Sign in to follow this  
General Duke

Xal u raadintii Muqdisho xagee ku danbeysay? -Devastating analysis

Recommended Posts

Xal u raadintii Muqdisho xagee ku danbeysay?

Posted to the Web Apr 19, 12:59

 

 

Muqdisho:-Maxay tahey sababta ugu weyn ee 14 sanno Muqdisho xal loogu layahey? Maxaa kalifey in hogaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho inay ka war-wareegaan qaaditaanka Isbaarooyinka Muqdisho ceegaaga?,awoodse ma uleeyihiin?Orodkii Mudane Cumar Xaashi xagee ku danbeeyey?.

 

Mudane Cumar Xaashi ayaa isagoo aad u deg-degsan islamarkaasna humaag been ah la tusey waxuu ka soo duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxuuna ka soo degey Magaalada muqdisho si uu deg-deg u qaado Isbaarooyinka yaala Magaalada Muqdisho .

 

Mudane Cumar Xaashi markii uu yimid Muqdisho durbadiiba waxuu bilaabey hawl aad u culus,waxuuna galey shirar uu xal ugu radinaayo xaalka Muqdisho,daal farabadan kadib ayuu Cumar waxuu damcey inuu seexdo iyadoo waqti danbe saacadu sheegeysey,haseyeeshee Cumar dhulkii ayaa ku yaraadey,hurdadii baa ka imaanweydey,xagee gashaa iyo maxaa Muqdisho kusoo geshey ayuu hoos isku la Hadley kagadaal markii uu maqley cod taleefoon iska soo daba dhacaye oo loogu hanjabaayo in hawshan dhibka badan ee aad dhinac u xaglinayso faraha kuu geliyey.

 

Waagii markii uu baryey ayaa qofkii u horeeyey ay Cumar is arkaan waxuu ahaa Gudoomiyii gobalka ee xiligaas Mr Firimbi oo caloosha u qaboojiyey una sheegey in wixii isku daya iney carqaladeeyaan hawshiisa ay laami kulul ku shubaayaan waxuuna isaga oo qoslaaya uu Cumar ka codsadey bal in ay maanta isaga iyo xildhibaanadu isu raacaan isaabaaradii u horeysey ee ay boqdaan Maxaase ka qabsadey?

 

Isbaardan oo uu Cumar iyo wafdigiisu saakey ay usoo dhaqaaqeen waxa ku magacaaban Cismaan Ali (Caato) waxaase u talinaayey nin labada gacmood ay ka ga'an yihiin oo qori ka dheer qoorta u laadlaado, ilaa 4 baabuur oo midi yahey kuwa rakaabka u qaada Afgooye ayaa ku teedsan,ninkan gacmaha go'an fadhigiisa ayay dareewaladu xisaabta ugu geynaayey,waxaana markaas soo istaagey Mudane Cumar Xaashi iyo wafdigii la socdey,ninkaan gacmeey oo ahaa ninkii dadka ugu xoog yaraa xiligaas isbaarada ku sugnaa hadana waxaa looga baqaayey ilaa 3 baabuur oo tikniko ah oo aan lagaraneyn inay shaqeynayaan iyo in kale iyo dhawr nin oo markaas hurdey oo aan garaneyn waxa markaas dhacaaya,waxaase dadka qaarkiis cajiib la aheyd sida ninkan uu labada gumud ee gacmihiisii ka harey uu hanti uusan laheyn ugu tirinaayo iyo weliba markuu tirinaayey lacagta uu ku heesaayey(dadkeyga waan jeclahey,dalkayga waan jeclahey).

 

Iyadoo arintu halkas mareyso ayaa nin Odey ah oo aad uga baqaaya taliyaha rugta waxa uu si hadal qabow ah uu isku barey isaga iyo Cumar Xaashi.

 

Mr.Xaashi ayaa si geesinimo leh u galey hadafkiisii oo ujeedadiisu ku soo koobey in isbaaradaan la qaado Wuxuuna yiri waa inaad Isbaaradaan meeshaan ka qaado magaaladana aad banaanka uga baxdo ay Muqdisho sidaas ku nasato.Taliyaha oo jawaab laga sugayey ayaa waxuu uu bilaabey bal in uu dib u tiriyo lacag weli hor ooleyd isagoo weli ku heesaaye(dadkayga waan jeclahey,dalkeyga waan jeclahey),markaas ayuu isaga oo xanaaqsan waxa uu yiri (horta ereygaan aad isbaaro leedahey anagu waxaan u naqaan dekada madow,mar danbana ereygaas yuu afkaaga ku soo dhicin,tan labaad adigu qaad baad leedahey Isbaaradaan,laakiin ragii oo xaaskii labeeyey qaaraan dagaalo socda oo intaas laygu soo qaylinaayo baabuurtii oo sii yaraatey ,waxaan rabey inaan beriba dekad labaad aan calaqo ee meesha ka carar suugaas baa la boorbaynayaa) dadkiina halkii baa lagu kala cararey markii la soo dhaqaajiyey suugii.

 

Waxana jirta oo xaqiiq ah in Maafiyada Muqdisho Markey baabuur dhacaan oo odey dhaqammeedku ka daba tagaan oo ku yiraahdaan (war soo cesha baabuurka reer ducaale),ay yiraahdaan( ma'anagaaba baabuur dhacney ee hadaan labo kale ka soo dhaceynaa),oo markaasba labo kale soo dhaca si kuwii hore loogu xalaaleeyo.Markaas kadib ayaa ganacsato ka qaylinaysa 3 baabuur oo danbe soo baxdaa iyagoo odeyaasha dusha ugu tuuraaye dhibka dhacey ,waxayna ku guuleeystaan in baabuurta danbe dib loosoo cesho iyagoo aan dib danbe baabuurkii hore looga hadlin oo loo xalaaleeyo.

 

Hadaba sidaa si la mid ah ayey ku dhaqaaqeen ninkii ugu horeeyey ee laga codsadey in uu isbaarada qaado isagoo amrey 10 isbaaro in lagu kordhiyo 5tii horey u ooleyd inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho,taasoo aakhirkii sababtey in Muqdisho Caano laga waayo,intaas kadibna ay soo boodeen ragii ganacsatada ahaa iyagoo dadweynaha tusaaya in Caano la'aantani sababeen xildhibaanadaan habowga ah ee uu Cumar xaashi wato ayna ka qaadayaan isbaarooyinka lagu soo kordhiyey loona xalaaleeyey 5tii horey u ooleeyd.

 

Waxaase arintaas ka darneyd markii uu mudane Cumar Xaashi uu khadka taleefonka ku la Hadley Mr.Cismaan Caato oo markaas Nairoobi joogey bal in uun wax kala qabto dhibkan dhacey oo uu Cismaan ku jawaabey(horta Cumarow heesta uu ninkan ku hidaaqaayo waa gartiisoo hadee dadkiisana waa jecel yahey oo fadhigey lacag ugu geeyaan ,dhulkiisana waa jecel yahey oo waakaas baabuurtu iyo dadkuba kamaarmi la'yihiin oo taas ha uga xumaan,yeelkeedee Aniga iyo QANYRE waxaan isla garaney in halkii ay 20,000 sh.so. ka qaadi jireen ay 25,000sh.so ka dhigaan bal si ay u qaboobaan, qoriga SUUGA ah ee aad ka qaylisana,ahaa haaa,eee,waligiis buu baroobeyn jirey Alla Gabaygu waxa igu maqaala ah inuusan adiga kuu la dan laheyn,wixii hareyna waan isaga imaanaynaa ee adigu ku dadaal inaad C/qaasim furaha inooga xalaaleyso ,dib danbena nimaankan xun ha ugu laaban,haddii Alle idmo beriba waa kula joognaa waa jawaabtii Cusmaan Caato).

 

Maxay maxkamaduhu ka qabaan in la xereeyo ciidankooda,maxayse jawaab siiyeen markii ayla kulmeen Mudane Cumar iyo xilbibaanadu?

 

Maxkamaduhu waxay go'aansadeen oo leeyihiin "Go`aankayaga kama danbeysta ah waa in ********ta qabqablayaashe iyo tiknikada ganacsadayaasha laga fogeeyo Magaalada Muqdisho, meeshii ay ka ka caanaba aan anagu qabano oo gacanta ku hayno sababtoo ah anagaa ayaa booliska banaadir ah".

 

Maxay ka dhaheen arinkaas barbaarta gaashaman ee gobalka banaadir?

 

Madexwareerka Cismaan+hamiga Maxkamadaha Islaamiga+bood boodka C/qaasim x beeca madaxtooyada iyo dekada -:-qaylada amxaaro naceybka –heshiiska hornafrika iyo global=mudug g/gaduud aan biyo ismarin.

 

Muxuu muuse ka yiri markii loo soo bandhigey in la gaarey xilligii uu ciidamadiise xamar ka saari lahaa?

 

Muuse Suude ayaa isagu waxa uu damac sanyahey in ilaa 10 ,000 oo mundulood ah oo shaqo laan heyso in uu lala xereeyo maleeshiyaadka kale bal si ay ragaan biilkooda halkaas kala soo baxaan ,ciidankiisa rigliga ahna ay xamar ku gaaf wareegaan,isaguna uu noqdo ninka kaliya ee suga amniga gobalka banaadir,markii la weydiiyey sabata uu uu Muuse magaalada ugu haraayo ayaa kusoo gaabsadey in uu isagu madani yahey oo uusanba xamar orod kusoo gelin.

 

Majiraa hogeemiye kooxeed isagu diyaar u ah in xamar xal loo helo? Haa waa Xuseen Caydii ,iyo Cumar finish, waa maxeyse sababtu?

 

Hadaan Xuseen ku hor marno ayaa waxaa la'ogyahey in uu arintaan sahlaayo ninka ka hooseeye waa Mr Ganney ayaa waxa uu aamin san yahey in xabadi ama qori caaradiise ayan waxba soo kordhineyn isla markaasna wax walba wadatashi iyo tanaasul lagu dhameeyo waxaana dhici karta in labadaan nin ay fure u noqdaan kala qaybsanaanta Muqdisho ka jirta iyo weliba mida dawlada iyo baarlamaanka ku habsatey.

 

Cumar finish ayaa waxa u sahlaaye arintaan ay tahey Xassan Daaci oo isagu aad uga danqanaaya dhibkaan aan dhamaanayn ee Xamar yaala oo mar uun ku fakeraya bal inuu Xamar oo heybadeedii iyo sharaftii Caasimadii qaranku soo noqota uu indhihhisa ku arko.

 

Diyaariyey:Cabdi Gesole

Punlandpost,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^^ This is beyond the point of desperation. Pukeland Post and Duke and Yeey are so attached to Xamar that they want to nuke it...cajiib

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^Niicle just quit this tit-for-tat u've been practicing lately! Will u? Xamar ku lahaa, Xamar ayadoo fiican aa gocosadii aa Xarardheere ka guran jirtay intaa ka imaatay aa ku xaartay and u have the nerve to speak for it as if we're from Mongolia.

 

Duke, that sum up walaahi. How does the FTs solve the problem I wonder? Don't get me wrong I'm in support of the idea of pacifying the capital but I wanna hear some1 illustrate a scenerio where the Ugandans land in Mogadishu and face unwilling militia rallied and energized by nationalistic and islamist propaganda!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bashi. The FT will not initially go to the Capital, the plan is for them to protect the areas the government will temporarily be housed. Badoa and Jowhar are still the choice. Then the second phase will see troops go to Galkacyu and Beleddweyne.

 

As you have rightly hinted at Mogadishu will take some time, but I must say I have been presented with no evidence that convinces me that there is a large and well organised opposition against the government in Mogadishu. All we have is various clan entities, what ever title one chooses to give them. They are not united nor have a coherent strategy as shown by the failure of the MP’s, warlords, courts and Political groups in Xamar to even move one road block.

 

Right now it’s the government that holds all the aces, the international community and IGAD have so far sent the right signals, the diplomatic effort has been successful and what have the supposed opposition done?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Duke, I see, now we know that rebel ministers and the existing armed businessmen command legions of armed militia. We know that they agree as far as opposing the FTs and fighting against it if necessary is concerned. We also know that their difference stems from managing Benadir and instituting effective administration for the city. But make no mistake they are absolutely dead serious in preventing empowered Inna Yusuf to land in Mogadishu and govern the country from there. Now given the time constraints and given the Baydhabo’s problems, how does this embattled president handle the monumental challenges that await him at home?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bashi.

Indeed if we take the spin of the warlords and their ever wishful cheerleaders, we get a picture of clan loyalties, and stern opposition. However a close examination one sees that it’s quite the opposite.

 

The fact that no one warlord has yet resigned, including the JVA junior partner and our minister of security, or that not one has even publicly denounced the President. There has not been a list of names of the MP’s in xamar to give comfort to the opposition, figures are thrown about but even at their highest we get a number between 40 and 55 individuals.

 

Mogadishu itself is a tough place I doubt they will be able to attack the FT and government troops far outside the city, the more adventures group such as Inda Cade et al will think twice facing such fire power.

 

Even this unholy coalition will not hold once the government and the FT troops arrive, some who are quite now will grow bolder, others will tow the line. The President has always wanted to go to Mogadishu on his timetable and not one set by others. This is an important distinction to former “heads of stateâ€.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Baashi:

Xamar ku lahaa, Xamar ayadoo fiican aa gocosadii aa Xarardheere ka guran jirtay intaa ka imaatay aa ku xaartay and u have the nerve to speak for it as if we're from Mongolia.

Ouch!

 

SOL's own Bari-Bari is still busy convincing folks that foreign troops are needed. Nothing new!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Baashi:

^Niicle just quit this tit-for-tat u've been practicing lately! Will u? Xamar ku lahaa, Xamar ayadoo fiican aa gocosadii aa Xarardheere ka guran jirtay intaa ka imaatay aa ku xaartay and u have the nerve to speak for it as if we're from Mongolia.

Loooooooooooooooooooool...! Beenta mahiin sxb..! Adna xaarkadi waa kula fogeyay ila iyo Kakuma....ke labadeena ciilqaba marka....? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^^Loweing the thread aside, what alternative do you present? Again the confusion on your part continues. You hate the present status quo but will never the less accept it, obviosly you are waiting for Musa, Ato and Qaynyare to bring law and order to Xamar. :D

 

Again what alternative is there but to keep the country as it is? To me thats unacceptable and we need FT from every where to help us get back on our feet.

 

...........................................................

 

Ogaaw Suudi Succudiga isbaarada waa gacmo iyo lugo goyn!

Wadanka Sucuudiga intii ka horeeysay Malik C/casiis bin C/rahman Al-Sucuud wuxuu u muuqal ekaa xaaladda hadda ka taagan Somaaaliya ee fawdada ah. Xilligaasna, meel walba waxaa ka jiray isbaarooyin , kuwo dawlad gaar sheegta sida Somaaliya heysata, xaruntii Islaamka ee Makkah oo jidadkeeda qaarkood xujaajta lagu dhici jiray oo illaa maanta loo yaqaano wadadii tuugada "shaarac Lasuus" oo u eg tan maanta Xamar ka taagan.

 

Malik C/casiis oo dhibaatooyinkaas isaga iyo reerkiisaba qaxooti Kuweyt ku ahaa ayaa halkaas iska soo abaabulay, isgaoo tiro yar oo dad ah wata,ka dibna wuxuu ka xoreeyey degaankiisii Al-najd kuwii xoogga ku heystay ee dadka dulmiga baday. Ka dibna, si tartiib tartiib ah ayuu dalka ugu baahiyey dawladiisii. Intii uu dawlad baahintu uu wadayna, marba marka ka dambeeysay wuxuu helayey kalsoonida ummadda ee uu ku hantay markii uu laayey kuwii isbaarada dhigtay iyo tuugadii ay ku adeegan jireen.

 

Marka, dawladda Somaallida iyaduna waxay maanta u bar egtahay tii C/casiis iyadoo iska soo abaabuleeysa Kenya sidii Kuweyt oo hadana tabar daran.Si kastaba ha noqote , dawladda xataa Yuhuud ha isticmaashee dadku waxay u baahan yihiin in si dhaqso leh looga qabto tuugada qaadhacul dariiqa ah ee xaaraanta xaleeystay ee rag iyo Rabiba aqoonin ee walibana difaacaya xaaraan ku naaxa sida Muse Suudi ee sida qeyral mas'uulnimada leh u difaacay baadda u shacabka ka qaato.

 

Ugu dambeyntiina, wax walba wakhti beey leeyihiin, waxayn ila tahay in maalmo tirsan ay u hartay dulmi-doonka raba in wiilashooda iay qabqablenimada ka daxlaan ee aan rabin dawladnimada si umadda ay dhiiga ugu nuugaan.Hana ugaadeen in Suudi,Caato iyo kuwa la midka ah in Sucuudigu isbaaradu ay tahay gacmaha iyo lugaha oo isweeydaris looga gooyo dambiilayaahsa iyaga la midka ah balse ay taasi uga nabad galeen iyagoo Somaaliya jooga oo tabcasho noocaas ah u tagin Sucuudiga.Wiil iswaalana waabiyaa hela!

 

Dulmi-doonka Ha dhaco!

 

A.Dirir

aardoon diri

burashadley@hotmail.com>

..........................

www.somaliweyn.com

 

:D

 

 

Things have changed, and no longer can a few hold the many down...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

[QB what alternative do you present? Again the confusion on your part continues. You hate the present status quo but will never the less accept it, obviosly you are waiting for Musa, Ato and Qaynyare to bring law and order to Xamar[/QB]

Soomaalida waxay ku maahmaahda 'nin nagtaada uu socda gabadhada uma istago'. hada General Duke you and your adeero are not interested in pacifying a Nation, forming a formidable government let alone reconciling former warring parties. The clear and apparent evidence to this is Yeey's action since being elected, ad he has never been worst than over the last weeks. You and I may not agrre on who is right but certainly we can agree there is no TFG as such with a credible motive or even genuine intention hence resulting ,to be precise 'resulted', to its disintigration.

On the question of the "mudanayasha' who are Mogadishu. they are at least attempting to do something. And I told you many times, yet I keep on repeating, your adeero yeey will not be anything, I repeat, anything at all unless he reconciles with those that hold opposite view to his and builds together with them. They hold the other side of the bargain he was elected on.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^Nonsense! Ragna ma aha ragna wax uma oga-dii la sheegi jiray baa meesha soo gashay. Juma hadda ma waxaad la soo shir tagtay oo miis rag leeyahay la timid caruuraha iyo maatada dhacan ee qaxootiga ku ah xeryaha qaxootiga inaad libin lagu faano ka dhigato. Awoowe beeluhu waa diriraan oo hadde arrin ugub ah ma ahan oo waa dhici jidhay waase laga heeshiin jidhay.

 

Addigu macnahaagu muxuu yahay. Dadkii iyo dalkii waa baaba’ay waxaana ugu liita inta beelihiinu degaan. Idinku heshiin weyde, taladii iyo maamulkii isuma ogalidin cid kalena uma ogalidin, masiirkii umadana waad lumiseen, wiilashiinu waa wada curyaan wada lug la’ oo xabada sidii la isaga xijinayay bey meelaha wada qombabsan yihiin ayagoo drug addicts ah oo haday qaadka galabtaa waayaan reerka cidi ka noolaan meyso. Bal maxay kuu dhinteen ileyn naceybka qaarkii laguma baraaro.

 

Dumarkii suuqa kama soo adeegan karaan oo waa la furanayaa oo mid baa irsaaqadiisa halkaa gashay oo haduu waayo macaluul u dhimanaya. Afar oday oo wiilashoodii London qaaqle sidaada ka yihiin oo meelaha shaaha laga cabo reer reer ugu faano iyo niman bililaqadii wiilashoodu ku le’deen qaar u curyaameen ku naaxay baa ficilo qabiil ku galiyey oo hadda waxaad mareysaa inaad tiraahda dumarka xeryaha qaxootiga ku jira annagaa yeelay oo aad ku faanaysaa. War ninyahay sida isu dhaan oo hadaad doodayso khadka ha talaabin.

 

Adduunyooy ku nacay...rag baa caaqibo ka sugaya Somalida hadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Baashi:

^Nonsense!
Ragna ma aha ragna wax uma oga
-dii la sheegi jiray baa meesha soo gashay. Juma hadda ma waxaad la soo shir tagtay oo miis rag leeyahay la timid caruuraha iyo maatada dhacan ee qaxootiga ku ah xeryaha qaxootiga inaad libin lagu faano ka dhigato. Awoowe beeluhu waa diriraan oo hadde arrin ugub ah ma ahan oo waa dhici jidhay waase laga heeshiin jidhay.

Awoowe inta aad sheegtey wax wax laga so qaato inta kore aya ka jirta , waayo waa ficantahey iyo ma ficna kuma jirii karno cawa oo dhan. Taas waa nin walba iyo araagtidiisa.

Bashi, awoowe, ada la shir yimid marki hore 'waad ku xaarteen' aan jawabteeda ayan ku siyay. Hadi aad ka xumateyna xaal qaado , wuxuu aha hadal kama ku yimid ee kas ma aheyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Juma xaasha awoowe kama xumaan ee ninyahow nin yar baad tahay ee yesan kula tagin baan ku iri. Xifaaladana ragga waa ka dhaxaysaa laakiin ogow wax walba xad bey leeyihiin. Markii iigu danbeysayna xamar beled bey ahayd xamar cadaana la oran jiray haddase waa lagu xaaray oo sida Axmed Naaji ugu heesay baa awoowe runtu tahay.

 

Hadaad hadalkaa munaaqasho ka fureysid hadde golaheedii baad joogta oo meesha in lagu wada hadlaa loo furay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jumatatu:

Adna xaarkadi waa kula fogeyay ila iyo Kakuma....ke labadeena ciilqaba marka....?
:D

Maxaa Najjaasa fayleh!

 

Balag dheer caruuruhuba waa balaf ka siiyaane

Baaluqa ismood wiil hadduu, buuryo-goys yahaye

Bisqanyaa rag kuu geeya oon biidna kuu tarine!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this