Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Security Forces in Berbera Crash Pirate Operation

Recommended Posts

Berberea(Qarannews)- Ciidanka Booliska ee Gobalka Saaxil, oo ay is kaashanayeen ciidnaka, sirdoonka iyo CID- ayaa xalay hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Berbera gacanta ku soo dhigay koox dablay ah oo ka kooban shan nin kuwaas oo damacsanaa in ay ka fuliyaan xeebaha Somaliland hawlgal budhcad badeednimo ah.

Maayarka magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab oo arinta ka hadlay ayaa sheegay in kooxdan laga soo qabtay guri ku yaala magaalada Berbera oo ay ku haysteen hub sharci daro ah oo ka kooban baasuukayaal iyo qoryaha boobayaasha ah sida oo kale waxa ciidanka amaanku gacanta ku dhigeen oo kale laba laash oo ay kooxdani u diyaarsadeen in ay ku fuliyaan af-duub ay u gaysan lahaayeen maraakiibta maraysa biyaha Somaliland waxa uu maayirka magaalada Berberi ugu baaqay dhamaan shacabka reer Somaliland inay feejignaan muujiyaan islamarkaana gacan ku siiyaan ciidanka amaanka ee ku hawlan sidii ay hawshan waxa uga qaban lahayeen islamarkaana waxa uu intaas ku daray in dadkeenu aanu waxan oo kale dhaqan u lahayn.

 

Sida oo kale sarkaal u hadlay ciidanka amaanka ee gobalka saaxil ayaa sheegay in kooxdan ay la socdeen dhaqdhaqaaqooda ciidanka baadhista dambiyada CID, waxa sarkaalkani intaas ku daray in ciidanka ay baadhis xoog leh ku hayaan arintan ay ku hayaa, isla markaasna ay hayaan ragaasi iyo qalabkoodiiba iyo hubkii ay siteenba.

 

Kooxdan ayaa noqonaysa kooxdii ugu horeysay ee u soo bambaxda inay ka fuliyaan biyaha Somaliland dhibaatada af-duubka maraakiibta oo hada ka fayow. Intii ay ku soo bateen xeebaha ku aadan dalka dariska aynu nahay ee Somaliya ayaa heegan sare la galiyey ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland iyaga oo todobaadkii la soo dhaafayna dhoolatus milateri ku sameeyey doonyo cusub oo loo keenay iyo hubka daran dooriga u dhaca oo ay ka ridayeen xeebaha ku aadan Berbera

 

Sideedaba ciidanka sirdoonkai iyo danbi baadhista iyo kuwa ka hortaga danbiyada ayaaaad iyo aad uga hawl gala dalka gudihiisa iyo dibadiisaba iyaga oo aad u qalabaysan islka markaasna ah kuwo aad u foojigan oo la socda dhaq dhaqaaqa cid kasta oo isku dayda in ay carqalaladayso amniga Somaliland, ciidamda sirdoonka ee Somaliland ayaa dhawaan wadamo ka mid ah wadamada caalmu ay u aqoonsadeen in ay yihiin kuwo aad u habaysan isla markaasna ka mid ah sirdoonada ugu horeeya kuwa geeska Afrika, iyaga oo taba baro caalmiyana ka hela wadamo waaweyn oo caalmka ka mid ah.

 

Dhanka kalena maraakiibta caalmala ee mara biyaha Somaliland ayaa baryahii danbe aad u soo badanaayay iyaga oo door bida amniga iyo daganaashaha biyaha Somaliland, taasi oo ay badaha dalka Somaliya ee aynu jaarka nahay ay waaleen budhacdeedyo si arxanimo ah uga qafaasha xeebahooda maraakiibta badweynta ku dhow dhow maraysa, taasi oo aan sinaba uga suurto gali karin in laga fuliyo badaha Somaliland oo isku daygoodii ugu horeeyayba hada la fashiliyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BERBERA, Somalia Sep 2 (Garowe Online) - Police authorities in Somalia's breakaway republic of Somaliland arrested five men on Monday on suspicions of piracy, Radio Garowe reported.

 

The five men include Somalis from the Somaliland regions, as well as others from neighboring Puntland, a region renowned for pirate activities.

 

Mohamed Dubad, Somaliland's police commissioner, confirmed to local media that the five men were detained at a house in the port city of Berbera and are being held at the police station.

 

But he declined further comment, saying that the case is "under investigation."

 

Security sources in Berbera said the five suspects were "planning" to hijack ships and hold them hostage for ransom payment.

 

Currently, there are at least six foreign ships being held for ransom near Somalia's Puntland coast.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A court in Somalia's breakaway northwestern region of Somaliland has sentenced five suspects to 15 years each, after the court convicted the men of plotting a pirate attack near the port of Berbera.

 

Osman Dahir, Berbera Court chairman, told Radio Garowe during a Monday interview that the five suspects were convicted after police found two speedboats and weapons including rocket launchers at their home.

 

The suspects were arrested on September 2 in Berbera.

 

"Another suspect, who is not in custody, was sentenced to 15 years also," Mr. Dahir said, without naming the missing suspect.

 

The weapons and equipment the suspected pirates wanted to use for future attacks were handed over to Somaliland security forces, according to the Berbera Court chairman.

 

Piracy is a major problem in Puntland, a neighboring region in northeastern Somalia where local pirates are currently holding upwards of 10 foreign vessels for ransom.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Berbera (Somalilandnation) Maxkamada Magaalada Berbera ayaa shalay xabsi gaadhaya 15 sano ku riday shan nin oo looga shakiyay in ay rabeen in ay magaalada Berbera ka sameeyaan falal budhcad Badeednimo ah.

 

Gudoomiyaha Maxkamada Berbera Cismaan Daahir oo aan wax ka weydiinay nimanka la Xukumay ayaa sheegay in nimankaasi maxkamada Horteeda lagaga cadeeyay in ay qorshaynaayeen sidii ay falal budhcad badeednimo ah uga fulin lahaayeen Marsada Berbera, iyaga oo buu yidhi diyaarsaday dhamaan agabkii lagu fulin lahaa, gaar ahaan ayuu yidhi qoryaha Basuukayaasha iyo laba doonyood oo aad u dheereeya.

 

Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu sheegay in sidoo kale laba nin oo iyaguna maqan lagu xukumay xabsiga lagu xukumay nimankan, kuwaasi oo ah ayuu yidhi shan iyo toban sano. waxa kale oo uu sheegay in gabi ahaanba lala wareegay hubkii iyo gaadiidkii ay rabeen in ay u isticmaalaan howsha budhcadnimada kuwaasi oo uu sheegay in isla maantaba lagu wareejiyay ciidanka ilaalada xeebaha ee magaalada Berbera. waxana uu sheegay in xukunkan nimanka loo adeegsaday xeerarka 230 iyo 234 ee xeerka ciqaabta guud.shantan nin ee maanta lagu xukumay magaalada Berbera waxa todobaadkii hore laga qabtay Magaalada Berbera iyaga oo ku jiray guri ku yaala Magaalada Berbera.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this