Sign in to follow this  
General Duke

Buuhoodle: Locals chase out SNM militia [so much for Warrabe's threats]

Recommended Posts

Buuhoodle: Saraakiil Somaliland ah oo ay magaalada ka saareen Shacabka gobalka Cayn.

2. november 2009

 

Buuhoodle(AllPuntland)- Dadka shacabka ah ee magaalada Buuhoodle ayaa difaacay nin sheegay in ay koox uu ka mid yahay ay ka dambeeyeen qaraxii ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

 

Saraakiil ka socotay Somaliland maamulka la baxay ayaa isku dayay soo qabashada ninkaasi, oo xalay la hadlay qaar kamid ah Idaacadaha kuyaala Puntland, uu sheegay in ay masuuliyadaas ayagu ay leeyihiin, waxaana la xaqiijiyey in ay taasi suuragaliweyday.

 

Dhinacyada Somaliland ayaa lagala hor yimid rasaas iyo dagaal adag, waxaana Maleeshiyaadkii Somaliland laga saaray guud ahaan magaalada Buuhoodle oo ay isku dayeen in ay galeen.

 

Buraale Yuusuf Waris oo ahaa ninkii ay weerareen Maamulka la baxay Somaliland, waxaana aan suuragalin qabashada ninkaasi.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Puntland kuna sugan magaalada Buuhoodle wuxuu usheegay APL in ay ciidamo taageersan Puntland ay difaaceen, wuxuuna sheegay in hadii ay mar dambe isku dayaan ay talaabo ka qaadi doonaan ciidamadaasi.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iska-hor imaad dhaawac sababay oo Magaalada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Kooxo hubaysan

 

Isniin, 2 November 2009 (HOL)- Saddex qof oo laba ka mid ahi ay yihiin Dhalinyaro Arday ah ayaa dhaawacmay, ka dib markii maanta hawl-gal ay Ciidamada Somaliland ku doonayeen inay ku qabteen Nin sheegtay in uu ka dambeeyay Qaraxii shalay lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidamada Somaliland ay ka fuliyeen badhtamaha Magaalada Buuhoodle.

 

Ciidamada Somaliland ayaa maanta hawl-gal ay ku doonayeen in ay ku qabtaan Nin ka hadlay Idaacad laga dhegaystay gudaha Magaalada Buuhoodle oo sheegtay in uu ka dambeeyay Qaraxii shalay lagu dilay Taliyihii Qaybta 12aad ee Ciidamada Somaliland Marxuum Cismaan Yuuusuf Nuur, kaas oo keenay inay la kulmaan iska caabbin ay kala hor yimaaddeen Kooxo hubaysan oo difaacayay Ninkaas.

 

Ciidamada ayaa weerar ku qaaday Hotel uu Magaalada Buuhoodle ka degan yahay Ninkan Idaacadda ka hadlay, halkaas oo ay Rasaas isku waydaarsadeen Kooxaha hubaysan ee difaacayay Ninkan. Tanina waxay keentay in ay qaar ka mid ah Shacabku Mudaharaad kala hor yimaadaan Ciidamada Somaliland, isla markaana ay Dhagax-tuuraan ama shiidaan iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo Somaliland ka dhan ah.

 

Siday sheegayaan Wararka ka imanaya Magaalada Buuhoodle, Ciidamada Somaliland kumay guulaysan qabashada Ninkan oo wuu baxsaday, isla markaana waxay Ciidamadu dib ugu laabteen fadhiisimadooda.

 

Guddoomiyaha Buuhoodle ee Somaliland Cismaan Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada u tudheen oo ay ka daayeen Rasaasta Shacabka, maadaama ay dadweyne Dumar iyo carruur u badani isu soo baxeen. Wararku waxay intaa ku dareen in Dhalinyarada dhaawacantay la geeyay Cusbatallada oo lagu dawaynayo.

 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

defeated boy

 

dalbac and the soldiers that carried our this operation are both from buhoodle unless reer buhoodle are snm now.

 

loool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this