Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland regions celebrate 26 June

Recommended Posts

Xuska Maalinta qiimaha leh ee 26 june Oo ka dhacaday Garoowe Gaar ahaan xaruunta Madaxtooyada >>>>

 

abdirahmaan Mohamed koronto Garoowe) allidamaale-Pl@write me.com Jimco 26 Jun 2009

 

 

 

 

Garoowe-(Allidamaale ):- Maanta ayaa Magaalada garoowe ee caasimada dowlada Goboleedka Puntland Waxaa ka dhacay xuska Maalinta qiimaha leh ee 26 june iyado maalmihii u danbeyey Oo dhan.

xaflad balaadhan Oo loogu Tala galay Oo ka dhacaday Maanta xaruunta Madaxtooyada ee garoowe ayaa Waxaa ka Soo qayb galay Masuuliyiin aad u fara badan ku Wasoo Oo hormuud u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland xafalada Oo ahayd Mid heer Sarre loosoo agaasimay ayaa Waxaa lagu falnkhaynayey xuska iyo qiimaha ay leedhay Maalin taani Wayn.

 

xaflada ayaa Waxaa ka Soo qayb galay Maasuuliyiin aad u fara badan Oo isugu jira Wasiiro xilaabano qaarka mid ah Shacab Waynaha ku nool Garoowe iyo kuwo reer Puntland qaar ka mid ah.

 

Waxaa ka hadlay masuuliyiin aad u fara badan kana soo jeediyey khudbado kala duwan ugu horayn Waxaa halkaasi khubad dher ka soo jeediyey Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shirre Isagoo khudbada Madaxweyne ku aad u dheerayd Waxayna khusaysay arimaha 26 junne.

 

"Maanta Waa maalin Wayn Maanta Waa maalin ku Wayn Maskaxda Shacabka Somaliyeed ee Wax ka yaqaanay Maalinta Waxaana loo bahan yahay in aad ku dadashaan Sidii aad u xusi lahaydeen Sanadkasta looguna qaban lahaa xafladan Tan Oo kale ah Waxay ka mid ahayd hadalkii Madaxweyne ku xigeenka Puntland"

 

Sidoo kale Waxaa Ka hadlay Wasiir dowlaha Madaxtooyada maxamed faarax ciise Gaashaan Oo isaguna khudbad dheer halkaasi ka Soo jeediyey ka hadlay Sharaxaad badan ka bixiyey Taariikhdii Wadanka Somaliyeed hadalkiisu isug jiray kanftan iyo sharaxaad ayaa Waxa uu ku dheeraday hadalkiisi waxyaabo badan laga faa,idkaray Hadalka Wasiirka.

 

Isku Soo Wadda duub Oo Haatan Waxa laysu diyaarinayaa xafalda maalinta Wayn ee luuliyo iyadoo xafaldaas la filayo in ay ka dhacdo guud ahaanba Gobolda Puntland Sidoo kale xaflad tan oo kale ah ayaa Maanta Waxay ka dhacday Goolada kale ee Puntland Sidda Bosasso iyo galkacayo Waxana la filayaa in xafladaha kale ee 1 luuliyo la filayo in kuwo naacaan Oo kale ay ka dhici doonaan Gobolada Kala duwan ee Puntland diyaar garow geeduna ka Socdo halkaasi.

 

 

 

abdirahmaan Mohamed koronto

 

allidamaale.com-(xaf iiska-Somalia-Garoow e)

 

allidamaale-Pl@write me.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D Mars xaa u geynee u fogeyna. Meel Buurkaroole la yiraahdo la geynaa. Markii laba niiko loogu dhufto, dhac laga siiyo, usugaaba iska iloowaayo walaxaas wareerka ah dalkiisa kala goynaayo. :D

 

Hambalyo to all dalkooda iyo dadkooda jecel dhabta ka ah.

 

Mar kalena Eebba ha u wada naxariisto dadkii usoo halgamay xoriyadaan.

 

risomcal.gifrisomcal.gifrisomcal.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Happy independence day...

 

ilaahay somali ha mideeyo ....

 

salaam

 

p.s. The zack walaal inshalah O-gadenia wa lasoo xoreen doona..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saak is right. Some Soomaalis have accepted the 7-like qaarad. Thought I like how it looks markee seven u egtahay, laakiin it is wrong.

 

Darn dhulka ugu balaaran deganahay in Afrika, stillna waxba ma isku ogolin.

 

362660352bca7846bd0ff99b2f940eef_raw.jpg

 

Soomaaliweyn all the way. Then again, even if aan dhulkaas soo wada ceshan lahayn, dhibaatada iyo qaxarka Soomaaliyeed in the last 19 years ku jirno wey sii kordhi lahayd, I believe. Jaahil waxmagarato ah ayaa naga buuxee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

^somaliland, puntland, and the same arguments day in and day out walahi wa lagu wareerayaa..

 

Ilaahay somali ha mideeyo oo dhibaatadan haka saaro.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gobollada Puntland oo si weyn looga xusay 26 June

26 Jun 26, 2009 - 12:10:38 PM

 

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland ee Somalia Gen. Cabdisamad Cali Shire oo maanta [June 26] ka hadley xaflad lagu qabtey Xarunta Madaxtooyada DGPL ee Magaalada Garowe islamarkaana lagu maamuusayey Munaabadda 26ka Juun oo ah xilligii ay xornimda qaateen gobollada Waqooyi Galbeed ee Somalia oo ku beegan maanta oo kale ayaa sheegey in munaasabadan ay tahay mid qiimo weyn ugu fadhida guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isagoo ku tilmaamey taariikhiyan mid aan la ilaawi karin maadaama ay tahay markii ugu horreysey oo Calan Soomaaliyeed laga taago meel ka mid ah dhulka Somalia uuna ugu hambalyeynayo shacabka Soomaaliyeed goob kasta oo ay Dunida kaga suganyihiin.

 

 

Gen. C/samad Cali Shire - Madaxweyne xigeenka Puntland

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenkaka PL ayaa intaasi ku darey iney tahay wax laga xumaado waqti xaadirkan Dal iyo Dad Xornimadooda iyo midnimadooda si ay helaan usoo dagaallamey Qarniyo badan ka hor misina ku dhowaad konton sanadood waqti laga joogo qaadashada Madax bannaanidooda halgan dheerna soo wada galey ay iminka noqdaan kuwo aan meel qura kuwada heshiin karin islamarkaana ay colaad xoogan kala irdheysey.

 

Gen. Cabdisamad ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan soo celinta nabadda iyo xasilloonida si loo joojiyo colaaddda dhiiga boqolaalka kun ee Shacabka Soomaaliyeed uu ku daatey loona baahnayahay inta ka hartey shacabka in la samatabixiyo.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ka hadley xilli maalintan 26ka Juun Maamulka Waqooyi Galbeed oo la magacbaxay Somaaliland ay naqdiyeen iyagoo ku tilmaamey maalintan mid u horseedey dhibaatooyin burbur ayna ku qaldanaayeen la midoobiddii Koonfurta haataanna ay yihiin wadan gooni ah.

 

Waxuu kaloo sheegey in dhibaatooyinka ay u cuskadeen ka go'itaankooda Somalia ay tahay mid aan iyaga u gaar aheyn ee ay la qabaan Shacabka Soomaaliyeed oo idil uuna ka xunyahaya ama nasiib darro ay tahay in siyaasiyiin badan oo Soomaliyeed ay wali ku fakarayaan kala qeybinta Somalia iyagoo og buu yiri Soomaaliya aaney sinaba u kala go'i karin Caalamkana uu Somalia u yaqaanno hal wadan oo kaliya isagoo ugu baaqey maamulka Somaliland ee Somalia iney ka waantoobaan u gurbaan tumista kala qeybinta Somalia.

 

Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa sheegey in Puntland ay sadhig iyo astaan u tahay Baadi goobka, Midnimada iyo Xasilloonida Somalia middaasina ay caddeyn u tahay in Madaxweynaha DGPL Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole uu haatan ku suganyahay dalka Mareykanka islamarkaana isaga kaliya uu ka qeyb galay shirka looga hadlayo danaha Somalia iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka isagoo intaasi ku darey in Madaxweyne Faroole uusan u maqneyn kaliya danta Puntlnd ee geed dheer iyo mid gaabanba u uu fuulayo xakameynta colaadaha Somalia.

 

Guud ahaan gobollada hoos taga Maamulka Puntland ayaa maanta si weyn si weyn looga xusey munaasabadda 26ka Juun oo ku beegan calansaarkii Somalia 1960kii ka gadaal markii Gobollada Waqooyi Galbeed ee Somalia ay ka xoroobeen gumeysigii Ingriiska.

 

Shacabka ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa maanta iyagu waxa ay ahaayeen kuwo isugu hambalyenaya munaasabadda maalintan xilli albaabada ay isugu laabeen inta badan goobohoodii ganacsiga waxaana xarumo fara badan oo ay ugu horreyso Xarunta Madaxtooyada PL maanta lagu qabtey xaflado lagu weyneynayo qiimahaha maalintan oo ay ka soo qeyb galeen Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Aaliyah, abti insha'allah wey xoroobi e ee waxaa ka hadlayay the map lee.

 

MMA, Thanks for posting the real Somali map, kan seven-ka u eg waaba caato, markey Somalia diet-ka gashay buu matalayaa. The big one is the real one. Hopefully one day we will see Somaliweyn with no hatred in it.

 

Somalipride, Adeer screw the international community, adi ma internationalkaa kuu taliyo bal. Aduunka qofkii asaga wax isu ogalaado buu wax ogolaadaa, know that! And answer AfricaOwn's question.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this