Sign in to follow this  
Che -Guevara

Giving the Somali Minorities their fair Share

Recommended Posts

Golaha Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in beelaha Soomaalida ay yihiin shan beelood, isla markaana aysan jirin Beel Bar ah

 

 

Axad, August 20, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka oo gacanta ku haya magaalada Muqdisho iyo gobollo kale oo ka tirsan Koofurta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aanu jiri doonin nidaamka 4.5 (afar beelood iyo barka) ee horay loogu dhisay Dowladdii TNG-da ee Carta Jabuuti lagu dhisay sanadkii 2000 iyo Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee haatan jirta.

 

Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Warfaafinta ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu uga hadlay labo qodob oo kala ah difaaca dalka iyo diinta iyo joojinta xaalufinta lagu hayo dalka Soomaaliya.

 

Shiikh C/raxiin waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka dhibaatooyinkii Soomaalida ka dhex dhacay, hadana wuxuu sheegay in xalka arrintaas uu ku jiro Shareecada Islaamka oo wax kasta oo cadaalad ah laga heli karo 100%, “16 sano kadib umadda Soomaaliyeed waxaa u soo laabtay garaadkeedii iyo garashadeedii, waxaana loo baahan yahay in ay ka heshiiyaan dhibaatada dhexdooda ah isla markaana ay isku dhaqaan Kitaabka Qur’aankaâ€ayuu yiri Shiikh C/raxiin.

 

Shiikhu waxaa uu ka hadlay tacadiga ay dadka Soomaaliyeed isu geysteen, wuxuuna si kulul u weeraray qaabka loo kala sareysiiyo Umadda Soomaaliyeed oo xiligan loo qeybiyay afar beelood iyo Bar ( 4.5), “hala ogaado maanta wixii ka dambeeya Soomaalida waa siman tahay waana shan beelood, ma jiraan wax la yiraahdo 4.5, dadka la liidana waxaan u sheegayaa in maanta wixii ka dambeeya ay yihiin kuwo buuxa oo beelaha kale la mid ahâ€ayuu mar kale yiri Shiikh C/raxiin Cali Muudeey.

 

Dhinaca Arrimaha Federaalka oo dowladda hadda Soomaaliya u dhisan ay ku saleysan tahay ayuu ka hadlay, wuxuuna laalay in ay jiraan wax la yiraahdo Federaal, “Waxa loo yaqaano Federaal oo laga wado in la kala googooyo Umadda Soomaaliyeed wax ka jira ma laha, Umadda Soomaaliyeed waa Umad isku Diin ah, dhaqan ah, isku af ah oo dhibaato kasta oo dhexmarta geed hoostiis uga heshiisaâ€ayuu yiri Shiikha.

 

“Waxaan meesha ku jirin in 16 sano hadba wadan nala geeyo oo aanan arrimaheena ka tashan, waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa in arrimaheena naloo madax baneeyo oo aan annaga dhexdeena ka heshiino, welina aan Muqdisho ku heshiino, maadaama ay Muqdisho nabad tahay, isla markaana ay UN-ka iyo caalamka arkeen nabadda ka jirta Caasimadda Soomaaliyaâ€ayuu hadalkiisa ku sii daray.

 

Doorka IGAD ee arrimaha Soomaaliya ayuu Shiikhu ka hadlay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aan xiligan loo baahneyn ciidamo IGAD ka socda oo la geeyo Soomaaliya bacdamaa uu is-bedel ka dhacay.

 

“Waxaa wax laga murugooda ah in maanta Dowladihii IGAD oo aan ka mid nahay dowladihii aas aasay ay noqoto meel lagu kala qeyb qeybiyo Soomaaliya oo looga soo duulo, isla markaana naloo soo korkaco cadawgeena taariikhiga ah ee xabashida oo ay hoggaamineyso Tigree, taasi kama yeeleyno IGAD mana ogolaan doonno in ay dhacdo†ayuu si kulul u yiri Shiikh C/raxiin.

 

Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayuu Shiikh C/raxiin shirkiisa Jaraa’id ku weeraray, wuxuuna sheegay in Maxamed Cabdi Afey uu seddex jeer yimid Muqdisho, isla markaana uu arkay nabadda ka jirta Xamar, “Maxamed Cabdi Afey oo ah Kenya ninka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya maadama uu indhahiisa ku akay nabadda taala Soomaaliya,waxaan ka fileynay in uu yiraahdo Soomaaliya waa nabad, ciidan shisheeye oo ka dhaqan duwan, isla markaana keeni kara cudurro uma baahnaâ€ayuu yiri Shiikh C/raxiin Cali Muudey oo sidoo kale u faray danjire Afey in haddii uu runta sheegi waayay ay Maxkamadaha runta sheegayaan, isla markaana ay ku talinayaan in ay Dowladda Kenya tallaabo ka qaado, xilkana ka qaado sababtoo ah buu yiri uma qalantid.

 

Wuxuu amaanay Shiikha Dowladaha Jabuuti, Eretrea, Suudaan iyo Yugaandha oo uu doorkooda arrimaha Soomaaliya ku sheegay in uu yahya mid dhexdhexaad ah, kuwaasi oo ku taliyay in aan Soomaaliya ciidamo la geynin bacdamaa ay iyada is-xalineyso, “waxaa wax aad looga xumaado ah in Dowladaha Kenya iyo Itoobiya maaro looga la’ yahay in ay qabsadaan wadankeena xorta ah, waxaan leenahay ma qabsan kartiin, mana imaan kartaan, haddii aad wadankeena taako aad keentaan ciidamadiina waxaad ku talagashaan dagaalâ€ayuu si kulul u yiri Shiikh C/raxiin oo sheegay in dowladda Itoobiya ay Soomaaliya soo weerartay 1964kii, xiligaasoo Soomaalida ay xor ahayd kaliya afar sano, mar kalena wuxuu sheegay in ay soo weerartay 1977-kii, balse labada jeerba ay Soomaalida iska difaaceen.

 

Wuxuu ka hadlay xaalufinta lagu hayo dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in la baab’iyay kheyraadkii uu lahaa, iyadoo xaalufintaasna ay sabab u ahayd dowlad la’aantii ka jirtay Soomaaliya, “maxkamadaha Islaamka waxaa ay 19/08/2006 isku raaceen in la mamnuucay jarista dhirta, iyadoo qofkii lagu helana ay noqoneyso dembi, sidoo kalena wuxuu dembi ku tilmaamay in iyana la dhoofiyo ugaarta uu dalka Soomaaliya lahaan jiray, wuxuuna ugu baaqay dhamaan mas’uuliyiinta gobollada dalka in ay deegaanadooda ka dhaqangeliyaan go’aanka ka soo baxay maxkamadaha Islaamka ee mamnuucista xaalufinta Dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif on The Sh/Hoose Issue

 

Afgooye, 21-August-06 ( Qaadisiya.com) Guddoomiyaha golaha maxaakimta islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in aysan habooneyn dacaayadaha laga faafinayo maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo kaalin muuqata ka qaatay halgankii magaalada Muqdisho looga saaray qab qablayaashii dagaalka ee la magac baxay la dagaalanka argagixisada.

Sheekh Shariif oo maanta xariga ka jaray furitaanka 10ka buundo ee deegaanka Tisxiile

ayaa sheegay in maxaakimta islaamiga ay u taagan yihiin sixida qaladaadka jira, isagoo tilmaamay marka ay ka soo faraxashaan dhismaha maamulka gobolka Banaadir ay u soo jeesan doonaan gobollada kale ee dalka oo uu ku jiro gobolka Shabeellaha hoose.

 

"Walaalayaal waxaan rabaa in aan ka hadlo arrimaha gobolka Shabeellaha hoose iyo wararka ay buun buuniyaan warbaahinta ee la xiriira gobolkaasi, waa in la joojiyaa dacayaadaha laga faafinayo maamulkaasi oo gurmadkii ugu ballaarnaa bixiyay xiligii dagaalka lagu la jiray qab qablayaashii isbahaystay ma ahan in loogu abaalgudo dacaayad" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed guddoomiyaha golaha maxaakimta islaamiga Soomaaliyeed.

 

"Walaalayaal inaga ayaa diyaar u ah in aan saxno qaladaadka jira laakin waa in la joojiyaa wararka dacaayada ah ee laga fidinayo maamulka Shabeellaha hoose, maamulka qaladka ku jira waa la saxayaa, wariyayaasha waa in ay iska jiraan wararka dacaayada ah" ayuu sii raaciyay Sheekh Shariif.

 

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ka hadlay ciidamada la sheegayo IGAD in ay u soo direyso dalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in aysan qaadan doonin dagaalka IGAD ay u soo safrinayso dalka Sooamaliya, isagoo ku booriyay madaxweynaha Unganda Yaweri Moseveni in uu ka waantoobo ciidamadiisa in uu u soo diro dalka Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in ay difaaci doonaan diintooda iyo dalkooda haddii lagu soo duulo.

 

Engineero uu horkacayay Engineer Cumar Maxamud Maxmaed Aftooje ayaa door weyn ka ciyaaray dayactirka buundadaasi isku xirta deegaanada gobolka Shabeellaha hoose, waxaana iska kaashaday dayactirka buundadaasi gaadiidleyda iyo maamulka gobolkaaasi, ayadoo gaadiidkana ay bilaabeen isticmaalka buundadaasi oo ahmiyad gaar ah ugu fadhido gaadiidleyda isaga gooshta deegaanada gobolka Shabeellaha hoose iyo gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.

 

Munaasabadaasi waxaa sidoo kale ka hadlay Sheekh Yuusuf Indhacade masuulka dhinaca amniga u qaabilsan maxaakimta, Sheekh C/raxiim Cali Muudey masuulka dacwada iyo warfaafinta u qaabilsan maxaakimta, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) iyo masuuliyiin kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Originally posted by Xoogsade:

This is good. let us hope the courts expedite addressing and correcting past wrongs.

Did you mean present wrongs? smile.gif

 

Good man Shariif is as powerless as an ant nah'mean. The only option is for someone to kick Indhocadde's **** na'mean.

 

http://www.aminarts.com/pages/16-08-2006.htm

 

 

I missed talking to my old friends here. What is happening lately ma boyz. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

No, Mr. Mobb Deep, we don't know what u mean son, you feeling me? :D

 

Justice served I say. I could never get this .5 that the TFG has put forth, I think this 4.5 formula is absulatey rediculous and offensive to those applied as .5s, meaning that they are "minorities" or refered as "others". I found it amusing that some found it exceptable.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Eebbe baa qofka nasab ka dhigay, oo sharaf ugu hibeeye, qof ka qaadi karana ma jirto. No human person on this Earth 0.50 ayaa tahay la dhihi karo ma jiro. Wax aqliga galaayana ma'aha.

 

Justice served I say. I could never get this .5 that the TFG has put forth...

This formula 4.5 was originally formatted at shirkii Carte where there was a bit deadlock, and the rumour goes it was at first suggested by Ismaaciil Cumar Geele to ease the tension, which, unfortunately, was blindly followed by the delegates, including the few learned individuals at present.

 

Some others also say it came up in shirki Qaahiro at 1997, but was rebuffed, particularly by the few then powerful dagaal-oogiyaal iyo dhiigyocab.

 

Regardless who came up with this flawed logic, the idea is indeed beyond absurd.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Dhubad:

^^First time I have ever seen
Maskiin Macruuf
agreeing with Maxkamadaha.
:D

Adiga sheekadaada waxaa waaye miyaa, wixii xunba xaawaa leh mise koobkii dhacaba maxkamad ku sheega ayaa ka dambeeyo.

 

Loooooooooong before dadkaan wadaadada sheegto came on the political scene violently, I was firmly against this bogus 4.5 power sharing equation since it is unfair to certain unarmed, but not minority, clans. The combined population of these alloted half-percent people waaka badan yihiin any so-called major clan.

 

No sane Soomaali should label and advocate that his fellow citizen is half of him or her. It is ludicrous and bordering farce.

 

Officionally bowing to qabyaaladists and sanctioning clans as a part of the official axdiga isn't good, either.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^But atleast give Maxkamada credit for this since they are the first/only politcal group who said something about this problem.

 

Duqa, waxaa layiri Gaalka Dil Gartiisana Sii. Halmar lee halagaa maqalo "waxay suubiyeen waa arin fiican" .

 

I haven't seen you acknowledge all the good things they have done so far.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How some can give credit to these courts regarding the rights of the unarmed clans, I do not belive they are a minority but that they have less killers and bandits than the so called majority clans.

 

The clan courts are based on the armed clans. They support the likes of Inda Cade and Co who control large areas of these unarmed clans.

 

Thw 4.5 formula is bull. But it does not kill people nor does it take their lands.

 

The courts should end the occupation, arm these clans and let there be a census and majority rules, oops they are against democracy right....

 

If not the TFG should arm these clans and let them reclaim their villages and lands and all will be well.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ojelle   

^Why would the TFG arm any group? why don't they put to end the occupation? TFG ma magac yaalbaa? Goormay wax qabanaayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

You people like to waste time useless arguments. It really does not matter to me weather we adopt a 4.5, 10.2 or whatever but it seems to me that this is hardly the most important thing for people to worry about. Giving bantus and bajuns half of the cabinet and parliament does not equal them being half citizens but exaclty what it means, they half of what are assumed to be Majority clans. Might I remind you that before that formula, their share of government and parliament was no more than .2 percent at best. Tel we can conduct a census or be rational and pragmatic enough to accept equal divisions seats among different clans of Somalia, i don't see a need to attack the current formula. Furthermore, we all know too well that it easer to criticize then give constructive criticism so where are your alternatives?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

any so-called major clan.

 

No sane Soomaali should label and advocate that his fellow citizen is half of him or her. It is ludicrous and bordering farce.

 

Officionally bowing to qabyaaladists and sanctioning clans as a part of the official axdiga isn't good, either.

I agree, wixii aan ku dhisnayn sida cadaalada ah ee Allah dadka usimay waa dulmi iyo caqli xumo binu Adam. That is exactly why one should support the courts, because above the critism, they are closest to justice, fairness, and balanc between the people regardless of their tribe.

 

NN, you don't have to worry, because you clan is listed as major clan, and thus you wouldn't know what it's like to be refered as "minority" and given a half status. You just won't know it, unless you are offcourse the one given that low status.

Share this post


Link to post
Share on other sites

brother, you believe your advocating for justice but you are actually advocating for injustice. Just as it is wrong one person to argue his vote should be worth electorily more than another for whatever reason, is it not wrong for one to suggest his vote is worth a hundred of other voters because they come from another clan, which is what your suggesting? Miniroties must respect the well of the majority, whomever they be, otherwise there can be no democracy (I know some of you are crasy enough to argues against democracy but lets leave that alone for know). arguing for minority protection is different from minority majority equality.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I haven't seen you acknowledge all the good things they have done so far.

Hokey, if this makes you happy and sleep well: Maxkamadaha are wandharful, wandharful biibol and guruub. They are perfect, anything they touch turns gold and illuminates.

 

Haye masii wadaa? :D

 

Widaayoow, every major political group in Soomaaliya has its bad and good sides. Some its negative outweighs its positive contribution and vice verse.

 

These fake wadaado, who is godfathered by maafiya Indhamadoowe, [indhamadoowe's own words] came on the political scene violently, seeking power. Iyagaa is keenay barxada, they and their supporters should expect legitimate criticism and skepticism. Xoog ma jiro mahaan, kastee ariiroow?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this