Sign in to follow this  
XOG-ogaal

They are going down one by one

Recommended Posts

Ku Xigeenka dhinaca Maaliyadda ee duqa magaalada Muqdisho, Xasan Qalaad oo lagu dhaawacay Muqdisho

 

 

Ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Nuur “Qalaad”, ayaa maanta lagu dhaawacay albaabka hore ee Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isku maan dhaafeen isaga iyo mid ka mid ah ilaalada Dekedda.

 

Qalaad ayaa waxaa la dhigay oo uu iminka jiifaa Isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, ayada oo Sarakiisha Caafimaadka ee Isbitalkaasina ay sheegeen in ay dhaawacyo ka gaareen lugta bidix, oo la sheegay inay labada kalba ka jabtay.

 

Dhaawaca Qalaad ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen ilaalada Qalaad iyo kuwa Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa la sheegay in Qalaad oo Dekedda kasii baxay uu mid ka mid ah ilaalada Dekedda uu xabad riday, kadibna uu soo laabtay Qalaad, islamarkaana isaga oo Askarigii la murmaya, islamarkaana qorayga kula dhegan, uu xabad soo riday mid ka mid ah ilaaladiisa, kadibna ay xabaddaasi haleeshay.

 

Xilliyadii ugu dambeeyay waxaa jiray weeraro lala beegsanayo Saraakiisha iyo Mas'uuliyiinta Dowladda KMG ah ee Somalia .

 

Ku xigeenka dhinaca Ammaanka iyo Siyaasadda ee Duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye ayaa horey waxaa loogu dhaawacay weerar ka dhacay Muqdisho, kaasi oo sidoo kale lagu dilay qaar ka mid ahaa xogheenadiisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this