Sign in to follow this  
General Duke

Beledweyne: Al Shabaab capture 1/2 of the city, shock

Recommended Posts

Baladweyn: Al- Shabaab oo qabsaday qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne & DF oo Layaab ku noqotey arintasi..

20. august 2009

 

Baladweyne(AllPuntla nd)- Dagaalyahanada Al- Shabaab ayaa xaqiijistay goor dambe oo maanta ah in ay qabsadeen qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, halkaas oo ay kala wareegeen ciidamo taabacsan dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa isku mashquuliyey sidii ay xaafadaha magaalada qaarkood ay difaacyo adag uga sameyn lahaayeen, balse waa ay ku guuldareysteen markii ay Xarakada AL- Shabaab ay uawood sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Sarkaal sare oo katirsan Al- Shabaab ayaa usheegay APl in ay wadayaan dagaalada uu ku sheegay kuwa kor loogu qaadayo diinta Alle difaacideeda, loogana hor imaanayo talaabo kasta oo uu sheegay in ay wadaan dad ka soo horjeeda Danaha Soomaaliyeed iyo kuwa Islaamka.

 

Dhinaca kalena dowladda Soomaaliya ayay qabsashada magaalada Baladweyne qeybo ka mid ah ee ay qabsadeen Al- Shabaab ay ku noqotey filan waa, markii ay saaka ciidamadeeda udoolaalo tageen si ay uqabsadaan Buula-Barde oo ka mid ah degmooyinka gobalka, halkaasna ay ka soo laabteen markii ay dagaal culus kala kulmeen mucaaradyada dowladda ee ku sugan degmadaasi.

 

Taliye ciidan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa usheegay APL in ay arkayaan dhibaatooyin ba'an oo ay ku jiraan guul-daro dagaal oo soo shaac baxday, isagoo sheegay in hada dowladda Soomaaliya laga awood sareeyo, xili laga qabsaday deegaano badan oo ay maalmihii ugu dambeeyey ku dagaalamayeen dhinacyadan.

 

DF ayaa niyad jab xoog leh ku tahay qabsashada magaalada Baladweyne qeybo ka mid ah, waxa aya ku soo beegmayaan xili ay maanta magaalada Baladweyne soo galeen ciidamo ka tirsan dowladda Itoobiya oo dabcan ujeedadoodu tahay caawinta dowladda Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Beled weyn oo dib ugu laabatay xaaladii kala qeybsanaanta ee Bariga iyo Galbeedka

 

Magaalada Beled weyn ee Gobolka Hiiraan ayaa dib ugu noqotay xaaladii kala qeybsanaanta ee muddo ka hor ku jirta kadib inta aanay guud ahaan la wareegin Ciidamada Dowladda, waxaana saacado ka hor galbeedka Magaalada la wareegay Xoogaga Hubeysan.

 

Dagaal xoogan oo ka dhacay Galbeedka Magaalada ayaa keenay in Xoogaga Xarakada Alshabaab iyo Xisbul Islaam la wareegaan galbeedka, isla markaana Ciidamada Dowladda dib ugu noqdaan dhanka Bari ee magaalada.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid aan la fileyn uu ku bilowday kadib markii Xoogaga Hubeysan ka soo dagaal qaadeen Gobolka Bakool, kuwaasoo ahaa kuwo culeyska ka qafiifinayay duulaanka Buulo Burde ee Ciidamada Dowladda ku qaadeen.

 

Xoogaga Islaamiyiinta ayaa ku sugan Xaafada H/wadaag iyo Buunda weyn oo dhacda Galbeedka, halka Ciidamada Dowladda ay dhinaca kale ku sugan yihiin oo ah Bariga, waxaana magaalada tahay mid kala qeybsan.

 

Saraakiisha Dowladda ee ku sugan Beled weyn ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan is badalka ku yimid magaalada oo mar kale ay gacanta ugu gashay Xoogaga Islaamiyiinta dhanka Galbeed.

 

Ma jirto ilaa iyo hada wax dhaq dhaqaaq ah oo ka soconaya magaalada, waxaase dagaalada ka soo cusboonaaday Beled weyn ay noqon karaan mid niyad jebin karta duulaanka Dowladda KMG ku dooneyso inay kula wareegto Gobolada Koofureed.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmo ka tirsan Baladweyne oo la qabsadey

 

Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada ayaa goor dhaweyd dagaal waxyar socday ku qabsaday Xaafada Howl-wadaag ee galbeed magaalada B/weyne waxaana jiro wali Dagaalo goos goos ah.

 

Wadooyinka Magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa hada waxaa ka jirto cabsi xoogan iyadoo aan ruux sacdo iyo meel farun aanu jirin waxaana jira dhaawac faro badan oo dagaalkii saakay ka dhacay Degmada Buulo-burte kuwaasi oo gaaray ilaa 19 ruux.

 

Lawareegidan qeyb ka mid ah B/weyne ayaa waxaa la sheegay in ay **** socoto Dagaalkii saakay ka dhacay Degmada Buulo-burte waxaana ilaa hada si dhab ah loo ogeyn qasaaraha uu sababay Dagaalkan Baladweyne.

 

Dhanka kale Dagaalkii saakay ka dhacay Buulo-burte ayaa waxaa la sheegayaa in khasaaro xoogan oo labada dhinac ah uu jiro wallow ilaa hada aan la sheegin Dad rayid ah oo wax yeelo ka soo gaartay.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordhaa kala soco Wararkeena dambe hadii u Illaah Inoo saamaxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You would think they could easily move in these areas, we are not even talking about Marka, Barava, Baidoa or even Kismayu which are strong holds of the opposition. This is Beledweyne..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo maanta la wareegay gacan ku heynta xaafado ka mid ah Magaalada Baladweyne.

 

Posted: 8/20/2009 4:23:00 PM

Shabelle: BALADWEYNE

 

Ciidamada Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta waxaa ay la wareegeen Xaafadda Howlwadaag ee degmadaasi kadib markii ay halkaasi dagaalo goos goos ah kula galeen ciidamada dowladda.

 

Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xaafadda howlwadaag oo ka tirsan Magaaladaa ay maanta la wareegeen ciidamada xarakada Mujaahdiinta Al Shabaab kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.

 

Daalkaasi oo aan la ogeyn qasaaraha uu sababay ayaa waxaa uu yimid kadib markii ciidamada Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ay gudaha u galeen magaalada Baladweyne kuwaasi oo gacanta ku dhigay Xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

 

Dadka deegaanka ayaa cabsi ay soo foodsaartay taasoo ku aadan in halkaasi ay dagaalo kale dib ugu qarxaan waxaana xiran qaar ka mid ah howlihii ganacsiga ee halkaasi ka hiray.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Do you even know Beledweyne?

 

Howl Wadaag is one district of the many, certainly not 50% of the city.

 

 

First learn the city before you talk about its composition/structur e.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Poor clueless Meiji adeer, I dont care for your waffle lad, the fact is your clan militia have little startegy other than to turn the south & central regions into one big battlefield.

 

May Allah SWT spare the weak, the women and the children.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Dukey,

 

I do not care for what militia took what, but dont spread misinformation about Beledweyne.

 

One xaafad does not mean its 50% of the city, dont mistake Beledweyne for Qardho or Garowe.

 

Beledweyne consists of many districts and Hawl Wadaag is just one of it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meiji, dont attack me adeer go speak to Jowhar.com & Shabelle.net they are the ones reporting that Al Shabaab have taken 1/2 of the city.

 

Magaalada Beled weyn oo dib ugu laabatay xaaladii kala qeybsanaanta ee Bariga iyo Galbeedka

 

Magaalada Beled weyn ee Gobolka Hiiraan ayaa dib ugu noqotay xaaladii kala qeybsanaanta ee muddo ka hor ku jirta kadib inta aanay guud ahaan la wareegin Ciidamada Dowladda, waxaana saacado ka hor galbeedka Magaalada la wareegay Xoogaga Hubeysan.

 

Dagaal xoogan oo ka dhacay Galbeedka Magaalada ayaa keenay in Xoogaga Xarakada Alshabaab iyo Xisbul Islaam la wareegaan galbeedka, isla markaana Ciidamada Dowladda dib ugu noqdaan dhanka Bari ee magaalada

:rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Maybe this will explain just how they achieved it:

 

(20-08-2009)Kooxo hubeysan dhinaca bakool dagaal kaga soo qaaday degmada Beledweyne ayaa la wareegey galbeedka magaaladaasi, iyadoo ciidamadii dowladda ee ku sugnaa magaalada beledweyne ay isugu tageen dhinacyada kale ee magaalada.

 

Dagaalka ka qarxay B/weyn ayaa daba socda dagaalo xoogan oo saacado xiriir ah oo Ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakatu Al-Shabab ku dhex marayo Magaalada Buulo Burde.

 

Ilaa iyo hada war sugan ma jiro oo ku aadan dagaalka ka qarxay B/weyn oo sida wararku sheegayaan dhanka Galbeed ee magaalada ay la wareegeen kooxo hubeysan.

 

Warar muhiim ah oo ay hesho Dalkanews.com ayaa sheegaya in ciidamo ka yimid Bakool ay weerar ku qaadeen galbeedka magaalada, taasoo looga faa,iideysanayey duulaankii ay ciidamada dowladdu ku qaadeen Buulo Burde.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this