Sign in to follow this  
Duufaan

More presure for Indhacade to give up power

Recommended Posts

Duufaan   

We are muslims and we welcome the court. We suffered a lot in past and present. we are asking the court to rescue us. We demanding the court to show up here. simply you cannot resist. It is first time people in Afgooye and Baraawe are demanding their muslim rights since the begining of the court revolution. People are arrested both Afgooye and Baraawe. will Indhacade Group give up his domination for the powerless? if this happen, this could be the most remarkable event after moqdisho liberation. Very intresting

 

Maamulka Degmada Afgooye oo maanta Xabsiga u taxaabay odayaal iyo Dhalinyaro sameynayey kulan ay ku taageerayaan maxaakiimta

 

Sida uu xaqiijieyey Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Afgooye C/laahi Xasan Cabdi waxaa maanta xabsiga loo taxaabay dhalinyaro iyo odayaal ka qeybqaadaneyey kulan ay ku soo dhaweynayaan maxaakiimta islaamka, si looga wareejiyo dhibaatooyinka ka taagan deegaanadooda.

 

C/laahi Xasan Cabdi waxa uu sheegay falkaasi lagu xeray Ragaasi in uu ka dambeeyey Gudoomiyaha Degmada Xuseen Weheliye Cirfo oo uu ku eedeeyey in uu yahay nin doonayo in uu si adoonsi ah ku sii heysto dadka Degmada Afgooye, waxa una ku cel celiyey in hada dadkaasi ay yihiin kuwo ka koray silicii ay ku noolaayeen waa sida uu hadalka u dhigaye isaga oo ugu baaqay Maxaakiimta in ay deg deg uga soo gaaraan.

 

Mas’uulkaasi waxa uu sheegay in ay 16-kii sano ee la soo dhaafay ay ka dhaceen falal ka baxsan Bani’aadanimada, isaga oo tilmaamay mar hadii kacdoon uu ka dhacay Muqdisho iyana ay doonayaan in Maxaakiimta ay ku soo dhaweeyeen si ayuu yiri looga baxo dhibaatada mudada dheer taagneyd.

 

Waxaan diyaar ula nahay Maxaakiimta in aan dhaqaale iyo dhiigba u hurna, ee hanaga soo gaarto sida ay dhibaatada uga dul qaadeen dadka Muqdisho ayuu yiri mas’uulkaasi, oo intaasi raaciyey in dadka ku dhaqan degmada Afgooye ay yihiin kuwo aad u jecel kitaabka alle.

Mar aan isku daynay in aan xiriir la sameyno gudoomiyaha Degmada Afgooye Xuseen Wehliye Xirfo ayey inoo suurto gali weyday in aan wax ka weydiino eedeymahan loo soo jeediyey, hase yeeshee waxaa muuqata in Gobalka Sh/Hoose uu ka bilowday kacdoon ay shacabka ku nool deegaanadaasi ay ku doonayaan in ay ku tuuraan Maamulada ka taliya deegaanadooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa riyoonee, saaxiib.

 

Indhamadoowe iyo xulafadiisa abdicating and leaving Shabeellaha Hoose is like Bushists abandoning Ciraaq peacefully. Dadkaas xoog ayee ku qabsadeen, xoog in loogu qaado ayee sugayaan, and that reckoning day will come, of course.

 

Tyrants, drug barons and bloodsuckers iyo wixii lamid ah only know one thing: Qori caaradiis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Arintan ayaa ah mid aad loogu farxo, runtii dadka ku nool Gobolka Shabeelada Hoose waxay xaq u leeyihiin inay helaan xuriyadooda isla markaana ay maamul ay ayagu leeyihiin samaystaan, oo ay ka baxaan maamulka Indha Cade.

 

 

Gobolka Shabeelaha Hoose oo maamulka Maxkamadaha Islaamka la hoos geynayo dhawaan:

 

Arbaco, August 16, 2006(HOL): Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay maxkamadaha Islaamka la waregeeen gacan ku heynta magaalada Muqdisho waxaa jiray guux ka soo baxayay dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho, guuxaasi oo ku aadanaa sababta ay Maxkamadaha Islaamka ula wareegi la' yihiin Gobolka Shabeelaha Hoose oo deris la ah Gobolka Banaadir oo ay maxkamadaha ka taliyaan bacdamaa ay la wareegeen gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Haddaba si guuxahaasi dadweynaha qabaan meesha looga saaro ayay Idaacadda Banaadir oo magaalada Muqdisho ka howlgasha waxay arrintaas wax ka weydiisay Xoghayaha Warfaafinta Golaha Maxkamadaha Islaamka ninka lagu magacaabo C/rixiin Cali Muudeey, wuxuuna sheegay in lagu guda jiro sidii maxkamadaha Islaamka ay ula wareegi lahaayeen Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

C/raxiin waxaa uu sheegay in dhawaan wafdi ka socda Maxkamadaha Islaamka loo diri doono Gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo maxkamad Islaami ah ka soo furi doona Magaalada Marka oo gobolka Xarun ah, isagoo intaas ku daray in maxkamadda halkaasi laga furi doono ay hoggaan u noqon doonaan dadka deegaanka.

 

Sida C/raxiin sheegay haddii ay wax u dhacaan, isla markaana gobolka Shabeelaha Hoose la hoos geeyo Maxkamadaha Islaamka waxaa meesha ka bixi doono su'aalo ay qabaan dadka Muqdisho qaarkood, kuwaasi oo is-weydiinaya sababta ay Maxkamadaha u aadayaan Mudug iyo Galgaduud iyagoo aan wax ka qaban Gobolka Shabeelaha Hoose oo degmadiisa Afgooye ay Muqdisho wax yar u jirto.

 

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa muddo sanado ah u soo talinayay, welina ka taliya maamul uu guddoomiye u yahay Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo Maxkamadaha Islaamka kala qeybqaatay dagaalkii ay Muqdisho kaga saareen Hoggaamiyayaashii ku bahoobay Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this