Sign in to follow this  
XOG-ogaal

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Wasiiro booqanaya Jiida Adhi Cadeeye

Recommended Posts

Sorry to my Buddies from Sland why the heck are u keeping these in the middle of nowhere. If you want a war(go mogdisho)

 

 

pictures ku%20xigeenka%20somaliland.htm

 

http://www.waagacusub.com/ku%20xigeenka%20somaliland.htm

 

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Wasiiro booqanaya Jiida Adhi Cadeeye

 

 

Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiidda Sool

 

Madaxweyne-kuxigeenka JSL Axmed Yuusuf Yaasiin oo lebbiisan direyska astaanta ciidammada qaranka iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa subaxnimadii Arbacada ee 25/4/07 waxay booqasho ku tageen fadhiga magaciisu yahay Biyo-guduud oo ah kan ugu weyn ee xilligan ay deggan yihiin ciidammada qaranka e ku sugan gobolka Sanaag, waxana booqashadan weftiga ku weheliyey maayorka degmada Ceerigaabo Md.Ismaaciil Xaaji Nuur iyo badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi hurre.

 

Haddaba fadhiisinkan Biyoguduud oo qiyaastii dhawr iyo Lixdan KM. jahada koonfur-bari kaga began magaalada Ceerigaabo ayna xilligan ku sugan yihiin ciidammo aad u tiro badan oo qalabaysan, isuguna jira kuwo horeba u joogey

 

Degaannada gobolka Sanaag iyo kuwo kale oo gurmad ahaan xilligan ku yimidba ayaa uguhorrayn waxa madaxweyne-kuxigeenka iyo weftigiisa soo dhoweyn iyo hadal kooban halkaas uga soo jeediyey taliyaha guud ee ciidammada qaranka JSl Nuux Ismaaciil (Taani), kaas oo gudd ahaan sharraxaad ka bixiyey degaanka Biyo-guduud iyo ciidammadan faraha badan ee goobtaas ku sugan intaba.

 

Madaxweyne-kuxigeenka JSL ayaa isaguna ciidammadan qaranka halkaas hadal ugasoo jeediyey isagoo dhinacyo badanna kala hadlay islamarkaasna kula dardaarmay in aan wx tacaddi iyo dhibaato kale toonna aanay u geysan bulshada reer Somaliland, sidoo kalena sheegay xadka bariga Somaliland in lasoo xidhayo, isagoo arrimhaas ka hadlayana madaxweyne-kuxigeenku wuxu yidhi "Innagu ma duulayno cidna denbi ka geli mayno, ilaa xabbad laynagu ridona innagu cidna ku ridi mayno, xadkana talo-wadaag ayaa lagu tegayaa, waxana xuduudkeenna la sameeyey 1884-kii, isirnimo iyo qarannimona in laysku khaldo ma aha". Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas kusii daray "Asbaabaha xuduudkeenna bariga Somaliland aynu usoo xidhaynona waxa ka mid ah jawaabta su’aasha inbadan oo adduunka ahi manta isweydiinayso oo ah haddii Somaliland la ictiraafo xuduudeheeda ma ku filan tahay, taas ayaynuna jawaabteeda muujinaynaa maanta".Iyo sidii aanay falal argagaxiso la inoogaga soo qaadin xagaasi sidii horeba,waana in aan sugnaa amniga dadkeena iyo dalkeena, wadana ma oglaanaayo in xuduuda uu dalkale la wadaago ay ahaato meel aanay sugnayn amnigeedu

 

Ugu danbayn madaxweyne-kuxigeenku wuxu yidhi "Waxan idinkula dardaarmayaa ciidan ahaan dadku waa in ay idiin arkaan walaalahood oo wax u taraya, laakiinse aanay idiin arag in aad tihiin kuwo dhibaato iyo xumaan u geysanaya,

 

Annaguna sidaas aannu tuutaha u xidhan nahay ayaannu idiin garab taagan nahay nabad iyo colaadba,, qof kasta oo askari ahina wixii uu xaq u leeyahay waa in uu helaa".

 

Xigasho dhinaca warka C/laahi Xuseen Darwiish

 

Qarannews

 

Ceerigaabo

 

Sawiro iyo Warbixin kale hoos ka sii daalaco

 

 

Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhageeysanaya khudbadda Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yusuf Yaasiin

 

 

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md, Axmed Yuusuf Yaasin ayaa Maanta ka la hadlay dadweynaha reer Sanaag oo si balaadhan isugu soo baxay fagaaraha beerta xoyiyada ee magaalada Ceergaabo.

 

Waxa uu Madaxweyne ku xigeenka u ugu horeynba u gudbiyey dadweynaha ku nool magaalada Ceergaabo salaan uu uga siday Madaxweynaha Somaliland Md, Daahir Rayaale Kaahin

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md, Axmed Yuusuf Yaasin oo ka hadlayey u jeedada socdaalkiisa uu ku tagay gobolka sanaag ayaa waxa uu sheegay inay kow ka tahay taabo gelinta horumarinta adeegyada bulshda “ u jeedada socdaalkayga waxa kow ka ahaa taabo-gelinta horumatinta Gobolka [sanaag] ee dhinaca horumarinta,adeegyadiisa iyo sugida xuduudaha iyo adkeynta nabadgelyada” ayuu yidhi

 

Md, Yaasin waxa uu ugu bushaareeyey dadweynaha ku nool Magaalada Ceergaabo inuu Caalamkii u soo jeedsaday inuu hoos u eego Jamhuuriyada Somaliland, lana ictifaaci doono sida ugu dhakhsaha badan “ Waxaan idinku bushaareynayaa [dadweynaha Sanaag] inay Somaliland Caalamku u soo jeedsaday oo la ictiraafayo.” Ayuu yidhi.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “Shuruuda kaliya ee Caalamku ku xidhay aqoonsiga Somaliland waxa weeyaan inay sugto xuduudaheeda oo aanu imika u socnaa [Weftiga]”

 

Waxa uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md, Axmed Yuusuf Yaasin iftiimiyey inay sugan yihiin xuduudihii ay Somaliland la wadaagto wadamo badan isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Xuduudihii ay Somaliland la lahayd wadamada Ethiopia, Jabuuti iyo dhinaca Baddu way sugan yihiin”.

 

Md, Yaasin waxa uu kaga sanqadhiyey inay xukuumada Somaliland go’aansatay inay ka shaqeyso daboolida duruufaha baahiyeed ee gobolada Bari “Waxay xukuumadda Somaliland go’aansatay inay ka shaqeyso daboolida duruufaha baahiyeed ee gobolada Bariga Somaliland, waxaan shacbiga reer Somaliland khaasatan kuwa reer Sanaagna waxaan ku adkeeynayaa inaad ka shaqeeysaan adkeynta nabadgelyada si loo rumeeyo qorshayaasha horumarineed ee Gobolka Sanaag ee ay xukuumadu u qoondeysay.” Ayuu yidhi

 

dadweynaha ku nool magaaladda Ceergaabo ayaa kadib hadalka Madaxweyne ku xigeenka kaga dareen celiyey sacab ay ku muujinayeen sida ay ugu taageersan yihiin hadalada Madaxweyne ku xigeenka.

 

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni,Wasiirka Duulista iyo hawada Cali Maxamed Waran-cadde, wasiiru dawlaha wasaarada macdanta iyo biyaha Xasan Macalin iyo wasiir ku xigeenka wasaarada Cadaalada Yuusuf Ciise [Talaabo], Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, CalI Cabdi Hurre, duqa degmada Ceergaabo Ismaaciil Xaaji Nuur waxaanay dhaamtoodba masuuliyiintaasi ka sheekeeyeen sooyaalkii taariikhayd Somaliland iyo sida gooni isku taaga iyo qaranimada Somaliland u tahay lama taabtaan.

 

Xigasho dhinaca Warka Weriye, Muistafe-janaale

Repoprter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa

E-mail, janaale94@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this