Sign in to follow this  
General Duke

Dhahar Secessionist fire SNM Militia chief

Recommended Posts

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland oo xilka laga qaaday

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 15 April, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkiisii Gaashaandhigga, mudane Aadan Mire Waqaf.

 

Warsaxaafadeed uu galabta ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu ku sababeeyey xil-ka-qaadista Wasiirka, isaga oo sheegay in mudane Waqaf uu bixiyey Awaamiir khaldan oo jaahwareer abuura muddadii weftiga uu ka midka yahay ay joogeen degmada Dhahar.

 

Warsaxaafadeedku waxa uu intaa ku daray in Madaxweyne Riyaale xidhiidhka dhinaca isgaadhsiinta u jaray Wasiirka, isla markaana Madaxweynuhu la wareegey hoggaaminta ciidanka, maadaama uu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada.

 

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Aadan Mire Waqaf waxa uu ka mid yahay Wefti dhawr iyo Toban Wasiir ah oo galabta soo gaadhey magaalada Ceerigaabo, kadib markii ay ka soo baxeen degmada Dhahar oo uu shalay dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

 

Warsaxaafadeedka xil-ka-qaadista oo faahfaahsan iyo warar kale oo ku saabsan go'aamo la filayo in xukuumaddu ka qaadato xaaladda Bariga Sanaag, kala soco halkan, Somaliland.org.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhahar oo Degan iyo Puntland oo sheegtey in ay Maxaabiis Gacanta ku heyso

Last Updated::2007-04-15 13:57:54

 

Dhahar:-Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay maalintii shalay Dagaal uu ku dhexmarey

Ciidamada DG Puntland iyo Ciidamo ka socda MG Waqooyi Galbeed ee Somaliland ayaa Maanta Xaaladeedu ay Daganeyd.

 

Ma’aysan jirin wax Dagaalo ah oo saaka ka dhacay sidoo kale Nawaaxiga Magaalada Hase yeeshee sida ay sheegayaan dadka Deegaanka waxaa jirta in Ciidamo ka socda Deeganada Waqooyi galbeed ay isaga Baxeen Deegaanadi ay horey u joogeen.

 

DG Puntland aya shaaca waxaa ay ka qaadey maanta in ay Gacanta ku hayaan Maxaabiis ay maalintii shaley Dagaalkii dhacay ay Gacanta ku dhigeen, waxaana ay sheegeen Maamul Goboleedka Puntland in Maxaabiistaan ay Caafimaad Qabaan wax dhibaato ahna aysan haysan.

 

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland C/raxmaan Maxamed Bangax ayaa Saxaafada u sheegey in Ciidamada Puntland ay gacanta ku hayaan Guud ahaan awooda Degmada dhahar.

 

Waxaana Maanta ku baxey Deegaanka Dhahar Saxafiyiin ka kala socotey Warbaahinta ka hawl Gahsa Puntland si ay indhahooda ugu soo arkaan waxaa ka dhacay maalintii shalay Goobta Dagaalka, iyo Maxaabiista ay sheegeen DG Puntland in ay Gacanta ku dhigeen.

 

Xiriiro kala Gedisan oo aan la sameeyey Degmada Dhahar ayaan cadeyn in ay jiraan Dad rayid ah oo Dagaalkii shalay wax ku noqotey sida ay shaaciyeen Saxaafada, hase yeeshee waxa la qirey in ay Jiraan Nabarro xoogan oo ku dhacay Ciidamada MG Waqooyi Galbeed kuwaas oo weerar ku soo qaadey Degmada Dhahar, inkasta oo aysan jirin warar dhex dhexaad oo arintaas si dhex dhexaad ah oga warbxinaya.

 

Si kasta oo ay ahaato lama garanayo Talaabada Xigta ee Maamul Goboleedka Puntland uu ka qaadayo Xiisadaha Ka taagan Deegaanka Gobolka Sanaag ka dib markii ay si buuxda awooda Degmada dhahar ay ula wareegeen.

 

Mohamed Ali (Dalmar)

Horseednt News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Puntland oo la wareegay Degmada Dhahar iyo Khasaarihii dagaalka

Last Updated::2007-04-15 13:42:46

 

Dhahar:- Degmada Dhahar ee gobalka Sanaag oo ay shalay dagaalo ku dhexmareen Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Maamulka Somaliland ayaa saaka degen.

 

Ciidamada Puntland ayaa saaka oo Axad ah gudaha u galay magaalada Dhahar isla markaana la wareegay nawaaxiga goobihii shalay ay dagaaladu ka dhaceen ee Bariga iyo Galbeedka magaalada Dhahar.

 

Waxaa soo baxaya warbixino horleh oo la xariira khasaarihii Dagaalkii shalay ayadoo la sheegay in sadex qof oo shacab ah ay dhaawacyo kasoo gaareen rasaastii ka dhacday duleedka magaalada.

 

Magaalada Dhahar ayaa ahayd shalay goob dagaal ayadoo Bariga iyo Galbeedka Dhahar ay food isku dareen ciidamo kakala socda Puntland iyo Soomaaliland.

 

Saaka oo Axad ayaa markale waxaa hawada dib ugu soo noqday Telefonkii degmada oo shalay la jaray xiligii ay dagaalada Socdeen.

 

Wararka aanu kasoo xiganeyno dadka deegaanka ku dhaqan ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkeen in ka badan 12 meyd ah oo kamid ah askartii shalay ka dagaalamay degmada ee ka socday dhinaca Somaliland.

 

Askartaasi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalkii ugu horeeyey ee shalay ka dhacay Dhahar kadib markii ay weerar kadis ah kusoo qaadeen ciidamada Puntland.

 

Degmada Dhahar ayey isaga baxeen koox wasiiro ah oo ka socday Somaliland oo ayagu degmada tagay taasina ay keentay dagaalka hada dhacay.

 

Dhinaca Puntland ayaa la xaqiijiyey in ay ka dhinteen labo askari ayadoo ay ku dhaawacmeen sadex kale.

 

Ciidamada Puntland oo xalay seexday hareeraha degmada Dhahar ayaa saaka arooryadii soo galay gudaha Degmada ayadoo ay la socdaan qaar kamid ah Maamulkii degmada Dhahar oo uu ugu horeeyo guddoomiyihii degmada Saladad Xasan Shire.

 

Xassan Ciise

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda Puntland iyo Ciidamada oo ku sugan Degmada Dhahar News/Articles

 

Dhahar:-Waxaa hada Degmada Dhahar ku sugan madaxda maamulka Puntland waxaana ka mid ah wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, Cali Cabdi Awaare, wasiirka caafimaadka Puntland, Dr Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne, wasiirka kalluumaysiga, dekedaha iyo khayraadka Badda Siciid Maxamed Raage iyo wasiiru dawlaha madaxtooyada Cali Jaamac Faarax (Cali Buureed) iyo labada sarkaal ee ugu sar-sarreeya ciidamada daraawiishta iyo booliiska Puntland.

 

Mas'uuliyiinta Puntland ee ku sugan magaalada Dhahar iyo ciidamada daraawiishta ee ku sugan nawaaxiga iyo gudaha magaalada Dhahar ayaa soo afjareysa Dagaalkii Qawanaa ee ay soo qaadeen Beelaha *****.

 

Ciidamada Daraawiishta ayaa waxay hada ku sugan yihiin guud ahaan gobolka Sanaag waxayna ilaa xalay soo qabteen kuwa ka tirsanaa Jabhadii SNM ta oo carar ahaa kuwaas oo qeybtood la qabtay iyaga oo lugayna oo aan garanayn meel ay u socdaan.

 

Ilaa saaka waxaa meelo badan oo gobolka ka mid ah lagu qabqabtay kuwa ka tirsan Jabhadii SNM oo shalay lagu jebiyey Degmada Dhahar ka dib markii Ciidamada daraawiishta ay soo weerareen.

 

 

Bahda allsanaag.com

 

 

Dhahar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DHAHAR : Wasiirudawlaha Madaxtooyada Puntland "Waa ay carareen Ciidankii S/land kamana aan harayno ilaa Ceerigaabo"

Posted to the Web Apr 15, 15:53

 

Dhahar:-Wasiirudawlaha Madaxtooyada Puntland Cali Jaamac Faarax (Cali-buureed) oo Puntlandpost uu maanta talleefonka kula xiriiray isagoo jooga magaalada Dhahar ayuu sheegay in Ciidankii S/land la jabiyay islamarkaasna ay sii marayaan meel 30Km u jirta magaalada Ceerigaabo.

 

Calib-buureed , wuxuu kaloo sheegay in ciidanka S/land laga dilay ilaa 10 qof , dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ahna ay gubeen , maxaabiis gaaraysa ilaa 5 ay qabteen , kuwo kalan ay reer miyigu hayaan iyakoo firxad ah.

 

Wasiirku wuxuu ii sheegay in aysan mar dambe aysan suurtagalayn in Ciidamada S/land ay ku soo xadgubaan Puntlad , iminkana aysan ka harayn ilaa iyo Ceergaabo.

 

Magaalada dhahar ayaa iminka si buuxda waxaa u maamulaya maamulka Puntland waxaana halkaasi ku sugan iminka masuuliyiin badan oo ka tirsan Puntland oo u badan Wasiiro iyo taliyaal-ciidan.

 

Waa markii ugu horaysay ay si buuxda dagaal wada jira uu maamulka puntland iyo dadka deegaanka Dhahar ay uga soo horjeestaan maamulka isku magacaabay Somaliland. dagaalkan ayaa ahaa mid si guud looga wada-qayb galay si xuna loogu jebiyey ciidamada Somaliland oo dagaalkii Shalay lagu jebiyey, kaddib markii hujuun labaad ay soo qaadeen ayna Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ay 3 goobood ka soo wareerareem maleeshiyooyinka ka yimi dhanka Somaliland.

 

Axmed C/salaam

Garoowe , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo si kulul uga hadashey dagaaladii ka dhacay Gobolka Sanaag

 

Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta war cad ka soo saartey dagaaladii shaley ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, kuwaasi oo dhexmarey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

 

War murtiyeed ka soo baxdey Madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa waxaa saxaafada u aqriyey Agaasimaha madaxtooyada DGPL Eng.Caydaruus Cismaan Yuusuf, wuxuu sheegay in in mudo ah uu maamulka Gobolada Waqooyi ee Haregysa uu waday abaabul dagaal si uu weerar gardarao ah ugu soo qaado deegaanada Puntland.

 

Caydaruus Cismaan Yuusuf wuxuu sheegay in maalinimadii ay ciidamada maamulka Gobolada Waqooyi Galbeed oo wata gaadiid dagaal ay ku soo weerareen degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ka mid ah deegaanada Puntland.

 

Agaasimaha Madaxtooyada DGPL wuxuu sheegay in ciidamada Dawlad Goboleedka Puntland oo kaashanaya dadweynaha deegaanka ay ka hortageen isla markaana jilibka u aaseen ciidamadii ka soo duuley magaalada Hargeysa, kuwaasi oo uu sheegay in loo geystey jab iyo dharbaaxo aad u culus.

 

gaasimuhu wuxuu sheegay in ciidamadii soo duuley loo geystey khasaare naf iyo maal leh, isagoo sheegay in ciidamadii soo duuley ee laga eryay degmada Dhahar ay baxsadeen isla markaana weerar kale loogu geystey deegaanka Xingalool oo ay ku sugnaayeen ciidamo kale oo ka tirsan ciidamada DGPL.

 

Afhayeenka Madaxtooyada DGPL wuxuu intaasi ku darey in haatan deegaanada Dhahar iyo Xingalool ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan golaha wakiilada Puntland iyo golaha xukuumada kuwaasi oo uu sheegay inay halkaasi la gudanayaan waajibaadkoodii dawladeed.

 

Caydaruus Cismaan Yuusuf wuxuu iswaydiiyey waxa dhaliyey in ciidamada Maamulka Somaliland ay soo qaadaan weerar uu ku tilmaamey inay ogaayeen inay ku hungoobayaan, waxaana mar uu sharaxayey sababaha keenay in Somaliland duulaan ku soo qaado gobolka Sanaag ay tahay iyadoo halkaasi dhawaan maamulka Puntland uu ka dhisey golayaashii deegaanada.

 

Isagoo wali sii sharaxaya sababaha dagaalka keenay ayuu Caydaruus Cismaan Yuusuf wuxuu sheegay in iyadoo ay jiraan kooxo iyo dawlado la diriraya qaranimada ummada Soomaaliyeed, si weynna ugu hawlan carqaladeynta DFKMG ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo istusay in Puntland khalkhal la galiyo si looga hortago In Dawlada Federaalka ay tabar gal noqoto.

 

Agaasimaha Madaxtooyada DGPL oo sii faahfaahinaya ujeedada dagaalada Somaliland ka dambeysay ayuu sheegay in maamulka Hargeysa uu hay’adaha caalamiga ah iyo warfidiyeeno shisheeye ah marin habaabiyo si uu ugu tuso goboladaasi inay ka tirsan yihiin maamulka magaalada Hargeysa.

 

Caydaruus Cismaan Yuusuf wuxuu ugu dambeyntii sheegay in maamulayaasha gobolada waqooyi ay dagaalada ka wadaan sidii ay u marin habaabin lahaayeen oo ay dadkooda uga jahwareerin lahaayeen siyaasadaha aan mari dhalka aheyn ee maamulka Haregysa.

 

Agaasimaha madatxooyada DGPL wuxuu sheegay in Puntland ay tahay deegaan nabadeed, isla markaana siyaaseedu ay ku qotonto Nabad, midnimo, Horumar iyo Soomaaliya oo mar kale meeqaam iyo sharaf ku yeelata madasha dawladaha aduunka, waxaana uu carabka ku adkeeyey in maamulka Hargeysa ay xasuusinayaan in dantu ay ku jirto nabada iyo darisnimada oo la xurmeeyo, waxaa la xusuusinayaa in midnimada Puntland dal iyo dad ay tahay mid aan la hawaysan Karin oo aan gorgortan iyo hadal la gali Karin.

 

Shacabka Puntland ayuu sheegay Caydaruus Cismaam inay gacanna kaga shaqeynayaan nabada iyo horumarka, halka gacanta kalena uu ku difaacayo deegaanada Puntland iyo Soomaaliya.

 

Jaamac Yuusuf Dabaraani

 

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo kusii Jeeda Ceerigaabo

 

April15. 2007 Radiofreesomalia.com

 

Warar aanu ka helnay degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxa ay tibaaxayaan in Ciidamada maamulka hargeisa ayaa guul darro aad u lixaad leh ka soo gaadhay dagaalka ay isku dayayeen inay ku qabsadaan deegaamo katirsan puntland

 

Wararka halkaas naga soo gaadhaya ayaa waxa ay sheegayaan in dhulka Sanaaga ah ee ku yaala dhulka fog ee ay ka midka yihiin Carmaale, Biyo guduud iyo kuwo kale oo ceerigaabo 35 km u jira ay hada si buuxda gacanta ugu hayaan cidmada Puntland.

 

Dagaalkii dhacay ayaa waxaa lagu waramayaa in ay ku gacansareeyaan Ciidamda Puntland, iyadoo ciidanka somaliland ay cagaha wax ka soo dayeen ka dib markii ay dagaal culus la galeen Ciidamada Puntland oo iyagu tan iyo markii ay ka baxeen Dhaharba ku sugnaa aagaas.

 

Dhinaca kale waxaan si dhab ah loo ogaan Karin khasaaraha rasmiga ah ee uu gaystay dagaalkaas.

 

warar hada nagasoo gaadhay waxay sheegayaan in ciidamo xoogan iyo wafuud aad u farabadan ay kasoo baxeen magaalada xeebta ahe ee boosaaso kuwaas oo wada gurmad iyo saanad ciidan waxayna haatan kusoo jeedaan deegaanka dhahar

 

Radiofreesomalia Kala Soco Wixii Soo Kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamda Somaliland Oo Si Xun Loogu Jabiyay Dagaalkii Dhahar

 

April15. 2007 Radiofreesomalia.com

 

Iyadoo intii muddo ah ay adkayd in la helo wararka saxda ah ee ku saabsan dagaaladii laysla galay ayaa waxaa hada soo baxaya warar ilo kala duwan aan ka helayno oo labada maamul ee somaliland iyo puntland ah, .............................

 

Warkan oo xaqiijinaya in ciidamadii somalilandta ahaa lagu soo jabiyey dhammaanba dagaaladii ay la galeen Ciidamda daraawiishta Puntland Dagaalyahanada Ciidamda daraawiishta Puntland ayaa ilo madax banaan xaqiijinayaan in ay si aad ah u jabiyeen ciidamadii Somaliland ee dulaanka ahaa, taasoo keentay inay haatan kala yaacaan .

 

sida uu sheegay wasiirka warfaafinta puntland waxaa laga dilay somaliland 5 askari iyadoo 2gaadhina laga gubay halka qaar kalena laga qabsaday waxaa intaas usii dheeraa in maleeshiyaadna maxaabiis ahaan looga haysto.

 

Dhimashada dadka rayadka ah ayaa la sheegayaa in ay kor u dhaaftay 3 ruux oo qaar kood ay yihiin caruur ka dib markii ay madaa fiicda goobta ee maamulka labaxay somaliland burbriyeen tuulooyin iyo meelo xoolo daaqeen ah oo kala gadisan dhamaan toodna ka tirsan deegaanka dhahar

 

Ciidamada somaliland ee dulaanka ah ayaa laga soo sheegayaa falal iyo dhaqamo xun xun oo gunnima ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhac isugu jira bililiqaysi iyo boob, iyagoon dhaafaynin xataa gogosha lagu seexdo iyo weelasha wax lagu cuno, sidoo kale kufsi ayaa lasoo sheegayaa, jir dilka iyo handadaada ayaa noqday qayb dhaqankooda la fal-gasha.

 

Dhinaca kale waxaa si habqan ah oo naf lacaarinimo ah usoo gaadhaya magalooyinka caynaba iyo Burco iyo meelo kale ciidamo firxad ah oo aan dal iyo dadtoona aqoon oo anbad ah, iyagoo dib usoo qaadaya wadooyinka waaweyn.

 

Qaar ka mid ah ah ciidamadan duulaanka ah ayaan garanaynin meesha ay joogaan balse ay ka ahayd oo kaliya in wadooyinkaas ay gaynayaan meelo magaalo ah sida laga soo wariyey qaarkood.

 

Si kastaba ha ahaatee cashar lama ilaawaan ah ayey halkaas ka soo qaateen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Bad timing by Riyaale Kahin, however if what he had done is true which apparently he was accused of not listening to the orders of his superiors, then terminating his job duty is reasonable. Xataa Ciidanka Somaliland weelkii iyo koobabkii shaaha ayey gurteen ayey yidhaahdaan. Waar ileen been baa fara leh, waan jabinay lagaray laakin weelkii bay xadeen! :D

 

In addition, Mr. Duke, I am amazed that you never really admited that Somaliland had control of Dhahar, the Pland based sources were saying that was plain lies, how can we believe them now? Until you have full proves, pics that Puntland army has taken over the areas they previously lost, then we shall believe your claims.

 

Just to highlight some of the lies that Pland sources are puting not that Somaliland isn't its own, but this report quite top the list of unproffesional reporting which even a 2 year old child could see the propaganda read it with me.

 

 

Dhahar}15.04-7

Iyadoo intii muddo ah ay adkayd in la helo wararka saxda ah ee ku saabsan dagaaladii laysla galay ayaa waxaa hada soo baxaya warar ilo kala duwan aan ka helayno oo labada maamul ee somaliland iyo puntland ah, .............................

 

Warkan oo xaqiijinaya in ciidamadii somalilandta ahaa lagu soo jabiyey dhammaanba dagaaladii ay la galeen Ciidamda daraawiishta Puntland Dagaalyahanada Ciidamda daraawiishta Puntland ayaa ilo madax banaan xaqiijinayaan in ay si aad ah u jabiyeen ciidamadii Somaliland ee dulaanka ahaa, taasoo keentay inay haatan kala yaacaan .

 

sida uu sheegay wasiirka warfaafinta puntland waxaa laga dilay somaliland 5 askari iyadoo 2gaadhina laga gubay halka qaar kalena laga qabsaday waxaa intaas usii dheeraa in maleeshiyaadna maxaabiis ahaan looga haysto.

 

Dhimashada dadka rayadka ah ayaa la sheegayaa in ay kor u dhaaftay 3 ruux oo qaar kood ay yihiin caruur ka dib markii ay madaa fiicda goobta ee maamulka labaxay somaliland burbriyeen tuulooyin iyo meelo xoolo daaqeen ah oo kala gadisan dhamaan toodna ka tirsan deegaanka dhahar

 

Ciidamada somaliland ee dulaanka ah ayaa laga soo sheegayaa falal iyo dhaqamo xun xun oo gunnima ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhac isugu jira bililiqaysi iyo boob, iyagoon dhaafaynin xataa gogosha lagu seexdo iyo weelasha wax lagu cuno, sidoo kale kufsi ayaa lasoo sheegayaa, jir dilka iyo handadaada ayaa noqday qayb dhaqankooda la fal-gasha.

 

Dhinaca kale waxaa si habqan ah oo naf lacaarinimo ah usoo gaadhaya magalooyinka caynaba iyo Burco iyo meelo kale ciidamo firxad ah oo aan dal iyo dadtoona aqoon oo anbad ah, iyagoo dib usoo qaadaya wadooyinka waaweyn.

 

Qaar ka mid ah ah ciidamadan duulaanka ah ayaan garanaynin meesha ay joogaan balse ay ka ahayd oo kaliya in wadooyinkaas ay gaynayaan meelo magaalo ah sida laga soo wariyey qaarkood.

 

Si kastaba ha ahaatee cashar lama ilaawaan ah ayey halkaas ka soo qaateen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mujahid SNM. Control is relative your troops arrived in mass as the delegation moved on deeper. However when you made the claims on the airwaves Puntland & the locals responded by this blitz on your millitia and then you ran for it as has come to be your signiture of late.

Share this post


Link to post
Share on other sites

yah yah, burn baby burn! now u ppl ask yourself why this war started after the pl leader came back from Adis.

 

time to retire puppets on strings!! somaliyee tuusoo, tuusoo isku tiirsda...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You love conspiracy theories. Anyhow this started when the secessionists thought Puntland was weaker because of the millitary moves in the south. Well they were wrong.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khasaaraha Dhabta ah ee Soo Gaadhay maleeysiyaadka Soomaalidiidka

 

Dhahar April 15 Khasaaraha Dhabta ah ee Soo Gaadhay maleeysiyaadka Soomaalidiidka ayaa aad looga dayrinayaa inay kala kulmeen waxaanay filayn taasoo sababtay xataa in wasiiradii halkaa tegay qaar ay ku waayaan jagooyinkoodii sida wasiirkii gaashaandhiga.

 

iyadoo ilaa iyo hadda aan aad loo xaqiijin karin khasaaraha labada dhinac ka soo gaadhay dagaalkii shalay dhacay ayay hadan inta badan waxaa soo baxaaya in dhinaca ciidamada duulaanka ahaa uu soo gaadhay khasaare gaadiid iyo ciidanba ah sidoo kale dadka reer miyaga ah ee dhahar iyo baraagaha qol ayaa ilaa iyo gabal dhicii axadda soo hellay maleeysiyaad hadfay oo snm ah iyo dhaawcyo soolka jiifa kuwaas oo loo gudbiyey dhakhtarka magaalada dhahar.

 

Dhinaca kale casar gaabkii galabta ayaa naloo xaqiijiyey in tuulada Biyo gaduud in lagu aasay mayd ka kooban 8 qof oo ay siteen maleeysiyada haregysa islamarkaana labo gaadhi oo dhaawac ahna si toos ah loogu gudbiyey dhinaca Galbeed ama burco.

 

Mar aanu radio laascaanood xidhiidh la sameeyey dad ku sugnaa tuulooyinka u dhoow aagagii dagaaladu ka dhaceen ayay noo xaqiijiyeen in saaka ay maleeysiyada snmtu ay afduubeen wiil dhalin yaro ah oo xagaafka lugaynaayey wiilkaas oo lagu magaacabi jiray Amiin Cabdi Faarax ( inna cabdi xoogsade ) *********** reer taleex.

 

Wiilkaan ayaa la sheegayaa inay u afduubeen curaar ahaan si ay ugu gor gortamaan maxaabiista lagaga qabtay malaysiyadooda ee ciidamada daraawiishta puntland ka hayso snmta ilo kale oo xogogaal ah ayaa sheegaaya inay jiraan dad kale oo reer miyi ah oo ay afduubeen.

 

 

Dhinaca gaadiidka khasaaraha soo gaadhay maleeysiyada snm ayaa la xaqiijiyey in ay qirteen sadex gaadiid ah oo la la,yahay ragii saaraa iyo gaadiidkiiba

Rlaascaanood1@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this