Sign in to follow this  
The Zack

Sheekh Sharif To Sharif Hassan You should uphold the law, buddy!

Recommended Posts

Somalina   

lol@weligaaba gacanta taag

 

Xildhibaano beejiyay kulan ay doonayeen in maanta ku ansixinayeen R/wasaaraha.

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ilaa 245 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya oo shalay sheegay in maanta ay yeelanayaahn kulan ay ku ansixinayaan Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa kulankooda dib u dhigay markii uu warqado u soo diray gudoonka Barlamanka.

 

iyadoo maalintii shalay magaalada Muqdisho ay kulan ku yeesheen xildhibaano kor u dhaafaya 240 xildhibaan islamarkaana ay kulan kooda ku sheegeen in maanta oo Talaado ah ay u fadhiisanayaan fadhiga baarlaankaa si ay u ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa xildhibaano ka tirsan Barlamanka waxaa ay Shabelle u sheegeen in kulankaasi uu baaqday.

 

Xildhibandaan ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedadoodu ay tahay ogolaanshaha ama ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee uu dhawaan soo mgacaabay madaxweyne Sheekh Shariif Shekh Axmed islamaarkana ay ku ansixn doonaan qaab gacantaag ah.

 

Xilidhibaan ismaacill Abuukar oo ka mid ah mudanaayasha baarlamaanka ee ka hadlay kulkii shalay ayaa waxaa uu sheegay in maanta ay ku balansanaayeen ansixinta Ra’iisul wasaaraha balse uu dib u dhacay kulankooda, iyadoo qaar ka kale oo ka tirsan mudanayaasha Barlamaanka oo saakay ay la xariirtay Shabelle ay sheegeen in baaqashada kulankooda uu sabab u ahaa gudoomiyaha Barlamanka oo warqado soo gaarsiiyay xildhibaanadaasi.

 

Baaqashada kulanka Maanta la filyaya in Xarunta golaha shacabka ay ku qaataan 245-ta xildhibaan ayaa imaanaysa saacado yar kadib markii Maxkamada sare ee dowladda KMG Soomaaliya ay amar ku bixisay in cod gacan taag ah lagu ansixiyo Ra’iisul wasaaraha Cusub , xili gudoomiyaha Barlamanka uu xildhibaanada isugu yeeray in maalinta beri ah ay isugu yimaadaan xarunta golaha shacabka si ay u ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha.

 

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa Maalintii isniinta warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in Ra’iisul wasaaraha xildhibaanada Barlamanku ay ku ansixin doonaan codka qarsoodig ah, waxaana arintaasi ka soo horjeestay qaar ka mid ah mudanayaasha Barlamanka iyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^I am glad the court was able to resolve that unwanted argument between the ashraafta. Shariif xassan iska qayyil baa la yidhi :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Ninkan waa u ka sareeya waxaan meesha la joog-jooga oo dhan, gacan ayaa loo taagay, hadday maanta jiiro ku heleen maxay kugu taala berri ayuu jiiro kale ku sugayaa....checkmate! Wax ka raayey ilaa hadda Yeey ayaa jira oo banaanka ku soo gamay, Yeeyna wuu gaaaday ninka berrigaa.... jeebkisuna ma fiicnayn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

.

Kuwaan yay represent gareeyaan? labada Shariif ayagaa ka daran in my opinion. Maba ka qasna, kuwa ayaaba ciyaar ciyaar u maleeya buuqa oo qosqoslaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Markii loo baahdo bey shaqeysaa dee.

 

So how many justices does it have and who appoints them?

 

Walee kuwan ciddey u maqan yihiin Ilaah bey qabaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kulankii Mudanayaasha barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta mar kale baaqday.

Muqdisho: (Sh. M. Network) Kulankii barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta ay ku balansanaayeen Mudanayaasha barlamanka inay ku yeeshaan Xarunta golaha shacabka islamarkaana lagu doonayay in codka kalsoonida lagu siiyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowladda KMG Soomaaaliya ayaa dib u dhacay.

 

Iyadoo maanta oo Arbaca ah taariikhdana ay ku beegantahay 27/10/10 Xarunta gobolaha shacabka ee magaalada Muqdisho ay ku balansanaayeen Mudanayaasha baralamanka dowaldda KMG Soomaaliya oo lagu waday in lagu ansixiyo fadhigaas Ra’iisul Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) ayaa mar kale maanta dib u baaqday.

 

Xildhibaan Ibraahim Xasan Buule oo ka mid ah xog haynta barlamanka KMG Soomaaliya oo Idaacadda Shabelle wax ka waydiisay dib u dhaca ku yimid fadhigii baralamanka ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu u baaqday sababo uu ku sheegay dhinac farsamo, waxaana uu intaasi ku daray Xildhibaanku in aan la ogayn waqtiga dhabta ah uu qarsoomi doono kulankaasi.

 

Lama oga sababata dhabta ah ee ka dambeysa baaqasha kulanka has ahaatee waa fadhigii 3-aad ee todobaadkan gudihiisa uu baaqdo kaasi oo lagu doonaya in lagu ansixisyo islamarkaana codka kalsoonida lagu siiyo Ra’iisul wasaare cusub ee uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Dhawaan ayay aheeyd markii warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan lagu shaaciyay in maanta oo Arbaca ah uu dhici doono fadhigii lagu ansixinlahaa Ra’iisul wasaaraha cusub ee Max’ed C/laahi Max’ed, waxaana cadayn ilaa iyo hadda u jeedada gudoomiyaha barlamanka uu uga caga jiidayo ansixinta Ra’iisul wasaaraha, waxaana qilaaf arintaasi la xiriita uu wali ka dhextaaganyahay madaxda ugu sar sareeysa ee dowaldda KMG Soomaaliya iyo Mudanayaasha baralamanka.

 

Allah ha u gargaaro shacabka dhibaateysan oo aan la danaynin dhibaatada haysata.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Sakiin waqtigiisa ayaa la gaarey maxaa yeeley GAME OVER ayey sheekadiisu mareysaa wuxuu is qariyaba. Maanta dad badan ayaa indhahooda ku arkey wuxuu yahay oo aan horey u arkin ama u aaminin hadaladii laga sheegey, dhuudhuumashoowgiisii wuu dhamaadey me thinks. Dude needs to resign ASAP, waa haddii uu rabo inoo Xamar iyo agagaarkeeda u joogo peacefully that is.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Kulan ay xildhibaannada baarlamaanku codka ugu qaadi lahaayeen Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo baaqday

 

Arbaco, 27 October, 2010 (HOL) - Waxaa baaqday kulan ay maanta oo Arbaco ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen Muqdisho, kaasoo ay codka kalsoonida ugu qaadi lahaayeen ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), sida uu saxaafadda u sheegay xoghaye ka tirsan baarlamaanka.

 

"Kulanka, wuxuu u baaqday sababo dhinaca farsamada ah, maalmaha soo socda ayuuna qabsoomi doonaa," ayuu yiri xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle oo ka mid ah xoghayeyaasha baaramaanka Soomaaliya, oo ka hadlayay sababta uu kulanku u baaqday.

 

Weli, waxaa jira kala fikir duwanaasho ku saabsan qaabka codka loo qaadayo oo u dhexeya xildhibaannada baarlamaanka, iyadoo koox walba ay la xiriirinayso fikirka ay qabto dastuurka dalka u dagsan.

 

"Go'aanka Maxkamadda sare, ay ku gaartay in codka laga dhigo mid gacan-taag ah waa khaldan, waayo ma jiro qodob uu mugdi ku jiro, qodobka ah in qarsoodi laga dhigo codeynta waa mid ku cad xeer hoosaadka baarlamaanka, kaasoo dhigaya in 13-mudane haddii ay codsadaan in codka laga dhigo qarsoodi ka aqbalayo," ayay yiraahdeen xildhibaanno la safan afhayeenka Baarlamaanmka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho.

 

Inkastoo weli la dareemayo in lagu kala duwan yahay qaabka loo codeynayo, ayaa waxay noqonaysaa markii labaad oo uu baaqdo kulan loogu codeyn lahaa ra'iisul wasaare Farmaajo, inta lagu jiro todobaadkan, iyadoo maalintii Sabtida ahayd uu baaqday kulan lagu ballansanaa.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan oo kulan maalintii labaad shalay ku qaatay Madaxtooyada, ayaa la sheegay inay isku afgarteen in codka kalsooni siinta ra'iisul wasaaraha laga dhigo mid gacan taag ku dhaca.

 

Lama yaqaan, xilliga uu qabsoomayo kulanka baarlamaanka, waxaase warar hoose ay sheegayaan in loo baajiyay sidii la isku fahamsiin lahaa mudanayaasha kala aragti duwan oo koox walba ay ku adkeysanayso mooshinka ay wadato.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this