Sign in to follow this  
Meiji

Suuqa Bakaaraha: explosions inside a Mosque

Recommended Posts

Meiji   

Qaraxyo geeystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta saraakiil ka tirsan Xarakada AL Shabaab lagula eegtay Masjid kuyaal Muqdisho.

 

Shabelle: MUQDISHO

Qaraxyo geeystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan ayaa maanta saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab waxaa lagula eegtay Masjid kuyaal gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Qaraxyadaani oo ahaa Miinooyin la dhigay gudaha Masjid kuyaala Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdule Shideeye ayaa waxaa ay qarxeen kadib salaadii duhur xiligaasi oo Masjidka uu ka istaagay Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf oo ka tirsan saraakiisha Xarakaada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

 

 

Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in Qaraxa koowaad uu dhacay Markii salaada laga baxay halka kii labaadna uu isna qarxay kadib markii dadkii ku sugnaa Masjidka ay isku dayeen in ay ka cararaan qaraxa koowaad taasoo keentay in halkaasi ay ku nafwaayaamn dad farabadan halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

 

 

 

Markii ay qaraxyadu dhaceen kadib ayaa waxaa goobta gaaray in ka badan 15 gaari oo nuuca Ambalaasta ah kuwaasi oo soo daabulayay dhaawaca dadkii qaraxyada ku waxyeeloobay halka meydadkiina in mudo ah ay ku xareesnaayeen gudaha Masjidka.

 

 

 

Dhimashada iyo dhaawaca ayaan tiradooda si rasmi ah loo heyn hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashado ay gaarayso ku dhawaad 40 ruux halka dhaawacuna uu intaasi ka badanyahay.

 

 

 

Masjidka uu qaraxu ka dhacay oo ahaa labo dabaq ayaa inta badan dadka waxyeeloobay waxaa ay u badanyihin kuwii ku sugnaa dabaqada hoose ee masjidka halkaasi oo ah goobta qaraxyadu ay ka dhaceen.

 

 

 

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Daqiiqado kadib markii qaraxyadaasi ay dhaceen wareysi gooni ah soonayay Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in qaraxii maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha uu ahaa waxyaabo ay horay uga digeen taasoo lagu waxyeeleynayo dadka muslimiinta ah, isagoo sheegay in shirkado shisheeye oo ay horay uga digeen maanta ay qaraxyadaasi ka dambeeyeen.

 

 

 

Goobta uu qaraxu ka dhacaya ayaa waxaa durbadiiba soo gaaray ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabab kuwaasi oo isku gadaamay agagaarka Masjidka ay qaraxyadu ka dhaceen.

 

Cali Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Gaadiidka Gurmadka deg deg ah oo Shabelle ay la xariirtay ayaa waxaa uu sheegay in aan la qiyaasi karin qasaaraha qaraxyadaasi ka dhashay hase ahaatee waxa uu carabka ku dhiftay in goobta lagu baaba'ay.

 

Dhaawacyada ku waxyeeloobay qaraxyadaasi ayaa waxaa la geeyay isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo dhaawacyadu ay buux dhaafiyeen waxaana adag in isbitaalo kala la geeyo dhaawacyada maadaama ay xirantahay wadadii isku xireysay Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

 

Faah faahin intaasi ka badan ka Filo Shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Apparently, mosques have lost their status since the religious pretenders are targetting each other inside and outside mosques during and after prayings. Even if Blackwater or any other foreign company is involved, some of the militiamen of the religious warlords must have implanted it since Suuqa Bakaaraha is fully controled by the religious warlords.

 

Illahay ah u naxaristo dadka ku dhintay qaraxaan maanta...save for the religious pretenders and their militiamen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this