Sign in to follow this  
Maaddeey

Fu'aad Shongole injured.

Recommended Posts

Maaddeey   

Qaraxyo waaweyn ayaa Goordhaw ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho kuwaasi oo lala eegtay goobo lagu cibaadaysto oo ay ku sugnaayeen Dad Muslimiin ah.

 

 

Qaraxa weyn oo khasaara badan dhaliyay ayaa ka dhacay Suuqa Cabdalla Shisdeey gudaha Suuqa Bakaaraha waxaana xiligii qaraxu dhacayay Masjid uu Kitaab ku akhrinayay Sheykh Fu'aad Mux'med Khalaf oo kamid ah saraakiisha Shabaabul Mujaahidiin.

 

 

Saraakiil katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa SomaliMemo u xaqiijiyay in qaraxaasi dad Muslimiin Rayid ah ku dhamaadeen islamarkaana uu Bad baaday Sheykh Fu'aad Mux'med Khalaf.

 

 

Sheykh Fu'aad wuxuu Dhawaac Khafiif ah kasoo gaaray gacanta Midig waxaase jira Arday Badan oo ku Shahiiday Qaraxa lala eegtay Masjida Cabdalle shideeye, qaraxan oo ay soo agaasimeen Shirkadda Black water ayaan la ogayn cidda fulintiisa gaysatay.

 

 

Isku daygan lagu doonayay in lagu joojiyo Dacwada Islaamiga ah ee ka socoto Masaajidyada magaalada Muqdisho ayaa qayb ka ah digniin uu horay u bixiyay Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheykh Cali Dheere oo kal hore sheegay in Muqdisho ay ka howlgashay shirkadda Black Water oo dalalka Afghanistan iyo Ciraaq ka fulisay qaraxyo dad badn ku dhinteen oo ka dhacayay Masaajidyada iyo suuqyada si sumcadda Mujaahidiinta loo bah dilo.

 

Halkaan ka dhageyso Sheekh cali Dheere oo Faahfaahin ka bixiyey Qaraxii ay ku Shahiideen dad Muslimiin ah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Shabelle: MUQDISHO

Qaraxyo geeystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan ayaa maanta saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab waxaa lagula eegtay Masjid kuyaal gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Qaraxyadaani oo ahaa Miinooyin la dhigay gudaha Masjid kuyaala Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdule Shideeye ayaa waxaa ay qarxeen kadib salaadii duhur xiligaasi oo Masjidka uu ka istaagay Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf oo ka tirsan saraakiisha Xarakaada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

 

 

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in Qaraxa koowaad uu dhacay Markii salaada laga baxay halka kii labaadna uu isna qarxay kadib markii dadkii ku sugnaa Masjidka ay isku dayeen in ay ka cararaan qaraxa koowaad taasoo keentay in halkaasi ay ku nafwaayaamn dad farabadan halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

 

 

 

Markii ay qaraxyadu dhaceen kadib ayaa waxaa goobta gaaray in ka badan 15 gaari oo nuuca Ambalaasta ah kuwaasi oo soo daabulayay dhaawaca dadkii qaraxyada ku waxyeeloobay halka meydadkiina in mudo ah ay ku xareesnaayeen gudaha Masjidka.

 

 

 

Dhimashada iyo dhaawaca ayaan tiradooda si rasmi ah loo heyn hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashado ay gaarayso ku dhawaad 40 ruux halka dhaawacuna uu intaasi ka badanyahay.

 

 

 

Masjidka uu qaraxu ka dhacay oo ahaa labo dabaq ayaa inta badan dadka waxyeeloobay waxaa ay u badanyihin kuwii ku sugnaa dabaqada hoose ee masjidka halkaasi oo ah goobta qaraxyadu ay ka dhaceen.

 

 

 

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Daqiiqado kadib markii qaraxyadaasi ay dhaceen wareysi gooni ah soonayay Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in qaraxii maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha uu ahaa waxyaabo ay horay uga digeen taasoo lagu waxyeeleynayo dadka muslimiinta ah, isagoo sheegay in shirkado shisheeye oo ay horay uga digeen maanta ay qaraxyadaasi ka dambeeyeen.

 

 

 

Goobta uu qaraxu ka dhacaya ayaa waxaa durbadiiba soo gaaray ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabab kuwaasi oo isku gadaamay agagaarka Masjidka ay qaraxyadu ka dhaceen.

 

 

 

Cali Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Gaadiidka Gurmadka deg deg ah oo Shabelle ay la xariirtay ayaa waxaa uu sheegay in aan la qiyaasi karin qasaaraha qaraxyadaasi ka dhashay hase ahaatee waxa uu carabka ku dhiftay in goobta lagu baaba'ay.

 

 

 

Dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxyadaasi ayaa waxaa la geeyay isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo dhaawacyadu ay buux dhaafiyeen waxaana adag in isbitaalo kala la geeyo dhaawacyada maadaama ay xirantahay wadadii isku xireysay Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo maanta ruxay masaajid ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha, kaasoo sababay qasaarihii ugu badnaa oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dadkii Masaajidka ku cibaadeysanayay.

 

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa oo ahaa kuwo is xig xigay ayaa lala damacsanaa saraakiil ka tirsan Shabaab oo Masaajidka ku sugnaa, iyadoo qaraxana uu qasaaraha ugu culus ka soo gaaray dad rayid ah.

 

In ka badan 20-ruux ayaa ku dhimatay, halka dad ku dhow konatameeyo ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa kuwo gil gilay masaajidka, iyadoo kala cararay uu ku yimid dadkii masaajidka.

 

Dadka ku waxyeeloobay qaraxyada oo la kala garan waayay, ayaa lagu daabulay gawaarida ambalaaska loo yaqaano, waxaana jira dad cad cad noqday, kuwaasoo qudhooda la garan waayay.

 

Saraakiisha Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa sheegaya in dhaawacyada ay qaadeen ahaayeen dad aad u liitay, oo si xun ugu dhaawacmay qaraxyada oo ahaa miino masaajidka gudihiisa la dhigay.

 

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay qaraxaas mas'uuliyadeeda, hase ahaatee waxaa soo baxaya tuhuno kala duwan oo durba muujinayay cida lala damacsanaa, waxaana wararku sheegayaan in dhaawac culus uu soo gaaray Fu'aad Shongole.

 

Qasaaraha qaraxyada ayaa ah mid wali isa soo taraya, maadaama goobta uu ka dhacay ay aheyd mid aad u mashquul aheyd oo dad badana ay isu diyaarinayeen in ay oogaan salaada.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

If Fuad Sjangoole os not sage in the Bakara, then Al Shabaab days are numbered.

 

AUN all the dead & injured, another tragedy that has been brought to Somalia by the fake religious groups.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

Blowing up mosques is a sad new chapter. Ilaahay ha u naxariisto inta masaajidka la qarxiyey ku dhimatay.

This sad new chapter had been opened by the religious warlords of Alshabab.

 

Not long ago, they attacked a mosque in Basra (M.Shabelle) and killed 7 people who were inside the mosque praying. According to Al Shabab, it was a 'suffi mosque, where people were committing shirk''.

 

http://allafrica.com/stories/200912070083.html

 

Illahay ah u naxaristo to the innocent.

Share this post


Link to post
Share on other sites
May all the terrorists and religious deviants who were killed ALL burn in hell, and may those who are got injured die a quick painful death! Ameen...

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Originally posted by Mr. Somalia:

May all the terrorists and religious deviants who were killed ALL burn in hell, and may those who are got injured die a quick painful death! Ameen...

AMEEN TO THAT!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

sheekhfuaad.jpgSheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Masjid ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha.

Saturday, 01 May 2010 18:32 administrator

Wareysi gaar ah oo uu sii yay Idaacadda islaamig ah ee Alfurqaan ayaa Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo kamid ah Mas’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab wuxuu ka warbixyay qaraxii maanta ka dhacay masjid ku yaala suuqa wayn ee bakaaraha kaasi oo galaaftay nolashada dad badan oo rayid ah.

 

 

Sheekh Fu’aad wuxuu ugu horeyn Tacsi udiray guud ahaan Umadda soomaaliyeed ee Muslimka ah,isagoona sheegay in dadkii maanta ku dhintay gudaha Masjidka ku yaala suuqa bakaaraha ay yihiin dad shuhado ah maadaama ay ahaayeen dad muslimiin ah oo ku dhex cibaadaysanayay Beytka Alle.

 

 

Sheekh Fu’aad Maxamed khalaf wuxuu sidoo kale sheegay in uu isaga uu bad qabo islamarkaana dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxyadii maanta ka dhacay gudaha suuqa wayn bakaaraha,waxaana Mas’uuliyadda qaraxyadaasi uu dusha kaga tuuray Shirkadda ku caan baxay qarxinta goobaha cibaadada Muslimiinta ee Balack water.

 

 

“ Arinta maanta dhacday waxay ahayd arin Cadaawad ah oo Xiqid iyo Xasid ah waxaana Arintaas ka dambeeyay dadka Muslimiinta ahna u sheegaynaa Usbuucii la soo dhaafay waxaa soo dagay meesha la yiraaho Xalane iyo meesha la yiraaho CIA-da Mukhaabaraadka Mareykanka Nimanka loo yaqaano FBI-da taasi oo soomaaliya u timid in dadka muslimiinta ah ay masaajidda ku laayaan”.

 

 

Ugu dambayn Sheekh Fu’aad Maxamed khalaf wuxuu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inay u diyaar garoobaan dagaal jihaad ah oo lagu galo Xarunta Xalane oo uu sheegay inay degen yihiin Saraakiil iyo Ciidamo gaar ah oo Mareykan kuwaasi oo qorshaynaya in dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ka fuliyaan qaraxyo lamid ah kuwa ka dhaca dalalka Ciraaq iyo Afganistan ee lala beegsado Masaajidda ay leeyihiin dadka Muslimiinta.

 

 

Wareysigan gaarka ah ee Idaacadda Alfurqaan ay la yeelatay Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf waxaad ku dhagaysan doontaan Barnaamijka dhuuxa waraysiyada ee Idaacadda Alfurqaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this