Sign in to follow this  
The Zack

Sheekh Sharif To Sharif Hassan You should uphold the law, buddy!

Recommended Posts

The Zack   

Asharaaafta..

labada-shariif.jpg

 

Sheekh Sharif has angrily asked Shariif Hassan, the speaker, to adhere the "Axdi Qarameed".

 

Labbadii Shariif ee mar ul iyo diirkeeda ahaa ayaa haatan isu xeeydxeeydanaya oo khilaafkoodu uu gaaray meel loo maaro la’yahay

 

Walloow khilaafkani jiritaankiisa uu horey usoo baxay hadal heyntiisa, ayaa laakiin maanta si shaac uu usoo banaanbaxay kadib markii madaxweynaha DKMG ah uu warsaxaafadeed madaxtooyada kasoo baxay uu ku weeraray gudoomiyaha baarlamaanka.

 

War saxaafadeedka oo loogu qiilsamaynayay qaabka sharci ahaan ay tahay in loo qaado codka kalsoonida ayuu Sheekh Shariif ku eedeeyey Shariif Xassan in uu si ula kac ah isu hortaagay codkii kalsoonida ee loo qaadi lahaa Ra’isulwasaaraha cusub.

 

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegey in axdigii lixdankii uu qabo in codka kalsoonida ee Ra’isulwasaaraha loo qaado qaab gacan taag oo aan qarsoodi ahayn, sidaasi darteed waxaa gudoomiyaha baarlamaanka lagula dardaarmay in uu farogalinta joojiyo oo uu xildhibaanada u ogolaado in ay meelmariyaan howlahooda sharciyeed.

 

War saxaafadeedkani wuxuu ahaa bam weyn oo ku dul qarxay dowladani aanan cagaha badan ku taagneyn, islamarkaasina sii naafeyay wax alaale wixii hormar yar ahaa ee jirey.

 

In codka kalsoonida loo diido Farmaajo waxa ay ka dhigantahay in Shariifka awoodiisii ay wiiqanto, islamarkaasina waxa xiga ay noqoto in isaga xitaa kursigiisa uu halis weyn ku jiro.

 

Hadii ay suurogasho waxa uu doonayo Shariif Xassan waxa uu noqonayaa siyaasiga ugu awooda badan ee dalka, warar haatan soo baxayana waxay sheegayaan in uu damac ka qabo xilka madaxweynenimada.

 

Labbadani nin waxay ahaayeen kuwii si wadajirka u maleegey shirqoolo farobadan oo ay ku xayuubsadeen awooda dalka, balse ugu dambeyntii iyaga ayaa isku dhacay, koodii ay guusha raacdo lama oga waxa ay uga dhigantahay iyo halka ay dhigi doonto qadiyada dowladnimo doonka Soomaaliya.

 

Kismaayood.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Shariif Hassan fights back, this time he even takes off his cap. :D

 

Iima-heysid.jpg

 

Shariif Xassan “ Fariin isku qabo Madaxweyne”

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sh. Aadan ayaa soo saaray war saxaafadeed jawaab u ah madaxweynaha DKMG ah , waxa uu Shariifka kale ku booriyey in uu faragalinta ka joojiyo howlaha baarlamaanka islamarkaasina aqoonsado waajibaadka iyo shaqada aqalka

 

Waxa uu ku adkeystey in codka kalsoonida lagu qaado qaab qarsoodi ah isagoo cuskanaya sida soo socota ”Gudoomiyaha isagoo cuskanaya qodobka 49 aad faqradiisa 1 aad ee axdiga Qaranka ee lala aqrinayo qodobka 40 aad faqradiisa 3 aad ee xeerhoosaadka Barlamanka oo dhigaya in in hadii codeynta gacanta taaga ah ay 13 xildhibaan ama ka badan dalbadaan in qarsoodi laga dhigo mudnaanta la siiyo codeynta qarsoodiga ah, hadaba codeynta kalsooni siinta wasiirka koowaad ma noqon karto gacan taag sida uu qabo qodobka 43 aad ee xeerhoosaadka Barlamanka” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Maalinta arbacada ayuu balamiyey xildhibaanada in ay kalfadhi isugu soo noqdaan si loo ansixiyo Ra’isulwasaaraha cusub.

 

Kama muuqan wax dabacsanaan ah hadalka Shariif Xasan, wuxuuna si kulul ula hadlay Madaxweynaha oo uu farta ku godey hogaankiisa.

 

Cidna meeysan filleyn in arrimuhu sedan faraha uga bixi doonaan marka laga hadlayo xiriirka u dhaxeeya labbadani nine e wadaayga ahaa muddo dheer. Shariifka waxa ay had iyo jeer isu raaci jireen safarada dibada, laakiin taasi ma dhicin dhawaan tan iyo intii Shariif Aadan uu noqdey gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaa lagu waramayaan in khilaafka ugu weyn uu ka dhashay safarkii Maraykanka ee Farmaajo lagu soo xushey.

 

Iyadoo ay hoos ka socdaan ololaynta labada dhinac, ayaa hadana dagaalka waxa uu yimid warbaahinta oo maalmahan soo socda la filayo in xaalada ay sii dhabaqdo

 

Kismaayood.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

In Summary...

 

The conflict between the two men seems to have started from a very minor things. Sheikh Sharif Sheikh says parliament members must cast their votes openly, while the speaker of parliament, Sharif Hassan Sheikh Aden, has said lawmakers will vote by secret ballot. Other sources indicate that Sharif Hassan wants to eventually kick out Sheekh Sharif from the presidency. And guess what? this time, he wants that post for himself.

 

Sharif Hassan for presidency LOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labadii Shariifka uultimo waa isku dhaceen.

 

Shariif Xasan Sh. Aaden in uu qash qashaada yareeyo waaye and give the new prime minister a chance.

 

And I don't understand why Shariif Sh. Axmed uu ugu dhaganyahay codka la qaadaayo ahaado mid la wada arkaayo and not a secret vote. Ma inta uu $$ kusoo taabtay uu rabaa arko qofka kasoo horjeestay? Maxee kalsooni la'aan u heysaa, ma Shariif Xasan ka $$ badan since I am sure asagana intoo kale ku taabtay.

 

Teeda haddee awal haddee horey ugu dhicin in ra'iisul wasaare cusub lasoo magacaabay baarlamaanka diido, wey dhici kartaa maanta. Taas sharciga kuma jirto in ra'iisul wasaare walba lasoo magacaabo baarlamaanka ogalaado in the end; otherwise any nominated prime minister would have a carte blanche from the parliament and going before it would be futile exercise, since what purpose would it accomplish than stamp his approval.

 

Also I thought when C/risaaq Xaaji Xuseen was nominated as a prime minister by Aaden Cadde in '64, the then parliament initially rejected him or hesitated to approve his prime ministership. (I am not too sure.) Wasn't there a famous political saying from Aaden Cadde, a saying that had the phrase 'habar kuuleey' included in it when his nominated prime minister was initially rejected?

 

I thought the whole purpose of going before the parliament was to seek the parliament's confidence vote, not just a pre-approved stamped mark.

Share this post


Link to post
Share on other sites

sheeq shariif wants the vote to be open because he wants to see who stole his money and didn't vote for his guy. Lacag aa la siiyey tuugada paarlamaanka, iyagana lacag eey ka qaateen shariif xasan, laakiin kuligood ma rabaan ninkaan. farmaajo dadka dhan weey arkeen wuxuu yahay iyo qabyaaladiis xun.

 

shariif xasan dirac waaye. waxoow aaminsanyahaybo nacaskaan sheeq shariif inoow isaga meesha keentay oo ceerin karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^^ and ^ :D:D

 

To be fair, Sharif Hassan baa saxsan markan sababtoo ah haddii qaar kamid Xilidhibaanada ay rabaan iney codkooda qarsaan, xaq bey u leeyihiin.

 

I don't believe that Sheekh Sharif paid $$ to get the parliament approve the PM's nomination. I mean, seriously, why would he do that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^because i think if shariif's guy is rejected twice, shariif will no longer be president i think according to constitution ku sheega. also shariif feels if he doesn't fight he will be seen as looser. yaan lagaa adkaan waaye. lacag waalan uu bixiyey dhoor habeen ka hor. saxiibadiis aa qeebinaayo doolar waalan.

 

meeshaan game oo culus eey ciyaarooyaan doofaarta xamar joogto. dan meey wadanka ka leeyiinbo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Is that so? Waali ahaa. Iney meesha qashiimiin ka buuxaan waan ogaa ee iney sidaan dulli u yihiin lama socon. Can u imagine a "wadaad" giving a bribe? Acuudi bilaahi. Not that I am saying Sheekh Sharif is a wadaad :D .

 

Kudos to Shariif Xassan lakin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

sheeq shariif wadaad ma aho zack. bismilaahiyoow.

 

shariif xasan wuu ka saxsan yahay sheeq shariif. khalad waaye handadadaa uu sheeq shariif wado. shariif xasan niman aa loo diray oo loo hanjabay. xamar waaye meesha aad joogto aa lagu dhahey ee is ilaahi. intuu qoslay uu dhahay, inaga dhanbo AMISOM aa na wada ilaaliso ee war kale me heesinoo? shabaab inaga dhan eey na raadinooyaan ee idinkana is jira.

 

shariif xasan nin oo baqo maaho. meeshaaneeyto waa la is jafooyaa. cid u soo hari doonto ILAAHEEY aa og.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

xamar waaye meesha aad joogto aa lagu dhahey ee is ilaahi. intuu qoslay uu dhahay, inaga dhanbo AMISOM aa na wada ilaaliso ee war kale me heesinoo?

:D:D:D

 

Wuu iska celiyay wallee, Xamar weeye meesha kulahaa.. Ma iyagaa kaga xoog badan meesha.

 

I think Sheekh Sharif's era is about to end. You don't mess with Sharif Hassan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariif Xasan waala buun buuniye ee wax weyn meesha kuma haayo, only his $$ u shaqeyso. The only thing he is good at is he is a good survivor. He is the most senior member that survived from the 2004 dowlad still holding a senior position. Wixii kale la tartami jiray hirar ayaa qaaday. True, he is a survivor, but in uu tiisa shaqsiyadeed ka hormariyo tan dalkeena waa qalad weyn, aad iyo aad u weyn. Kursigaas qof u qoray maleh, danta dadkeena in uu ugu adeego ugu soo fadhiistay, not mid caqabo ku noqoto ama dantiisa ku gaaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

MMA,

 

Intaad sheegtay haduu sameeyay oo kaligii kasoo hadhay qeyrkiisa maxaaba u hadhay. Odaygu waa raggeedii..

 

And markan isagaa ka saxsan Shariifka kale, codka banaanka keena kulahaa LOL oo farta hala taago. Can the so called the PMs have some privacy?

Share this post


Link to post
Share on other sites

macruuf, taas oo danta shaqsiyeed, ma la oran karoo kuligood waaye ? wax oo lilaahi ahbo adi maa arkey?

 

sheeq shariif handadaada inuu joojiyo waaye oo sharciga raaco. wuu khaldan yahayno. gacan taaga inaan arko aan rabaa waa "lacagteyda wixii cunay inaan arko lee rabaa".

 

runtaa fiican.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Weey kulmeen, ismana fahmin

asharaafta1.jpg

Waligaaba gacant taag sidii Mandela, anigaa kaaga dambeeya: Sharif Hassan mumbles.

 

 

Maanta kulan albaabada u xiran ayaa dhexmaray labada Shariif oo uu u dhaxeeyo muran ku saabsan Ra’isulwasaaraha cusub, hase yeeshee waxaa lasoo wariyey in ay isku fahmi waayeen.

 

Kullan kale ayay u balameen labbada nin oo mar xulufo u ahaa sidii ay u xayuubsan lahaayeen xukunka dalka.

 

Maalmihii ugu dambeeyey ayay labbada nin saxaafada isu marinayeen hadalo kulul oo midba midka kale uu ku weerarayo, iyadoo Shariif Xassan uu madaxweynaha xasuusiyey in uu faraha kala boxo howlaha baarlamaanka, halka Sheekh Shariif uu horey ugu yiri gudoomiyaha baarlamaanka in uu xildhibaanada u ogolaado in ay gutaan waajibkooda sharciga.

 

Muranka labbada waa mid meel xun dhigaya mustaqbalka DKMG ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this