Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Faysal C Waraabe: Cadawga ugu weyn ee Somaliland waa Somalia

Recommended Posts

Cadawga ugu weyn ee Somaliland waa Somalia waana in la iska jiraa oo loo fiirsadaa

 

Hargeysa, (Qaran News)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in cadowga kowaad ee madax banaanida Somaliland ka soo horjeedaa ay yihiin Somaalid.

 

Waxa kale oo uu sheegay in dadka reer somaaliland ay yihiin dad hurda oo aan u soo jeedin ilaalinta nabadgalyada,islamarkaana dadka ajaanibka ah ayaynaan iska aaminin oo aynu si adag isaga baadhno markay madaarada iyo meelaha kale dalka ka soo galayaan.

 

Guddoomiyaha UCID, wuxuu sidaasi ka sheegay Mar uu maanta kormeer ku tagay Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International iyo cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

 

“ waxaa la leeyahay dadkii wax qarxiyay waxay ka soo dageen madaarka, waxaad ogaataan in cadowgeena koowaad uu yahay Soomaali, cadowgeenu ma aha Xabashi iyo Kukuuyo, balse kuwaas inoo eeg eeg horena diirka inooga saaray ee intay Guryaheena inaga saareen dadkeeniina isku xidh-xidhay , ayaynu iska ilownay waar sowkii shalay uun ina dilayay waa kii uun’e miyuu is bedelay.”Ayuu yidhi Guddomiyaha UCID.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay dadka Somaalida qaarkood laga dhaadhiciyay in Somaliland Gaallo tahay,waxaanu yidhi “Qaar baa marka quraanka la barayo ee ay Al-Xamdu marayaan lagu yidhaahdaa Somaliland waa Gaallo, waxaan leeyahay kooxahaasi u tagi maynee ilaahay qaar ka shar badan ha ku salido.”

 

Guddoomiyaha UCID wuxuu sidaasi ka sheegay Mar uu maanta kormeer ku tagay Madaarka caalamiga ah ee Cigaal International iyo cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

 

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo la hadlayay masuuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Madaarka Hargeysa, wuxuu yidhi “Madaarka waxaad u baahan tihiin meelo sida Tarajayga u samaysan lagu soo wareejiyo madaarka, waxaanad u baahan tihiin rag khabiiro ku ah ilaalada madaarada ogaadana in meelaha ay ku hamiyayaan ay ka mid yihiin Madaarada dalku.”

 

Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu hawl wadeenada Madaarada kula dardaarmay inay xil weyn iska saaraan sugida ammaanka dhabada diyaaradaha.

 

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu booqday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaasi oo soo eegay dadkii ku dhaawacmay sadexdii qarax ee is miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Arbacadii todobaadkii hore, waxaanu dadkii dhaawaca ahaa uu ilaahay uga baryay inuu shaafiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Qaar baa marka quraanka la barayo ee ay Al-Xamdu marayaan lagu yidhaahdaa Somaliland waa Gaallo, waxaan leeyahay kooxahaasi u tagi maynee ilaahay qaar ka shar badan ha ku salido.”

:D:D .... Wax waalan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Jacaylbaro...I feel sorry in haddii la go'aayo dad fiican baa dadka hoggaamiya ee in kanoo kale oo hangool meelaha la wareega uu Future President metelayo.

 

Ayaandarrada dadka Soomaaliyeed qaar badan oo ka mid ah siday Qabyaaladda u cabsan yihiin, meesha huuhaa laga gaaray diintii barashadeeda ayuu ku lifaaqay nacayb.

 

Asaga waxaa iiga yaab badan dadka cabsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

“ waxaa la leeyahay dadkii wax qarxiyay waxay ka soo dageen madaarka, waxaad ogaataan in cadowgeena koowaad uu yahay Soomaali, cadowgeenu ma aha Xabashi iyo Kukuuyo, balse kuwaas inoo eeg eeg horena diirka inooga saaray ee intay Guryaheena inaga saareen dadkeeniina isku xidh-xidhay , ayaynu iska ilownay waar sowkii shalay uun ina dilayay waa kii uun’e miyuu is bedelay.”

I think Qudhac will agree with this ,,, ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

waxaan leeyahay kooxahaasi u tagi maynee ilaahay qaar ka shar badan ha ku salido

Let the silly old dude make any idle threats he wishes or incite any kind of hatred, laakiin habaarka si habar tabar wayday uu tiriyay waa maxay! Habaarkiisa ilahay Somali dhinac haka mariyo - Subxaanalaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ oo adigo miyad ku jirtay kuwa Somaliland gaalo ku sheega? :D

 

 

Faysal saaxi maha ninyaho. He makes things interesting though.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

balse
kuwaas inoo eeg eeg
horena diirka inooga saaray ee intay Guryaheena inaga saareen dadkeeniina isku xidh-xidhay

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

NGONGE, No Saaxib, I can't call Muslims Gaalo or anything close to that, that doesn't mean Mr. Waraabe's allegation against the Somalis when teaching their kids Alhamdu, also teach them that the NW is gaalo exists. It's completely untrue, a form inciting hatred, this nothing more than a hate-compaign

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ I don't think he was talking about ALL Somalis. He was talking about a certain group. Adeer ma aniga hada af somaliga ku barya? :D

icon_razz.gif

 

 

Qaar baa marka quraanka la barayo ee ay Al-Xamdu marayaan lagu yidhaahdaa Somaliland waa Gaallo, waxaan leeyahay kooxahaasi u tagi maynee ilaahay qaar ka shar badan ha ku salido.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Ngonge lool, your explanation makes sense, he was talking about certain group, who are those certain groups that got lookalikes of Waraabe(read Dhurwaa) :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Which certain group ama small xaafad that teach NW Somalis waa gaalo bal noo sheeg Nuunow, halka cunug oo marka Alxamdu labaraayo loo sheego in NW ay gaalo yihiin bal wayo. War ninkaan dadka yuusan iska dirin, Ilaahay hala baqo, wuxuu abuurayaa waxaan jirin iyo progandihi yuuhuda oo kale si colaad uu dadka walalaah u dhax dhigo.

 

 

NGONGE, I am talking about the Certain group as well, not a certain or an inch or dim group that teach their kids such things....

 

However I find it ammusing that you fall for Mr. Waraable's line of 'Qaar' and believe it as if such thing is true, may be I should have predicted that...

 

ADEER Its nothing more than a HATE-COMPAIGN

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Heh@should have predicted that :D

 

I know and you know which group he's talking about. But if you wish to act dumb here and take offence where none were intended, dee waa yiilkada saaxib. Mr Waraabe is a nutcase and he normally offends everyone but, in this case, his target is clear and it's not who you believe it is.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xaaji Emperor, I am waiting for Ngonge to answer who are those Certain Groups, the man got insider information!

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Nice poem. :D

 

As for inside info, that's JB's job. I just speculate that he meant wadaada and not all Somalis in that example (in other examples he might have meant all non somalilanders but the faatixa bit was clearly about the shabaab eyo waxa la socda).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Didn't the pregnant dude Cadde accused SL for having ties with Al-Qaeda? Faysal has the right to say anything he wants to them...Simpleton huh?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this