Sign in to follow this  
nuune

SomaliLand should be recognised

Recommended Posts

nuune   

MMA, sxb qodobo wanaagsan baad ka shanqarisay, intooda badana waan kugu raacsanahey maadaama aad taabatey boogo u baahnaa in la dhayo.

 

Qofka markuu samro oo sabirkiisu bato dhibaata awgeyd 16kii sano, oo uu helo ama dareemo nabad iyo xasillooni muddo qaddar dhan, hadana kuu badasho xassillooni darro iyo dad shisheeya oo waligaa naceyb iyo kala go' kuu rabey oo la yiraahdo kaalaya imaada wadankan dihinka ah ee aad waligiin ku riyoon jirteen inaad qabsataan, soo dhawaada jaalayaal la yiraahdo, miyeysan muraayadillaac aheen.

 

Taas waa taas, tan kale een doonayo inaan ka hadlo waxaa weeyaan mawduucan een abuurey kaas oo dhaliyey shucuur kala duwan iyo khilaaf, wali dad badan ayaan fahmin sababta aan u abuurey mawduucan xasaasiga ah ee dad badan ku fashilmey wajiyadoodana bannaanka soo dhigey iyagoo ku hadlaya magaca qabiilkooda iyo ma dawlad somaliland la yiraahdo ayaanu daris la ahaan karnaa, ma gobol baa dawlad jaar ah nala ahaan karo, taas waa iyaga iyo fahankooda, illeen qof fahankiisu iyo dareenkiisu dhanba noqdey shucuur qabiil wey adagtahey siduu maankiisa garawsiyo u heli lahaa ama u dhadhansan lahaa xaqiiqda jirta maanta.

 

Horta wali Somalia kama quusanin, oo wali waan ku raja weynahay in ay nabada ay sugeysay hesho, laakin waxaa niyad jab igu noqdey xabashi wadanka halaguu keeno, hakuu maamusho umuurahaaga daakhiliga ah iyo dibadaba, dhaqaalahaaga ha kaantoroosho, maskaaxiyyan iyo mabda'iyyanba haku wadwadato oo kolba dhan hakuu rogoto, waa middan mida igu dhalisey inaan ka quusto Soomaaliya, inaan ka raja beelo Soomaaliya, adduunka wax ka xun ma jiro itoobiya oo gobolo dhan kaa heesato oo waligaa ku guumeesan jirtey ku casuun wadankaaga.

 

Dadkan isku sheega iney Soomaaliya hogaanka u hayaan waa saad sheegtoo in yar oo shucuur wadaninimo kuma jirto, ma aaminsano in itoobiya iyo Kenyaba u guntadeen sidii loo garbaduubi lahaa Soomaaliya si aysan nabad u helin, itoobiya waa cudurka kudka ah ee nagu dhax jiro, waa miino nagu aasan oo ay adagtahay sidii ay uga tagi laheed wadankeena, waa takkarta saaran maroodiga had iyo jeer.

 

Waxaas oo dhan waxaaba iga sii daran, cadawgeyga aan la dagaalamee maxaad iigu keentay wadanka, maxaa adiga ula shaqeeneeysaa, maxaaadse ka faaidey waa adiga keenay wadankee, iyaga unbaa faaiido iyo natiijooyin aan la xanbaari karin ka helay Soomaaliya, saldhigyo iyo xarumo aan waligood la salguurin karina ka dhistey, dowlad ku sheegan umadda Soomaaliyeed ayey dabin u dhigtey, dabin aysan waligood ka bixi karin, mid aan laga soo waaqsan karin, dabintaas oo ah dixiri hakugu dhaxjiro, dixiri aan dan ka laheen meeshuu lugta ku walaaqdo, kaasoon u aaba yeelin dheef iyo dhibaato, aaran iyo abaar, waa itoobiya dixirigaas nagu dhax jiro, dixiri nagu sii dhalanayo oo korkeena ku kobcayo kuna sii faafayo si xad dhaaf ah.

 

Sheyga inta badan aan la wareero oon fahmi kari waayo ayaa wuxuu yahay, dadka taageera dowlad ku sheegan ee u taageera qabiil ahaan ayaa intooda badan u uloleeya wadaninimo iyo isu tag Soomali Weyn, maxay uga dan leeyihiin, maba ogsoona iney saddex waxyaabood isku dhax qasayaan iyo ka badan, maba dareensana iney xunbo cuskanyihiin, mana arkaan ama wey iska indha tiraan cadawga shisheeya ee ay u sacaba tumayaan,

 

waxey isku qasaan qabiilkaaga taageer, itoobiyana taageer, dowlad ku sheegana taageer, midnimada Soomaalyana taageer, luga badnaa ma hangaraarac baa, yacni tan waxey ku tusineysaa in maskaxdoodu aysan aheenba caadi, maskax dagganoo kalsooni iyo wadaninimo ku jirta ayaa damqatoo ka naxdoo diido cadaw shisheeya ah la shaqeentiisa, kana xishoota qabiil iyo durriyadiisaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune

 

An NGO conducted a public poll last year in the South (Central and Southern regions) and found 83% of the people surveyed supported an independent Republic of Somaliland.

 

Ofcourse if the survey asked the same question to people in Puntland I'm pretty sure the results would be very different, in light of the dispute over Sool region.

 

I hope one day all our Somali brothers will come around and support Somalilands right to self-determination or I'm afraid we will be doomed the same ugly fate as Ethiopia-Eritrea relations today.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Ex-Xisbiga:

An NGO conducted a public poll last year in the South (Central and Southern regions) and found 83% of the people surveyed supported an independent Republic of Somaliland.

An NGO was able to conduct a poll in Somalia? Hahahaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuunoow, shucuurta iyo qiirada waa weyntahay. Xaalkana meel sare uu marayaa. Taas oo jirto dalkeena inaa u dhaafno laba iyo afar Xabasho keensaday xaq miyaa, oo dhab miyaa?

 

Dadkaas afka dheer aad ayee u yaryihiin waxaan Xabashada taageersan iyo dowlad ku sheega ay nuujiso qabyaalad ku wada nool, oo midkiiba shan iska dhigaayo, see isku badiyaan ee ma'aha dad badan.

 

Marka afartaas qof in aan dalka ugu samirno xaq miyaa, runtii?

 

Ma'aha. Afartaas daradooda inaan dhahno dalka hala kala gooyo xaq miyaa, dhab ahaan? Maya.

 

Haddaa kala goyno, sidaa horey usoo sheegay waaye, cadowgeyna ugu weyn Xabasha ku faraxsan, oo abeeso noo dheh, shirqoolka ee noo dhigtayna hirgalaayo. Xabashad anagoo kasoo horjeedno, hadana hawsheeda qarsoon inaan u fulino xaq miyaa? Waa maya, duqa.

 

Iska dhaaf kuwaan dowlad ku sheega Xabashada nuujis, koriso iyo maaweeliso iyo wixii yar taageersan. Kuwaas ka samir. Dalka iyo Soomaalinimo haka samrin.

 

Kuwaas Xabashada wato daljecelnimo [wadanimo] haka sugin. Dantooda ayee wataan. Dal la kala goynaayo kasoo horjeedaan dantooda ayee wataan oo qabyaalad ugu soo horjeedaan, ee mabda' iyo Soomaalinimo uguma soo horjeedaan, damiir Soomaaliyeed maalintee Xabasha kaariyaashooda iyo diyaaradahooda miigga ah dalka ku duqeyeen, hadana kuwaas u sacabtumay, maalintaas ayee ka baxeen wax Soomaalinimo la yiraahdo, hadalkoodana ka muhiimsan kan ifka ugu liito.

 

Badankoodana kuwaas Xabashada meeshaan ku taageero Afsoomaaliga xataa ma yaqanaan, oo qoraal iyagoo qoraayo Afsoomaali waligaa ma aragtay? Taas ayaaba igu kaliftay inaan isa su'aalo inay Soomaali dhab yihiin, oo maba hubno inay Soomaali yihiin iyo in kale xitaa.

 

Waxaas oo dhan oo dhacay hadana Soomaaliya kala goyskeeda waligaa niyadda ha gishan, widaayoow. Taas ka ilaali, si walba xaalka ha u murugeysanaadee, Soomaali kala go'eedaa ha gilin maanka, dal iyo dadba.

 

Dhibaatada, qaxarka iyo ibtilada oo ah tijaabadda jirto maanta waa ka bixi doonaa maalin maalintee ahaato, Eebbe hadduu idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Taliban:

quote:Originally posted by Ex-Xisbiga:

An NGO conducted a public poll last year in the South (Central and Southern regions) and found 83% of the people surveyed supported an independent Republic of Somaliland.

An NGO was able to conduct a poll in Somalia? Hahahaha.
I was thinking like that, runtii! NGO's making political polls for what? kkkkkkkkkkkkkkkkk

 

Waa wax lagu qoslo, balaayo idinla been badnaatay dheh! lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this