Sign in to follow this  
B_A_L_L_E_R_Z

S/LAND TROOPS ON THE MOVE

Recommended Posts

Ciidamada Somaliland ayaa Shalay lagu arkayey Degmadda Laasqoray.

Posted to the Web Apr 27, 11:36

 

 

Laasqoray:-Waraka ka imanaya Degmadda laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa sheegayey tan iyo shalay inay degmadaas ku sugnaayeen saraakiil iyo madax ka tirsan maamulka Somaliland. Mar

saakay Idaacada Midnimo khadka teleefoonka shirkadda Gollis kula xiriirtay nin lagu magacaabo shucayb oo xiliigaa ku sugnaa degmadda Laasqoray ayaa u xaqiijiyey inay shalay degmadaas soo gaareen Ciidamo ka tirsanaa maamulka isku magacaabay somaaliland iyo weilba madax la socotay.

 

Ciidamada Somaaliland ee soo gaaray shalay Degmadda Laasqoray ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 100 askari iyo Gawaarida Teknikada oo dhan 11 Gaari, waxaana ciidamadan u madax ahaa nin lagu magacaabay Col.Muuse Jaamac Delf. Magaalada laas qoray ayaa 130 KM dhinaca Galbeed ka xigta Magaaladda Dekeda ah ee Boosaaso.

 

Wararku waxay intaas ku darayaa in ciidamadda Somaliland ay fariisimo ka samaysteen labada meelood ee la kala yiraahdo Xamilka iyo Xarshowga ,.Ciidamadani intii ay joogeen Magaaladda Laasqoray lama aysan kulmin wax iska cabin ah oo kaga timaada Ciidamadda Puntland, Saakay 9:00 subaxnimo ayaa tiradii ugu dambaysay ee Ciidamadda Somaaliland ka baxeen Degmadaasi. iyagoo dhanka xeebta Galbeed sii maray.

 

Sababta ka bixitaankooda ayaa loo qaatay markii ay heleen warar sheegaya in magaaladda Boosaaso ay kaga soo baxeen cutubyo ka tirsan Booliiska Puntland .Todobaadkan Gudahiis ayey ahayd kolkii ay gacanta ku dhigeen ciidamadda Daraawiishta Puntland ee ku sugan Magalada Laascaanood ciidamo ka tirsanaa Maamulka Somaliland,dhacdadan shalay ka dhacday Degmada Laasqoray ayaa iyana loo malaynayaa inay dabasocoto iskuday maamulka Soomaliland ku doonayo dhulfidsi.

 

Ilaa iyo iminka ayaan maamulka Puntland wax war ah kasoo saarin xadgudubka ciidamadda Soomaliland ku soo galeen degaamadda Puntland.

 

Isha Warka.Radio Midnimo

Daabacaada:Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sababta ka bixitaankooda ayaa loo qaatay markii ay heleen warar sheegaya in magaaladda Boosaaso ay kaga soo baxeen cutubyo ka tirsan Booliiska Puntland .

Howl aad bilawday ceeb laguma sagootiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

ninka wata ciidamada waa nin u dhashey magaaladda LaasQorey.

 

---------

 

Talis ka tirsan Ciidanka Difaaca Jiidaha hore ee Somaliland oo kasoo ruqaansaday Xarunta Gobolka Sanag ee Ceerigaabo ayaa indho indhayn kusoo gaaray Magaalad Laasqoray. 27/04/2005

 

 

Laas-Qorey: Wararka aanu ka helayno Degmada Laasqoray ee Gobolka sanaag ayaa sheegaya inay halkaasi soo gaareen Mas uuliyiin sarsare ooka tirsan Maamulka Somaliland ee Gobolka Ceerigaabo , wefdigaasi oo uu hogaaminayey Gaashaanle Sare Muuuse Jaamac Dalaf Taliyaha Ciidanka Qaranka Somali land ee aaga Sanaag , oo xaalada Nabadegeliyo ee Degmada u kuur galaya.

 

Waxa jira warar sheegaya in la doonayo in Laasqoray laga hirgeliyo doorashooyinka wakiilada ee Somalilanad , oo ay u tahay indho indhayn iyo gogol xaar siyaasadeed oo Somaliland ku doonayso inay aagaasi maamulkeeda kusoo balaariso,iyo weliba suurto galnimada in Ciidamo lasoo dhigo halkaasi maadama ay tahay meel istaraatiijiyad siyaasadeed iyo mid Milateriba u leh Somaliland sida Laascaanood oo kale .

 

Shacbiga Reer Sanaag gaar ahaan kuwa reer lasqoray ayaa waxa la sheegayaa inay ku dhibaataysanyihin Maamulka Puntland , iyo faragilinta ay ku hayaan Maraakiibta jariifka ee Maamulka Cade Muuse , waxayna doonayaan wax dhibaatadan kasaara , maadaama ay jariifka kaluunka ee ay wadaan keeni karto dhibaato ku habsata Kaluunka oo laga waayey meelihii horey looga heli jiray .

 

waxaa la sheegayaa in Kaluumaysatada Muruq maalka ah ee laashashka yar yar iyo kuwa Warshada weyn ee Kaluunka Laasqoray ku dhibaataysan Yihiin xaalufinta lagu wado deegaankoodii ay ka kaluumaysan jireen .

 

waxaa la sheegayaa in Maamulka Puntland ay dhawaan Magaalada Bosaso usoo kaxaysteen Doonyo Kaluumaysi oo laga lahaa Deegaanka Laasqoray , waxaa kaloo la sheegayaa in la siidaayey markii ay Maamulka ka sii daayeen wax garad u dhashay deegamaadasi .

 

Somaliland waxad moodaa inay danaynayso waqtigan inay qiimayso rabitaanka shacbiga reer sanaag ee Mushkiladaha is daba jooga ah kala kulmaya Maamulka Puntland ee ku salaysan Sed bursiga ,dad kusoo duulka iyo u xaglinta had iyo jeer kooxo ay isbahaysiga talada hayaa ka donayaan inay ka hlaan taageero iyo garab istaag , si ay meesha uga saaraan kuwo kale .

 

Dad badan ayaa u riyaaqay imaatinkan Wafdigana oo isugu jira Mas'uuliyiin Heer gobol ah oo soo gaaray lasqoray , sida ay noo xaqiijinayaan ilo ku dhow dhow , waxa la sheegayaa in ay dadku si wayn u soo dhaweyeen Masuulkasi sare iyo wefdiga Maamulka Somaliland ee dhinca Amniga oo Soo gaaray halkaasi , waxana la sheegayaa in laga rajo qabo inay horey usoo gaaraan ilaa aagaga hore ee xuduudaha meelaha ay sheegato Somaliland ee Sanaag .

 

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

He is not there to terrorize the city but to enforce the security of the city, which has been disturbed by unknown militia from the other side of the region. Basically, he is free to move any where in the region without compromising the security of the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I'm sick of accusations going back and forth. If reer Lasqorey want independence from Puntland then so be it and if they believe that Somaliland is going to take them out of their 'misery' then join them.

 

I don't see the point in beating around the bush. People in Eastern Sanaag should make their voices heard and make it crystal clear about what they exactly want.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If he is free to move around then why bring in troops. Some would find troops provocative don't you think!

Who is the other side that is causing insecurity? Like i said before these people need to stop going around in circles and get to the point.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this