Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland and Somalia: Living Apart Together

Recommended Posts

waddanka Holland , ayaa si weyn loogu lafaguray faraqa u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinacyada dawladnimada, dhaqaalaha iyo horumarka.

 

Dooddan oo toddobaadkan gudihiisa lagu qabtay xarunta hay’adda Lux Global oo lagu soo bandhigo barnaamijyada doodaha khuseeya dunida, filimada iyo dhaqanada kala duwan, isla markaana ay qabashadiisa iska kaashadeen ururka Horumarinta Somaliland - Somaliland Development Organisation (SDO) iyo hay’adda Lux Global, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Yoonis Cawaale, aqoonyahan ajaanib ah, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka dalka Holland, wakiilo ka socday ururrada UNPO iyo CIC, ururrada jaaliyadaha Somaliland ee Yurub, suxufiyiin caalami ah iyo dadweyne fara badan oo lagu martiqaaday.

 

Doodda oo socotay muddo laba saacadood ah, kana Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Yoonis Cawaale, Mrs. Sjoera Dikkers oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka ee Dowladda Holland, Guddoomiyaha Ururka SSE oo ah dallad ay ku bahoobeen ururrada reer Somaliland ee Yurub Cabdi Cabdillahi, Mr. Andrew Swan oo ka socday hayáda UNPO, Mr. Dorothé Appels oo ah Agaasimaha hay’adda caalamiga ah ee COS iyo weliba suxufiga iyo qoraaga Mr. Rik Delhaas oo xidhiidhinayey, waxa si furan loogaga hadlay Jamhuuriyadda Somaliland iyo heerka ay marayso, iyadoo la isku raacay in horumarka wayn oo dhinacyada kala duwan leh ay ku tallaabsatay muddadii ay jirtay, isla markaana waxa ka qaybgalayaasha doodda su’aalo halkaasi ku waydiinayey dadweyne badan oo goob-joog ka ahaa.

 

Sida lagu sheegay war murtiyeed hay’adda UNPO shirkaa ka soo saartay oo luqada Ingiriisiga ku qoran, isla markaana khadta Internetka loogu soo diray Jamhuuriya, waxa dooddaas hadal kooban oo taariikhda iyo xaaladda gobolka Geeska Afrika ah ku furtay gabadh taariikhyahanad ah oo la yidhaahdo Anneleen Tilburgh, iyadoo si gaar ah uga hadashy colaadaha ragaadiyey dalka Soomaaliya, waxa kale oo ay wax ka taataabatay Jamhuuriyadda Somaliland heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo nabadgelyadeeda, waxaanay hadalkeeda ku soo gunaanaday in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin labo meelood oo ku kala sugan duruufo iyo xaalado aad u kala duwan.

 

Furitaankii doodda kadib waxa madasha ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md. Maxamed Yoonis Cawaale, waxaannu si qoto dheer uga warbixiyey taariikhda Somaliland ilaa 1960 markii ay xorrinimada ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska iyo midowgii koonfurta oo uu tilmaamay inuu ku dhammaaday hungow ku dhacay dadkii reer Somaliland, kadib markii cadaadis iyo dhibaatooyin badan uu u gaystay rajiimkii Siyaad Barre.

 

Wasiir-ku-xigeenku waxa kaloo uu faahfaahiyey sababihii dadka reer Somaliland u go’aansadeen inay madaxbannaanidooda dib ula soo noqdaan iyo weliba siyaabihii loo maray aasaaska nabadda iyo hub-ka-dhigistii maleeshiyaadka, “Inkasta oo ay na haysato aqoonsi la’aani, haddana waxaannu jecelnahay in aannu la shaqayno bulshada caalamka,” ayuu yidhi Md. Maxamed Yoonis, isagoo si gaar ah u tilmaamay in Somaliland iyadoon cidi caawin ku guulaysatay inay xeebteeda ka ilaaliso budhcad-badeedda.

 

Md. Cawaale waxa uu beesha caalamka ku eedeeyey inay si cad indhaha uga xidhatay xaaladda dhabta ah ee Somaliland ka jirta, waxaannu yidhi; “Waxaannu arkaynaa qaska ka socda Soomaaliya, sidaa daraadeedna ayaa Somaliland dhaqaalaheeda inta u badan ku bixisaa sugidda ammaankeeda.

 

Intaa kadib waxa Wasiir-ku-xigeenka halkaasi lagu weydiiyey su’aalo ay weydiiyeen qaar ka mid ah dadka ka qaybgalay doodda iyo goob-joogayaasha caalamiga ah, kuwaas oo uu dhammaantood si hufan uga jawaabay.

 

Sidoo kale, Xildhibaan Sjoera Dikkers oo ka tirsan mudanayaasha xisbiga Shaqaalaha ee Baarlamaanka dalka Holland oo dooddaasi ka qayblay, ayaa tilmaantay siyaasada dawladdeeda ee Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dhinaca nabadgelyada oo ay sheegtay in xasillooni-darro kasta oo ka dhacdaa waxyeellayso danaha iyo ganacsiga dalkeeda. Waxa kaloo xildhibaanku ka hadashay muhiimadda ay leeyihiin dadaalada haweenka ee ka qaybqaadashada nabadaynta iyo horumarka gobolka.

 

Isu-duwaha mashaariicda Brussels ee hay’adda UNPO Mr. Andrew Swan, ayaa sheegay in Somaliland muddadii jirtay ku tallaabsaday horumar ballaadhan, isagoo ku ammaanay go’aanka hay’adoodu kaga mid noqotay Somaliland sannadkii 2006-dii. Waxa uu intaa ku daray inay ka qaybqaataan wacyigelinta bulshada caalamka ee Somaliland .

 

Dhinaca kale, Dalladda ay ku bahoobeen ururrada jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalalka Yurub (SSE), ayaa madashaas laga sheegay inay ka shaqeeyaan kor-u-qaadidda mashaariicda lagu taageerayo horumarinta waxbarashada, waxaanna Guddoomiyaha dalladda Mr. Cabdi Cabdillaahi Jibriil soo dhaweeyey inay la kulmaan Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo weliba qorshayaasha xukuumadda cusub ee ku wajahan qurba-joogga reer Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Timur   

Changing your begging schemes from the British to the Dutch won't bring results. Unless you have an army of Sudanese Islamist militants in Burco and you can prove you have oil, no one is interested in wasting their time recognizing a piece of rock that's full of drug addicts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^In that case what's the purpose of recognizing the state of Somalia? Tell me one good thing about it? Somalia troubles include:

 

- clan a vs b vs c

- a break-away state within

- continuous war (over 2o years)

 

 

Face it..by your logic, Somalia should be wiped off the map.

Share this post


Link to post
Share on other sites

you guys i have an overflowing toilet ...i wonder who can help???

 

:D:D:D:D

 

^^ read...the topic: "Somaliland is becoming Africa's 'terrorism secret"(my post - true origins of these cuqdad inferioty complex people known as the bax bax landers)

 

;);)

 

For the guy above, saxib thats rich comming from a guys who's mini cab driving president begs yemen for food and A.K.'s.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Freedom   

This Timur is foolish in his talks. I have never seen a person not speak in facts but through emotions. You make yourself look foolish

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

The clan enclave has every damn right to disassociate with the union but without distortion, misinformation and misrepresenting who they really are, and concealing what their end means is is not too much to ask. I care less if they secede with their triangle cities. Live and let live or let us all be in endless cycle of violence...... SL can NOT have both ways, period.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this