ilaahay
kuwa wanaagsan ee ku jira ee runta sheegaya in ilaahay uu xaqa usoo duwo
, kuwa tuugada ah sida bashiir salaad , iyo kuwa kale in uu ilaahay ka qabto

 

falkan gaaladu ka dambayso ictzaam sidaas weligood ha uga hadleen iyagaa dulaysan oo faroole hoos fadhiya iyo riyaale oo qawaaniin lagu xukumumaa oo itoobiya loo dhiibaa falkan nimanka ka dambeeye ee gaalada ah ama kuwa suufiyada ah ee buurtineleba qarxin jiray ka hadli maayaane wiilasha laga ga baqayo bay daba jogaan war naga aamusa waxba ma tihidine dhiiga muslimka ah haa daadshay gaaladaas baa daadiosaye maad ka hada shaan mida kale hadaad damiir leediheen yaa isku haya siyaa sada dalka ma amison baa dalkayga igu haysan karta ma maraykan iyi itoobiya baa igu haysata war xishooda ama jeema diina iska caba khamsaantiina na iska qaata iyo macawisihiina masaakiin yahay baada bixisaa raga ka daaya cayda

natiijo ka dhalatay isgaaleysiin)!!! Oo kitabkiina qofkii gaalnima kudhaca inu gaalobaayo ma qora soomaha? Cajiib !!
Mida xigta dhibka shacabka iyo culumadooda garay waxa muuqata inaad ku faraxsantihin madama ad ledihin waa natijo kadhalatay
…. Ilahey ha idin so hanuuniyo xasadka aad mujahidinta uqabtan iyo makriga ad maleegeysaan ilahey ha idin kuceliyo mujaahidiintana ilahey haguuleeyo allaahuma aamiin

walaalayaan, aad ayan oola yaabanahay kuwan la baxay ictisaam waxay u dhaqmaayaan sidii dad aan ogayn xaalada ka jirto soomaaliya,

sida ay hadalka u dhigen waxay dhaheen :

(kooxaha isku hayo soomaaliya in ay ilaahay ka baqaan). soomaaliya waxaa isku dagaalaayo muslim iyo gaalo, waana arrin aan qarsoonayn , marka waxba yeysan is daalinin culumo ku sheegan dhagaysan mayno warxumo tashiilkiina , ee waxaan hogaamin iyo talo bixin iyo tababar inoogu filan kitaabka ilaahay iyo sunnada rasuulka nabad galyo iyo naxariis korkiisa eebe ha yeelee.

Waa hadal Jilicsan oo aan Wax qiiraa ku jirin, Uma dhigmo Dhibka meesha kadhacay

Tan Waycadahy Sheekada Iskuxirka Ah digniintooda iyo Falka Dhacay Marka Waxay uegtahay "Idinkaa Waxqarxinjiray Waxna Waadmaqli Waydeen Tana Waajawaabtiinii

 

War culimadu Ilaahay haka Baqdo Xaqa Iyo baadilkuna Masaalaxo Iyo Dhex Dhexaad magalo Ee dhinac raaca Hadaad Shaqaala Dawladed Tihiina Hakabqina Runtee Uhadla Dawladhaad Mushaariga Utihiin WABILLAAHI ATAWFIIQ

Although I am hesitant to completely write them off(because of their good work in the past), every day that goes by exposes yet another unsavory side of Al-Ictisaam. I would not be suprised at all if they turn out to be Black Ahmed-like spoilers in the making.

 

As for the issue of caqeedatul Ir'jaa... we will have to dedicate a seperate thread for that. Ir'jaa has various degrees, the most extreme being gulaat-ul-murji'ah(you are muslim, regardless of anything you say or do). I am not accusing them of that, just their jileec-jileec on the issue of icaanatal-kaafir-calal-muslim, which is something their host and amiir Faroole has done.

 

Hadee shalay Towxeed'ka na bareen, maanta waxay ag fadhiyaan ay caawimaayaan, ama ha ogaadaan ama yaysan ogaanin, cadow-ga Towxeed, iyo cadow-ga Islaam.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Akhi Al Cazeez, al cajalatu mina shaytaan!, qaladkooda waan sheegnay (threadkii shirkii Garawe) sida Karl sheegay xubbul dunyaa & tacassub xizbiyyah waa ku jiri karaa, niyaddooda iska dhaaf qaladka bis raddi, muhimadda sii al qawl iska illow al qaa'il, ogow in loo cudur daaro culimada markay safxah baydaa' leeyihiin, weligaa hortaada dhig qawlka al Imaam Al Qurashi Muxammad bin Idriis Al Shafici: ALAA YASTAQIIMU AN NAKUUNA IKHWAANAN WA'LLAM NATTAQIF FII MAS'ALAH

 

bayaankan hoose haddaad akhrisay qalad ka soo saar [pay attention to bolded quotes]:

 

Bayaan ku Aaddan Xasuuqii ka dhacay Masjidkii Bakaaraha

By Somalimirror on 2 May, 2010 11:11 AM in Main, Wararka

 

Shabakadda Warbaahinta ee Somalimirror, waxay idiin soo gudbinaysaa Bayaan ka soo baxay Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ku aadan Xasuuqii Arxan darada ahaa ee ka dhacay Masjidka Bakaaraha.

Bayaanka ayaa u dhignaa sida tan:-

 

Bayaan ku aaddan Xasuuqii ka dhacay Masjidka Bakaaraha

 

بسم الله الرحمن الرحيم

 

الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وأصحابه

 

1. waxaan cambaaraynaynaa xasuuqii ka dhacay masjidka Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana caddaynaynaa inuu falkaasi ahaa dambi weyn oo loo gaystay shacabka Soomaaliyeed diintiisa, naftiisa, sumcaddiisa iyo deganaanshihiisa. Waxaa muujinaya weynaanta dambigaas foolxumada falka oo ahayd xasuuq, goobta uu ka dhacay oo ahayd beyt Ilaahay, xilliga lala eegtay oo ahaa waqtigii salaadda iyo cidda lala beegsaday oo ahayd dad cibaadada Ilaahay u yimid.

 

2. faldambiyeedkaan waa mid ku cusub dalka Soomaaliya, waxaana dhici karta inuu hordhac u yahay falal kale oo la mida ama ka sii xun; sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa in laga digtoonaado, si wadajir ahna looga wada hortago.

 

3. waxaan u aragnaa in loolanka u dhexeeya soomaalida uu fursad u siinayo cadawgeeda inuu iyaga isu adeegsado, wuxuu doonana ka dhex fushado; sidaa darteed waxaan ugu yeeraynaa dhammaan dhinacyada is haya inay khilaafkooda u celiyaan kitaabka iyo sunnada nabiga (scw), siduu Alle inoo amray:

 

(( فإن تنازعتم في شيء فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر))، (( وما اختلفتم فيه من شيء فحكمه إلى الله)).

 

4. waxaan u tacsiyeynaynaa eheladii iyo asxaabtii dadkii qaraxyadaas ku geeriyooday, iyagana waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu dambigooda dhaafo, jannadiisana ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna uu sabir iyo caafimaad siiyo, kuwii falkaas foosha xun ka dambeeyeyna uu Rabbi ciqaab lagu waanaqaato oo deg deg ah u keeno.

 

Culimada bayaanka soo saartay:

 

1. Sh. C/qaadir Nuur Faarax

2. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

3. Sh. Daahir Aw Cabdi

4. Sh. C/naasir Xaaji Axmed

5. Sh. Xasan Xuseen Axmed

6. Sh. Axmed daahir Xasan

7. Sh. C/waaxid Xaashi Xasan

8. Sh. Max’ed Macallin Axmed

9. Ustaad C/qaadir Siciid Cali

10. Sh. Xasan Max’ed Ibraahim

11. Sh. Max’ud Xaaji Yuusuf

12. Sh. Axmed Siciid Max’ed (Farax)

13. Sh. Aadan Max’ed Cigaal

14. Sh. C/rashiid Sh. Saalax

15. Sh. C/nuur Xirsi

16. Sh. Mahad C/laahi Max’ed

17. Sh. Axmed faarax Garaase

18. Sh. Max’ed Axmed Faarax

19. Sh. Faarax Max’ed Cajab

20. Sh. Axmed Yuusuf Daad

21. Sh. C/raxman Aw Ciise

22. Sh. Axmed C/samad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this