Sign in to follow this  
Paragon

Maleeshiyo beeleedyo la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Paragon   

Maleeshiyo beeleedyo la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo

 

 

Kismaayo 23, April.07 ( Sh.M.Network) Maleeshiyo beeledyo hubeysan oo iska dhigay dharkii ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo, ka dib dagaalo qaraar oo magaalada Kismaayo looga saaray ciidamada guutada koowaad ee dowladda KMG ah ee SOmalia.

 

1n ka badan 16 ruux ayaa ku nafweysay dagaalo qaraar oo saakay 9:00 Subaxnimo ka bilowday magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalkaasi oo dhex maray ciidamada dowladda oo u kala jabay labo beelood uu goor dhaweyd istaagay ka dib markii magaalada Kismaayo ay la wareegeen maleeshiyo beeleed ku heyb ah wasiirka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia Col. Barre Hiiraale, halka ciidamadii guutada koowaad oo uu watay Col. C/risaaq Afgaduud oo ku heyb ah Madaxweyna C/laahi Yuusuf laga soo saaray magaalada Kismaayo sida uu ku soo waramay wariyaha shabelle ee magaalada Kismaayo, Max'ed Axmed Caaqil Yare.

 

In ka badan 10 meydad ciidamada Guutada koowad ah ayaa lagu arkay saldhigga magaalada Kismaayo, iyadoo aan la ogeyn halkii ay cirib iyo jaandhigeyn ciidamadii uu watay Col. C/risaaq Afgaduud oo loo maleynayo in ay u soo baxsadeen dhanka wadada soo aada magaalada Muqdisho.

 

Xoogagga la wareegay magaalada Kismaayo ayaa iska siibay dhamaan tuutihii ciidamada dowladda, iyadoo wadooyinka magaalada Kismaayo lagu arkayay maleeshiyooyin aad u hubeysan oo la wareegay dhamaan Ctrl ka magaalada.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

 

Click here to find this article in English

 

 

Max'ed Axmed

 

Shabelle Media Network J/hoose

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Yup. Expect more. You don't mind if I used your 'wanted' image, would you? :D

 

Dagaal Culus Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Iyo Xaaladda Oo Iminka Deggan

Apr 23,2007

by Kismaayo-GEDO-NN

Dagaal aad u culus ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo subaxnimadii Isniinta. Waxaa uu dagaalkani ka dhex qarxay xogaga Guutada 1aad iyo Guutada 3aad ee ciidamada DFKG oo iyagu halkaas ku sugnaa tan iyo intii laga saaray Midowgii Maxkamadaha.

 

Khasaaraha dagaalkan ayaa sida lagu soo waramayo gaystay dhimaysho 11 qof oo isugu jira labadii dhinac ee dagaalku dhex maray, ilaa hada lama hayo tirada dhanka shibilkaa ee wax ku gaareen. Col. Geele Farax Shakad oo ka mid ah Saraakiisha Guutada 3aad ayaa Gedonet u sheegay in dagaalku iminka qaboobay ayna ka awood roonaadeen ciidamadii kale oo ayagu weerarka soo qaaday waa sida uu hadalka u yiriye. Col. Gelle ayaa intaas ku daray inuu magaalda ka baxay gudoomiyihii gobolka uuna u ambo baxay dhanka tuulada Buulo-xaaji.

 

Wariye ka tirsan Idaacada magaalda Kismaayo ayaa xaqiijiyay inuu dagaalkii iminka qaboobay, asagoo intaas raaciyay inuu dagaalku bilowdo subaxnimadii hore uuna ka bilowday goobaha muhiimkaa ee magaalada sida: Aargada, Holet Tawakal, iyo Hotel Maridian (Cas-casley)iyo Suuqa magaalad, wuxuuse sheegay in wali shanqarta rasaasta laga maqlayo dhanka xerada FIAT ee duleedka magaalda. Ma-jiraan wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay dhanka DFKG oo ku saabsan dagaaladan ka dhacay magaalada Kismaayo.

 

Magaalda Kismaayo in mudaaba waxaa ka jiray muran ku saabsan dhanka maamulka, waxaana jirtay mucaarada xoogan oo ku aadan maamulkii uu magacaabay Madaxweyne DFKG Cabdulahi Yusuf. Isku dhacaan hubaysan ayaa ku soo aaday xili uu dagaal ka socdo magaalad Muqdisho, balse waxaa la cadaynayaa inaysan labada dagaal wax xiriir ah lahayn sida ay sheegeen masuuliyiin ku sugan magaalada.

 

GEDO-NN-Kismaayo News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^The event is unfolding so quick I can't even catch up with it.

 

Here is what is Allpuntland reporting :

 

 

Kismaayo(AllPuntland)- Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda iyo malleeshiyaad hubaysan.

 

Goob jooge kusugan magaalada Kismaayo ayaa AllPuntland u sheegay in rasaas kala duwan la isku adeegsanayo, rasaastuna ay ka bilaabatay agagaarka labada aargo ee magaalada Kismaayo.

 

Sababta dagaalkan keentay lama garanayo, waxaase wararku sheegayaan in sal ku leedahay muran gaadiid ay qabteen ciidanka dawaldda xilli ay magaalada hawlo nabadayn ah kawadeen.

 

Khasaaraha dagaalka lama caddayn karo , waxaase la sheegayaa in magaalada laga dareemayo rasaastan ka dhacaysa .

 

Dagaalkan ka socda bartamaha Kismaayo ayaa saamayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa magaalada iyo isu socodka dadka.

 

Warku wuxuu kaloo sheegayaa in dagaalku uu hadba meel ka dhacayo.

 

Mar aan la xiriirnay masuuliyiinta dawladda ka tirsan oo kusugan Kismaayo ayay ka gaabsadeen inay arintan wax ka sheegaan.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Daggaallo qaraar oo ka dhacay Kismaayo - Yaa gacanta ku haya magaalada? Faahfaahin

Posted to the Web Apr 23, 06:36

 

 

Aayaha.com, Isniin, 23 April 2007 - dagaallo culus oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 14 qof iyo dhaawaca intaa ka badan.

 

Maleeshiyooyin ay isku hayb yihiin labada dagaal ooge Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Barre Hiiraale ayaa la sheegay in ay ku dagaalameen magaalada.

 

Wararka ka imaanaya magaalada ayaa ku waramaya in ay magaalada laga saaray maleeshiyadii ku haybta ahayd Cabdullaahi Yuusuf, haatanna ay magaalada gacanta ugu jirto maleeshiyada ku haybta ah Barre Hiiraale.

 

Dagaalka maanta dhacay ayaa ku bilowday gaari shalay laga dhacay nin ku hayb ah Barre Hiiraale, kadibna maleeshiyo hiil u ah ninka gaariga laga dhacay ayaa isku dayday in ay gaari ka dhacaan Cabdirasaaq Afguduud oo horjooge u ah maleeshiyada Cabdullaahi Yuusuf. Taasi waxey keentay in laba kamid ah maliishiyada ku haybta ah Cabdullaahi halkaa lagu dilo.

 

Iyadoo xaalku sidaa yahay ayaa xalay lakala seexday, balse markii saakay lasoo toosay uu dagaalku noqday mid faraha ka baxay.

 

Maliishiyooyin isku sheegi jiray ciidamada kooxda Mbagathi ayaa u kala jabay qaab qabiil, waxeyna lakala safteen labada maleeshiyo ee dagaalameysay.

 

Maleeshiyada ku haybta ah Cabdullaahi Yuusuf ee uu hoggaaminayay Cabdirasaaq Afguduud ayaa la sheegay in ay ka baxeen magaalada, isla markaana ay haatan magaalada gacanta ugu jirto maleeshiyada ku haybta ah Barre Hiiraale.

 

Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalladan kala soco Aayaha.com

 

 

Aayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

According to Waagacusub Af-Guduud has surrendered to Ugaas Sharmarke.

 

Waagacusub also mentions 23 bodies being dragged in Kismaayo streets. Its kinda commical. 'Dumar badan ayaa kala wareegey hubka ciidamada' reer Garowe :D . I mean, c'mon waagacusub! smile.gif

 

Read at your own discretion.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Shariif :Bilo Gudahood Soomaaliya waa Xuroobaysaa

Sheekh Shariif oo kalsooni badan ka muuqatay ayaa yiri "Soomaaliya waxaa uu ku xuroobayaa mudo bilo gudahood ah Muqaawamada Wadaniga ah ayaana gacanta sare leh Ciidanka Itoobiyaankana waxaa loo diiday iney usoo qaadaan qeybaha ay ka taliso Muqaawamada Wadanigaa"

 

Sheeqa ayaa intaa ku diray " Xumuumad ku sheegu wax ay gacanta ku hayso ma jiraan waana u dhamaatay , Saraakiisha Itoobiya ayaana ka taliyo Dhowr meelood oo ay ka mid tahay Villa Somalia, waxayna isaga baxeen maalintii sabtiga Villa Baydhaba cabsi ay ka qabaan Muqawamada darteed"

 

Maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Beesha ********* ayaa gebi ahaanba kala wareegey magaallada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose Miliishiya Reer Puntland ee Halkaasi tagey kal hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^I think they are exaggerating big time. They are funny guys, yesterday they reported an Ethiopian cornel who shot himself with his pistol five times in the head ...lol. How can that be possible? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^loool. Walaahi I must give it to them though. Waagacusub is good, really good. A man shooting himself five times in the head! :D That is satire right there! smile.gif When a website can produce such 'classic facts' you know its special! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this